SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dhawaaqa Caalamiga ee la Dagaallanka Saboolnimada

Mas'uuliyiinta hay'ada Dhawaaqa Caalamiga ee La-dagaallanka Saboolnimada (GCAP) ayaa waxay 17-ka bishan Oct 2007 waxay dhigeen xus maalinta ciribtirka Saboolinimada, xuska maalinta saboolnimada ayaa waxaa ka soo qayb galay qaar ka mid ah mas'uuliyiinta wasaarada arimaha gudaha iyo maamulka gobolka baay, hay'ada ayaa waxay xuska maalinta saboolnimada ku soo gebagebaysay masraxiyad ka hadlaysa cirib tirka saboolnimada.

Hay'adda GCAP waxaa guddoomiye u ah Abuukar Sh. Cabdi, waxayan soo saareen warsaxaafadeed u qornaa sidan:

GCAP Somalia

CIRIBTIR SABOOLNIMADA  

Dhawaaqa Caalamiga ee la Dagaallanka Saboolnimada

(Global Call to Action against Poverty) 

B A Y D H A B A 

Maalinta caalamiga ee la dagaallanka saboolnimada 

Warsaxaafadeed 
 

Subax wanaagsan dhamaantiin; 

Uheellanayaal badan oo ka tirsan bulshada rayidka Soomaaliyeed  waxay ka mid yihiin Dhawaaqa Caalamiga ee La-dagaallanka Saboolnimada ( Global Call to Action against Poverty - GCAP) oo ah Olole ka soo if baxay  Sannadkii 2004 Madasha Bulshada Caalamka (World Social Forum). Wuxuu dhawaaqani kulmiyaa ururro kala duwan ee Bulshada Rayidka oo 100 waddan ka howlgala. 

Waxay u-heellanayaasha GCAP ugu horreynba ka dhiidhiyeen in dowladaha iyo hay'adaha  caalamiga ay ka gaabiyeen ballantoodii ahayd la dagaallanka saboolnimada. Taas oo ay ka muuqato ku tumashada xuquuqda aadanaha oo sii korortay, colaadaha iyo is-hubeyntu oo badatay, gaar ahaan iyadoo maalyadii loo heli karay in lagula dagaalamo saboolnimada loo weecinayo hurinta dagaallada; 

Dhaliil waxay ku imaneeysaa dowlad wanaaggii iyo la xisaabtanka dadweeynaha ee dowladahooda, gaar ahaan waddamada koofureed ee Dunida in uu noqday ballamo been ah. Sidoo kale, waddamada G8 iyo EU oo lafdhabar u ah dhaqaalaha adduunka oo hadba ka noqonayaan ballamihii ay galeen, xitaa dhowaan Sannadkii 2005 oo ahayd in kor loo qaado tirada iyo tayada deeqaha. Xaaladahaas waxa sii xumeeyay deymo fara badan oo ku badanaya iyo dheqaale iyo maskax xoog leh oo ka tegayo waddamada saboolka ah (capital flight and brain drain); 

Waxa waayahan dambe loo garbaduuban yahay hay'adaha gacnacsiga ee caalamiga ah (multinationals) oo hirgeliyo gacancsi aan xaq ahayn; dowlada badanne ay waxba ka qaban karin in shirkadahaas ay noqdaan kuwa lala xisaabtami karo oo hawlahoodu u daneeynayaan bulshooyinka; 

Arrimahaas kor ku xusan iyo kuwa la mid ah ayaa keenay in Ururrada Bulshada rayidka ay isku urrursadaan GCAP si ay uga hortagaan sababaha dhaliyo saboolnimada iyo sinaan la'aanta. Waxa ku habboon in diiradda la saaro xaqa ay dadyoowgu u leeyihiin in ay ka xoroobaan saboolnimada, faquuqa, xasaradaha, iyo takoorka haweenka, caruurta, dhallinyarada iyo intii kale oo dhibyoow caynkaas ah la kulmaan oo ay ka mid yihiin dadka cudurrada lagu takooro oo kale iyo xanuunka shaqo la'aanta; 

Xaaladahaas ma horseedayaan in si hufan loo tiigsado barnaamijka caalmaiga ee Higsashada Gaarista Yoolalka Kunsanaadka (Millennium Development Goals – MDGs). Haddaba dalabka uheellanayaasha Soomaaliyeed la wadaagaan dhiggooda GCAP waxa waaye: (b) in la helo la xisaabtan , dowlad wanaag iyo xuquuqda aadanaha oo la dhowro; (t) ganacsi xaq ku dhisan; (j) tayada iyo tirada deeqaha oo la kordhiyo iyo maalgelinta oo noqota mid horumarin ku salaysan; iyo (x) daymaha oo la tirtiro; 

Haddaba waxa muhiim ah in aan qiimeeyno maanta oo ay taariikhdu tahay 17da bisha Oktoobar 2007 oo ku aadan Maalinta Caalamiga ee Ladagaallanka Saboolnimada. Munaasabaddaas awgeed, waxaan mar kale tilmaameeynaa in xaaladda saboolnimo ee ka jirta Soomaaliya ay tahay mid aad looga naxo. Waxaa walbahaar leh in boqolkiiba 43.3 oo Soomaali ah ay ku nool yihiin nolol ka hooseyso xariiqda faqrigee dunida oo aanay awoodin in ay helaan xitaa maalintii US$1(Sh. So. 20,000/=) 

Waxa uu tilmaamayaa diiwaanka la hayo in boqolkiiba 73.5 dadka aanay soo heli karin maalintiiba US$2 (Sh. So. 40,000). Taas oo tilmaan u ah in dadka saboolka ah ay wadaagaan oo keliya ku dhowaad boqolkiiba 6 dakhliga qaranka. Sidoo kale, waxaan suurtagal aheyn in loo dulqaato iyadoo boqolkiiba 65  ay ku nool yihiin heerka ugu hooseeyo ee tamarta quudka dharuuriga ah. 

Dalkeena, waxbarashadu aad ayey u liidata tiro iyo tayo ahaanba waxayna cabbir liita ka muujinaysaa saadaasha ku soo fool leh ummadda Soomaliyeed. Ka qaybgalka caruurta da'da waxbarasho gaartay ee dugsiyada asaasiga ah waxaa lagu qiyaasay boqolkiiba 20; gabdhahuna ay ka yihiin saddex daloolkiiba hal. Waxaa arrinta sii xumeeyey, tirada dadka waaweyn oo wax qori kara waxna akhriyi kara waxay xitaa ka hooseysaan boqolkiiba 20. 

Maadaama ay carruurtu yihiin jiilka mustaqbalka ee ummad kasta, dhimashada dhallaanka waa uu xun yahay oo 1000kii dhashaba 132 ayaa dhimata iyagoo weli mujuq ah. Kuwa da'doodu ay ka hooseyso 5 sano oo dhimata waxay ka badan yihiin 220 ee 1000kii dhashaba. Waxaa umul raaca 1,100 hooyooyin,100,000ba. Tani waxaa weheliya kororka jiritaanka HIV/AIDS, TB, Maleeriyada iyo cudurrada kale oo dilaaga ah. 

Waa in loo tafaxeetaa in la beddelo diiwaanka xun oo la xiriira nabaadguurka, bay'adda sii xumaaneeysa, bio la'aanta, gaar ahaan kuwa nadiif ah iyo dad badan oo aan heli karin nadaafad guud iyo howlahii bulshada. Waxay dhammaan horseedayaan nolol ciriiri ku jirta iyo horumarka baniadamka oo gaabiya, keenane xayndaab saboolnimo oo murugo leh.   

Waxaan ku boorineyna hoggaamiyayaasha iyo beesha caalamka in aanay iska fiirsan xaaladaha ba'an ee dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan hooyooyinka iyo scarruurta. Wadada ku habboon oo looga hortagi karo xaaladaha murugsan waxa weeye iyadoo aan meelmarino isla markaane hirgelino siyaasado xikmdeysan oo noo horseedi karo degganaanshaha qaranka, gaar ahaan lagu saleeyo Dib U Heshiisiinta Qaranka oo loo maro tabaheennii soo jireenka ahaa oo la dayacay.

Waxaan ku adkeeynaynaa cid kasta oo saameeyn leh in horumarka sayniska iyo tiknooloojiyada oo lagu daray khayraad ku filan oo laga helo caalamka, gaar ahaan Soomaaliya ay xaqiijin karaan guul laga gaaro Higsashada Gaarista Yoolalka Kun Sannaadka. Waxa loo baahanyahay waa go'aanno siyaasadeed oo horseeda hirgelinta dalabka Dhawaaqeenna (GCAP). 

Wax la taaban karo ayaan rabnaa, laga billaabo hooy waxbarasho iyo rug gargaar deg-deg ah illaa barnaamij lagu badbaadinayo bay'adda. Waxaan shaki lahayn in dhallaan kasta oo fursad waxbarasho helaa uu qayb ka qaadan doono nuurinta mustaqbalka Qarankan.  

Halheeskeennu waa:  CIRIBTIR SABOOLINIMADA (Eliminate Poverty)

Summadeennu waa:  DUUBKA CAD (Wear the White Band) 

Oct 17, 2007

Waxaa soo tebiyey MAxamed 'ALLMAN'

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 19, 2007

dfkmg

Dood ka dhalatay Ajande sameyntii Baarlamaanka DF Usbuuc kadib  Baarlamaanka FKMG oo is-weydiinaya Ajandihii uu ka doodi lahaa, Xukuumada oo is khilaafasan, Baarlamaanka oo u kala qaybsamay laba iyo Ciidamada Ethoobiya oo la wareegay Amaanka Goobta shirka.


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com