SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Oct 27, 2007

  • Baarlamaanka oo u muuqda in uu noqdo mar kale labo garab

  • Cali Max’ed Geedi oo beeniyey in qalab dekedda ay leedahay uu u saxiixay ganacsade Soomaaliyeed

  • Ciidamo Itoobiyaan ah oo fara badan oo soo gaaray Muqdisho

  • Qarax lala beegsaday ciidamada Itoobiya

  • Geedi oo loo ballanqaaday in la siinayo..

  • Askari Itoobiyaan ah oo dilay gabar Soomaaliyeed oo isna la dilay


Baarlamaanka oo u muuqda in uu noqdo mar kale labo garab

Xubnaha taageersan Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cali Max’ed Geedi ayaa maalintii khamiista ahayd waxay Magaalada Baydhabo kaga dhawaaqeyeen dallad oo ay qaarkood sheegeen in ay u xuubsiiban doonaan xisbi siyaasadeed mustaqbalka dhow.

Isbahaysigaan ay abuurteen taageerayaasha Cali Max’ed Geedi ayaa loogu  talagalay in looga hor tago haddii baarlamaanka la hor keeno mooshin ka dhan Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cali Max’ed Geedi, waxayna Xildhibaanadaasi qaarkood sheegeen in isbahaysigaani uu yahay mid kor loogu qaado taageerada Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cali Max’ed Geedi.

Xildhibaanada ka soo horjeeda isbahaysigaan ayaa waxay ku tilmaameen mid keeni karo burbur ku yimaada baarlamaanka soomaaliya, iyagoo sheegay in laga yaabo in baarlamaanku u kala jabo xiligii ay ku kala sugnaayeen Muqdisho iyo Jowhar.

Mid ka mid ah xildhibaanada sida aadka ah ugu dhow Cali Max’ed Geedi ayaa waxa uu sheegay in haddii Cali laga qaado xilka  ay dhamaantood tagi doonaan Magaalada Muqdisho ayna noqon doonaan garab ka soo horjeeda xubnaha kale ee Baarlamaanka ee taageersan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Xildhibaanada sameeyey isbahaysigaani ayaa waxaa ka mid ah Max’ed Qanyare Afrax, Muuse Suudi Yalaxow, Salaad Cali Jeele iyo xubno kale, iyadoo maanta lagu wado in Baarlamaanka Soomaaliya uu isugu yimaado kal fadhi, waa haddii uu Geedi maanta soo gaaro Baydhabo, isku soo wada duuboo khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cali Max’ed Geedi ayaa waxa uu gaaray heerkii ugu sareeyey, iyadoo mar la wareystay Geedi uu sheegay in uusan  marnaba iska casili doonin xilkasi uuna diyaar u yahay in lagu kala baxo dastuurka iyo Baarlamaanka.

Cali Max’ed Geedi oo beeniyey in qalab dekedda ay leedahay uu u saxiixay ganacsade Soomaaliyeed

Maalintii khamiista ahayd ayaa ganacsade u dhashay maamul gobaleedka Puntland waxa uu maamulka dekedda u keenay warqad uu sheegay in ay u soo saxiixeen mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda FD oo loogu amrayo in la siiyo biro yaala gudaha dekedda, hase yeeshee waxaa arrintaani caro weyn ka muujiyey dadweynaha ku nool Gobalka Banaadir oo sheegay in aysan suurtogal aheyn in gobol gobol waxa looga qaado, maadaama dowladdu ku dhisan tahay Federaalka.

Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cali Max’ed Geedi oo horey loo sheegay isaga iyo madaxweynuhu saxiixeen warqadda uu ganacsaduhu watay ayaa yiri “shirkaddu waan heshiinay, waxaana u saxiixnay in ay qaadato biraha duugoobay ee yaala dekedda, balse uma saxiixin in ay qaadato biro anfacaha dekedda” , waxa uuna Cali Max’ed Geedi soo dhaweeyey dareenka ay dadweynaha Muqdisho ku muujiyeen arrintaasi.

Ururada haweenka ayaa iyagu sameeyey banaanbax ay kaga soo horjeedaan in birahaasi la raro, waxayna ku dhawaaqayeen “Waan ka xunnahay in biraha dekedda la qaado, dooni meyno in gobal gobal kale loo xaalufiyo”.

Gebi ahaana waxay arrintu haatan ku soo gebagaboowday in la joojiyo qaadista biraha dhex yaala dekedda, isla markaana dib loo dhigo qaadistooda.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo fara badan oo soo gaaray Muqdisho

Ciidamo Itoobiyaan ah o wata gawaarida dagaalka ayaa shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho. Ciidamadaan oo mudo ku soo jiray jidka ayaa waxaa Gawaaridooda ka muuqatay dhiiqo, kadib markii uu jidka ku helay roob mahiigaan ah.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa la sheegay in ay Magaalada Muqdisho u yimaadeen sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen hawlgalo dhawaan ay ciidamada Itoobiya ka sameynayaan Magaalada Muqdisho. Ciidamadaan ayaa keenistooda waxay ku soo began tahay xili maalinba maalinta ka dambeysa ay sii xoogeysanayaan weerarada lagu hayo saldhigyada ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Warar ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya tagi doonaan isgoysyo ku yaala qaar ka mid ah wadooyinka Muqdisho iyo goobo kale oo ku yaala Magaalada, sidoo kale warar ayaa waxay sheegyaan in ciidamadaan loo keenay inay xoojiyaan ciidamada kale ee ku sugan Magaalada Muqdisho

Qarax lala beegsaday ciidamada Itoobiya

Wararka ka imaanaya Magaalada Afgooye waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd qarax lala beegsaday kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo ku soo jeeday magaalada Muqdisho. Qaraxaan oo ka dhacay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa la sheegay in ay waxyeelo ka soo gaartay ciidamada Itoobiya, sidoo kale waxaa la sheegay in dab uu qabsaday gaari nooca uuralka ah oo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya. Ciidamada Itoobiya ayaa markii uu qabsaday qaraxaasi ayaa la sheegay in ay rasaas fureen, taas oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah oo ka ag dhawaan halka uu qaruxu ka dhacay, mana ahan markii ugu horeysay oo qarax lala beegsado ciidamada Itoobiya oo maraya wadada u dhexeysa Afgooye iyo Muqdisho. 

Geedi oo loo ballanqaaday in la siinayo..

Iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cali Max’ed Geedi iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa arrintaani isku howlay sidii ay u qaboojin lahaayeen dowlado fara badan oo ay ka mid yihiin Itoobiya, Mareykanka iyo Midowga.

Kulamo ka dhacay magaalada Adisba-Ababa ayuu Ra’isul Wasaaraha DFKMG Geedi diiday in uu iska casilo xilka Ra’isul Wasaaraha DFKMGnimada waxa uuna sheegay in isaga iyo Madaxweynaha ay ku kala bixi karaan oo keliy dastuurka iyo Baarlamaanka.

Dowlado fara badan oo uu ugu horeeyo Mareykanka ayaa Cali Max’ed Geedi u ballanqaaday lacag si uu isaga casilo xilka Ra’isul Wasaaraha DFKMGnimo.

Wararka ka imaanaya Magaalada Adis-Ababa waxay sheegayaan in Geedi uu isaga diiday arrimahaasi, waxa uuna sheegay in dowladdii lagu dhisay dalka Kenya ay ahayd mid lagu qaybsaday 4.5, xilka uuna u hayo beel ka mid ah beelaha waaweyn ee Soomaaliyeed.

Ra’isul Wasaaraha oo la filayey in uu u duulo dalka Sucuudi Carabiya ayaa ka baaqsaday kadib markii ay dhamaan waayeen kulamadii uu la yeelanayey diblamaasiyiin ka socotay Beesha Caalamka.

Ra’isul Wasaaraha ayaa waxaa la sheegay in uu Magaalada Adis-Ababa kulan kula yeeshay jaaliyadda Beesha Hawiye, waxa uuna ku wargeliyey in uusan marnaba xilka Ra’isul Wasaaraha DFKMGnimo ka deg doonin oo usan iska casili doonin.

Askari Itoobiyaan ah oo dilay gabar Soomaaliyeed oo isna la dilay

Habeenimadii khamiista soo galeysay ayaa deegaanka Dikfeer oo ay degan yihiin ciidamo Itoobiyaan ah ayaa waxaa ka dhacday qiso la yaabe leh, kadib markii Askari Itoobiyaan ah oo damcay in uu kufsado gabar Soomaaliyeed, balse markii ay iska diiday ayuu halkii ku dilay oo uu toogtay, waxaana rasaastii ku soo baxay ciidamada Itoobiya, waxayna dadka deegaana noo sheegeen in askarigii  ay qabteen ciidamada Itoobiyana kana qaadeen qorigii uu watay, waxaana la weydiiyey sababtii uu u dilay gabadha, waxa uuna u sheegay in uu damcay in uu kufsado, hase yeeshee arrintii waxaa la wargeliyey sarkaalkii haystay ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku jira Isbitaalka Dikfeer, waxa uuna amray in isna la dilo, meeshii ayaana lagu toogtay isna.

Dadweynaha deegaanka ayaa sheegay in askarigaasi loo toogtay kadib markii dambiyo fara badan uu ka galay dadka deegaanka iyoi waliba ciidamada uu ka tirsanaa, taasina ay keentay in isna la dilo.

Gabadhaan oo habeenkii la dilayey maalinteedii ka timid Magaalada Baydhabo ayaa waxaa dilkeeda si weyn uga xumaaday dadweynaha deegaanka iyo waliba dadkii ay kd dhalatay gabadhaasi, mana ahan markii ugu horeysay oo ciidamada Itoobiya dil noocaan oo kale ah gaystaan, iyadoo horey dillal ugu gaystay dad rayid ah .

Shirkadda Nationlik oo deeq lacageed siisay Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta

Shirkadda Nationlink oo inta badan looga bartay in ay gacan siiso bulshada Soomaaliyeed ayaa maalintii shalay ahayd xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ku saabsan dhiiragelinta xulka qaranka Soomaaliya waxaa lagu qabtay hotel Muqdisho Ex. Daamey.

Xafladdaan ayaa waxaa ka qaybgalay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta Siciid Max’ed Nuur Siciid (Mugaanbe), guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta Cali Siciid Guuleed, xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta C/qani Siciid Carab, iyo guddiga fulinta ee Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta iyo Mas’uuliyiinta shirkadda Isgaarsiinta ee Nationlink.

Xafladdaan oo isugu jiray labo qaybood ayaa qayb waxa ay ahayd in abaalmarin la siiyo saddexda cayaartooy ee ugu wanaagsaneed xulka qaranka 27-jirka ee ka qaybgalay tartankii ka dhacay dalka Burundi iyo waliba taaguleynta xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta oo isku diyaarinaya is-reebreebka koobka Adduunka oo 16-ka Novermber Magaalada Jabuuti ku wada yeelan doonaan xulka qaranka Soomaaliya iyo xulka wadanka Jabuuti.

Ugu horeyntii waxaa halkaasi ka hadlay xoghayaha xiriirka C/qani Siciid Carab oo ka warbixiyey heerka diyaargoowga xulka Qaranka Soomaaliya, waxa uuna sheegay in mudo uu xulku xareysnaa uu haatanna diyaar u yahay in uu cayaaar adag la yeesho xulka wadanka Jabuuti, waxaa kale oo ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda Nationlink oo iyana halkaais ka sheegay aysan aheyn markii ugu horeysay oo ay taakuleyn siiyaan Isboortiga Soomaaliyeed, waxa ayna sheegeen in dhiiragelinta manta ay tahay sidii xulka qaranka uu guul wax ku ool ah uga keeni lahaa cayaartaasi, waxayna shirkadda Nationlink ballanqaaday in haddii xulka qaranka uu guul ka soo hooyo cayaartaasi uu heli doono abaalmarin aad u weyn, waxaa kale oo uu halkaasi ka hadlay Siciid Max’ed Nuur (Mugaanbe) oo ah guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, waxa uuna u mahadceliyey shirkadda Nationlink oo uu sheegay in ay noqotay shirkaddii ugu horeysay oo gacan siisay xulka qaranka iyo waliba xiriirka Soomaaliyeed K/cagta.

Saddexda cayaartooy ee ugu wanaagsanaa tartankii Burundi ayaa waxaa la siiyey min hal Moobeel, sidoo kale waxaa cayaartooyda laga wada simay funaanad ay ku xardhan tahay magaca Natiolink.

 W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 27, 2007

Dhismaha Jidka Isku xiriiriya Boorama iyo Dilla
Booraama

Ururka ARNA oo ka shaqeyn doona dhismaha wadada isku xirta Dilla iyo Borama oo lagu dhawaaqay... Akhri..


XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY: Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan sano (1936-1941)

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com