SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XAMAR

Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee xuquuqda aadanaha oo maanta soo saartay warsaxaafadeed  

Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee xuquuqda aadanaha ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa maanta soo saaray warsaxaafadeed ay kaga hadlayso inay aad uga xun tahay isla markaana ay cambaaraynayso dagaalkii ka dhacay magaalada Muqdisho taariikhdu markay ahayd 16kii October 2007da, kaasoo ay ku sheegtay inuu ahaa mid aad u culus oo dhex marayay ciidamada dowladda federalka iyo kooxaha ka soo horjeeda, dagaalkaasoo laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan madaafiicda goobta ayay sheegtay hay’addu inay ka dhasheen qasaarooyin isugu jira masiibooyin, dhimasho, dhaawacyo, barakac iyo argagax aad u wayn oo soo gaaray dadkii rayidka ahaa ee aan waxba galabsan oo ku sugnaa goobaha dagaalka ka dhacay kuwaasoo isugu jiray haween iyo caruur.  

Waxaa kaloo xarunta Dr. Ismacil Jimcaale ee xuquuqda aadamiga aad uga xun tahay isla markaana ay cambaareynaysaa dagaalka ka dhacay taariikhdu markay ahayd 15-kii October 2007 deegaanka Laascaanood ee gobolka Sool, dagaalkaas oo u dhexeeyay maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa gaystay khasaarooyin isugu jira naf iyo maalba oo soo gaaray dadka rayidka ah.  

Dhammaan dagaaladaas argagaxa leh ee ka dhacaya Soomaaliya ayaa waxay xadgudub weyn ku yihiin: shareecada Islaamka, xeerarka soo jireenka ah ee dhaqanka Soomaalida, axdiga federalka KMG iyo baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadamiga qodobkiisa 3aad oo leh: Qof walba waxa uu xaq u leeyahay inuu ku noolaado nabadgelyo iyo xorriyo.  

Xarunta waxay ka codsanaysaa dhamaan dhinacyada Soomaalida eah ee dagaalamaya inay si shuruud la’aan ah u joojiyaan xabbadda isla markaana wixii khilaafaad siyaasadeed ah ee u dhexeeya lagu xalliyo wada hadal nabadeed.  

Dhinaca kale xarunta Dr. Ismacil Jicmaale ee Xuquuqda aadanaha waxay munaasabadda la dagaalanka saboolnimada adduunka oo ku beegan  17ka October darteed ku soo jeedinaysa dareenka dadwaynaha adduunka in shacabka Soomaaliyeed ay ku nool yihiin xaalad saboolnimo middii ugu darnayd kuwaasoo ay sababeen dagaalada daba dheeraaday ee ka jira muddo ka badan 16 sano. Waxaa nasiib darro weyn ah in dadka Soomaaliyeed ay faqri ka yihiin tiirarka nolosha bini’aadamka ay ku dhisan tahay sida nabad gelyada, siyaasadda, caafimaadka, waxbarashada iyo dhowrista xuquuqda aadamiga.  

Ugu dambayntii xaruntu waxay ka codsanaysaa Bulshada caalamka qaasatan hay’adaha gargaarka caalamiga ah munaasabaddan la dagaalanka saboolnimada adduunka darteed in shacabka Soomaaliyeed ay la soo gaaraan gurmad caalami ah oo lagu badbaadinayo noloshooda dadka ku barakacay dagaalada ka jira Soomaaliya qaasatan magaalada Muqdisho kuwaasoo dhibaatooyin farabadan ay ku haystaan duleedka iyo gudaha magaalada Muqdisho, gobolada dalka iyo dalalka la deriska ah Soomaaliya, waxaana warsaxaafadeedka ku saxiixnaa Madaxa Baarista xadgudubyada xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale C/laahi Calas Jimcaale.   

Beesha caalamka oo soo fara gelisay khilaafka u dhexeeya Masuuliyiinta sar-sare ee dowladda federalka Soomaaliya 

Iyadoo sida laga warqabo maalmihii ugu dambeeyay uu khilaaf ba’an hareeyay masuuliyiinta ugu sarreysa ee dowladda federalka Soomaaliya sida madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmed iyo ra’iisul wasaare Cali Max’ed Geeddi isla markaana ragaadiyay hawlihii dowladda federalka oo shaki wayn ku abuuray shacabka Soomaaliyeed oo garan waayay sida ay xaaladdu tahay  ayaa waxa soo baxaya warar sheegaya in masuuliyiintaas uu khilaafku hareeyay ay soo faragelinayaan beesha caalamka.  

Sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Max’ed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo maantaka hadlayay xarunta ADC ee magaalada Baydhabo ayaa baarlamaanka u xaqiijiyay in ra’iisul wasaaraha dowladda federalka Soomaaliya looga yeeray si deg-deg ah magaalada Addisababa ee dalka Itoobiya oo uu sheegay in dowladda federalka ay marjac iyo meel ula noqdaan khilaafkooda ay u tahay dowladda Itoobiya uu ra’isiul wasaaruhu sida ugu dhaqsiyaha badan ugu ambabaxayo halkaas isagoo sheegay inuu halkaasi kulmi doono masuuliyiin ka tirsan beesha caalamka, si loo qaboojiyo khilaafka hareeyay dowladda.  

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in arrintaasi darteed kulanka baarlamaanka federalka Soomaaliya dib loo dhigay muddo labo maalmood ah hase yeeshee waxaa laga yaabaa in sidoo kale madaxwaynaha iyo guddoomiyuhuba ay iyagana sidaasi si la eg ugu ambabaxaan magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya inkastoo aan la xaqiijinin arrintaas.  

Khilaafka u dhexeeya dowladda federalka ayaa gaaray meeshii ugu xumayd iyadoo haatan ay arrintu u muuqato mid soo dhamaanaysa mar haddiiba ay beesha caalamka soo fara gelisay.
 

Muuse Maxamuud Jiisow

musejisow@hotmail.com

Muqdisho Somaliya 

025215576666

002521653623

 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 17, 2007

dfkmg

Dood ka dhalatay Ajande sameyntii Baarlamaanka DF Usbuuc kadib  Baarlamaanka FKMG oo is-weydiinaya Ajandihii uu ka doodi lahaa, Xukuumada oo is khilaafasan, Baarlamaanka oo u kala qaybsamay laba iyo Ciidamada Ethoobiya oo la wareegay Amaanka Goobta shirka.

 


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com