SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Guutooyin Ka Tirsan Ciidamada Dowlada KMG ah Oo Kasoo Jeeda Punt-land Oo Kusii Jeeda Punt-land.

Cutubyo ciidamada dowlada KMG ah oo kasoo jeeda maamul goboleedka punt-land ayaa ka ambabaxay magaalada muqdisho si ay u xoojiyaan ciidamada maamul goboleedka punt-land ee kulaalaya magaalada laascaanood oo dhowaantan dagaal ku dhex maray ciidamada maamulka som-land iyo weliba punt-land .

Ciidamadan oo badankoodu kasoo jeeda gobolada SSC ee xiisada colaadeed ka taagan tahay ayaa u kolonyaystay iyagoo wata hubka cul-culus iyo weliba kan fud fududba islamrkaana kusii jeeda magaalada laascaanood si ay u xoojiyaan ciidamo la sheegay in maamulka punt-land uu ku doonayo inuu dib ugu hanto magaalada laascaanood oo hada noqotay mid ay laga qaxay islamrkaana ay ku hareeraysan yihiin ciidamo iska soo horjeeda .

Sidoo kale ciidamadan ka tirsan dowlada FKMG ah ee kusii jeeda gobolada waqooyi bari oo tiro ahaan aad u xoogan ayaa la sheegay inay dhamaan markoodii hore ka yimaadeen gobolada punt-land islamrkaana iminka la sheegay inay dagaal kala hor tegi doonaan ciidamada maamulka som-land oo dhowaan weerar dagaal ku qabsaday magaalada laascaanood ee gobolka sool .

Sida ay xaqiijinayaan warar laga helayo saraakiisha ciidamada dowlada KMG ah ayaa sheegaya inay ciidamadaasi wataan gawaarida gaashaaman iyo weliba hubka noocyadiisa kala duwan taasoo la sheegay inay ka qayb qaadan doonaan howl galka milatari ee ay wadaan maamul goboleedka punt-land oo ay ku doonayaan inay gacan tooda kusoo ceshaan magaalada laascaanood ee gobolka sool. 

Waxgaradka Iyo Aqoonyano Kasoo Jeeda SSC Ee Ku Dhaqan Muqdisho Oo Cambaarayn Kulul Dusha Uga Tuuray Maamulka Riyaale.

Kulamo ay wada yeesheen waxgaradka ,aqoon yahanka ,iyo weliba ganacsatada kasoo jeeda SSC ee ku dhaqan magaalada caasimada ah ee muqdisho ayaa meel uga soo wada jeestay xiisada colaadeed ee ka jirta laascaanood ay maamulka isku magacaabay som-land uu gardaro qaawan kusoo galay deegaana gobolka sool islamrkaana ay waxgaradka iyo aqoon yahanadani ugu baaqeen in ciidamada somali-land ay si shuruud la,aan ah uga baxaan gobolkaasi hadii kale ay kala kulmi doonaan cawaaqib xumo waa siday hadalka u dhigeene .

C/fataax axmed oo kamida aqoon yahanada kasoo jeeda gobolada SSC ee ku dhaqan caasimada muqdisho ayaa isagoo saxaafada u waramayey canaan kulul dusha kaga tuuray kuwa siyaasiyiinta ah ee kasoo jeeda gobolada SSC ee isu soo qaawiyey inay dalkoodii iyo dadkoodii madaafiic la dhacaan islamrkaana ay qax iyo barakac u horseedaan isagoo intaasi sii raaciyey inay taariikh madaow geli doonaan kuwa kasoo jeeda gobolada SSC ee sida uu sheegay daba dhilifka u ah maamulka somali-land.

Dhinaca kale Xuseen axmed oo isna kamida ganacsatada sidoo kale ku dhaqan muqdisho ayaa xusay in ganacsatada iyo culimo-udiinka ku dhaqan gobolada SSC ay ka hor tagaan waxa uu ugu yeeray sirdoonka Ethiopia oo uu sheegay in maamulka hargaysa ay la dan yihiin ethiopianka islamrkaana uu carabka ku adkeeyey in dhalinyarada ganacsatada ah uu uga digayo hadii ay maamulkaasi waa soomali-land e ay ku nagaadaan deegaanka SSC ay ka iibsan doonaan xukuumada Ethiopia oo ay xabsiyada guantanama iyo kuwa adis-ababa ku uri doonaan hadii ay hada iska gaarin waxa uu ugu yeeray maamulka riyaale waa siduu hadalka u dhigaye .

"' waxaan u sheegayaa kuwa ganacsatada ,culumi-udiinka iyo weliba shirkadaha jooga oo moodaya inaysan saamayn ku yeelan doonin, in maamulka waqooyiee hargaysa uu lamid yahay kan melez-zanawi ee muslinka ku xasuuqayo islamrkaana ay sirdoona ethiopia ku sugan yihiin oo xafiisyona ku leeyihiin hargaysa oo iminkaba ay ku xiran yihiin dhalinyaro badan oo muslimiin ah oo aan waxba galabsan oo lagu qabsaday diintooda iyo weliba sunihii nebigeenii muxamad SCW'' ayuu yiri xuseen axmed .

Xuseen ayaa uga digay in dhalinyarada soomaaliyeed ee ku abtirsada diinta islaamka ee ku dhaqan gobolada SSC inay taageeraan waxa uu ugu yeeray sirdoonka ethiopia oo uu ula jeeday maamulka som-land isagoo carabaabay inay dadka shacabka ,siyaasiyiinta ,culimo-udiinka iyo weliba waxgaradka ay meel uga soo wada jeestaan sidii ay goboladooda ku hanan lahaayeen oo uga xorayn lahaayeen dulaanka garadarada ah ee maamulka riyaale waa siduu hadalka u dhigaye .

Iskusoo wada duuboo arimahan ka dhashay xiisada siyaasadeed ee colaada salka ku haysa ee gobolada SSC gaar ahaan gobolka sool ee ay ku hardamayaan maamulada punt-land somali-land ayaa u muuqata mid durba isu rogi karta arin qabiil iyadoo bulsho weynta SSC ay ka midaysan yihiin in meel looga soo wada jeesto xiisada ka jirta goboladaasi.

yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiinfaytin@hotmail.com

:::Qraal ka soo baxay Jaaliyadda Sool, Sanaag, & Cayn ee Kuwait
:::KASOO HORJEED DAGAALADA LAGA HURINAYO SOOL
:::BAAQ WADAJIR AH: Waxgaradka Somaliland Iyo Puntland

:::BAYAAN TAAGEERO  EE JAALIYA PUNTLAND EE JEDDAH
::Maamulka Puntland: Ciyi waaggii ka baryay

 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 24, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com