SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CASMARA

ISBAHAYSIGA DIB U XOREYNTA SOOMAALIYEED

      

SHIR JARAA'ID- ASMARA 26/10/2007

(Lr.2) 

ARABIC VERSION: Qoraalka oo Af carabi ah... GUJI

      Jihawareerka siyaasadeed iyo xaaladaha amaan darro ee dalka Soomaaliyeed maanta ka taagan waxa ay qeyb ka yihiin qorshaha foosha xun ee ciidamada gumeysiga Ethiopia oo dalka qabsaday ay  ku doonayaan  in shacbiga Soomaaliyeed ku sii jiro gacantooda.

      Haddaba Isbahaysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya isagoo ka duulaya arrimhaas iyo kuwa la mid ah waxa uu shacabiga Soomaaliyeed iyo caalamkaba u caddeynayaa arrimha soo socda:

    1. In ciidamada gumeysiga Ethiopia ee dalka qabsday ay dilkii, barakicintii, xirgii, burburintii iyo dhicii hantada shacabka ee gumeysi diidka ah ay hadda ku dareen inay madaxa iskugu dhuftaan dabadhilifyadii ay u adeegsadeen qabsashada dalka iyo hagardaamada shacabka si ay ugu sahlanaato kolba midka ay doonaan inay ka takhalusaan.
    2. In gumeysigu doonayo in uu suurtageliyo damaciisii ka talinta Soomaaliya oo isaga lagala xaajooda, kana gudbo sheegashadii ahayd inay jirto cid u yeeratay.
    3. Sidii horayba Isbahaysigu u sheegay waxa uu marka kale bulshada caalamka u caddeynaynaa in aysan Soomaaliya ka jirin xukuumad huwan sharciyada lagula macaamalo. Sidaas darteed Isbahaysigu waxa uu bulshada caalamka iyo ha'adaha dawliga ah ugu baaqayaa inaysan ku kadsoomin sharciyada been abuurka ah ee lagu waxyeelleynayo danaha shacabka Soomaaliyeed.Sidaa darted waxa Boqrtooyada Sucuudiga ee aan walaalaha nahay uu Isbahysigu ugu yeereyaa inay ka fiirsadaan xiriirka ay la leeyihiin kuwa gumeysiga, dilka iyo burburka u horseeday shacabka Soomaaliyeed. Qeybna aysan ka noqonin waxyeelleynta shacabka Soomaaliyeed.
    4. Sida ay Ethiopia ula dhaqmeyso dabadhilifyadeeda, iyo xabsiga ballaran ee ay ku jiraan xubnahah baydhabo ku sugan iyo weliba falalka xunxun ee halkaas ka jirana    waxa ay calaamad u yihiin inaysan jirin wax  xushamda ah oo ay u hayso mid ka mid ah dhincayda halkaas ku hardamaya. Wax kasta oo laga yeersiiyo dadka halkaasi ku suganna waa waxba kama jiraan.
    5. Isbahaysigu waxa uu cambaareynaya xasuuqa & falal dambeyeedka ciidamda gumeysiga Ethiopia ay ka wadaan gudaha Soomaaliya,  oo ay ugu dambeysay qaraxii lala beegsady baskii rakaabka siday ee muqdisho lagu qarxiyeyey 24th oct.2007, waxa uuna bulshada caalamka, iyo hay'adaha dawliga ah ugu baaqayaa inay mawqif cad ka qaataan duullaanka Ethiopia ay ku qabsatay Soomaaliya kuna geysatay dambiyada dagaal iyo xadgudubyada kale eek or ku xusan, oo ay saxaan wixii aragti ah ee hadda ka hor madaw uga jiray.
    6. Isbahaysigu waxa uu si cad caalamka ugu sheegayaa in uu yahay hay'adda kelya oo sida sharciga ah u matasha shacbka Soomaaliyeed, laga bilaabo shirweynihii Asmara(6-14kii sep.2007) iyo go'aamadiisii.
    7. Isbahaysigu waxa uu aaminsan yahay in xalka Soomaaliya uu maanta ku jiro Somaalida oo u madax banaanata aaya ka talineeda, iyadoo shirweyne dib u heshiisiinna ku qabsan doonta goort iyo goobta ku haboon dib u xoreynta dalka ka dib.
    8. Isbahaysigu waxa uu bogaadinayaa hawlgalka wax ku oolka ah ee  muqaawamada oo dalka lagaga xoreynayo gumeysiga, wxuuna ugu yeerayaa bulshada qeybaheeda kala duwaana midnimo iyo inay dadaalkooda labanlaabaan ilaa ay ciidamada cadawgu dalka baxaan.
    9. Isbahaysigu waxa uu ugu yeerayaa maleeshiyooyin la soo khalday ee dabadhilifyada cadwgu ku adeeganayaan inay ku soo biiraan safka muqaawamada. Xoogaga muqaawamada iyo shacabiga Soomaaliyeedba waxaa la farayaa inay gacamo furan ku soo dhaweeyaan ciddii ka soo baxaday safka cadawga.

xafiska warfaafinta Isbahaysiga.
ISBAHAYSIGA DIB U XOREYNTA SOOMAALIYEED

ARABIC VERSION: Qoraalka oo Af carabi ah... GUJI

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 27, 2007

Dhismaha Jidka Isku xiriiriya Boorama iyo Dilla
Booraama

Ururka ARNA oo ka shaqeyn doona dhismaha wadada isku xirta Dilla iyo Borama oo lagu dhawaaqay... Akhri..


XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY: Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan sano (1936-1941)

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com