SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO

Gudoomiyaha Gudiga Dastuurka iyo Arimaha Federaalka Baarlamaanka Xildhibaan Avv. Axmed Ibraahim Max’ed “afar qaybood oo ka mid ah qodobka 11-aad ee Axdiga KMG ay waajibaad isku xiran farayaan Xukuumada…”

Qoraal aynu ka helnay Gudoomiyaha Gudiga Dastuurka iyo Arrimaha Federalka  ee Baarlamaanka Avv. Axmed Ibraahim Max’ed oo ka kooban 2 Bog oo uu kaga hadlayo Qodobada Dastuuriga ah iyowaxyaabaha  buuqa iyo kala qaybsanaanta geliyey Baarlamaanka, Xukuumada iyo Madaxweynaha ayaa wuxuu ku sheegay

“in afar qaybood oo ka mid ah qodobka 11-aad ee Axdiga KMG ay waajibaad isku xiran farayaan Xukuumada, waxaana Xukuumada waajib  ku ah inta ka horeysa 12-ka Oktoobar, 2007-da ay Golaha shacabka cod kalsooni weydiisato, si looga hor tago khilaaf iyo jahwareer dastuuri ah oo dalka la soo gudboonaada”

Xildhibaan Avv.Axmed Ibraahim Maxamed  isagoo qaab soo jeedin qaanuuni  Sharci ah  ku tilmaamaya, ayaa qodobadan waxaa uu u soo qaatey sharaxaad:-

“Gudiga  Dastuurka iyo Arrimaha Federalka ee Baarlamaanka waxaa waajib qaanuuni ah ka saran yahay Axdiga KGMG iyo shuruucda dalka Jamhuuriyada Soomaaliya, waxaa jira qaybo ka mid ah qodobka 11-aad ee Axdiga KMG oo lagu samaynayo fasiraadyo kala duwan   oo iska horkeenaya qaybaha dowlada, sidaas darted waxaa waajib nagu ah inaan ka bixino, soo jeedin qaanuuni ah oo ku aadan fasiraadahaas”.

1-Qaybta 5—aad ee qodobka 11-aad waxay leedahay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka ah ee KMG, markii ay xilka qabato, Waxay 90-Maalmood gudahood u soo jeedinayaan madaxweynaha DFKMG ee Jamhuuriyada Soomaaliya, magacyada Gudiga madaxa banana ee Dastuurka iyo Arimaha Federaalka, si loo hubiyo hirgelinta habaka Federaaliga ah mudadii Axdigan lagu xadiday, waajibaadkaasi wuxuu dhamaaday, markay dhisay Xukuumadu xubnahii Arimaha Dastuurka iyo Federaalka, mudadii Axdiga qeexay oo ahayd 90-maalmood gudahood, kana bilaabatey 11/01/2005-kii kuna ekeyd 12/04/2005-kii oo ahayd markii ay xukuumadu xilka qabatey.

2-Qaybta 8-aad ee Qodobka 11-aad ee Axdiga KMG wuxuu leeyahay Dowlada FKMG, waxay hubinaysaa in la dhaqan geliyo, habka federaalka laba sano iyo bar gudahood laga bilaabo marka gudiga la dhiso.

3-Qaybta 9-aad ee Qodobka 11-aad waxay leedahay, hadii Xukuumada FKMG ay ku guul dareysato in ay ku baahhiso habka federaaliga ah dalka oo dhan mudadaas loo cayimay ee ah laba Sano iyo Bar, Xukuumada FKMG, waxay Golaha Shacabka weydiisandoontaa COD kalsooni ah, haday weydo waxaa la dhisidoonaa Xukuumad Cusub, iyada oo la raacayo sida uu tilmaamayo Axdiga.

 

4-Qaybta 10-aad ee Qodobka 11-aad waxay leedahay dowlada FKMG ee cusub ee lagu dhiso farqada (8-aad), waa inay gaarsiisaa dhamaan Gobolada dalka Soomaaliya, habka federaalka (Sanad) gudihiisa, hadii ay ku guul dareysato, waxaa lagu dhaqmayaa faritaanada Qodobka 11-aad farqadiisa 8-aad eek u xusan Axdiga, dhamaan qodobadaan waxay ku dhisan yihiin, waqtiga lagu xadiday Axdiga KMG oo si aan qaanuunin ahayn wax looga bedeli Karin, sidaas darted waqtiga la cayimay ee la faray Xukuumadu inay ku baahiso habka federaaliga ah dalka oo dhan, wuxuu ku eg-yahayn 12-ka Oktoobar.

 

Xildhibaan Max’uud Axmed Kulalihi “Xukuumad waa wadar nin keligiisna ma laha, waxaan keenay warqadii codka si  aan loo saarin caalamad, islamarkaana aan nina loo handadin inuu qarsoodi noqdo”.

Xildhibaan Mowliid Macaane Max’uud “Aduunka marka qodob sharci ah laysku qabsado, waxaa lagu kala axaa..”

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax “nidaamka fowdada waxay ku imaanee Gudoomiyaha iyo Madaxweynaha  waayo sidii Daacuun oo kale ayey dadka u saameyne…”

 

{Baydhabo} Dood ka dhalatey Ajende u sameynta Baarlamaanka

Iyadoo  mudooyinkan ay jiraan khilaafyo aad u badan oo in mudo ah soo jiitamey, islamarkaana uu u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha, baarlamaankuna sida ka muuqata uu la kala saftay mas’uuliyiinta sare mad-madowga siyaasadeed  u kala dhexeeyo ayaa  kala doorashada Ajanadaha uu baarlamaanka ka doodi lahaa  shalay iyo maanta ay ku jireen mudanayaasha Baarlamaanka  in laga doodo soo jeedinta 22-wasiirka ay soo jeediyeen in codka kalsoonida  ay weydiisato xukuumada  Baarlamaanka  iyo in la xisaabtankii Xukuumada la sii wado.

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe oo mudanayasha u soo jeediyey labadaan fakir shalay markii ayaa waxaa markiiba is qortey inka badan 70-mudane oo doonaysa inay ka hadlaan, soo jeedinta gudoomiyaha waxaana dib loo balamay in maalinta Axada dib la isugu soo  laabto si loo sii amba qaado doodan oo u muuqatay mid  Xildhibaanada ay isu jawaabayaan ahaydna tii ugu kululayd ee abid Baarlamaanku yeesho ayaa waxay u dhacaysaa sidan:-

 

Xildhibaan Mowliid Macaane Max’uud waxaa uu isna ku dooday“Aduunka marka qodob sharci ah laysku qabsado, waxaa lagu kala axaa qodob sharci ah oo lagu wada qanco, aniga hadii la dhihi lahaa wax hala dedejiyo, waxaan ka mid ahay Xildhibaanada raba in manta wax la dhameeyo, laakiin waxay su’aali ka taagan tahay maxaa la dhameeyaa iyo maxaa Ajande ah?, sida runt ah waxaa inoo qoran 71 qodobo oo dastuuri ah wixii ka baxsan waxba kama jiraan, lama soo qaadan karo, Gudoomiye waxaa su’aal ah horta yaa Xukuumada dacwad u qaba?, sida ku xusan qodobka 11-aad, farqadiisa 8-aad wuxuu qoroyaa, {DFKMG waxay hubinaysaa in la dhaqan geliyo,habka federaalka laba Sano iyo Bar gudahood, laga bilaabo waqtiga Gudiga la dhiso}, dastuurku ma dhahayo, laga bilaabo maalintii Xukuumada la dhisay ama dowlada la dhisay ama la dhaariyey Madaxweynaha ama Gudoomiyaha Baarlamaanka ama Ra’iisul Wasaaraha la dhaariyey, wax waliba waxay xalaall yihiin marka xeer loo sameeyo ama Dekereeto loo sameeyo.

 

Mudane Gudoomiye ilaahay baa Xildhibaano wax qora ama akh’rista naga dhigay, marabo inaan ku sifowno Juhalo meel isugu yimid, waxaan rabnaa, Dastuurka siduu qoraayo inaad nagu hagto mudane gudoomiye, waxay s’aali ka soo baxaysaa 22-tan Wasiir ayaa qoraal soo qortay, iyagoo doonaya in Xukuumada ay kalsooni weydiisato Baarlamaanka, waxaan u baahanayn inta taas la tixgelin inaan ku darno qodob dastuuri ah,, hadii tiro Wasiiro ah ay soo jeediyaan in xukuumada kalsooni soo weydiisato uu Jaatarka ku jiri lahaa maanta dood ma ooli lahayn, waayo dowladii waxay ka kooban tahay sedax awoodood, laakiin waxaa yaab ah in awoodii Xukuumada loo bedelo aniga awood ma lihi ee i  gowraca macno ay sameyn karto ma aqaan, waxaan u malaynayaa hadii aan Soomaali nahay inaan tabar yar nahay, warkuna uma dulqaadan karno, ee Gudoomiye arintu waa cadahay Madaxweynihii Jamhuuriyada ayaa Dekereeto ka soo saaray, dhismaha gudiga Federaaliisanka ee maxaan barbar dhignaa, wax haya ma jirto wax lagu buriyey Dekereetadaas, waayo isagaa leh awooda ugu sareysa sharciga isagaana ogolaaday, war xoolihii umada ayaa maqan, la xisaabtanka waa mid muhiim ah, Baarlamaan baa tihiin nina ha u aaba yeelina ee wixii dhaqaalo ahaa ee Deeq lagu helay xagey ka baxeen, aan iska deyno nin jeclaysi iyo nin tooxsi, baarlamaanka waxaa loo dhaariyey waa inaan xaqiiqada ka hadalno oo wax kale iska ilowno cid Jano na gelinaysaa ma jirto Cali iyo faarax mid kuu yahayba ee mudane Gudoomiye shaqo ayaa inoo socotay Xamarna dhib baa ka jira ee shaqadeena aan wadano”.

 

Xildhibaan Maxamed Xuseen Raage “ Mudane Gudoomiye dooda Baarlamaanka ka socota hada, waxaan aaminsanahay inaysan ahayn sidii loogu talo galay, sababtoo ah Xukuumada waxaa looga baahnaa, hadii ay aragtey waxyaabo khaladaad ah horta inay digiin siiyaan, Baarlamaankuna hadalkooda wuu dhegaysan lahaa qiimayn waa ku sameyn lahaa, mudane Gudoomiye anagu mooshin noom yaalo, shaqooyinkii Baarlamaanka hore u waday waa istaageen, tii Xukuumaduna way istaagtay, waxaana jira hawlo aan loo baahnayn oo wadanka laga dhex abuurey, Baarlamaanku wuxuu xaq u leeyahay inuu sharciga ku fadhiisto, laakiin ma ahan in dowladu la dumiyo ama Baarlamaanka, waxaan arkaynaa in doodaha la bedelayaayo iyo go’aankiisa, mudane Guydoomiye waxaan kaa codsanaynaa in mooshinka la xakameeyo, waayo waxaa jira Rag doonaya in mooshin ay keenaan oo aysan taladu faraha ka bixin oo Xukuumada la joojiyo”.

 

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax “wuxuu ku soo hadal qabsaday Af ama hebel haku hadlo ama Lo’ haku daaqdo ayey Soomaalidu tiraahdaa, warku waa dhamaadey wuxuu ku dhamaadey ayaan rabaa inaan qayb sheego, Golaha Wasiirada sharafta leh waxay la mid yihiin shir ay qabteen Dhalxa iyo Boqore in la aqoonsado oo al soo dhaweeyo ma ahan oo waa fowdo, isagoo jooga Gudoomiyaha oo aan loo dhiibin,  hadii ay shir qabtaan, Wasiiradda Ra’iisul Wasaarahooda waa joogaa ee ha aadaan, waxaa xiga nidaam fowdo ah inaan halkaan lagu taageerin waayo nidaamka fowdada waxay ku imaanee Gudoomiyaha, Madaxweynaha waayo sidii Daacuun oo kale ayey dadka u saameyne, sharcigu waa qayaxan yahay, Golaha Wasiiradu Xeer hoosaadkooda aniga ma akh’rinin, laakiin dastuurku wuxuu leeyahay waxaa hogaamiye u ah Wasiirka 1-aad, meel dhigaysa kuma jirto Wasiir kale inuu wasiiro ku shiro, waxaan sharci ahayn ayaad doonaysaan inaan nagu jiidaan, halkaas ayey kuwaasi joogaan ee mudane gudoomiye Ra’iisul Wsaaarahooda ha u noqdaan ama hadii ay ios casilayaan ha is casilaan oo iyagoo Xildhibaano ah Mooshin ha keenaan, si ay mooshin ku keenaan ayaa lag rabaaye, 31-ada Wasiir waxay ka dhexeysaa 275-ta Baarlamaanka, naga baxa anagaa nala qori lahaaye oo is casila, wasiirka  shirko ayaan ku nahay ee naga wareega, awooda qaranka iyadoo jeebkooda ku jirto ayey meelo kale u doondooneen,Xumuukada ayaa awooda fulinta ugu sareeysa, taas intay ka tageen ayey kuwo kale dooneen, waxaa la yiri halaga hadlo marka gudoomiyaha waa yaabay oo Kor iyo hoos ayaa loo dhibay, waxaan qabaa in dhibka yimid darteed uu u leeyahay, laakiin Sharci ma ahan, ee waa xeer jajab, waana loo baahan yahay mararka qaarkood in la sameeyo, wax Ra’yi ah looma joojinkaro shaqadii Xukuumada iyo Baarlamaanka wax aan meel ku salaysnayn oo dad abuureen, Sharci iyo muwaafaqo midna aan la hayn, gudoomiyaha dhibkaas ayuu meesha u keenay, mudane gudoomiye niman wado yar oo wadiidig ah ku socda ma raaci karnee waxaan ku soconaynaa wadadeenii hore, adiga ayaa laga rabaa Inaad digniin siiso oo aad shaqadooda u dirto, sababtoo ah, hore ayaa Madaxweynaha u sixiixay, ee markuu isaga sixiixaayey miyey been ahaayeen mise adinkaa wax been ah wata, hadii la raaci waayo Dekereetada Madaxweynaha wax walba waa la diidayaa, waayo Sharci aan madaxweynuhu sixiixin lagama hirgelin karo sidaas ayaa dastuurka inoogu qoran, maxaad ku beeninaysiin ee ninka beeninayo ha yimaado, anigu waxaan soo jeedinayaa inaan u noqono Sharciga wax qaanuun oo salka ku hayo ma jirto.

Xildhibaan Max’uud Axmed Kulalihi ayaa isna qaba aragtidan  “Walaalyaalow waxaan matelnaa si KMG ah Ilaahaa og inta naga soo noqonaysa sharcigii aan ku dhaaranay ee 5-ta sano markay  dhamaato waxaan rajaynaynaa in doorosho lagu imaado  ninkii ilaah nasiib ugu dhigo iyo in ninkii kaleba waxaan hoosta  ka xariiqayaa mudnaantana aan siinayaa Gudoonka oo xaalada murugsan ee soomaaliya ee murgan Ajandaha waxaa waaye Gudoonka ayaa soo goosanaya  gudiyada gudomiyaashooda ayaa ka soo hadlaaya Gudoonkana waxa uu xaq u leeyahay arin cusub haday jirto inuu sheego waana na hortaalaa arinta cusub nin qarin karaa ma jirto  ajandihiina hadii aad  xeer-hoosaadka waad ka arkaysiin arinta ku saabsan ajandaha si dimuquraadiyad buuna uga hadlay Gudoomiyahiina waxa uu idiin dhahay idinkay idiin taalaa aniga waxaan meesha u fadhiyaa inan hadalka idiin qeybsho oo aan hadalka idiin qeybsho inaan waxba idiinku darsan Anigoo Kulalihi ahna si aysan maalintii hore codayntii gashay u galin waxaan keenay warqadii codka si  aan loo saarin caalamad islamarkaana aan nin loo handadin inuu qarsoodi noqdo.

Laakiin arin ayaa jirta hadaad la socotiin Aabo iyo hooyo  waxaa noo ah Axdiga kaasoo 15-Septembar 2004-ta la Ansixiyay,  Axdiga  qodobadiisa wuxuu ku leeyahay sareynta Sharciga nin ka hor imaan karaa ma jito, Axdigii Qodobadiisa ayaa cadaynaaya waxaana ku raacsanahay dadkii iga horeeyay oo  lahaa war maxaan Xukuumad ka hadalnaa shgarcigii baaba qabtee 12-Oktobar 2-sano iyo barkii baaba ku  dhamaadee xukuumada waa xukuumad wadar nin keligiis ma laha, waxaa naloo keenay laba warqadood oo nalgu jaha wareerinyaayo warka waa inuu noo cadaadaa Golaha Xukuumada meelay ugu taalo inay moshin keenaan ma jirto laakiin waxay soo sheegeen iyadoo la waafinaayo shirkoodii in  qodobka 12-Oktoobar kla soo gaaray xilligiisii, iyadoo ay saas tahay ayaan waxaan haynaa in ka badan 25-wasiir oo baarlamaanka ka hadlay oo cadeeyeen yirina wax Miisaaniyad ah ma hayno maamulkeeniina meeshaas ayaa maraayaa dadka ku dhuudhuumanaaya aan sii wadno in ka badan 25-wasiir ma ku qanci waydeen 25-ka wasiir hadii aad ku qanci waydeen 22-wasiirna kuma qanceysaan Ilaahaana idiin qancin kara, dimuqraadiyada ha noolaato.

La soco qaybta kale ee dooda

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 18, 2007

dfkmg

Dood ka dhalatay Ajande sameyntii Baarlamaanka DF Usbuuc kadib  Baarlamaanka FKMG oo is-weydiinaya Ajandihii uu ka doodi lahaa, Xukuumada oo is khilaafasan, Baarlamaanka oo u kala qaybsamay laba iyo Ciidamada Ethoobiya oo la wareegay Amaanka Goobta shirka.

 


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com