SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Kusimihii Guddoomiyaha Radio Shabeelle oo Toogasho Lagu Diley...

  • Tafatiriha Radiyaha garoowe oo la xiray...

  • Tifaftirihii Wargeyska Ayaamaha C/llaahi Maxamed Xasan (Black)

Ciidamada Gen. Cadde Muuse oo Xiray Radio Garoowe

iyo Tafatiriha Radiyaha garoowe oo la xiray....

  • Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda FKMG ayaa Jimcadii ka kaxaystay xafiiskiisa Tifaftirihii Wargeyska Ayaamaha C/llaahi Maxamed Xasan (Black) iyadoo ciidammadu ay ugu galeen mas'uulkaan xaruntiisa shaqo.

Iyadoo maamulada xilligan ka jira dhulka Soomaalida ay dardar geliyeen cunaqabatayta iyo nin-tooxsiga ay ku hayaan saxaafadda xorta ah ayaa tii ugu dambaysay waxay maanta (Jimce Aug 19, 2007) ka dhacday magaalada Garoowe oo ciidamo ka amar qaata Gen. Cadde Muuse waxay xireen Raadiye Garoowe.

Wararka ugu horeeya oo ka soo baxay ayaa tibaaxay in ciidamada DGPL ee ka amar qaata Gen. Cadde Muuse ay halkaas ka kaxaysteen Agaasimaha Radio Garoowe C/Fataax Jaamac Mire iyo tafatiraha Raadiyaha Ciise C/llahi Maxamed, waxayna markii dambe sii daayeen agaasimaha markii ay su'aalo weydiiyeen, laakiin uu tafatiruhii weli ku jiro xabsiga..

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo DGPL ay ka soo saartay xariga Idaacadaas, inkasta oo aan looga baran in ay shacabka u caddeeyaan sabata ay u sameeyaan ficilada ay qaataan

Puntland ayaa waayadan dambe noqotay meesha aan qofku si xor ah u hadli karin, waxa keliya oo ay maamulka halkaas ka jiraa doonayaan in ay gobolka ka hawl geli karaan oo keliya idaacadaha iyo telefishanada ay maamulaan Wasiiradda ka tirsan maamulka si aan looga hadlin musuqmaasuq curyaamiyey maamulkaas, wixii intaas ka soo hara suurtgal uma aahan in ay iyagoo jooga Puntland ay si xor ah wax u qori karaan ama u hadli karaan.

Nidaamka in saxaafadda la caburiyo hore ayey Soomaalidu u soo tijaabisey muddo 21-sanandood ah, waana arrin aan haba yaraatee xilligan suurtagal ka noqon doonin.

Waxaa aad u cajaa'ib badan in marka ay DGPL waraaqaha u dirayaan Suuqa Ganacsiga ee Australia, si loogu suuq geeyo macdanta, in ay qoraan in ay Puntland tahay "Dimoqraadiyad".. Laakiin malaha dimoqraadiyada Australia taqaan ayaa ka duwan Qeexidda tan maamul goboleedka Puntland yaqaan..

C/Laahi Black oo la xiray::

Dhanka magaalada Muqdisho: Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda FKMG ayaa Jimcadii ka kaxaystay xafiiskiisa Tifaftirihii Wargeyska Ayaamaha C/llaahi Maxamed Xasan (Black) iyadoo ciidammadu ay ugu galeen mas'uulkaan xaruntiisa shaqo.  AKHRI...

Kusimihii Guddoomiyaha Radio Shabeelle oo Toogasho Lagu Diley...

Waxaa caawa oo Sabti soo geleyso Muqdidho lagu diley kusimihii Idaacada Shabeelle.

Wararka ugu horeeya ee ka soo baxaya dilkaas ayaa sheegay in dad hubaysan oo u muuqdo kuwo qorshaysan ay toogashu ku dileen Bashiir Nuur Geedi meel u dhow gurigiisa oo ku yaal Xamar Jidiid ee magaalada Muqdisho..

Ilaa hadda lama oga cidda dilkaas ka dambeysey.

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 19, 2007

Cali Maxamed Geeddi oo La filayo in uu Sabtida ku soo laabto Baydhabo...
Waxaa jira warar sheegaya in laga dhaadhiciyey in uu xilka ka dego... Akhri... Oct 19

GCAP Somalia oo soo saaray warsaxaafadeed ku aadan Dhawaaqa Caalamiga ee la Dagaallanka Saboolnimada

C/LLAAHI BLACK OO AY XIREEN CIIDAMMADA DFKMG

Baarlamaanka DFKMG Soomaaliya oo ku Deeqay $13,500...
Waxayna ugu deeqeen Iskuulka C/lla Deerow Isaaq, Isbitaalka weyn ee M.Baydhabo, Xabisga Dhexe iyo Masjid.. Akhri..

Abshir Bacadle oo ay Ciidamada DFKMG Gurigiisa kala baxeen
.Gen. Cadde Muuse oo Magacaabay Saddex Guddi..
.Iimaamkii Masjidka Bangaariyo oo Lagu Dhex diley Gurigiisa
.Muqdisho: Iska Hor imaad ka dhacay Degmada Hodon..
.Galkacyo: Xasan Abshir oo ka qayb galay shir Difaaca DGPL
.Is-Rasaasayn Xooggan oo ka Dhacday Boosaaso...
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Oct 19
 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 19, 2007

dfkmg

Dood ka dhalatay Ajande sameyntii Baarlamaanka DF Usbuuc kadib  Baarlamaanka FKMG oo is-weydiinaya Ajandihii uu ka doodi lahaa, Xukuumada oo is khilaafasan, Baarlamaanka oo u kala qaybsamay laba iyo Ciidamada Ethoobiya oo la wareegay Amaanka Goobta shirka.


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com