SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Ref:DIJHRO-00731/07      October 28, 2007:

  Warsaxaafadeed -Xarunta Dr.Ismaaciil Jumcaale  

Xarunta Dr.Ismaaciil Jumcaale ee Xuquuqda Aadamiga waxay aad uga xun tahay isla markaana walwel iyo walaac ku haya xaaladaha nabadgelyo daro iyo Dagaalada ka jira Magaalada Muqdisho, 27-ka October 2007, Dagaalkii dhacay  oo u dhaxeeyey Ciidamada Dowlada Fedraalka KMG ah iyo Ciidamada Dowlada Itoobiya oo dhinac ah iyo Kooxaha ka soo horjeeda ayaa waxaa ka dhashey khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac, barakac, burbur hantiyeed iyo argagax aad u weyn oo soo gaarey dadka rayid ah ee aan waxba galabsan ee lagu duldagaamey deegaanada ay dagan yihiin, dadka dhintey waxaa ka mid ah Maxamed Cabdi Ibraahim oo ka mid ah macalimiinta machadka simad isla markaana ahaa madaxa qaybta Business Administration-ka oo lagu diley gudaha machadka simad iyo Liibaan Xuseen Cali oo lagu diley xaafada xamar jadiid.  

Waxaa kaloo Xarunta Dr.Ismaaciil Jumcaale welwel ku abuurey isla markaana ay aad uga xun tahay Dagaalka ka dhacay 27-kii October 2007 Magaalada Marka iyo Deegaanka Buufoow oo ka wada tirsan Gobolka Shabeelada Hoose, Dagaalkaas oo dhexmarey Ciidamada Melatariga iyo kuwa boliiska iee dowlada Fedraalka KMG ah iyo waliba maleeshiyooyin madax banaan, dagaalkaas ayaa waxaa ka dhashey khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac soo gaarey dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.  

Dhamaan Dagaaladaas argagaxa leh ee ka dhacaya soomaaliya ayaa waxay xadgudub weyn ku yihiin;Shareecada Islaamka, Xeerarka Soo Jireenka Ah Ee Dhaqanka Soomaalida, Axdiga Fedraalka KMG ah Iyo Baaqa Caalamiga Ee Xuquuqda Aadamiga Qodobkiisa 3-aad Oo Leh: Qof Walba Wuxuu Xaq U Leeyahay Inuu Ku Noolaado Nabadgelyo Iyo Xorriyo 

Xarunta waxay ka codsaneysaa dhamaan dhinacyada dagaalamaya iney si sharuud la’aan ah u joojiyaan xabada, wixii khilaafaad siytaasadeed ah ee u dhaxeeya lagu xaliyo wada hadal nabadeed. 

Ugu danbeyntii Xarunta Dr. Ismaaciil Jumcaale ee Xuquuqda aadamiga waxay aaminsan tahay inaan cidina xoog wax ku noqon Karin oo ay mar’uun qasab noqon doonto in la wada hadlo, marka hadda intaan dadka iyo dalkaba aan la siidabargoyn lana sii horseedin xadgdubyo dhan ka ah xuquuqda aadamiga waxaa haboon in laysku tanaasulo, lana fiiriyo dhibaatooyinka gaaraya dadka shacabka ah. Waxaa in hoosta laga xariiqo mudan in hadda loo baahan yahay dib u heshiisiin run ah oo dhexmarta qaybaha isku haya talada dalka soomaaliya, bulshada caalamkana waxaa la gudboon in ay xaqiiqda wajahaan oo ay shacabka soomaaliyeed ku kaalmeeyaan gaarista dib nabad waarta oo ka hana qaada gayiga soomaaliya. 

GUDOOMIYE KU XIGEENKA XARUNTA

Dr. Salaad Jumcaale Cossoble


 
Muuse Maxamuud Jiisow

musejisow@hotmail.com

Muqdisho Somaliya 

025215576666

002521653623

 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 30, 2007


XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY: Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan sano (1936-1941)

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com