SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Banaanbaxyo Rabshado Wata Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Dibad baxyo rabshado wata ayaa hareeyey guud ahaan magaalada caasimada muqdisho kuwaasoo ay dhigayeen dad aad u caraysan islamrkaana diidan joogitaanka ciidamada ethiopia iyo weliba siyaasada dowlada KMG ah .

Dibad baxayaasha ayaa ku gubay wadooyinka waaweyn ee magaalada muqdisho taayiro ,baco iyo waxyaale kale iyadoo ay ku dhawaaqayeen allaahu akbar ,doonimayno doolar qaate ,doonimayno gumaysi axmaaro ,iyo weliba erayo ka dhan ah joogitaanka ciidamada ethiopia ee ku sugan soomaaliya .

Sidoo kale dadka banaan baxayey oo gaarayey kumanaan dad ah oo isigu jiray shacabka qaybihiisa kala duwan ayaa wadooyinka sodonka ,wadada wadnaha ,wadada maka almukarama ,wadada umada ,wadada wershedaha iyo weliba badanaaba wadooyinka caasimada muqdisho socod dheer iyagoo watey astaanta calanka umada soomaaliyeed oo lagu yaqaanay calan buluug ah oo astaanta xidigta dhexda ku leh .

Banaan baxyadan oo ay ka dhasheen rabshado gaystay dhaawacyo ayaa dibax baxayaashu waxay galeen saldhiga ciidanka booliska dowlada KMG ah ee degmada hodan halkaasoo ay dab qabadsiiyeen islamrkaana cagta mariyeen ,wax alle waxii yaalay ee gabaka ciidamada dowlada KMG ah ee deganaa halkaasi .

Dhinaca kale ciidamada ethiopia ee ku sugan xaafada xamar jadiid ayaa dadkii banaan baxayey ku furay rasaas halkaasoo ay ku dhaawaceen ilaa 3-qof iyadoo sidoo kale ay ku toogteen wiill dhalinyaro ah oo xiligaa iskujeeni qaarey calanka soomaaliya kadibna ay toogteen ciidamada ethiopia .

Iskusoo wada duuboo xaalada magaalada muqdisho oo aad u kacsan iyadoo marba marka kasii dambaysan kasii daraysa islamrkaana ay maalintii shalay ahaydna ay ka dheceen dagaalo ka fool kafool ah oo faraha laysula tegey taasoo lagaga diley ciidamada ethiopia sida ay goob joogayaal saxaafada u sheegeen ilaa 7-askari halka ay ay ciidamada ethiopiana ku xasuuqeen dad ka badan 8-qof oo rayid ah .

 

yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiinfaytin@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 29, 2007

Somaliland turns from Hope to Despair


XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY: Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan sano (1936-1941)

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com