SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARSAXAAFADEED

WAR SAXAAFADEED
 
Ku: Dadweynaha nabadda jecel ee Somaliland/Puntland            Oct., 21st 2007
Ku: Walaalahayaga reer Sool
Ku: Ciddii ay khusayso
 
Ujeedo: KASOO HORJEED DAGAALADA LAGA HURINAYO SOOL.
 
Yuusuf Budle | Somaliland Investment Group

Aniga oo ku hadlaya, magaca odayaasha, madaxda, culimo-awdiinka, aqoonyahanada iyo dhamaanba Jaaliyadda Somaliland ee Minnesota, USA, aniga oo ku hadlaya magaca madaxda Somaliland Investment Group, aniga oo ku hadlaya magacayga shaqsi ahaaneed waxa aan tacsi iyo murugo u dirayaa, lana wadaagayaa dhamaanba shicibka iyo maatida dhibaatooyinka dhimasho, dhaawac iyo burburka dhaqaaleba ka soo gaareen dagaalada aan salka iyo ujeedada lahayn ee ka socda deegaanka gobolka Sool iyo agagaarkiisa.

 
Aniga oo ku hadlaya magaca hay’adda Somaliland Investment Group iyo kayga shaqsi ahaaneedba waxa aan u soo jeedinayaa cambaarayn dhamaanba shaqsiyaadka iyo kooxaha ka shaqaynaya kala fogaynta, iskudirka iyo warxun u kala sheegga dadka walaalaha ah ee wada dhashay ee deegaanka Sool. Shicibka iyo maatida reer Sool waxa ay u leeyihiin xuquuq aan muran lahayn in ay ugu noolaadaan deegaankooda sharaf, ixtiraam iyo nabad waarta. Maamulada Somaliland iyo Puntland, midkoodna uma banaana in ay dheesha siyaasadeed ku dul dheelaan dadka masaakiinta ah ee reer Sool.
 
Waxa aan u soo jeedinaynaa madaxda, culimo-awdiinka, odayaal dhaqameedyada, aqoonyahanada iyo dhamaanba wax garadka reer Sool in ay ka dhiidhiyaan, qaska iyo qalalaasaha laga wado deegaankooda. Waxa waajib diiniya ah in ay af iyo adinba ka geystaan dejinta iyo dib u walaalaynta dadka deegaanka Sool iyo deegaanada la deriska ahba.
 
Ugu dambayn, waxaan si gaar ah uga codsanaynaa in shaqsiyaadka iyo kooxaha u kala dhashay Somaliland iyo Puntland ( ee aan ka soo jeedin Sool) ee sida gaarka ah uga shaqaynaya borobogaandaha, isku dirka iyo aafaynta dadka walaalaha ah ee reer Sool in ay ilaah ka cabsi u noqdaan, xasuustaanna in dabka ay hurinayaan ku dambayndoono deegaanadooda ay moodayaan in ay ka fog yihiin meelaha ay dabka ka hurinayaan.
 
Wabilaahi tawfiiq
 
Yuusuf Budle
Somaliland Investment Group
(Non political, nonpartisan investment group)
Minneapolis, MN USA

Afeef: Aragtida qoralkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 21, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com