SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOMALIA

Shir Xasaasi ah oo ay yeesheen Isimada Puntland..Warbixin dheer..

Kulan Maalmahaan lafiyey oo ay leeyihiin Isimada ugu waa weyn Puntland ayaa ka furmay Caasumada Puntland ee Garoowe.

Kulankaan oo ka dhacay Xarunta Madaxtootada Puntland ,waxaana looga hadlayaa difaaca dowlad gobaleedka Puntland iyo sidii Xukuumada loogu bandhigi lahaa talooyin ku aadan howlgallada ciidamada dowlad gobaleedka Puntland.

Shirkaasi ayaa waxaa soo xaadirey Isimo ka badan 30 oo ka kala yimid gobalada dowlad gobaleedka Puntland ,waxaana kasoo qeybgalay wasiirka Kulluumeysiga iyo kheyraadka Badda DFS Xasan Abshir Faarax, Madaxweynaha Puntland Maxamuud Muuse Xirsi, Madaxweyne xigeenka P/land Xasan Daahir Maxamuud, Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi , dhamaan gudoomiyaasha gudiyadii dhawaan uu magacabaay Madaxweyne Cadde Muuse ee hawlahoodu ku aadanayeen xaalada xoraynta gobolka Sool.

Shirkaan ayaa waxaa khudbad dheer ka soo jeediyey Madaxweynaha Puntland Gen.Cadde Muuse ,isagoo ka hadlay waxyaabaha dagaalka loogu soo qaaday Puntland.

Madaxweyne Cade Muuse Xirsi ayaa shaaca ka qaaday in sababaha dagaalka loogu soo qaadey Puntland tahay burburinta dowlada faderaalka ee Soomaaliyeed.

Cadde Muuse ayaa usheegay Isimada Puntland in looga baahan yahay in ay go’aan mideysan ka qaataan waxyaabaha ka socda SSC iyo guud ahaan Puntland ,isla markaana ay Xukuumada ku biiriyaan talo sidii horey looga bartey.

Madaxweynaha DGPL ayaa isimada Puntland ku amaanay doorka ay ka qaataan waxka qabashada waxyaabaha soo wajaha Shacabka Puntland ,loogana baahan yahay in ay go’aan ka gaaraan dagaalka ay soo qaadeen waxa uu Cadde Muuse ugu yeeray Dad isbaheystay.

Wasiirka Kulluumeysiga Iyo Kheyraadka Badda dowlada Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa ka hadlay halkaasi ,isagoo ku dheeraaday waxyaabaha ka socda SSC iyo guud ahaan Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu sheegay in Somaliland iyo kooxaha ay kaashaneyso ay soo weerareen dhulka ay leeyihiin dadka Puntland ,isla markaana ay qabsadeen,isagoo ku dhawaaqey in ay ka baxaan dhulkaasi.

Xasan Abshir ayaa halkaasi ka soo jeediyey Khudbad badashey Jawiga goobta shirka ,isla markaana la waayay qof dhaqdhaqaaqaya iyo mid hadlaya intaba.

Mr.Xasan Abshir ayaa ku booriyey Milateriga Puntland oo uu sheegay in ay dowlada Soomaaliya horey ula wareegtay in ay ka qeyqaataan soo celinta deegaanada laga qabsaday dowlada faderaalka ee Soomaaliya.

Taasoo uu ku macneeyey in hadii la qabsado gobalka ka mid ah Puntland laga qabsaday dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ,isagoo nasiib daro ku tilmaamay in dad doonayaan in ay Soomaaliya dagaalo ku celiyaan.

Wasiirka ayaa usheegay Isimada Puntland in ay maanta utaalo talo culus ,loogana fadhiyo talo lugu soo celiyo gobalka Sool oo ay magaalo Madaxdiisa joogaan ,maamulka la baxay Somaliland.

Khudbada Xasan Abshir Faarax oo ay ahayd mid qaatey waqti dheer ,ayaa gabi ahaanba wuxuu kaga hadlay dagaalada ay soo qaadeen ciidanka Daahir Riyaale Kaahin.

Wuxuu ujeediyey Xasan Abshir baaq Maamulka la baxay Somaliland ,isagoo sheegay in looga baahan yahay in aysan dhiig Soomaaliyeed daadin ,hadii ay sii wadaan waxyaabaha hada ay wadaan ay Puntland talaabteeda qaadeyso.

Shirkan waxaa laga soo jeediyey Warbixino xasaasi ah ,oo ku aadan xogta dagaal Somaliland iyo In ay dagaaladaasi ka qeybqaadanayaan kooxihii DFKMGS ka saartey Koonfurta dalka Soomaaliya.

Sirdoonka Xukuumada Puntland ayaa soo gudbiyey qoraalo iyo warbixino ku aadan dagaaladaasi iyo xaqiiqda loohayo in ay Koox-dii Asmara ,joogaan Magaalada Hargeysa isla markaana waxaa la cadeeyey in ay halkaasi joogaan Xubnaha ugu sareeya Isbaheysigii lugu soo dhisay Magaalada Asmara iyo Saraakiil ka socota dowlada Shisheeye.

Isimada Puntland ayaa qaarkood oo ka hadlay shirkaasi iyagoo siweyn uga hadlay xaaladaha dagaal ee ay Xukuumada Puntland ku jirto iyo talooyinka ay soo jeedinayaan.

Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ah gudoomiyaha Isimada Puntland ayaa sheegay in ayagu yihiin isimadii Puntland,isla markaana hadii ay Xukuumadu soo weydiisay taladooda ku aadan arinta Sool.

Wuxuu sheegay Islaan Ciise Islaan Maxamed in ay Xukuumada talo ka siinayaan arimahaasi ,dadka ku dhaqan Puntland oo dhana yihiin dad Jecel nabadgalyada ,aana looga baran Xukuumadooda iyo Shacabkooda toona dulaan lugu qaado dad Soomaaliyeed.

Hadiise lasoo weeraray ay xaq uleeyihiin in ay iska difaacaan ,isagoo Islaanku sheegay in loo baahan yahay in la difaaco jiritaanka iyo Midnimada umada Puntland.

Isimada gobalka Sool ayaa halkaasi ka soo jeediyey waxyaabaha waqtigan ka socda gobalkaasi iyo talooyin ay usoo jeediyeen Xukuumada.

Dhamaanba Isimada gobalkaasi oo uu kamaqnaa Garaad Jaamac Garaad Cali ,balse khadka telfoonka lugula xiriiray ayaa sheegay in uu ku raacsan yahay talo walba oo ay soo jeediyaan Isimada Puntland ee shirsan.

Isimada gobalka Sool ayaa dhamaantood waxaa ay sheegeen in dadweynaha Puntland aysan cidna gardareysan isla markaana ay weerar qaawan ku soo qaadeen Somaliland ,ayna gacan lixaad leh ka siinayaan Xukuumadooda difaaca iyo gudashada Waajibaadka saran ,kana saran deegaanadooda iyo Shacabkooda intaba.

Shirka Isimada oo socon doono ilaa maalinta beri ,ayaa laga bilaabo galabta ambaqaadaya shirarkooda hoose ,isla markaana waxa ay Xukuumadooda usoo jeedinayaan talooyin dhinaca Difaaca ah iyo go’aamo ku aadan Difaaca gobalada Puntland.

Isimada Puntland oo intooda badan joogey shirka ayaa inta maqana waxa ay ka heyaan deegaanada ay joogaan howlo Muhiim u ah umada Puntland ,isla markaana waxaa lafilayaa In ay ilaa beri tagaan gabagabada shirkaasi.

Shirkan ayaan aheyn kii ugu horeeyey ee ay yeeshaan Isimada Puntland ,balse waa mid door ah oo ku soo aaday xili ay xiisado dagaal ka oogan yihiin deegaanka gobalka Sool.

Isimada Puntland waa awooda ugu sareysa ee deegaanada Puntland ,ayagoo markaasina go’aan cad kaqaata waxyaabaha marba soo wajaha deegaanada dowlad gobaleedka Puntland.

bashiir cumar cali/garoowe
bashiir137@hotmail.com

:::Qraal ka soo baxay Jaaliyadda Sool, Sanaag, & Cayn ee Kuwait
:::KASOO HORJEED DAGAALADA LAGA HURINAYO SOOL
:::BAAQ WADAJIR AH: Waxgaradka Somaliland Iyo Puntland

:::BAYAAN TAAGEERO  EE JAALIYA PUNTLAND EE JEDDAH
::Maamulka Puntland: Ciyi waaggii ka baryay

Madaxii hay’adda WFP Soomaaliya oo xabsiga laga sii daayay

Oct 23: Waxaa maanta xurriyaddiisi dib u helay oo xabsiga laga sii daayay madaxii hay’adda WFP Soomaaliya Idiris Maxamed Cismaan oo muddo shan maalmood ah u xirnaa ciidamada dowladda oo ka soo qabtay xafiiskiisa Muqdisho xilli uu ku guda jiray shaqadiisi.

Md Idiris oo ay la socdeen qaar ka tirsan saraakiisha nabadgelyada Qaramada Midoobay oo ay ilaalinayeen ciidamo ka tirsan kuwa midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan Muqdisho kuwaas oo geeyay xafiiskiisi xarunta hay’adda WFP Muqdisho.

Md Idiris ayaa ka gaabsaday in uu wax war ah siiyo saxaafadda oo halkaa kula kulantay taas oo la xariirta amar ay bixiyeen saraakiisha Qaramada Midoobay iyadoo sii daysmada mas’uulkan ay ku soo aaday xilli shalay amar ka soo baxay maamulka gobalka Banaadir iyo guddiga amniga qaran oo sheegayay in maxaabiista xabsiyada ku jirta si dhaqsi ah maxkamad loo soo taago.

Dhinaca kale tan iyo markii la xiray sarkaalkan ay hay’adda WFP joojisay howlihii samafal ee ay ka waday Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho oo ay hay’addu gacan siinaysay dadka ka bara kacay rabshadaha Muqdisho ee ku sugan daafaha Caasimadda.

bashiir cumar cali
bashiir137@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 24, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com