SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print


Garoowe
Range oo Sheegtay in ay Lacag dhan $591,000 siisay Garoonka Garoowe sannadkan 2007:
Waxa kale oo ay sheegtay in ay sannadkan Puntland ku bixisay $6 million, laakiin.... Akhri....


Maamulka Puntland: Ciyi waaggii ka baryay 18/10/07

 Puntland waxay ku caanka aheyd nabadgelyada, hase yeeshee maamul xumo baa deegaankaas dhaxalsiiyay xasaloon la`aan iyo barakac. Barakacan ayaa sii xoogaysatay ilaayo markii uu farha ka baxay ammaanka magaaladda laascaanood.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa ka socday xarunta madaxtooyada  shirar qaatay saacado aad u dheer. waxyaalihii la soo qaaday waxaa ka mid ahaa :

  • booqashadii Madaxweynuhu ku tagey jiidaha dagaalka ( jiidee!!! Tuka-raq). Wuxuu ku faraxay markii loo sheegay in la tagay meel u jira laascaanood 20km, lana beeniyay hadalkii ay maanlintaas sheegteen Xubnaha Maamulka la baxay Somaliland oo ku aadanaa in ay Garoowe u jiraan wax ka yar 30 KM.
  • Madaxweynaha oo markuu tagay tuuladaas ku labisnaa Tuutaha ciidamada Milateriga, ayaa u sheegay dadkii uu la kulmay inuu la wareegay taladii ciidamada. Talada uu ka hadlayaa ee la wareegay waa taladee,
  • iyo Sameyn Map dagaal ay Puntland isku difaaceyso ( miyuusan jirin).

 

Kala oradka xilligaan iyo kulankaas waxaa lagu tilmaamikaraa inay yihiin ciyi waaggii ku baryay.Go`aamada ka soo baxeyna ay ku saleysan yihiin sidii maro loo saari-lahaa khaladaadkii sanadaha soo jiitamahayay, tusaale ahaanna ay ka mid yihiin:

  • In aan madaxda maamulka ayn ka war qabin tirada ciidamada puntland, hadeerse codsadeen in loo soo sheego. soo la yaab noqonmeyso arintaani, markii 70% miisaaniyadda maamul goboleedka puntland, ay ku baxdo dhinaca ciidamada. Hase yeeshee waxaa isweydiin mudan, maxaa keenay in la waayo ciidan tayo leh oo difaaca dadka iyo dalka? isu dheeli-tirnaan la`aantaan iyo su`aashaan muhiimka ah waxaan jawaabteeda ka maqlay madaxweynaha xilligaan ka taliya puntland, mar uu u tegay ciidamo fadhiyay jiida hore ee Aricadeeye” ciidamadii meesha la iigu sheegay ma joogin, tirada la kordhiyena waxay muujineysaa musuq maasuqa jira”. hadalkaani wuxuu ku beegnaa wakhti yar ka dib markii uu la wareegay maamulka puntland. Walina 2007 hadalkii buu ku cel-celinayaa.
  • Madaxweynaha la wareegay taladii ciidamada, wuxuu ka codsadey wasiirka amniga iyo Taliyaasha ciidamada inay u sheegaan in ciidamo jiraan iyo sababihii dhaliyey inay ciidanka Puntland ka soo baxaan Laascaanood. War qab la`aantaani waxay caddaan u tahay ineysan madaxda puntland aysan ka war-heyn waxa ka socda dalka ilaa danahooda gaarka ah(Qalbi Aadmi labo uma qeybsamo),
  • Hadalka magacaabida gudiga xaaladda deg deg ahi, baa ah nasiib daro iyo in reer puntland ay ka gudbiwaayeen xaalad deg deg 30kii sanadood ee la soo dhaafay. Run ahaantii degaamada puntland waxay u baahan yihiin in caqligu shaqeeyo, lana helo madax xilkas ah, lugu aaminkarana aayaha daka iyo deegaanka p/land.

Xaaladaan oo kale way soo mareen gobollada puntland, waayo-aragnimana waa u leeyihiin siday isu difaacaan. waxaan ugu baaqayaa midnimo iyo kala danbeyn.

Sidoo kale waxaan ugu baaqayaamadaxda maamulka, waxaa tihiin ku sifawdeen maahmaahdii  aheyd “ Madax muuqda iyo middi saawira midna lagama samree isa saxa”. Markaan sidaan leeyahay, waxaan ula jeeddaa in aan la joogin wakhti la isku dhexdaato. 

Qore: shakib_dhowre@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 18, 2007

dfkmg

Dood ka dhalatay Ajande sameyntii Baarlamaanka DF Usbuuc kadib  Baarlamaanka FKMG oo is-weydiinaya Ajandihii uu ka doodi lahaa, Xukuumada oo is khilaafasan, Baarlamaanka oo u kala qaybsamay laba iyo Ciidamada Ethoobiya oo la wareegay Amaanka Goobta shirka.

 


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com