SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Mujaahidiinta Soomaaligalbeed, oo dagaalo ay dhex mareen iyaga iyo ciidamadda gumaysiga ee Ethiopia .

Dagaalo faraha laysula tegey ayaa dhex maray ciidamada Ethiopia iyo weliba xoogaga mujaahidiinta soomaali galbeed islamrkaana ku dilay tiro badan oo ka tirsan ciidanka gumaysiga ee ethiopia qaar kalana kaga dhaawacay.

Maalintii shalay ayaa dagaal culusi waxaa uu dhex maray Mujaahidiinta Midowga Jabhadda Xoraynta Soomaali-galbeed iyo gumaysiga Itoobiya.

Dagaalkan ayaa la sheegay in uu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Muluqo oo ka tirsan Dagmadda Shaygoosh ee gobalka Qoraxay, dagaalkan ayaa ahaa mid gaadmo ah oo ay ciidamadda Mujaahidiintu ku qaadeen Ciidamadda gumaysiga oo fadhiisan ku lahaa ceelal halkaa ku yaala oo xooluhu ka cabaan.

Mujaahidiinta ayaa ku dilay 10 ka tirsan ciidanka gumaysiga dagaalkaas iyagoo tiro intaa ka badana ku dhaawacay dhanka Mujaahidiinta Alle mahadii ayuuna jirin wax khasaaro ah oo kasoo gaadhay dagaalkaas.

Dhanka kale dhulka S/galbeed ayay wali ka jirta xaalad aad uqalafsan taasoo isugu jirta dhibaatooyinka ay ciidamadda gumaysigu ku hayaan shacabka dhulkaa dagan sida Dilka, Dhaca, iyo barakicinta, intaa waxaa sii dheer iyadoo gobolkaasi in muda ahba ay goodoomiyeen gumaysiga iyagoo joojiyay dhamaanba waxyaabihii ganacsiga lagu gayn jiray goblkaas.

gaashaan

Raysal Wasaare Geedi Oo Xarunta Ethiopia Ee Adiis Kula Kulmay Qaar Ka Tirsan Madaxda Ethiopia.

Raysal wasaaraha dowlada KMG ah ee cali maxcamed geedi ayaa la sheegay inuu safar aan hore loo shaacin ugu kicitimay xarunta ethiopia ee adiis-ababa islamarkaana halkaas kulan kula yeeshay qaar ka tirsan madaxda xukuumada ethiopia oo uu horboodayo wasiirka arimaha dibada siyum-musfin halka la sheegay inuu saacadaha fooda inagu soo hayona la sheegay inuu kulan la qaadan doono raysal-waasaraha xukuumada ethiopia melez.

Safarka cali geedi ayaa ka dambeeyey kadib markii uu khilaaf xoogani uusoo kala dhexs galay isaga iyo madaxweynaha dowlada KMG ah c/laahi yuusuf taasoo sababtay inay xubnaha baarlamaanka iyo xukuumaduba u kala jabaan labo dhinac oo la kala safan labada masuul .

Khilaafkan oo marba marka kasii dambeeya u muuqda mid sii xoogaysanaya ayaa keenay inuu gaaro xaalad maaran waa ah oo ay magaalada baydhabo ee xarunta gobolka bay ay la ciir-ciirayso islamrkaana ay ciidamada doiwlada KMG ah ee ku sugnaa magaalada caasimada ee muqdisho ay badankoodii kusii qul-qulayaan magaalada baydhabo ee khilaafka labada masuul ay ka taagan yihiin kuwaasoo u kala jan jeera geedi iyo yuusuf.

Dhinaca kale u yeeritaanka labada masuul looga yeeray sida la sheegay xarunta Ethiopia ee Adiis ababa oo lagu wado inuu isna maanta ka ambabaxo baydhabo madaxweyne yuusuf ayaa bar bar socda inay arinta soo kala dhex galaan ethiopia ,igad iyo weliba ururka midowga afrika ee AU si loosoo afjaro islamrkaana miiska wadahadalka la keeno labada masuul .

Sidoo kale safiirka u fadhiya soomaaliya dalka kenya maxamed cali ameeriko oo u waramayey wakaalada wararka ee AFP iyo routers ayaa daboolka ka qaaday in ururka igad ay damacsan yihiin in qilaafka lasoo afjaro islamrkaana wada hadal lagu dhameeyo arinta murugsan ee dhex taala madaxda dowlada .

Maareeye Oo Dhaleeceeyey Isu Imaatinka 22-ka Wasiir Ee Kulanaku Uga Socdo Baydhabo.

Wasiirka dib u heshiisiinta dowlada KMG ah maxamed cabdi xayir maareeye ayaa shaaca ka qaaday inay yihiin wasiirada ka tirsan xukuumada geedi ee ka kooban 22-ka wasiir uu kulankoodu yahay shimbirayohow heesa islamrkaana ay yihiin shini boqorkoodii ka maqan yahay waa siduu hadalka u dhigaye .

maareeye ayaa intaasi sii raaciyey in raysal wasaare geedi uu wakiil uga yahay golaha wasiirada wasiirka dastuurka iyo arimaha federaalka c/laahi sheekh ismaaciil ,islamrkaana uu dukumenti gacanta u geliyey ay ku qoran yihiin macluumaadka iyo sidii loo maamulayo inta uu ka maqan yahay xukuumada .

'' ma qaban karaan wasiiradani shir uusan shir gudoominayn c/laahi sheekh ismaaciil oo ah raysal-wasaare ku xigeenka labaad mana loo baahna in qol laysku soo xiro inta kafee laga dhergo '' ayuu yiri maareeye oo saaka ka hadlayey qaar ka tirsan warbaahinta gudaha .

Dhinaca kale wasiirka wasaarada isportska iyo dhalinyarada mowliid macaane maxamuud ayaa daboolka ka qaaday in wasiirada shirsani ay yihiin niman geedkii ay saarnaayeen miinshaar ku goynaya islamrkaana aan laga aqbalayn in xukuumada aan soo dhoob dhoobanay ay naga bur-buriyaan .

Si kastaba ha ahaatee heerka kala qaybsanka ,baarlamaanka iyo xukuumada ayaa maraya heerkiisii ugu xumaa islamarkaana qarka u saaran in lagu kala baxo magaalada baydhabo ee xarunta gobolka baay taasoo lawada eegayo marka mooshinka lasoo hor dhigo xubnaha baarlamaanka lagana dhursugayo meesha ay ku dambayn doonto dowlada TFG_da .

Musharaxa Maamul Goboleedka Punt-land Colaad Maxamed Oo Ku Tilmaamay Maamulka Punt-land Mid Fadhiid ah.

colaadMusharaxa maamul goboleedka punt-land colaad maxamed siciid ayaa ku tilmaamay masuuliyiinta maamulka soomaaliyeed ee punt-land mid ka habaabay marinkii loogu tala galay islamrkaana aan si haboon u gudanayn xilkii umadu u dhiibatay waa siduu hadalka u dhigaye .

Colaad ayaa tibaaxay in maamulka uu hogaamiyo cade muuse iyo ku xigeenkiisu ay xilka iska wareejiyaan taasoo oo uu ku macneeyey in dalkii iyo dadkii ay lumiyeen islamarkaana ay dadka shacabka ah ee reer punt-land aysan wax kjalsooni ah u hayn waa siduu hadalka u dhigaye .

sidoo kale colaad ayaa intaasi ku daray inaysan jirin wax difaacid ah oo ay difaacayaan ciidamada punt-land oo uu ku macneeyey siyaasad xumada masuuliyiinta punt-land darteed aysan jirin cid wada socotaa islamrkaana uu sheegay inaysan jirin wax horumar ah oo la taaban karo oo ay ka qabteen dhinaca deegaanka taasoo oo uu sii raaciyey inay qaataan canshuuro fara badan balse aan la ogayn meesha ay ku bixiyaan .

Dhinaca kale waxuu xusay in ciidamada punt-land ay ka badan yihiin ilaa 8000-kun oo ciidamo ah oo mushahar ka qaata punt-land laakiin aysan jirin wax tayo ah oo ay leeyihiin dhinaca amaanka iyo weliba difaacaba ,taasoo uu sabab uga dhigay waa siduu hadalka u dhigaye siyaasad xumada ka taagan punt-land oo ay hurmuudka u yihiin labada masuul ee ugu sareeya .

Colaad maxamed saciid oo ku sugan magaalada garoowe ee xarunta maamulka punt-land ayaa ugu baaqay masuuliyiinta ugu sar sareeya punt-land inay xilka iska casilaan islamrkaana shacabka u daayaan inay aayahooda ka tashadaan si ay u doortaan cida ay iyagu doonayaan .

yaasiin faytin

yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 17, 2007

dfkmg

Dood ka dhalatay Ajande sameyntii Baarlamaanka DF Usbuuc kadib  Baarlamaanka FKMG oo is-weydiinaya Ajandihii uu ka doodi lahaa, Xukuumada oo is khilaafasan, Baarlamaanka oo u kala qaybsamay laba iyo Ciidamada Ethoobiya oo la wareegay Amaanka Goobta shirka.

 


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com