SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL

  • Magaalada Qardho ayaa lagu qabtay kulan looga hadlayo difaaca DGPL..
  • Magaalada laascaanood ayaa xiligan degen .
  • Sarkaal sare iyo dad rayid ah oo ku geeriyooday iska horimaadkii saakay ka dhacay deg. Marko .
  • Isimada Iyo Waxgaradka Beesha Harti Waamo Oo Baaqnabadeed Kasoo Saaray Xiisada Ka Jirta Laascaanood

Magaalada Qardho ayaa lagu qabtay kulan looga hadlayo difaaca DGPL..

Waxaa maanta deg Qardho ee xarunta gobolka Karkaar lagu qabtay kulan balaaran oo ay ka soo qayb galeen wasiiro, duqay ,saraakiisha ciidamada iyo maamulka gobolka iyo degmada iyo dadweyne fara badan

Kulankan ayaa waxaa shir gudoominayay wasiirka dawladaha Hoose iyo horumarinta gobalada Md Cali Cabdi Awaare isla markana ah gudoomiyaha guddiga abaabulka gobolka Karkaar

Wasiirka oo ugu horayntii ka hadlay kulankan ayaa waxaa uu ka qayb galayaasha uga warbaxiyay qaabkii uu ku bilaabmay duulanka garadarada ah ee maamulka Hargeysa uu ku soo qaaday gobolka Sool iyo ula jeediyoonka ka damaysa
duulankas ,isaga oo sheegay in maamulka Hargeysa uu doonayo inuu Somaliya dib ugu soo celiyo dagaaladii sokeeye ee Somaliya la degay

Waxana uu sheegay in ay in Puntland ay ka go'an tahay in ay shacabkeeda iyo degaanadeeda ka difaacdo duulaanka gardarada ah ee uu wado maamulka Hargeysa

Waxana uu ku booriyay ka qayb galayasha in ay si buuxda uga qayb qaataan difaaca Puntland

Sidoo kale dhamaan xubnihi kale ee ka hadlay kulankan ayaa waxa ay si weyn u soo dhaweyeen qorshah ay Puntland ay u dejisay in ay ku difaacdo degaanadeeda iyaga oo sheegay in diyaar u yihiin ka qayb galka hawlaha ku aadan adkaynta difaaca Puntland

Magaalada laascaanood ayaa xiligan degen .
 
Magaalada Laascaanood oo tan iyo markii ay gacanta u gashay maamulka S/land ay ka jireen rabshado aad u xoogan oo looga soo horjeedo joogintaanka magaalada ee S/land oo ay dhiigayaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaaladaasi , ayaa xiligan dagan.
 
Magaaladu wakhtigan waa ay dagan tahay wax rabshado ahna kama ay socdaan , inkastoo ay wali xiran tahay wadada dheer ee iskuxirta magaalada ee laamiga ah , kadib markii dad caraysan ay dhagxaan waawayn ay ku xireen wadada.
 
Ciidanka S/land , ayaysan wali u suurtagalin in ay soo galaan gudaha magaalada , mar ay isku dayeena in gudaha magaalada ay keenaan ciidan Boolis ah , ayaa dadwaynaha waxay kala kulmeen weeraro xoogan oo ay kaga hortagayaan soo galintaanka ciidankan , waxaana lagu khasbay in ay iskaga baxaan Ciidankaasi gudaha magaalada.
 
Dadwaynaha , ayaa aad uga carooday kadib markii ay Ciidanka S/land ay dhawaan magaalada ka kaxaysteen 50 qof oo u badan dumar iyo caruur , kuwaa soo dhagxaan la dhacay Ciidanka S/land , xili ay isku dayeen in ay waddooyinka magaalada ay baneeyaan.
 
Dadkan , ayaa waxaa loo dhaadhiciyay xabsi ku yaala magaalada Burco , waxaana la sheegayaa in ay suurtagal tahay in Maxkmad la soo taago.

Sarkaal sare iyo dad rayid ah oo ku geeriyooday iska horimaadkii saakay ka dhacay deg. Marko .

Labo ruux oo uu ku jiro taliyihii saldhiga degmada Marko Xuseen jareere ayaa ku geeriyooday iska horimaad culus oo maanta ka dhacay gudaha magaalada Marko ee xarunta gobolka Sh/hoose.
 
Iska horimaadkaan oo bilowday saakay salaadii subax ka dib ayaa la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, iyadoo intuu uu socday iska horimaadka la maqlayay madaafiic xoogan oo la is dhaafsanayay.
 
Qof rayid ah ayaa ku geeriyooday xaafadda Buulo jaan ee degmada Marko ee gobolka Sh/hoose ka dib markii rasaas wiifto ah ay ugu tagtay gurigiisa.
 
Taliyaha ciidamada booliska gobolka Sh/hoose Cali ganeey ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geerida ku timid taliyaha booliska degmada Marko Xuseen jareere, iyadoo 3 kale ay kaga dhaawacantay iska horimaadkaasi.
 
Waxa uu sheegay in ciidamada booliska ay u suurto gashay in ay kala eryaan maleeshiyadii weerarka soo qaaday isla markaana ay ka qabqabteen tiro dhowr ah.
 
Wariyaha shabelle ee magaalada Marko, Yuusuf Keynaan waxa uu soo sheegayaa in ilaa 7 ruux
oo ay ku jiraan dhinacyadii dagaalamay ay ku dhaawacmeen iska horimaadkaasi.
 
Taliye Cali Ganeey ayaa ku eedeeyay dagaalkaasi in ay ku lug lahaayeen K/xigeenka maamulka gobolka Sh/hoose iyo maleeshiyo beleedyo taageersan
 
Waa markii 3aad oo iska horimaad uu ka dhaco degmada Marko oo ay isaga horyimaadaan ciidamada amaanka iyo maleeshiyo beeleedyadaan.

bashiir omar cali/ puntland-Qardho
bashiir137@hotmail.com

Isimada Iyo Waxgaradka Beesha Harti Waamo Oo Baaqnabadeed Kasoo Saaray Xiisada Ka Jirta Laascaanood

Isimada iyo waxgaradka ku dhaqan gobolada jubooyinka ee kasoo jeeda beelaha hartiga gaar ahaan beesha dhulbahante waamo ayaa baaq nabadeed oo ay kaga hadlayaan xiisada colaadeed ee ka jirta gobolada SSC gaar ahaan magaalada laascaanood ee xarun goboleedka sool ee u dhaxaysa maamulada puntland iyo somaliland kasoo saaray magaalada kismaanyo ee xarunta jubada hoose baaqa ayaa u qornaa sidan;

Ujeedo : baaqnabadeed

anagoo ah Cuqaasha , Nabadoonada ,Waxgaradka ,Aqoonyahanada , Culimo adiinka , Saraakiisha ,iyo dhalinyarada Beesha waxaan baaq u diraynaa maamulada ku hardmaya gobolka sool gaar ahaan magaalada laascaanood ee puntland iyo somaliland inay colaada joojiyaan islamrkaana ka daayaan dadka shacabka ah ee ay ku dul hardamayaan .

waxaanu Somaliland iyo Puntland u soo jeedinaynaa in ay colaada joojiyaan dagaalkana wada hadal ku bedelaan ixtiraamaana dadka walaalahooda ee dagaalku ka kor dhacayo.

waxaanu dadka Beesha Siciid Harti (Dhulbahante) u soo jeedinaynaa in ay danahooda ka hormariyaan danaha dadka kale oo ay maatadoona u tudhaan kana dhaafaan ishaysiga oo ay heshiiyaan khilaafaadkana hadalku dhameeyaan halkii qori lagu dhamayn lahaa..

mudadii 17 sano ee la soo dhaafay dadka Sool, Sanaag, Cayn waxay ku jireen ishaysiga Puntland iyo Somaliland , Somaliland iyo Puntland waxay ku jireen hormaro la taaban karo sida magaalooyinka Garoowe, Boosaaso, Gaalkacayo, Hargaysa , Berbera, Burco halka dadka reer Sool , Sanaag iyo Cayn ay ku jireen xaalad qalafsan oo ishaysiga labada maamul , sidaas daraadeed waxaanu garanay in dadka gobolaadaas u dhashay ay ixtiraamaan dadkooda , dalkooda, Diintooda , sharaftooda iyo Taariikhdoodaba.

hadii isfiiri (iskhilaaf) dhaco waxaa luma danta guud markaa waxaanu ku talinaynaa in aan la ficiltamin ee danta guud la ilaaliyo..

labada maamul waa dad aanu walaalo nahay markaas waa in ay ixtiraamaan dadka u dhashay dhulka ay ku dagaalamayaan , dadkaasna ay u ogolaadaan in ay danahooda ka tashadaan oo aan la dhexgalin lana dhowro deris wanaaga , walaaltinimada iyo qaranimada .

waxaanu markale dadka reer Sool , Sanaag , Cayn u sheegaynaa in ay aayahooda ka tashadaan labada maamulna iskaashi nabadeed la yeeshaan una sheegaan in dadkaas dhibka laga daayo walaalahooda.

dadka baaqan soo saray waa sidan

  • 17 qof oo ku saxiixnaa qoraalka kala xiriir telefoonka hoose:

Wabilaahi Towfiiq

waxii faah faahin ah kala soo xiriir afhayeenka beesha saciid harti waamo Abdirazk Hajji Mohammed (Raamaale)

TEL:002521-5561944

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 28, 2007

Dhismaha Jidka Isku xiriiriya Boorama iyo Dilla
Booraama

Ururka ARNA oo ka shaqeyn doona dhismaha wadada isku xirta Dilla iyo Borama oo lagu dhawaaqay... Akhri..


XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY: Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan sano (1936-1941)

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com