SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Oct 19, 2007

  • Abshir Bacadle oo ay Ciidamada DFKMG Gurigiisa kala baxeen
  • Iimaamkii Masjidka Bangaariyo oo Lagu Dhex diley Gurigiisa
  • Iska Hor imaad ka dhacay Degmada Hodon:
  • Galkacyo: Xasan Abshir oo ka qayb galay shir looga hadlayey Difaaca DGPL
  • Gen. Cadde Muuse oo Magacaabay Saddex Guddi..
  • Is-Rasaasayn Xooggan oo ka Dhacday Magaalada Boosaaso...

Abshir BacadleAbshir Bacadle oo ay Ciidamada DFKMG Gurigiisa kala baxeen

Muqdisho, Jimce 19, 2007: Abwaan Abshir Nuur Faarax ayaa maanta waxaa gurigiisa kala baxay Ciidamada la sheegay in ay ka tirsan yihiin DFKMG.

Wararka ugu horeeya waxay tibaaxeen in Abwaan Abshir Bacadle laga kaxaystay gurigiisa oo ku yaal xaafadda Lambar-Afar (KM4) oo ay ciidamada DFKMG u kaxaysteen meel aan la garanayn.

Abshir Bacadle waa abwaan caan ah oo ay yaqaanaan Soomaalida oo dhan.

Iimaamkii Masjidka Bangaariyo oo Lagu Dhex diley Gurigiisa

Muqdisho, Jimce 19, 2007: Waxaa maanta gurigiisa lagu diley iimaamkii Masjidka Bangaariyo ee degmada Hodon. Waxaana wararka ugu horeeya ee ka soo baxay ay sheegayaan in gurigisa ay ugu galeen ciidamo la sheegay in ay ka tirsan yihiin DFKMG kaddibna ay halkaas ku dileen iimaam Axmed Nuur.

Iska Hor imaad ka dhacay Degmada Hodon:

Waxaa maanta (Jimce) iska hor imaad ka dhacay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, kaas oo dhex maray kooxaha iska caabinta iyo ciidamada DFKMG.

Iska hor imaadka ugu xoogga weyn waxa uu ka dhacay Isgoyska Siinay.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee iska hor imaadkaasi geystey. Waxaana jirta in ciidamada xabashida ee ku sugan xaruntii madaxtooyada ay soo rideen madaafiic xooggan oo aan loo aaba yeelin.

Galkacyo: Xasan Abshir oo ka qayb galay shir looga hadlayey Difaaca DGPL

xasan abshirWasiirka Kulluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee DFKMG, Xasan Abshir Faarax, ayaa maanta (Jimce) waxa uu magaalada Gaalkacyo kaga qayb galay shir looga hadlayey difaaca Dawlad Goboleedka Puntland.

Waxaa shirkaas ku weheliyey wasiiro ka tirsan DGPL oo uu ku jirey wasiirka Maaliyadda, Maxamed Cali Yuusuf (Dr. Gaagaab).

Xasan Abshir ayaa dad badan oo siyaasadda Puntland odorosa waxay rumaysan yihiin in uu qorshaynayo in uu u tartamo madaxweynanimada DGPL.

Gen. Cadde Muuse oo Magacaabay Saddex Guddi..

Madaxweynaah DGPL, Gen. Cadde Muuse ayaa maanta (Oct 19, 2007) soo saaray wareegto uu ku magacaabay saddex guddi oo ah: "Guddiga Difaaca", "Guddiga dhaqaalaha iyo taakulada." iyo "Guddiga Siyaasadda iyo Wacyi gelinta". Waxayna guddiyadaasi toos u hoos tegayaan madaxweynaha DGPL iyo ku xigeenkiisa.


Gen. Cadde oo tuute xirtay....

Wareegtadaas oo ku taariikhaysan Oct 18, 2007 waxay u qornayd sidan:

Madaxweynaha Puntland

  • Markuu arkay Dastuurka Puntland,
  • Markuu tixgeliyey Xaaladda Nabadgelyo ee Puntland,
  • Markuu Tixgeliyey Weerarada gardarrada ah ee ay ciidamada w.Galbeed oo kaashanaya xoogag argagaxiso ahi ku hayaan degaamada Puntland.
  • Markuu tixgeliyey waajibka dowladda iyo shacabka ka saran daafaca Puntland dal iyo dadba.
  • Markuu arkay sida loogu baahan yahay abaabulidda iyo wacyigelinta dadweynaha Puntland kuna aaddan daafaca iyo adkaynta midnimada bulshoweynta Puntland.

Wuxuu xeeriyey:
1.Magacaabidda guddiyada heer qaran oo kala ah:

A.Guddiga Difaaca

  • 1.Cabdi Salaad Cali Wasiirka Qorshaynta, Guddoomiye
  • 2.Ibraahim Cartan Ismaaciil Wasiir ku xigeenka Amnigga &DDR Xubin
  • 3.Yaasiin Cali Cabdulle Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Xubin
  • 4.S/Guuto C/dillaahi Siciid Samatar,la taliyaha Madaxweynaha xubin
  • 5.S/Guuto C/samed Cali Shire Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Xubin
  • 6.G/Sare C/casiis Saciid Maxamud Taliyaha Ciidanka Booliiska xubin
  • 7.G/sare C/risaaq Sh.Cusmaan, kormeeraha Guud ee Ciidamada xubin

B.Guddiga dhaqaalaha iyo taakulada.

  • 1.Maxamed Cali Yuusuf Wasiirka Maaliyada Guddoomiye
  • 2.Axmed Saciid Aw Nuur Wasiirka waxbarashada Xubin
  • 3.Siciid Maxamed Raage Wasiirka Kalluumaysiga xubin
  • 4.C/Nuur Cilmi Maxamuud Wasiirka Shaqada iyo shaqaalaha xubin
  • 5.C/risaaq Yaasiin cabdulle Wasiirka Caddaaladda xubin
  • 6.Cadillaahi Cali Xirsi Wasiirka Howlaha Guud xubin

C.Guddiga Siyaasadda iyo Wacyi gelinta

  • 1.C/raxmaan Saciid Maxamuud Wasiirka Caafimaadka Guddoomiye
    2.Cali Cabdi Awaare Wasiirka D/ha Hoose &HG xubin
    3.Cabdi/Raxmaan Maxamed Saalax Wasiirka Warfaafinta xubin
    4.Caasha Geelle Diiriye Wasiirka H.Haweenka xubin
    5.Axmed Aadan Carab Wasiir ku xigeenka D/Hoose xubin
    6.Cabdi/raxmaan Diiriye Shuuqe Wasiir ku xigeenka shaqada iyo shaqaalaha xubin

Guddiyadan kor ku magacaabani waxay toos u hoos yimaadaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland

Waxaa ku saxiixnaa Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland, Gen. Cadde Muuse.


Is-Rasaasayn Xooggan oo ka Dhacday Magaalada Boosaaso...

Khamiistii (Oct 18, 2007) waxaa magaalada Boosaaso ka dhacday is rasaasayn dhex martay ciidamo ka tirsan DGPL iyo koox la sheegay in ciidamadaasi ay ku hareereeyeen guri ay ku jireen.

Wararku waxay tibaaxeen in ilaa saddex qof ku dhinteen, ilaa tabaneeyo qofna ku dhaawacmeen.

DGPL weli wax war ah kama soo saarin sababta ay ciidamadoodu isugu gadaameen guriga iyo wixii halkaas ka dhacay.

Odayaasha dhaqanka ayaa isku deyaya in ay arinta xalliyaan.

Dadka reer Puntland ayaa rumaysan in Cadde Muuse uu aad ugu mashquulay shirkado aan wax dan ah u hayn Puntland oo sheega in ay batrool u soo saarayaan oo intii uu ku mashquulsanaa ay dhumeen dhammaan hawl-socodkii hab maamul ee DGPL, ayna gobolka ka dilaaceen musuqmaasuq aafeeyey oo aan cidna lagula xisaabtamin.

colaad
Colaad Maxamed

Musharaxa madaxweynanimada DGPL, Colaad Maxamed, oo la hadlayey saxaafada ayaa yiri "maamulka uu hogaamiyo cade muuse iyo ku xigeenkiisu ay xilka iska wareejiyaan taasoo oo uu ku macneeyey in dalkii iyo dadkii ay lumiyeen islamarkaana ay dadka shacabka ah ee reer punt-land aysan wax kalsooni ah"

Musharaxa oo ka hadlaayey tayo xumida maamulaka Cadde Muuse ayaa yiri: "ciidamada Puntland ay ka badan yihiin ilaa 8,000 (sideed kun) oo ciidamo ah oo mushahar ka qaata punt-land laakiin aysan jirin wax tayo ah oo ay leeyihiin..."

Dhanka kale qaar kamid ah labada shacab ee walaalaha ee ku kala dhaqan Woqooyi-Galbeed (Somaliland) iyo Woqooyiga-bari (Puntland) ayaa aaminsan in maamulada meelahaas ka dhisan ee ay kala hoggaamiyaan Col. Daahir Riyaale iyo Gen. Cadde Muuse, ay si dadban uga shaqaynayaan in ay gobolka ka abuuraan xaalad sababta in ciidamada Itoobiya soo galaan iyagoo ku marmarsiinyoonaya in ay kala dhex gelayaan Somaliland iyo Puntland, sidaasna ku qabsadaan inta u dhiman dhulka Soomaalida.

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 19, 2007

Musharaxa Maamul Goboleedka Puntland Oo Ku Tilmaamay DGPL Mid Fadhiid ah.
iyo Mujaahidiinta Soomaaligalbeed oo dagaalo ay dhex mareen iyaga iyo ciidamadda gumaysiga ee Ethiopia..

Odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha oo warsaxaafadeed ka dhan dowladda Norway ka soo saaray magaalada Muqdisho....

dfkmg

Dood ka dhalatay Ajande sameyntii Baarlamaanka DF Usbuuc kadib  Baarlamaanka FKMG oo is-weydiinaya Ajandihii uu ka doodi lahaa, Xukuumada oo is khilaafasan, Baarlamaanka oo u kala qaybsamay laba iyo Ciidamada Ethoobiya oo la wareegay Amaanka Goobta shirka.


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com