SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha oo warsaxaafadeed ka dhan dowladda Norway ka soo saaray magaalada Muqdisho

Shir ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka iyo iyo Midnimada beelaha Hawiye oo ay kaga hadlayeen xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka ayaa falanqayn dheer kaddib waxay ka soo saareen qodobada hoos ku qoran: Goluhu wuxuu cambaaraynayaa xarigga sharci darrada ah ee joogtada ah ee dowladaha kula kacayso shacabka Soomaaliyeed iyadoo uu ugu dambeeyay Mr. Idiris oo ahaa madaxa WFP ee Muqdisho, kaasoo ay ciidamada Nabad sugidda ee dowladda ka soo xireen xarunta WFP ay ku leedahay Muqdisho, sidaa darteed wuxuu golaha ku baaqayaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah xorriyaddiisa loogu soo celiyo muwaadinkaas.

Sidoo kale wuxuu golaha Cadaynayaa in dowladda Norway aysan dhex-dhexaad ka ahayn arrimaha Soomaaliya maadaama uu wafdigii Norway ee yimid Soomaaliya uu la kulmay oo kaliya garab ka mid ah dhinacyada isku haya siyaasadda dalka una ballan qaaday inuu siinayo deeq lacageed oo dhan afartah Milyan oo doollar, dhaqaalahaas oo aan u aragno in uu yahay mid ay dowladda Norway ku sii hurinayso colaadaha ka jira dalka, xilli ay shacabka Soomaaliyeed ku dacdarraysan yihiin daafaha magaalada Muqdisho iyadoo uusan wafdigaasna soo booqanin meelaha ay ku dhibaataysan yihiin shacabkaas.

Sidaas darteed waxaan ugu baaqaynaa dowladaha Norway in dhaqaalaha ay bixinayso ku bixiso kaalmaynta dadkii ku barakacay dagaalladii Muqdisho, kana fiirsato taakuleynta maleeshiyada dowladda oo dhibaatada joogtada ah ku haya hacabka Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo uu Golaha soo dhoweynayaa heshiiskii wax ku oolka ahaa ee ay ku wada gaareen beelaha Xawaadle iyo Murusade degmada Ceelbuur iyo gobolka Galgaduud, wuxuuna Alle uga baryayaa inuu noqdo heshiiskaas mid dhaxal gal ah soona afjara colaadihii ka jiray deegaanadaas ay ku wada nool yihiin dadka walaalaha ah.

Ugu dambeyntii wuxuu golaha ugu baaqayaa beesha caalamka in aysan indhaha ka laabanin arrimaha murugsan ee Soomaaliya oo ay la yimaadaan hindiso dib u heshiisiin oo laysugu keenayo qaybaha isku haya siyaasadda dalka Soomaaliya si looga hortago colaado kale oo ka soo cusboonaada dalka Soomaaliya, lana helo maamul loo dhan.


Xasan xaad

Warsaxaafadeedkaasi waxaa ku saxiixnaa Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka & Midnimada beelaha Hawiye Md. Maxamed Xasan Xaad.

Muuse Maxamuud Jiisow

musejisow@hotmail.com

Muqdisho Somaliya 

025215576666

002521653623

Arday Soomaaliyeed ee Xaflad ku qabsatay Jaamacadda Sanca-Yemen

(sana'a):- Xaflad-Sannadeedkii "Midowga Ardada Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadaha kala geddisan ee dalka Yemen, ayaa dhowaan lagu qabtay xarunta Jaamacadda Sanca ee dalka Yemen.
     Xafladdan oo aad loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb-galay Diplomasiyiinta iyo Hawlwadeennada Safaaradda Soomaaliya ee Sanca, Marti-sharaf, Aqoon-yahanno, Warfidiyeen iyo xubno ka  socday Jaaliyadda iyo Ardada Soomaaliyeed ee dalka Yemen.
     Danjiraha Dalka Soomaaliya u fadhiya Yemen:-Cabdisalaam Macallim Aadan oo munaasabaddaas ka jeediyay khudbad dheer, ayaa morka hore uga mahad-celiyay Midowga Ardada Soomaaliyeed ee Jaamacadaha, sida ay u soo qaban-qaabiyeen Xafladda, isaga oo ku boorriyay ka mira-dhalinta hawlahooda.
     Danjiraha ayaa waxaa kale oo uu ku soo hadal-qaaday khudbaddiisa Qabyaaladda iyo dhibaatada ay ku heyso bulshada Soomaaliyeed, taas oo ka hor-taagan in ay asaaggood wax la qaybsadaan, lana saan-qaadaan dadyowga dunida. Wuxuu Danjiruhu tilmaamay in ay Aqoontu tahay waddadii looga bixi lahaa dib-u-dhacaas iyo furihii horumarkaba.
      Mar uu Danjiruhu dib ugu noqday taariikhda halganka dadka Soomaaliyeed, ayaa wuxuu ku boorriyay Ardada Soomaaliyeed iyo guud ahaan dhallinyaradu in ay ka tusaale qaataan 13-kii dhallinyaro ee  SYL, kuwaas oo horseeday gobannimada Somaliya.
       Danjire Cabdisalaam; ayaa wuxuu kula dardaarmay Ardada :in ay ku-dhegganaadaan xarigga Ilaahey, ku-dadaalaan wax-barashada  iyo kororsiga  Aqoonta, yeeshaan waddaniyad, isla markaana mid ahaadaan,si ay wax ugu qabtaan dadkooda iyo dalkooda dhibaataysan
      Danjiraha ka-hor, waxaa halkaas isaguna ka hadlay Guddoomiyaha Ardada Soomaaliyeed ee dalka Yemen:-Maxamed Cabdi Aadan(Gaboobe), wuxuuna ka war-bixiyay wax-qabadka "Midowga Ardada" iyo hawlaha kala geddisan ee hor-yaalla, isaga oo ka codsaday dhammaan Ardada Soomaaliyeed ee dalka yemen in ay garab ku siiyaan gudashada xilkooda.
     Xafladda ayaa waxay ku soo ban-dhigeen Ardadu Suugaan, Mamadaalo iyo Bandhig-faneed aad loogu sacabba-tumay kuwaas oo uu nuxurkoodu ahaa :-"Aqoon la'aani waa Iftiin la'aan".
     Sida la og-yahay Waxaa Jaamacadaha  dalka Yemen wax ku barta boqollaal Arday Soomaaliyeed ah  oo ay takhasusyadoodu kala geddisan yihiin, kuwaas oo ay Dawladda Yemen  ugu deeqday  "Waxbarasho Jaamacadeed".
 
Muxyaddiin M.Kaalmoy - Sana'a/Yemen  kalmoi@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 18, 2007

QORAALKII:  Faham Xumida Abu Ciise ee Diinta Islaamka | umubakar

Qoraalkii: . Hakanoqoto hadalka ay sooqortay (Zahra Abdi Hirsi) | Tirmidi

. Jawaab Kusocoto maqaaladii Abuu ciisa tarmadi iyo Zahra | camaar


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com