SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Hooyo Cadar Maxamed Cali waxay u baahan tahay Kharashkii ay ku tagi laheed dalka Ugaanda si loogu daweeyo cunugeeda. 

Muqdisho, Somalia


Hooyo Cadar waxay muddo dheer la daalaadhaceysay cunug ay dhashay oo mudo ka xanuunsanaa ka dib markii madax ee ka galeen biyo waxayna Cadar cunugeeda geysay taqaatiirta magaalada Muqdisho hasa yeeshee dhawaan cunagaas waxay u geesay Taqaadiirta Uganda ay ka howlgasha Isibitaalka Amisom ee magaalada Muqdisho waxayna baaritaan ku sameyeen Safiyo waxayna u sheegeen hooyo Cadar in cunugani u baahan yahay qaliin deg deg ah si looga saaro biyaha madaxa ku jiro.

[Halkan ka eeg warqaddii dhakhaatiirta Uganda]

Warqadda oo weyn... Guji

 taqaadiirtan waxay kaloo u sheegeen in ay diyaar u yihiin in cunugaasi ay ku soo daweeyaan dalka Ugaanda balse waxa ay u sheegeen Hooyo Cadar in loo baahan yahay in ogolaansho laga helo Dowladda Federaalka          Cadar dadaal kale ayey sameysay waxaana u suurta gashay in ay la kulanto Wasiirada Caafimaadka ee Dowladda Fedraalka Qamar Aadan waxayna uga warbixisey xaaladda Canuga  ka dib wasiirada waxay u qortay qoraal loogu codsanayo Dowlada Uganda in cunugaasi lagu soo daweeyo Dalkooda.

[Warqadda wasaarada caafimaadka DFKMG]

Warqadda oo weyn halkn ka eeg...

          Hooyo Cadar waxay u baahan tahay Kharashkii ay ku tagi laheyd dalka Uganda ee dhinaca TikiDka Diyaarada iyo qarashka kale ay ku joogi laheyd wadanka Uganda inta ay Isibitaalka ay kula jirto cunugeeda hadaba dadka soomaliyeed ay ku nool dibadaha hooyo cadar waxay ka codsaneysaa in ay gacan ku siiyaan tagista wadanka Uganda hadaba cidii dooneyso in ay u kaalmeyso Hooyo Cadar waxay kala soo xiiri karaan.

 

Amiin Yuusuf Khasaaro

 E-mail:   amiinkhasaaro@hotmail.com

Tell:002521-5532494

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 23, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com