SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Tartankii Cayaaraha Bisha Ramadaan oo Logu soo Gabagabeeyay Minneapolis, Minnesota

Bishii Barakeesneed ee Ramadaan ayaa waxaa koob loo dhigay dhamaan kooxa ka dhisan magaalda minneapolis ee minnesota waxaa ka soo qayb galay kooxa gaaraya 10 naadi waxay soo bandhigeen cayaar wanaag oo dhamaan dadkii daawanayay ay aad ugu haleen.

Balse waxaaa cayaartii ugu danbeesay dhaxmartay laba kooxood oo kala ah Via Roma iyo Cedar oo loo yaqaan(Buulo team) hadaba cayaartaa oo lugu soobandhigay cayaarsare oo xirfad ku dheehan tahay isla markii waxaa wacdaro la soobaxay kooxda VIA Roma oo soo jiidatay dhamaan taagaraasheedii oo u sacabtumayay balse kooxa Cedar ayaa tiri aniga waxaan ka soo jeedaa xaafada ay dadka somalida ay ugu badan yahiin deegaankeeda waxay cayaartu socotaba waxay isla dhaafi waayeen 3 iyo 3 gool

waxaa lugu daray waqti dheeraad ah ay kula baxaan oo ahaa isla markiiba waxaa gool aad iyo aad u fiican dhaliyay kooxdii Via ROMA haddana waxay raaciyeen goolkii labaad waxaan halkaa cayaar aad iyo aad u fiican soo bandhigay cayaaryahan Ali Baskuwaale oo ah cayaar yahan aad u fiican iyo cayaar yahay Khaaasim oo ah cayaar yahankii soo qabaqaabiyay kooxda Via Roma waxayna halkaa kuusha ku raacday kooxdii Via roma balse waxaa xusud muddan in cayaartii in uu socday koobka ramadaanka waxay dhexmartay Tigers Iyo Twin City waxaana cayaartaa afka ciida loo gashay kooxdii Twin City oo lugu suldaaray 4-2 sidoo kale waxaa mahad mudan wiilkii soo qabaqaabiyay oo liyaarhdo Fay ALI

Zakaria Jama
zakihaji@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 24, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com