SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QORAAL

Qoraal ka soo baxay Guddoomiyaha Ururuka DDP

        Waa yaab.

Gudoomiyaha Ururka la yidhaahdo DDP (Darwish Democratic Party), oo ay kuwa kalagoa’ Ummadda Soomaaliyeed ku riyooda iyo waxii u adeega ay aad u yaqaaniin ayaan waxaan aamusnaadaba maanta baaqan soo saaray.

Waxaan aqoon yahanada waaweeyn (scholars), odayaasha, wax garadka Soomaaliyeed ee deeganada Awdal, Burco, Berbera, iyo Hargeesa ba beesha ee nalasoo xiriiray ee noo sheegay in ay ka xunyihiin falka Ina Riyaale. Waxaan u celinaynaa amaan iyo mahadba.

Waa yaab in calooshood ushaqeeystayaasha la yiri waa u dhasheen Deegaanadaa Sool, Sanaag, iyo Cayn in ay Dalkii gacanta ka bixiyeen, waxaa se ka yaab badan in SNM garan waayaan in laqabsankaro meel, balse ay hilmaansan yihiin in aan lahaysankarin.

Waa yaab in Ina Riyaale uu abaabulo dagaal Laascaadood ku wajahan, waxaase kasii yaab badan in uu ilaaway maalintii uu meelkale naftu aaminiwayday ee uu ku soo qaxay magaalada Laascaanood, maalintaas maxaad Hargeeysa ugu qaxiwayday hamoogaan. Hase yeeshee taas meeshay kuu taalaa.

Gudoomiyaha iyo tageerayaasha Ururka ee Sool, Sanaag iyo Caynba, waxaan ku baaqaynaa si nabad ah oo degdeg ah looga baxo oo lugu ekaado Xuduudii 1958kii, hadda kama hadlayo Xuduudii 1900kii ama tii 1896, waase dhicidoontaa haddi ILLAAH ogolaado. Waxaan marka horee ku baaqaynaa in arrintaas si nabad ah oo degdeg ah ay u dhacdo haddii ladiido si aad u culus bay ku soo noqonay saa.

Waa yaab ah in Ina Riyaale iyo maamulkiisa ay garan waayaan waxay garteen Prime minister His Excellence Mohamed Ibrahim Egaal (Moxamed Ibraahim Cigaal) and Ambassador Abdirahman Ahmed Ali (Cabdiraxmaan Axmed Cali) ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, Illah labadaa ba ha u naxariistee, ee ahayd Nabadd iyo deris wanaag.

Waxaase ka yaab badan in ay Beelaha (S/galbeed) ee cirifka isku hayaan Beesha Sool, Sanaag, iyo Cayn, garan waayaan nabadu waxay tahay.

Waa yaab in uu ku doono doorasho Dhiig leh, Waxaa se ka yaab badan kuwa sacabka ugu tumaya, mise ma ku helayaa.

Waxaan Dad waynaha Soomaaliyeed ee waligood aaminsanaa jiritaanka iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed u sheegaynaa in arrintano ay kamid tahay kasoo horjeedka in lahelo Dowladd Dhexe oo u adeegta jiritaanka Umadda Soomaaliyeed.  

Gudoomiye

Moxamed Xasan Moxamuud. 

Abgaalmn2008@yahoo.com   

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 28, 2007

Dhismaha Jidka Isku xiriiriya Boorama iyo Dilla
Booraama

Ururka ARNA oo ka shaqeyn doona dhismaha wadada isku xirta Dilla iyo Borama oo lagu dhawaaqay... Akhri..


XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY: Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan sano (1936-1941)

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com