SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Xorriyo

Barnaamijkii Radio Xoriyo
23 October 2007.
 
Dagaallo badan oo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga.
 
Hawgal qorshaysan oo 140 askari lagaga dilay gumaysiga magaalada Caado.
 
Waxyeellooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha.
 
Ururka Dhalinyarada Ogadenya oo cambaareeyey maamulka Hargaysa.
 
======================        
 
 
Dagaallo badan oo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga.
 
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo si ba’an loogu jabiyay ciidammada naf la-caariga ah ee gumaysiga Itoobiya, kuwaasoo ka dhacay meelo kala duwan oo gobollada Ogaadeenya ka mid ah. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;
 
20/10/07 Labiyo, oo Dhuxun ka tirsan, waxaa weerar gaadmo ah loogu gaystay ciidammada cadowga oo halkaas ku sugnaa, waxaana loo gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
 
Isla 20/10/07 dagaal si aad ah loo qorsheeyay ayaa lagu qaaday ciidammo gumaysigu lahaa oo hawlgal u joogay meelo ka tirsan degmada Dannood ee gobolka Doollo. Ciidammadan ayaa ahaa kuwo ilaalinayay ninka ammaanka kala taliya kaligii taliye Meles Zenawi oo lagu magacaabo Aby Tsehay, oo in muddo ahba hawlgal dadwaynaha ka dhan ah u joogay gobolka Doollo.
 
Dagaalkani wuxuu ka dhacay Laan-dheer, oo u dhaxaysa Caado iyo Dannood, waxaana ciidammada cadowga lagaga dilay 140 askari, iyadoo tiro kalana lagaga dhaawacay. Dadka dhaawaca ah waxaa ka mid ah gacan-yarihii Aby Tsehay.
 
Ciidammada gumaysiga ayaa markii dagaalkaas lagu jabiyay waxay u kala firxadeen jihooyin kala duwan. Waxaa ciidammada gumaysiga dagaalkaas lagaga furtay 35 Qori oo ay ku jiraan 3 Qori oo waawayn. Waxaa sidoo kale laga furtay tilifoon ah nooca satarlaytka ku shaqeeya ee Thureya iyo 3 ah noocyada yaryar ee ciidammadu isgaadhsiinta u isticmaalaan.
 
Maalinimadii ka denbaysay ee taariikhdu ahayd 21/10/07 waxaa deegaankaas ka dhacay 3 dagaal oo cutubnyo loo qaybiyay ay la galeen ciidammadii cadowga ee gurmadka ahaa. Dagaalladaas midkood wuxuu ka dhacay Qaydar-bilcille, hase yeeshee wali ma hayno faahfaahintooda.
 
19/10/07 Qol-dariiqo, oo Maraacaato u dhaw, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga gubay hal baabuur oo Uuraal ah, kaasoo ay ku dhintay in ka badan 60 askari oo baabuurkaas saarnaa.
 
18/10/07 dagaallo ka dhacay Daratoole iyo Far-hareeri, oo ka tirsan gobolka Doollo, waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 11, waxaa sidoo kale laga furtay 15 Qori iyo saanad kale.
 
15/10/07 dagaal ka dhacay meesha lagu magacaabo Garasley, waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 6. Waxaa sidoo kale laga furtay 16 Qori iyo saanad kale.
 
13/10/07 Maandooyaley, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxaa lagu helay malleeshiyo ka tirsan ciidammada cadowga, waxaana halkaas lagaga dilay 3 ka mid ah, waxaa sidoo kale laga furtay 33 Qori iyo saanad kale.
 
12/10/07 Gole, oo gobolka Doollo ka tirsan, dagaal CWXO iyo kuwa cadowga ku dhex maray, waxaa ciidammada lagaga dilay 3, waxaa sidoo kale laga furtay 3 Qori.
 
16/10/07 Hunjirri, oo Dhagaxbuur ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 1 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 3 askari.
 
Isla 16/10/07 Shabbaax, oo degmada Dhuxun ka tirsan, dagaal adag oo CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhex maray waxaa ciidammada saama la-luudka ah ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 45 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 19 askari. Waxaa ciidammada cadowga dagaalkaas lagaga furtay hub fara badan.
 
12/10/07 Ceel –Ogaadeen, oo Qabridaharre ka tirsan, dagaal  gaadmo ah oo ay CWXO ku qaadeen kuwa Wayaanaha, waxaa Wayaanaha lagaga dilay 2 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
07/10/07 dagaal ka dhacay Laan-dheer, oo Qabridaharre ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay  6 askari, 8 waa lagaga dhaawacay.
 
Isla  07/10/ 07  Raybadka, oo demada Sagag ka tirsan, dagaal  CWXO iyo  askarta  Wayaanaha ku dhax maray,  waxaa ciidammada Wayaanaha lagaga dilay  3 askari,  2 kalana waa lagaga  dhaawacay.
 
Waxyeellooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha.
 
Sida uu ku soo warramayo wariyaha noo joogo gobolka Qorraxey ee dalka Ogaadeenya, waxay ciidammada Wayaanuhu waxyeellooyin kala duwan u gaysteen dadwayne rayad ah oo ku dhaqan meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah.
 
Markii ay taariikhdu ahayd 15/10/07 waxay ciidammada gumaysiga Itoobiya baabuur shacab leeyahay ku gubeen meesha Dhambacaad, oo ka tirsan Shilaabo. Baabuurkaas iyo wixii saarnaaba ciidammada gumaysigu way gubeen, ka dibna waxay isla meeshii ku dileen milkiilihii baabuurkaas oo ahaa nin Ogaadeenya u dhashay oo lagu magacaabi jiray Mawliid Qorane Wacays.
 
Ciidammada gumaysigu waxay isla deegaankaas kala tageen baabuur kale iyo milkiilihiisii oo lagu magacaabo Sh C/llaahi, oo aan ilaa iyo hadda laga warhaynin meel ay geeyeen.
 
Isla 15/10/07 waxay ciidammada gumaysigu xidhxidheen ganacsato ku dhaqan magaalada Dhuxun, kuwaasoo ay qaarkoodna dukaamadiina ka xidheen, iyagiina ay xidhxidheen, qaar kalana ay dukaamadii oo kaliya ka xidheen, isla markaana ka mamnuuceen inay wax ganacsi ah sameeyaan.
Dadka dukaamadiina laga xidhay, iyagiina xabsiga la dhigay waxay kala yihiin;
1-    Axmed Daahir Dayib
2-    Aaden-mahad Cumar Budul iyo
3-    Xaaji C/llaahi Aaden Dhari
 
Waxaa iyaga dukaamadii oo kaliya laga xidhay dadka kala ah;
1-    Carab Xuseen Xasan
2-    Rashiid Xuseen Cumar
3-    Xuseen Cumar Jadeer iyo
4-    Faynuus oo magaceeda oo buuxa aanaan haynin
 
16/10/07 Waxay ciidammada gumaysigu Sasabane kala tageen nin shacab ah oo lagu magacaabo Axmed-aar Cabdi Xiis.
 
10/10/07 tuulada Laan-dahab, oo degmada Shilaabo ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku laayeen 4 neef oo Geel ah, kuwaasoo ay xabbad ku laayeen.
 
12/10/07 tuulada Ceel-Ogaadeen ee Gobolka Qorraxay, waxay Askarta wayaanuhu ku kufsadeen labo gabdhood oo lagu kala magacaabo Xabsa iyo Shamsa. Waxay sidoo kale jidhdil xun u gaysteen laba nin oo shacab ah oo iyana la kala yidhahdo, Faarax Cabdi iyo Arbe Max’ed.  
 
Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ayaa tuulada Bukudhawa ee Gobolka Jarar ku dhacay in ka badan 100 neef oo Geel ah oo ay 7 Neef isla meeshii ku qasheen.
 
Ciidamada Gumaysiga Itoobiya waxay mar kale Tuulada Ceel Ogaadeen ee Gobolka Qorraxay kula wareegeen bakhaar uu lahaa nin shacab ahi, kaasoo ay la wareegeen dhamaanba wixii hanti ahaa ee yaallay.
 
 
Q19OCT2007
Bayaan ku wajahan Maamulka Hargeysa
October 20, 2007
Dhibaatada uu gumaysiga Itoobiya ku hayo shacabka Ogaadeenya waa mid joogta ah waana mid aan dhamanaynin inta la gumaysanayo shacabka Ogaadeenya ee mudada dheer kusoo jiray Gumaysiga Itoobiya, inta uu gumaysi jiro wuu jirayaa dhibku waxaana ladoonayaa in uu shacabka Soomaalidda Ogaadeenya isku tashado oo ay u istaagan sidii ay uga gudbi lahaayeen dhibaatada dusha loo saaray.
Waxaan ogsoonahay sanadihii u dambeeyay in ay sii kordhayso wax yeelaynta shacabka, waxaana bilihii ugu dambeeyay ka bara kacay dhulka Ogaadeenya kumanaan muwaadiniin oo Soomaalidda Ogaadeenya ah oo u badan reer miyi xoolo dhaqato ah waxaana kamid ah meelaha ay u bara kecen gobaladda Soomaaliya ee dariska ah, waxayna kala kulmeen dhibbaato lamid ah midii ay ka soo carareen gaar ahaan gobaladda W/Galbeed oo si ula kac ah loogu wax yeeleeyo shacabka ka soo jeeda Ogaadeenya waxaana ugu weyn qab-qabashadi loo gaystay dad kasoo jeeda Ogaadeenya kadibna loo gacan galiyay gumaysigii ay ka soo carareen, taas oo ah arin aad u xun, waxayna isku waafaqsan yihiin Maamulka W/Galbeed & Shacabkiisuba in laga ganacsado dadka ka soo jeeda Ogaadeenya.
Cambaarayn.
o                                                        Golaha Ogaden Youth Forum Wuxu si xoogleh u cambaaraynayaa dhiibida 15 qof ee u dhashay Soomaalidda Ogaadeenya ee uu dhiibay maamulka Riyaale 13, Oct 2007 kuwaas oo laga soo qab-qabtay Burco, Haregaysa & Loowyacade.
o                                                        Golaha Ogaden Youth Forum wuxuu si kulu u cambaaraynayaa falalka aad u xun xun ee uu Maamulka Haregaysa ku hayo dadka ka soo jeeda Ogaadeenya.
Talooyin ku socda Shacabka W/Galbeed.
Hadii aan Su’aal waydiino Maamulka W/Galbeed & shacabkiisaba Tigree & Soomaali yaa idin xiga?
Annaga oo aad uga xun wax yeelaynta shacabka Soomaalidda Ogaadeenya ee uu Maamulka W/Galbeed ku dhiiranyahay wax yeelayn tooda waxaan u soo jeedinaynaa talooyinkankan.
  1. In ay ka waan toobaan falalka xun xun ee ay kula keceen dadka walaalohood ah ee ka soo cararay gumaysiga Itoobiya.
  2. In ay dhiibida ay u dhiibayaan gumayiga Itoobiya shacabka Soomaalidda Ogaadeenya joojiyaan arintaas oo ah arin caado u noqotay Maamuladii hore & midka maanta joogaba, waxaana ognahay in ay midani tahay dhiibidii 5aad oo ladhiibo dad u dhashay Ogaadeenya laga soo bilaabo 1996 ilaa eega 2007.
  3. In shacabka W/Galbeed ka hortagaan dhibaatada uu Maamulkoodu caadaystay taas oo keeni karta cawaaqib xumo, & taariikh xumo, hadii ay ku daawadaan waxay macnaheedu tahay in ay raali kayihiin kuna daawanayaa xumaanta uu Maamukoodu wado.
  4. Waa in ay dhawraan daris wanaaga dhaqanka & diintaba waana in ay ilaaliyaan xidhiidhka joogtada ah ee u dhexeeya labadda shacab.
  5. Intaas oo dhan markii la waayo waxaad ogaataan dhulka in la kala leeyahay.
Talooyin ku socda Shacabka Ogaadeenya.
Waxaa la gudboon shacabka Soomaalida Ogaadeenya in ay qodobadan u fuliyaan sida ay yihiim, maadaama ay arintan tahay arin ay inbadan ku dhiiranayaan Maamulka W/Galbeed oo dhamaan weyday.
  1. Dhamaan shacabka Ogaadeenya ee ku nool W/Galbeed waa in ay ka baxaan mar hadii laga ganacsanayo.
  2. Wax ganacsi ah oo W/Galbeed lagaynkaro ama ka iman karanna waa in uusan jirin.
  3. Waa in talaabo deg-deg ah laga qaado Maamulka & Shacabkiisaba mar hadii ay isku fikir noqdeen colaada ay abuureena waa in ay dha-dhamiyaan.
  4. Dagaalka ka bilowday Burco, Haregaysa, Loowyacade Boorame Barbara, iwm waa in laga dareemaa dhamaan dhulka Ogaadeenya oo si dhab ah loo qaato.
  5. Dhamaan dadka u dhashay W/Galbeed ee ku nool Ogaadeenya waa in ay sida ugu dhakhsaha badan uga baxaan maalmo gudahood.
  6. Dhalinta Ogaadeenya ee loo dhiibay cadowga Itoobiya waa in loo xidhaa in u dhiganta sida diinteenu sheegtay.
Codsi:
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya waa in ay garab istaagaan shacabkooda ugana hiiliyaan cidwalba oo dulmaysa, gaar ahaan kuwa ka ganacsanaya qarnigan aan manta ku jiro shacabka aad dhiigiina u daadinaysaan maalin & habeenba si aad xoriyad u gaadhsiisaan.
 
 
23 October 2007
 Axmed Gaal-Eri
 
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmahaa Talaadada & Sabtida  7:00PM – 7:30  waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 24, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com