SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO

  • Aqoon isweydaarsigii u socdey Xoghayeyaasha joogtada 31-ka wasaaradood ee Xukuumada FKMG oo go’aano isla gaarey. 
  • Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliiska DFKMG Axmed Taajir “Xabada uun baa lagu kala horeeyaaye wax  kale ma ahan…, ciidan u caqli ah Xildhibaano, Siyaasiin ama Beesha ay ka soo jeedaan,     ciidan ma ahan” 

Aqoon isweydaarsigii u socdey Xoghayeyaasha joogtada 31-ka wasaaradood ee Xukuumada FKMG oo go’aano wax ku ool ah isla gaarey. 

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha DFKMG Md. Cali C/llaahi Cosoble oo goob joog ka ahaa aqoon isweydaarsi u socdey xoghayeyaasha joogtada 31-ka Wasaaradood ee Xukuumada FKMG ayaa looga doodey mabaadii’da ay ku shaqeynayaan NGO’s-yada caalamiga aha ee ka hawlgala dalka Soomaaliya, waxaana laysla gartey dood dheer kadib in sida hada ay ku shaqeynayaan aysan wax dan ah ugu jirin dalka iyo dadka Soomaaliyeed, iyagoo ku sababeynaaya dhowr arimood sida;- 


Cosoble oo hadlaya

1-Maalgelinta loogu talagaley dalka Soomaaliya ayey jidgooyo u sameystaan, islamarkaana samada sare ayey ku dubtaan, iyadoon wixii loogu talagalay aysan soo gaarin dalka Soomaaliya, wax la taaban karo oo ay qabteena aysan jirin. 

2-intooda badan waxay dalka  joogaan 20 Sano, iyagoo ku mar marsiyoonaya Baahida iyo la dagaalanka Gaajada, hase ahaatee baahidii iyo gaajadii waxay gaartey sidii markii hore ay joogtey meel ka sii fog oo ka sii liidata, hadana ma muuqato hab qorsheysan oo ay wax uga qaban karaan dalka Soomaaliya.  

3-waxay dalallkood kala  yimaadeen siyaasado aan ku habooneyn dalka iyo dadka Soomaaliya, waxayna dalka ku dabaqayaan mabaadii iyo khilaafsan xaalada dhaqan dhaqaale iyo mabaadii’da dalka Soomaaliya. 

4-waxayna dhinac maraan Aqoonta, Farsamada iyo waayo aragnimada Bulshada Soomaaliyeed, iyagoo u ol oleynaaya dhaqanka iyo farsamada ay wataan. 

5-Qaar ka mid ah Hay’adahaan waxay dhulka wax soo saarka leh ku qaybiyaan Raashiin tayadiisa aysan fiicnayn, islamarkaana waqtigiisa dhacay, marka la gaaro xiliga dalaga uu soo go’aayo, iyagoo ujeedadoodu tahay in wax soo saarka dalkeen ay la dagaalamaan, arintaas darteedna waxaa ka haajirey deegaanadii wax soo saarka lahaa boqolaall kun oo Beeraley ah oo macaash ka waayey dalag yadii ay beerteen, si ay ugu xeroodaan xerooyinka masaakiinta lagu quudiyo. 

6-qaar ka hay’adahaan waxay ku marmarsiyoodaan in dadka ku soo qaxay magaalooyinka ay wax u qabtaan, hase ahaatee daraasad ay sameeyeen xubnahaan waxay ku ogaadeen, inaysan jirin wax ay ka helaan, taasina waxaa daliil u ah bey yiraahden dadka ku xareysan xerooyinka Baydhabo. 

Ugu dambeyntii waxaa laysku raacay in dhamaan NGO’s-yada ay la shaqeeyaan Wasaaradaha ay khuseysto hawlahooda, qorshaha wax qabadkooduna uu noqdaa mid lala og-yahay, wixii dhibaato oo ay geystaana Maxkamad ayaa lagu geynayaa meel kasta oo ay tagaan, mudo kasta oo ay qaadataba. 

Hase ahaatee arintaan ayaa ku soo aaday xili DFKMG mas’uuliyiinteeda uu u dhexeeyo khilaaf aad u weyn, islamarkaana u eg mid faraha ka baxaysa dhoodhoobkii madoobaa oo ay ku nafwaayeen kumanaan dadyow kala duwan oo aan isku ujeedo ahayn laga soo bilaabo dabayaaqadii Bishii Dicembar 2006-da ilaa iyo xiligan, mana muuqato xal looga gudbi karo arintaas, hadii aan la helin aragti  mideysan oo lagu bedeli karo, wajiyadaan sii kala fogaanaya.

Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliiska DFKMGAxmed Taajir “Xabada uun baa lagu kala horeeyaaye wax  kale ma ahan…, ciidan u caqli ah Xildhibaano, Siyaasiin ama Beesha ay ka soo jeedaan,     ciidan ma ahan” 

Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliiska DFKMG S/guuto. Axmed Cabdi Xaashi {Axmed Taajir} ayaa jawaabo kulull ka bixiyey qaar ka mid ah ciidamo lagu tababarayey Dugsiga labaatan jiroow oo soo faaruqiyey halkaas, kuwaasoo tiradoodu gaareyso 273, kadib markii halkaasi ay kula kulmeen arimo ay ku sheegeen haybsooc waa sida hadalka ay u dhigeen taliye ku xigeenka ciidamada Booliiska isagoo arimahaasi ka jawaabaya   ayaa wuxuu yiri 

 “ciidan u caqli ah Xildhibaano, Siyaasiin ama Beesha ay ka soo jeedaan, ciidan ma ahan, ciidan hadii uu cabasho uu qabo dariiq uu maro ayuu leeyahay, kumana fiicna ninka ciidanka ah, arintaasina aad I weydiiseen hadii an jawaab idin ka siiyo wuxuu isugu jirey laba Guruub, ciidan Dareyskiisa qaba oo ka yimid Carmo iyo Ciidan aan dharkii ciidanka aanu sidan buu isugu jirey, Xamarna waxaa ka jirta xaalad dagaal oo gurmad u baahan, waxaa la amrey inta ciidanka ee dharka qaba la  dedejiyo, inta kuwa kale dharka looga raadinayo, waxaana soo armey Taliyaha Ciidamada Booliiska S/G/ Cabdi Xasan Cawaale {Qaybdiid}, anaguna sidii baanu yeelney, kuwa kalena waxaa loo raadinayaa dhar ee ma ahan hayb kala sooc waana wax laga Af-miishaareynayo, sababtu waxaa weeye Qolo dhar bay qabtey kuwana dhar la’aan bey ahaayeen, kuwii kale maanta ayaa la qaadey”. 

Mar la weydiiyey Taliye maadaama aad sheegtey in dhar loo raadinayo oo la oo qaadey kuwii dharka haystey sow ma aysan ahayn in isku shaandheyn lagu sameeyo?. 

Waxaa uu ku jawaabay S/G.Axmed Cabdi Xaashi “Go’aanka iyo talada waxaa iska leh Taliska Ciidamada Booliiska, ee nin dhar uu hore u qabey oo uu ku dhididay inta laga bixiye wax suuragelayo ma ahan, caafimaad ahaana ma fiicna, cabashadu meel walba way iska jirtaa waana wax dalka yaala, runtii cabashadu aniga kama jawaabi karo, waayo wax jawaab ah malahan, hadii aysan ku jirin wax hub iyo wixii la mid ah, laakiin waxaan qabaa waa loo dadaaley Ragaas meesha ku jira”.  

Sidoo kale mar la weydiiyey mala dhihikaraa xerooyinka ciidanka ayey saameyn ku yeelatey khilaafaadka u dhexeeya Mas’uuliyiinta sare ee dowlada?. Ayaa wuxuu ku jawaabey Taliye xigeenka ciidamada Booliiska DFKMG Axmed Cabdi “idil ahaan wixii siyaasad ah oo loolan ka dhexeeyo ee dalka, wax shaqo ah oo aan ku leenahay ma jirto, anagu ciidan baanu nahay, khilaafka siyaasiintu inuu saameeyo ciidanka arintaasina angu wax noo yaal ma ahan, Ciidanku waa ciidan dowlad alaale dowladii jirta ayaanu la shaqeynaynaa,ciidankaasina waa la qaadeyaa, amarku waxaa weeye in maanta la uruuriyo oo Xamar la geeyo kuwa kale waxay uga dambeeyeen in dharkoodii loo raadiyo ayey ahayd, warkaan kale ee la shubaayana waa wax Af-miishaar nimo ah, Xabada uun baa lagu kala horeeyaaye wax  kale ma ahan ayuu yiri sareeye guuto Axmed Cabid Xaashi, mar la weydiiyey waxa xalka uu noqonayo. 

Hase ahaatee ciidamadaan soo faaruqiyey halkii lagu tababaraayey ayaa waxay lug ku yimaadeen magaalada Baydhabo iyadoo ay ka muuqatey daal iyo rafaad ay soo mareen, intii ay dhexda soo socdeen ayaa waxaa ay la kulmeen  Roob  ka da’ay shaley hareeraha Magaalada Baydhabo, waa sida ay sheegeen islamarkaana ka muuqatey qoyaan dharkii ay wateen, waxayna sheegeen in lagu sameeyey hebsooc. 

Ciidamadaan ayaa waxay cabasho ku hor sameeyeen Hoteel Bakiin ee Magaalada Baydhabo, iyagoo ka cowdey arimo badan oo aas aasiyaadka bani’aadamku u baahan yahay iyo arimo la xiriira dhinaca ciidamada hawlahooda.  

Laakiin arintaan ayaa waxay keenaysaa dhibaato aad u weyn hadii aan wax laga qaban waxyaabaha ay u baahan yihiin ciidamada qalabka sida ee DFKMG, waayo Askari in mudo ah tababar la soo siiyey, islamarkaana aan la jiheyn hawlihiisa sharc wuxuu geysan karaa in dib bulshada ugu noqodo isagoo caraysan, islamarkaana kula dhaqamaaya dhaqan ciidameedkii lagu soo tababaray, wuxuuna dilikaraa intii uu hore u dhaawici jirey mid ka badan, waxayna noqonkaraan awood gooni isu taagta oo ku bahalowda Ummadii loo tababarey sida ay dhacdey dowladii militeriga ee hore taasoo ciidamadeeda iyo saraakiishooda ay noqdeen Hogaamiye Kooxeedyo iyo kuwo Beelo  hogaamiya isu bedeley.

Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 29, 2007

Somaliland turns from Hope to Despair


XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY: Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan sano (1936-1941)

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com