SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO

  • Xarunta Baarlamaanka FKMG oo laga cabsi qabo inuu ka Dhaco iska Hor imaad dhiig ku daato
  • Wasaarada Qorsheynta Iyo Horumarinta dhaqaalaha DFKMG oo siminaar u qabatey 31-ka Wasaaradood  Xoghayeyaashooda
  • Xildhibaan Maxamed Cali Shiriye "aniga magaceyga ayaan ku hadlayaa, Beesha Dhul Bahantena waan ka tirsanahay" shir jaraa'id

Xarunta Baarlamaanka FKMG oo laga cabsi qabo inuu ka Dhaco iska Hor imaad dhiig ku daato

Sida aan ka soo xiganey mid ka mida Xildhibaanada Baarlamaanka FKMG oo magaciisa qariyey ayaa sheegay sababaha dhabta ee uu u baaqdey fadhiyadii  uu lahaa Baarlamaanka ay tahay iyadoo loo hakiyey khilaafaadka u dhexeeya Mas'uuliyiinta sar sare ee dowlada Federaalka Kumeel Gaarka ah, oo ay xalinteeda ku hawlan tahay Dowlada Ethobia, waxay isla soo gaaraan mid ka mid ah mas'uuliyiinta dowlada FKMG oo safar dibada uga maqan.

 Waxyaabaha ugu muhiimsan ee laga sugaayo Ethobia ayaa la sheegay in Ra'iisul Wasaaraha DFKMG Geedi uu xilka si nabad ah uga dego iyo in uu ka madax adeygo in labadaasi arimood mid laga helo dowlada Ethobia, hadii labadaasi arin mid lawaayo Baarlamaanka FKMG hawlihiisa ayuu sii wadanayaa ayuu yiri Xildhibaan magaciisa qariyey.

 Dhinaca kale Xarunta Baarlamaanka FKMG ayaa laga cabsi qabaa inuu ka dhaco iska hor imaad dhiig ku daato, hadii aan mas'uuliyiinta labada dhinac loo helin xal waara, sababtoo ah waxaa la hadal hayaa in Hoolka shirarka Baarlamaanka ay ku fooraraan Madaafiicda Goobta islamarkaana labada dhinac ay ku jiraan diyaar garow dagaal oo aan si weyn dadku aysan u dareemeyn, sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa hadii Gudoomiyaha Baarlamaanka uu isugu yeero xubnaha Baarlamaanka in mid ka mid ah Mas'uuliyiinta is khilaafsan ee dowlada Xildhibaanada taageersan ay qaadacaan shirka kadibna ay gebi ahaanba faaruqiyaan Magaalada Baydhabo.

Sidoo kale dhinacyada iska soo horjeeda mid kasta wuxuu suuqa soo geliyey laba aragti oo iska soo horjeeda, Kooxda taageersan Prof. Geedi waxay suuqa soo geliyeen In Madaxweynaha DFKMG C/llaahu Yuusuf uu Xanuunsan yahay islamarkaana laga cabsi qabo inuu nool yahay iyo inuu dhintay, halka kooxda taageersan madaxweynaha ay iyaguna suuqa ay soo geliyeen Prof. Geedi inuu xilkii iska casiley, islamarkaana uu dalbadey magangalyo siyaasadeed isaga iyo koox taageerayaashiisa ah, dhamaan arimahaan oo dhan waxay muujinayaan rajo xumida ka jirta guuda ahaan Soomaaliya


GEEDDI iyo ZENAWI

Wasaarada Qorsheynta Iyo Horumarinta dhaqaalaha DFKMG oo siminaar u qabatey 31-ka Wasaaradood  Xoghayeyaashooda

aqoon isweydaarsi ujeedadiisu tahay Mabaadii'da iyo siyaasada uu ku shaqeyn lahaa dalka Soomaaliya, Istiraatiijiyada iyo aragtida lagu hor marinayo dalka, dib u soo nooleynta maamulkii iyo shuruucda dalka, Qorshaha iyo Miisaaniyada Sanadka soo socda, wada shaqeynta iskaashiga dowlada iyo hay'adaha UN-ka oo ka faa'iideysanayaan 31-ka wasaaradood ee Xukuumada oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Qorsheynta Iyo Horumarinta dhaqaalaha DFKMG ayaa uga socda Hoteel Manchester ee Magaalada Baydhabo.

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta dhaqaalaha DFKMG Dr. Abuukar Cismaan Abiikar {Looxoow} oo aan  wax ka weydiiyey ayaa sheegey in Aqoon isweydaarsigaan oo ah mid aan laga hirgelin mudadii 17-ka sano ee dowlad la'aanta ayaa waxaa looga doodey mudadii 15-ka maalmood ee socdey,

A:- mudadii 17-ka sano dagaalkii uu ku jjirey dalkaan sidii loogu soocelin lahaa Caqligii, mabaadii'dii iyo siyaasadii lagu hagaayo iyo sidii looga saari lahaa Badda uu ku jiro oo loo tusi lahaa beriga,

b:-in loo sameeyo mabaadii dhaqan dhaqaale oo lagu maamulo horumarka dhaqaalihiisa iyo 31-ka wasaaradood oo loo dejiyey mabaadiida iyo siyaasada qayb kasta oo ka mid ah dibudhis aan laga maamuleyn dibada oo ku salaysan baahida dadka iyo dalka.

c:-sidii dib loogu soo nooleyn lahaa habkii maamulka ee ka bur burey dalka, miisaaniyad diyaarinta iyo maamulka xisaabaadka ee wasaaradaha kala duwan ee lumay lagu dhaqai lahaa.

d:-waxaa lagu talagaley Qorshe hawledka sanadka soo socda iyo miisaaniyadiisa.

Dhamaan arimahaan waxaa dhamaadey oo laysku af-gartey qaybta koowaad iyo tan labaad, waxaana inoo dhamaan raba qaybta sedexaad oo gebageba ah iyo qaybta afraad oo ku saabsan dood ka fool ka fool ah oo ay isugu yimaadaan madaxda Dowlada iyo madaxda hay'adaha UN-ka ee ka hawlgala Soomaaliya, gunaanadkiina waxaa laga soo saaridoonaa sidii meel layskula dhigi lahaa qodobadaan

Mabaadii'da iyo siyaasada uu ku shaqeyn lahaa dalka Soomaaliya, Istiraatiijiyada iyo aragtida lagu hor marinayo dalka, dib u soo nooleynta maamulkii iyo shuruucda dalka, Qorshaha iyo Miisaaniyada Sanadka soo socda, wada shaqeynta iskaashiga dowlada iyo hay'adaha UN-ka ee ka hawlgala Soomaaliya ayuu yiri Bauukar looxoow.

Xildhibaan Maxamed Cali Shiriye "aniga magaceyga ayaan ku hadlayaa, Beesha Dhul Bahantena waan ka tirsanahay" shir jaraa'id

Xildhibaan Maxamed Cali Shiriye oo ka mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Sool, islamarkaana ku sugan Magaalada Baydhabo oo shir jaraa'id ku qabtey shalay Hoteel Calaacal ee Magaalada Baydhabo ayaa ka Hadley gelitaankii ciidamada Somaliland ay galeen magaalada Laascaanood iyo dadkii lagu xirxirey 26/10/2007-da.

Xildhibaanka isagoo arimahaasi ka hadlaya ayaa wuxuu yiri "Magaalada Laas caanood waxaa saaka galay 3000 oo ka tirsan ciidamada Soomaliland, waxayna xir xireen ilaa iyo Boqol ruux oo mudaaharaad sameynayey, magaalada laas caanood waxaa dega Beesha Dhul bahante, mar laga joogo 107-Sano baa dadka halkaas degan diideen inuu Ingiriis qabsado, waana meesha ugu horeysa ee aduunka diyaarad lagula dagaalamo, maanta u maleyn mayo inay ogolaadaan in la qabsado ayuu yiri Xildhibaan Max'ed cali shiriye,

Xildhibaanku wuxuu ugu digay Madaxweyne Goboleedka Soomaliland ee Riyaale "ciidamadiisa uu soo direy Riyaale, haka noqdeen Gobolka Sool si deg deg ah, hadii kale arintu waxay noqoneysaa in dagaal iyo dhibaato hor leh uu u horsed Soomaaliya, waayo maanta Garaad Saleebaan iyo Garaad Jaamac awooweyaashooda in uu Ingiriis ku yiri waxaa tihiin Bir adag, dadka sidaas lagu tilmaamey inmaanta uu qabsado dhaleynin dadka meesh u dhashay, dadka meesha u dhashay waa inay si midnimo ah isugu yimaadaan, si ay isag saaraan ciidamada soo galootiga ah, diyaarna uma nihin in dhiig daato, laakiin hadii gurigada iyo caruurtaada laguugu soo doonto waad is difaacaysaa, aniga waxaan dhiirigelinayaa dadkayga ayaa yiri mar la weydiiyey in hadalka uu yiri dhibaato horseedi karo Xildhibaan Shiriye".

Sidoo kale mar la weydiiyey hadalka aad jeedinayso Xildhibaanada adigu ku haybta ah ma kula qabaan ayaa wuxuu ku jawaabay "Nin kasta oo Dhulbahanta ah waa ila qabaa".

Sidoo kale mar la weydiiyey Xildhibaanku Afka aad ku hadleyso ma mid qaran baa, mise waa mid qabiil ayaa wuxuu ku jawaabay " aniga magaceyga ayaan ku hadlayaa, Beesha Dhul Bahantena waan ka tirsanahay".

Maxamed macallin Cismaan{All-man}Somalitalk Baydhabo.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 27, 2007

Dhismaha Jidka Isku xiriiriya Boorama iyo Dilla
Booraama

Ururka ARNA oo ka shaqeyn doona dhismaha wadada isku xirta Dilla iyo Borama oo lagu dhawaaqay... Akhri..


XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY: Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan sano (1936-1941)

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com