SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warar kala duwan oo ka soo baxaya safarkii ra段isul wasaaraha DFKMG Geeddi uu ku tagay magaalada Addisababa

  • Waxaa jira wara sheegaya in Ninkii Bedeli lahaa Cali Geeddi uu hadda Ku Sugan yahay Addis Ababa...

Oct 18, 2007:::

Waxaa maalintii shalay ahayd gaaray magaalada Addisababa ee dalka Itoobiya ra段isul wasaaraha dowladda federalka Soomaaliya Prof. Cali Max弾d Geeddi iyadoo uu safarkiisa ku weheliyay wasiirka dalxiiska ee dowladda Itoobiya Maxamuud Dirir.
 
Diyaarad militari oo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in ay qaadday ra段isul wasaare Geeddi oo aan cidna ku wehelin safarkiisa marka laga reebo wasiirka ka tirsan dowladda Itoobiya oo lagu magacaabo Max置d Dirir.
 
Wararku waxay intaasi ku darayaan in ra段isul wasaare Geeddi ay u yeertay dowladda Itoobiya oo wakiil ka ah dowladda Maraykanka, waxaana ka soo baxaya warar sheegaya in ra段isul wasaaraha dowladda federalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi lagala hadlayo sidii uu ugu hoggaansami lahaa amarka uu soo jeediyay madaxwayne C/laahi Yuusuf oo ah inuu xilka iska wareejiyo si nabad ah, hase yeeshee markii uu kaga dhaga adaygay ay soo fara geliyeen dowladda Itoobiya iyo dowladda Maraykanka, waxaana taasi ay keentay in si deg-deg ah loogu yeero Prof. Geeddi oo diyaarad militari looga qaado magaalada Baydhabo.
 
Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee ku aaddan arrintaas ayaa sheegaya in ra段isul wasaaruhu uu magaalada Addisababa kulan kula leeyahay dowladda Itoobiya iyo dowladda Maraykanka, arrinta laga hadlayana ay tahay sidii uu amarka madaxwaynaha ugu hoggaansami lahaa, xilka uu si nabad ah u wareejin lahaa, waxaana taas xaqiijinaya in kulankii baarlamaanka loo baajiyay arrintaasi darteed labo maalmoodna fasax loo geliyay.
 
Warar xog-ogaal ah oo aan ka helnay ilo muhiim ah oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa xaqiijinaya in ra段isul wasaaruhu aanu xilka sii hayn doonin, waxaana la hadal hayaa in ninkii beddeli lahaa uu haatan ku sugan yahay magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya, kaasoo ay si gaar ah u wataan dowladaha Maraykanka iyo Itoobiya, waxaana Prof. Geeddi lagu qancinayaa inuu u hoggaansamo arrintaas si loo badbaadiyo dowladda haatan ka dhisan dalka Soomaaliya oo jiritaankeedu ay beesha caalamka aqoonsan tahay.
 
Xiriir toos ah oo aan la samaynay dadka ku dhow-dhow arrimahan iyo xubno ka mid ha baarlamaanka oo aanu wax ka waydiinay arrimahaasi is biirsaday ayaa dhammaantood arrintani si dhab ah u caddeeyeen, waxayna sheegeen in ay sugayaan muddada labada maalmood ah wixii ka soo baxa.
 

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Somaliya 
025215576666
002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 18, 2007

 

dfkmg

Dood ka dhalatay Ajande sameyntii Baarlamaanka DF Usbuuc kadib  Baarlamaanka FKMG oo is-weydiinaya Ajandihii uu ka doodi lahaa, Xukuumada oo is khilaafasan, Baarlamaanka oo u kala qaybsamay laba iyo Ciidamada Ethoobiya oo la wareegay Amaanka Goobta shirka.


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com