SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDDI
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print



May 27, 2007: Itoobiya oo Calanka ay xiddigta shanta geesd ah dhex gelisey ka taagtey Muqdisho.... GUJI...

The rise and fall of Mogadishu's

Qaabkii ay u dhacdey istiqlaaladii Geeddi iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka hadley...

Prof. Cali Maxamed Geedi “ogaada anigoo xildhibaan ah ayaan idiin la joogidoonaa”

Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa Xilkii Ra’iisul Wasaarenimo iska casilay kadib is jiid jiid iyo qalaanqul dheer oo dhexmaray isaga Madaxweynaha DFKM Col. C/llaahi Yuusuf, taasoo ay ku sheegeen labada mas’uul khilaaf dastuuri ah, is casilaada Geedi oo timid kadib markii uu laba safar isxiga uu ku tagey dalka Ethobia , ayaa  iscasilaadiisa Ra’iisul wasaarenimo Geedi  waxaa kasoo qayb galey Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka, ku xigeenadiisa iyo Xildhibaano gaaraya 200. 

Prof. Geedi oo wajigiisa laga dheehan karay daal iyo mashquul siyaasadeed oo uu mudooyinkaan dhex maquuranaayey ayaa khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa ka jeediyey, hadii aan soo koobno khudbadiisa ayaa waxaa uu yiri: 

 “waxaa farxad iyo sharaf ii ah inaan hortiina soo istaago, iyadoo kalsooni iyo niyadsami ay ku dheehan tahay, waxaana jeclahay inaan hortiina ka cadeeyo in Baarlamaanka aan u hayo kalsooni weyn, waxaan ka cudur daaranayaa inaynaan deg deg go’aan uga gaarin doodihii iyo khilaafaadkii mudooyinkan jirey, inkastoo ay saldhig u tahay nidaamka kala dambeynta iyo dowlad wanaaga , inkastoo ay dowladu la kulan tay caqabado joogto ah oo aad u badan, waxaana aaminsanahay inaan ka guulaysanay dhamaanteen wixii la soo marey, in fasiraadaha Axdiga lagu doodaa ma ahan qalad iyo aaraa’a kala duwaanshuhuba” 

Ayuu ku yiri khudbadiisa isagoo sii wata ayaa intaa ku darey Soomaalidu iyo Afrikaanka kale hadii ay kala aragtiduwanaasho siyaasadeed ay soo kala dhex gasho oo ay isku dagaalaan uma badna, inay xalka raadiyaan, hase ahaatee waxaa haboon in Ummada Soomaaliyeed lootanaasulo, waxay Soomaalidu ay mudooyinkan la xasiliwaayeen waxaa ka  mid ah in qalbiyadooda aysan ku jirin wax tanaasulaad la yiraahdo, manta waxaan rabaa dhaqan cusub inaan u bilaabo Baarlamaanka, inaan u tanaasulo danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, tilaabtani waxay ka mid tahay dibu-heshiisiinta geedi socdka nabada, inkastoo dadka qaar aysan garaneynin, DFKMG waxaa u yaala waajibaad aad u adag iyo dadaal dheeri ah, mudada dowlada u hartey waxaa horyaala in dowlad goboleedyadii la hirgeliyo iyo dastuurkii dalka, in la tirakoobo dadka Soomaaliyeed, in la fuliyo Aftida shacabka Soomaaliyeed iyo in la gaarsiiyo dalka Soomaaliyeed doorashooyin xor ah, hawshaasi waa hawl aad u culus oo la doonayo in laga wada shaqeeyo, hawshaasina waxay daliil u tahay in Soomaalida oo dhan aysan guulaysan Karin, hadii aan beesha caalamka gacan laga helin, waxaadna la socotaan in dalka Soomaaliya uusan wali degenayn amnigiisu uusan wali qurxooneyn”.  

Prof. Cali Maxamed Geedi wuxuu kaloo xusan qaabkii uu u soo maray inuu xilka iska wareejiyo, isagoo arimahaasi xusaya waxaa uu yiri “Xaalada Soomaaliya markaan arkey waxaan tagey meelo kala duwan , anigoo la tashanaaya dadka saaxiibadeyda ah, waxaana igu kalifay markaan arkey in caalamku uu naga jeesan rabo, mudane gudoomiye iyo madanayaal waxaad ogtihiin inaan mas’uuliyada qaadney,u dhaaranay  waajibaadna uu na saran yahay, DFKMG dowladihii ka horeeyey marka loo fiiriyo dowladihii ka horeeyey waa mida kasbtey kalsoonida caalamka, waxaana loo hurey naf iyo maal hadafkaas isag ah,  waxaan doonayaa inaan gacan ka geysto dalka horumarkiisa, waxaana u soo shaqeeyey dalka iyo dadka anagoo geed dheer iyo geed gaaban u korne ka miro dhalinta hadafka aanu leenahay, saacado ka hor ayuu iga aqbaley madaxweynaha istiqlaalada waa uuna iga aqbalay aad ayuu u mahadsan yahay, waxaan rajeynayaa in madaxweynaha iyo Baarlamaankuba ay u hawlgalaan Ra’iisul Wasaarihii igu xigi lahaa oo aan xilka ku wareejin lahaa, mana ahan hawl fudud, laakiin hadii gacmaha lays qabsado waxaan qabaa anigu in deg deg loo helikaro, waxaana codsanayaa in lay cafiyo dhamaantiin  wada shaqeyntii na dhexmartey awgeed, waxaan balan qaadayaa inaan nafteyda u horo dalka iyo dadka Soomaaliyeed anigoo muwaadin Soomaali ah, waxaan gebogebadii idiin sheegayaa inaan idiinla joogo, idiinla shaqeynaayo anigoo Xildhibaan ah dowrna ka ciyaaraya meel kasta dalka iyo dadka ay iiga baahdaan si aan ugu hawlgalo halgankeyga siyaasadeed. 


Geeddi oo is casilaya: Oct 29, 2007

Prof. Cali Maxamed Geedi Gunaanadkii khadbadiisa ugu mahadceliyey, Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo dhamaan mudanayaasha Baarlamaanka, iyo shacabka Soomaaliyeed ee taageerey mudadii uu xilka hayey, wuxuu keloo cafis ka dalbaday Wasiiradiisii la shaqeynayey, isagoo hadalo kaftan siyaasadeed ku tuuraayey, islamarkaana dhaliyey sacab iyo qosol mudo daqiiqado ah, waxaa uuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey inay u hagar baxaan dowlada, muujiyaana midnimada iyo walaaltinimada, sidoo kale waxaa uu u mahad celiyey dowladaha Soomaaliya saaxiibka la ah, waxaa uuna ugu baaqay inay dadaalkooda sii wadaan, waxaan keloo marna aan iloobi Karin shacabka Baay iyo Bakool sida hagar la’aanta ah ee ay ula shaqeeyeen dowlada ee taageero hiil iyo hooba la garabtaagnaa, wuxuuna hadalkiisa ku soo gebagebeeyey mudanayaal ogaada hada kadib Xildhibaan ayaan ahay, waxaana lagu sagootiyey sacab xamaasad leh.  

Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh.Aadan Madoobe oo madaxweynaha C/llaahi Yuusuf ku aamrey inuu soo magacaabo Ra’iisul wasaare cusub 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh.Aadan Madoobe oo isna khudbad gaaban ka jeediyey ayaa wuxuu yiri “waxaan u mahadcelinayaa Ra’iisul wasaare cali Max’ed Geedi, sababtoo ah Ummada Soomaaliyeed waxay is-weydiinayeen dhibaatada ka imaankarta waxa socdey maalmahaan, waana mid taariikhi ah oo Ummada Soomaaliyeed ay xusidoonto, waana tanaasulaad qiimo badan leh waa nin dadkiisa iyo dalkiisa u naxaayo waana u mahadcelinayaa, waxaa kaloo Gudoomiyaha Baarlamaanka uu madaxweynaha u soo jeediyey inuu soo magacaabo Ra’iisul Wasaaraha cusub”. 

Abdullahi Yusuf Ahmed
Waa sawir hore: Yuusuf iyo Geeddi oo gacmaha is haysta

MADAXWEYNAHA DFKMG C/LLAAHI YUUSUF OO KA HADLEY HOOLKA BAARLAMAANKA FKMG “qanyaremee, muuse suudi, jees, c/llaahi sh. ismaaciilki, , cismaan caato mee” 

Madaxweyne Col/C/llaahi Yuusuf oo isagana markiisa ka Hadley ayaa wuxuu yiri “waxaa halkaan iigu dambeysay maalin aad wada garaneysaan, intii aan imid wali ma imaan halkaan islamarkaana wax aan loo baahneyn halkaan kama dhihin, waxaan go’aansadey inaan dhexgelin dooda iyo is-garab yaaca socdey waxaa dhex joogey Madaxtooyada, maanta waxaan isugu nimid waa cadahay, Ra’iisul Wasaaraha wuxuu ii keenay Istiqlaalo waa ka aqbaley, waxaan jeclahay inaan halkaan ka iraahdo hadal kooban, saacadahaan dadka qaarbaa hadalada si kale wax ugu sheega, hadalkeyga wuxuu yahay:


C/laahi Yuusuf oo ka aqbalaya is casilaadi geedi

“anigoo ah Madaxweynaha DFKM ee JAMHUURIYADA SOOMAALIYA markaan helay ee aan arkey warqadii Istiqlaalada ee uu iisoo gudbiyey Ra’iisul wasaaraha, markii aan tixgeliyeykhilaafaadka siyaasadeed ee dalkeena haysta, markaan qiimeeyey dhibaatada amni e dalkeena, markaan aad ugu fiirsadey murankii badnaa kaasoo ahaa muran dastuuri ah, isagoo Jaatarka laga warwareegayey dowladu waqtigeeda waa dhamaadey, koleey aniga niyad ahaan colaad ma qabin ee waxaan qabay intaas in dowladu waqtigeedii dhamaadey, waxaan soo dhaweeyey Istiqlaaladii uu ii soo qadimey Ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geedi, isagoo ugu daneynaya dadka iyo dalka, waxaan maqlaayey in Ra’iisul wasaaruhu uu keenay Istiqlaalo oo aad adinkuna aqbasheen,waxaan jeclahay inaan u midowno mid kasta oo dhinac jireyba dalkeena iyo dadkeena, koleey anigu dhinac baan ahaa meeyey Ragii dhinaca kale ahaa Maxamed Qanyare Afrax meeyey, Muuse Suudi Yalaxoow, Axmed Cumar Jees, C/llaahi Sh. Ismaaciilkii Timaha cadaa mee, Cismaan Caato mee, manta waxaan idiin wadaa cafis iyo saamax, waxaan intaas ku darayaa ragii la shaqeyn jirey Ra’iisul wasaaraha ama ciidan ha ahaado ama shaqaale kaleba in manta wixii ka dambeeyaa ay dowlada ka tirsan yihiin, wixii ciidan ahaana ciidanmada ayey ka mid yihiin wixii shaqaale ahaana shaqaalaha ayey ka   mid yihiin, meel kasta aan ka soo jeednee waa xalay dhalay, xalay xagee looga yaqaanaa, waa Mudug, Mudug Bartamaha Soomaaliya ayey ku taalaa, waxay aruurisaa dhaqanka Soomaalida, sow ma ogidiin ruux kasta oo jago sare soo qabta inuu leeyahay sharaftiisa markuu xilka ka dego, hadaba Cali Maxamed Geedi Sharaftiisa ayuu huwan yahay waana Xildhibaan Baarlamaanka ka tirsan, waana inaan ku darsanaa. 

Maxamed Macallin Cismaan{All-man}Somalitalk baydhabo.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 30, 2007

galayr(Oct 28) waxay ku beegnayd markii baarlamaankii KMG uu kalsoonidii kala laabtay Cali Khaliif Galayr, kaddibna uu aqbalay go'aankaas, xilkana si nabad ah ku wareejiyey... Akhri qormadii–Oct 28, 2001

GeeddiOct 29, 2007: Geeddi oo is casilay
Cali Maxamed Geeddi oo maanta dib ugu soo laabtay Baydhabo ayaa shaaca ka qaaday in uu is casiley Akhri...

Banaanbaxyo Rabshado Wata Oo Ka Dhacay Muqdisho
iyo magaalada Muqdisho oo xaaladeedu cakiran tahay

Aqoon isweydaarsigii u socdey Xoghayeyaasha joogtada 31-ka wasaaradood ee FKMG oo go’aano isla gaarey
iyo hadalkii Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliiska DFKMG

xaraareQaybtii 2aad: Waraysigii Wasiirka Batroolka
C/llaahi Y. Xaraare: "Baloogyada Soomaaliya loo qaybiyey inta diyaarsan waa 46-Baloog oo dhulka ah, iyo xeebaha oo ah 13 Baloog"
Akhri waraysiga oo dhan...

Qoraal ka soo baxay Guddoomiyaha Ururuka DDP
ku saabsan xaaladda Laascaanood...

NEWSWaraaq Cadeeneysa in Raysulwasaaraha DFKMG uu Biraha Yaala Dekeda Muqdisho Siiyey Shirkada Al Shuweib...

galayr(Oct 28) waxay ku beegnayd markii baarlamaankii KMG uu kalsoonidii kala laabtay Cali Khaliif Galayr, kaddibna uu aqbalay go'aankaas, xilkana si nabad ah ku wareejiyey... Akhri qormadii–Oct 28, 2001

Dahabshiil oo lacag gudoonsiisay dugsiga Sheekh Cali Jowhar ee Borama.  - Warbixin... Oct 28

Dagaallo ciidammada gumaysiga lagu jabiyay
iyo Waxyeellooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha.

Magaalada Qardho oo lagu qabtay kulan looga hadlayo difaaca DGPL..
Magaalada laascaanood ayaa degganad Sabtidii...
Marka: Sarkaal sare ku geeriyooday iska horimaadkii..
Baaqnabadeed: Isimada &Waxgaradka Beesha Harti Waamo
Halkan ka akhri....

Xarunta Baarlamaanka FKMG oo laga cabsi qabo inuu ka Dhaco iska Hor imaad dhiig ku daato
wararka ugu dambeeyey ee ka imanaya Baydhabo....

Baarlamaanka DFKMG oo u muuqda in uu noqdo mar kale labo garab
.Cali Max’ed Geedi oo beeniyey in qalab dekedda leedahay..
.Ciidamo Itoobiyaan ah oo fara badan oo soo gaaray Xamar 
.Qarax lala beegsaday ciidamada Itoobiya...
.Geedi oo loo ballanqaaday in la siinayo..
.Askari Itoobiyaan ah oo dilay gabar Soomaaliyeed oo isna..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Oct 27

Shir Jara'id: Isbahaysiga Dib u Xoreynta Soomaaliyeed
Qoraal ka kooban sagaal qodob.....

Dhismaha Jidka Isku xiriiriya Boorama iyo Dilla
Ururka ARNA oo ka shaqeyn doona dhismaha wadada isku xirta Dilla iyo Borama oo lagu dhawaaqay Akhri

gediBaarlamaanka Baydhabo ma is casili Doonaan haddii Amar Toos ah kaga yimaado Zenawi..
Faallo Kooban: Khamiis: Oct 25, 2007:

saalaxWasiirka Warfaafinta Puntland oo Qummaati uga jawaabi waayey su'aalo la weydiiyey
Waraysi uu la yeeshay Radio Australia Dhegeyso

allmanMagaalada Baydhabo oo Marti Gelinaysa Maxkamadeyn Culus
Qormadii Maxamed "Allman"... Akhri..

muqdishoMUQDISHO: Gabay Cusub (maqal iyo qoraal)
300 oo habeen kaddib markii ay ciidamada gaashaanbuurta dulmiga soo galeen Muqdisho... Gabay: Maqal & Qoraal

ururMinnesota oo Looga Dhawaaqay Urur Cusub
Kulanka Sabtidii lagu qabtay Minnesota ayaa lagu magacaabay ururka.... Akhri

swissProfessor Gaandi: Qabiil wax macna ah ma laha, waa shay la abuuri karo, baabi’ina kara: Kulan Sabtidii lagu qabtay Switzerland ayaa... Akhri...

GudoomiyeMadaxweynaha DFKMG oo xilkii ka qaaday Gudoomiyaha Maxkamadda sare
iyo Baarlamaanka Federaalka KMG oo cod u qaaday ajandaha in... Akhri...

Kacdoonka Laascaanood: Wasiir SL oo ka hadlaya

 


XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY: Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan sano (1936-1941)

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com