SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA

Warsaxaafadeed:  Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland...

Warxaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada, Siciid Cadaani Mooge, ayaa u qornaa sidan:

JAMHUURIYADA SOMALILAND
WARSAXAAFADEED KA SOO BAXAY MADAXTOOYADA JSL

23/10/07

Shirkii Golaha wasiirada oo uu godoominaayay Madaxwaynaha JSL Mudane Daahir Riyaale Kaahin oo ka dhacay qasriga madaxtooyada shalay oo Isniin ahayd waxaa ka mid ahaa arimaha lagu falan qeeyay xaaladda ay kusugan tahay magaalada laascanood, magaalo madaxda gobolka sool oo ay hada gacanta ku hayaan maamulka Somaliland.

Waxaa uu madaxwaynuhu shirka usheegay in ay laga maar maan tahay in sifiican looga tageero baahiyaha kala duwan ee ka jira gobolka Sool oo in mudo ahba dayacnaa.

Hadaba si taa looga howl galo waxa golaha wasiiradu ay isku raceen in cashuuraha dalka laga qaado oo dhan 2% in la saaro is loogu daboolo baahiyahaa ka soo kordhay gobolka.

Shirku waxaa kale oo uu isku raacay in golaha wasiiradu ay horeed ka noqdaan in mushaharkooda halbil ay ugu deqaan kuna cawiyaan baahiyaha deg dega ah ee ka jira gobolka Sool.

Shirka golaha wasiirada waxaa uu tibaaxay arimaha ugu muhiimsan ee ay laga maar maan tahay in si deg dega wax looga qabto inay yihiin nabad galyada iyo xasiloonida gobolka taas oo ay hada ku guda jiraan maamulka Somaliland ee gobolkaas iyo waftiga balaadhan ee ka socda xukuumada Somaliland iyo xildhibaanada golayaasha oo hada ku sugan magaalada laascaanood.

Alla Mahad Leh
Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenka Madaxtooyada JSL
Ahna la taliyaha Madaxwaynaha dhinaca warbaahinta
   
  Wariye Mohamed mussa inji
  Hargeysa
  Somaliland
somalilandradio@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 24, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com