SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORIYO

Barnaamijkii Radio Xoriyo
27 October 2007.
 
 
Dagaallo ciidammada gumaysiga lagu jabiyay
 
Waxyeellooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha.
 
Xildhibaano Maraykan ah oo Bush kala hadlay Ogaadeenya
 
Magaalada Jigjiga oo ayna laba ruux wada dhagaysan Karin idaacadaha ka hadla Ogadenya siiba BBC-da.
 
Gacanyarayaasha gumaysiga oo shirar beeleedyo ka wada Magaalada Dhagaxbuur.
 
 
======================        
 
 
Dagaallo ciidammada gumaysiga lagu jabiyay
 
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo dhawr ah oo dhex maray CWXO iyo kuwa maxaysatada ah ee gumaysiga Itoobiya, dagaalladaas oo waxyeello ba’an loogu gaystay ciidammada gumaysiga. Dagaalladu waxay u dheceen sidatan;
 
24/10/07 dagaal adag oo ka dhacay Duur-jabaabe, oo Garbo ka tirsan, waxaa ciidammada caga-jiidka ah ee guamysiga Itoobiya lagaga dilay 33 askari.
 
20/10/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar kadiso ah ciidammada gumaysiga ugu gaystay meesha lagu magacaabo Gol-habreed, oo Dhuxun ka tirsan, waxaana ciidammada gumaysiga weerarkaas lagaga dilay 3 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
18/10/07 dagaal adag oo CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhex maray meesha lagu magacaabo Laasa-guure, oo Shilaabo ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 43 askari.
 
Waxyeellooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha.
 
Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa waxyeellooyin isugu jira dil, xidhay iyo dhac u gaystay dadwayne rayad ah oo ku kala sugan gobollo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah.
 
24/10/07 waxay ciidammada gumaysigu Duur-jabaabe, oo Garbo ka tirsan, ku dileen 4 nin oo shacab ah. Nimankan ayay ciidammada gumaysigu dileen, ka dib markii dagaal halkaas ka dhacay jab ba’an loogu gaystay. Nimanka ay ciidammada gumaysigu halkaas ku dileen waxay kala yihiin;
1-    Maxamed Muxumed Haw
2-    C/nuur Muxumed Haw
3-    Tamaan Axmed Sahal iyo
4-    Xadiis Sh Maxamuud Cali
Waxay sidoo kale ciidammada guamysigu dhaawac gaadhsiiyeen nin kale oo lagu magacaabo Deeq oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin.
 
19/10/07 Labiyo, oo Sagag ka tirsan, waxay ciidammada guamsyigu ku dileen nin shacab ah oo lagu magacaabo Wali Maxamed Nuur.
 
21/10/07 Jeerinka, oo Fiiq ka tirsan, waxay ciidammada guamysigu jidhdil ugu gaysteen;
1-    Bashiir Ibraahim Yuusuf iyo
2-    Baddal Axmed
 
Isla 21/10/07 Sagag waxay ciidammada guamysigu ku xidhxidheen;
Sakariye Cabdi Xayi oo 70 jir ah iyo
Xaaskiisa oo iyaduna 50 jir ah oo magaceeda aanaan haynin. Labadan lammaane wxay wateen markii la xidhay Awr ay Carro ku siteen, kaasoo aan la ogayn meesha uu ku denbeeyay.
 
20/10/07 Laandheer, waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1-    Xadiis Dhagoole Cismaan
2-    Cabdi Kaabe Dhicis Cismaan
3-    C/kariin Aaden Muxumed iyo
4-    C/wali Axmed Khuuriye
 
19/10/07 Laandheer waxay ciidammada gumaysigu ku qasheen 8 Neef oo Adhi ah, waxaana kala lahaa;
1-    Macalin Carab Macalin Muxumed iyo
2-    Cabdi Caafi Bucul
 
Isla 19/10/07 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Iimey ku xidhxidheen dadwayne fara badan oo isugu jira xubno ka tirsan malleeshiyo Dabaqoodhi ah oo diiday hawlgalladii dagaal ee loo diray iyo dadwayne caadi ah, waxayna kala yihiin;
1-    C/rashiid Xasan Faarax
2-    Maanjuus Shukri Qaas
3-    Yusuf oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin
4-    Xadreeye Maxamuud Urur
5-    Halable Mahdi C/llaahi
6-    Siyaad Cabdi Yool
7-    Maxamed Halable iyo
8-    Yuusuf C/raxmaan.
Dadwaynaha kale ee isla maalinkaas lagu xidhxidhay magaalada Iimey waxay kala yihiin;
9-    Dabaashe Cabdi Jidhiye
10-                       C/raxmaan Cabdi Dhoof
11-                       Maxamed Haybe C/raxmaan iyo
12-                       Sahra Cabdi Goobe
 
Sidoo kale 19/10/07 waxay ciidammada gumaysigu jidhdil ba’an ugu gayasteen Labiyo, oo Sagag ka tirsan, dadka kala ah;
1-    Ismaaciil Sakariye Xaaji iyo
2-    Cabdi Saan
 
19/10/07 magaalada Sagag waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1-    Mahdi Ismaaciil Ducaale oo 77 jir ah
2-    C/llaahi Cabdi
3-    Xasan Daahir Cabdi Yuusuf
4-    Cabdi Muxumed Khaliif iyo
5-    Maxamed C/llaahi Cumar
 
19/10/07 Lix-irridoodka, oo gobolka Doollo ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen Awr u rarnaa nin lagu macaabo Sh Ibraahim Maxamed Jaamac. Awrkan waxaa ku rarnayd badeecad uu ninkani iska lahaa, taasoo ay ciidammada guamysigu boobeen, ka dibna ay Awrkii lagu wadayna dileen.
 
15/10/07 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Yucub ku xidhxidheen dadka kala ah;
1-    Barre Cabdi Mahdi iyo
2-    Bilaad Sh Daahir
 
12/10/07 Garbo waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1-    Ardi C/llaahi Ismaaciil
2-    Faadumo Duullane Xasan iyo
3-    Gorda Mahdi Cadaad
 
Dhinaca kale maalmihii denbe waxaa nawaaxiga Dhanaan lagu arkay Ayax aad u badan oo guuraya, kaasoo la sheegay inuu Jimcihii gaadhay nawaaxiga Hadhaawe. Ayaxan ayaa toddobaad ka hor lagu arkay degmooyin ka tirsan gobolka Doollo.
 
Xildhibaano Maraykan ah oo Bush kala hadlay Ogaadeenya
 
Xildhibaano badan oo ka tirsan Baarlamaanka waddanka Maraykanka ayaa ka codsaday madaxwaynaha Maraykanka in la wada-hadalsiiyo ONLF iyo xukuumadda Itoobiya, kuwaasoo madaxwaynaha ka dalbay in la joojiyo xasuuqa ay ciidammada Itoobiya ka wadaanka dalka Ogaadeenya.
 
Xildhibaannadan ayaa sheegay in xadgudubyo badan oo xuquuqda aadanaha ka dhan ah laga soo sheegayo Ogaadeenya, isla markaana ay xukuumadda Itoobiya ururradii caalamigi ahaa oo dhan u diidday inay Ogaadeenya tegaan, sidaas darted waxay madaxwayne Bush ka codsadeen inuu tallaabo degdeg ah oo dhibaatooyinkan lagu soo afjarayo qaado.
 
Xildhibaanadan ayaa maalintii khamiista ahayd ee taariikhdu ku beegnayd 25/10/07 warqad dheer u diray madaxwaynaha dalka Maraykanka George W Bush, waxayna  madaxwaynaha ka codsadeen qodobo dhawr ah oo ay ugu muhiimsan yihiin in xukuumadda Itoobiya ay oggolaato in hay’adaha gargaarku ka hawlgalaan Ogaadeenya, isla markaana ammaanka shaqaalahooda la sugo iyo inuu madaxwaynuhu si shakhsi ah Meles Zenawi uga codsado inuu oggolaado in Ogaadeenya loo diro guddi madaxbannaan oo Qaramada Midoobey ka socda, kaasoo si madaxbannaan oo aan carqaladi ku jirin u soo baadha xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee laga soo sheegayo Ogaadeenya.
 
Waxay kaloo xidhibaannadu madaxwaynaha ka dalbeen inuu amar ku siiyo wasaarada arrimaha dibada ee Maraykanka inay ka sahqayso sidii loo wadahadalsiin lahaa ONLF iyo xukuumadda Itoobiya, si dhibaatada Ogaadeenya loogu helo xal kama denbays ah. Xildhibaannadu waxay sidoo kale madaxwaynaha Maraykanka ku adkeeyeen inuu xukuumadda Itoobiya waydiisto inay xabbad-joojin ku dhawaaqdo.
 
Xidlhibaannadani waxay kaloo madaxwaynaha aad ugu adkeeyeen in dowlada Maraykanku ay joojiso dhammaamba tababarrada ay saraakiisha Maraykanku siiso ciidammada Itoobiya, mar haddii ay qayb ka yihiin xadgudubyada loo gaysanayo dadwaynaha raaydka ah ee Ogaadeenya.
 
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa jimcihii soo saartay bayaan ay ku soo dhawaynayso codsigan ay xildhibaanada Maraykanku u direen madaxwaynaha Maraykanka, waxayna Jabhaddu mar kale xustay sida ay diyaarka ugu tahay inay wadaxaajood siyaasadeed la gasho xukuumadda Itoobiya haddii wadaxaajoodkaas lagu qabanayo waddan dhexdhexaad ah, garab dhexdhexaadiya ahna uu goobjoog ahaanayo, isla markaana aan wadaxaajoodyada lagu xidhin shuruudo hordhac ah.
 
 27 October 2007
 Axmed Gaal-Eri
 
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmahaa Talaadada & Sabtida  7:00PM – 7:30  waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 28, 2007

Dhismaha Jidka Isku xiriiriya Boorama iyo Dilla
Booraama

Ururka ARNA oo ka shaqeyn doona dhismaha wadada isku xirta Dilla iyo Borama oo lagu dhawaaqay... Akhri..


XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY: Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan sano (1936-1941)

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com