SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Oct 18, 2007

  • C/llalahi Yuusuf: Aniga iyo Cali Max’ed Geedi ma wada shaqeyn karno...

  • Midowga Afrika oo la sheegay in ay Geedi ku hor dhigi doonaan labo arrimood

  • Abaabul dagaal oo ka soconaya deegaanada Puntland

  • Dad ku dhintay qaraxyo shalay galab lala beegaday ciidamada Itoobiya

  • Gaari ku sii jeeday Kismaayo oo kooxo dabley ahi rasaas huwiyeen

  • Golaha Wasiirada oo si weyn ugu kala qaybsan kulan ay berito yeelanayaan..

  • Madaxweynaha Uganda oo safar ku tagaya dalka Mareykanka..


C/llalahi Yuusuf "Aniga iyo Cali Max’ed Geedi ma wada shaqeyn karno"

Warar ku dhow Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf  oo dhanka Baydhabo nooga soo gaaray ayaa sheegaya in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf doonayo in uu gebi ahaanba ka taqaluso xukuumadda Cali Max’ed Geedi Madaxda u yahay, waxay wararku sheegayaan in C/llaahi Yuusuf uu sheegay in uusan marnaba raali ka nqon doonin in isaga iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi isla sii shaqeeyaan.

“Aniga iyo Cali Max’ed Geedi ma wada shaqeyn karno” ayuu yiri C/llaahi Yuusuf oo Ra’isul Wasaaraha ku eedeeyey wax isdabamarin baahsan oo hawlaha qaranka la xiriirta sida uu sheegay ee wararka ku dhow tibaaxeen.

Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf oo lagu wado in isaga iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ay u kicitimaan Magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya iyadoo halkaasi Midowga Afrika  iyo Dowladda Itoobiya ugu yeereen, haddana wararka soo baxaya waxay sheegayaan in C/llaahi Yuusuf ku dhegan yahay in Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cali Max’ed Geedi laga xayuubiyo jagada uu haatan hayo, haddii kalase aysan arrinta xal loo heli doonin.

“Waan ogahay in Midowga Afrika doonayaan in ay na dhex dhexaadiyaan balse xaalku ka weyn mid la dhex dhexaadin karo” ayuu yiri C/llaahi Yuusuf sida ay tibaaxayaan warar ku dhow dhow.

Khilaafka ba’an ee u dhexeeya madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cali Max’ed Geedi ayaa cirka isku sii shareeray, iyadoo gebi ahaanba xubnaha Dowladda isugu tageen Magaalada baydhabo, isla markaana uu Baarlamaanku shalay iyo doraad fadhigii ay yeesheen ku dooday labo arin midood oo ah in Baarlamaanku soo wato doodiisii ku aadaneed la xisaabtanka Xukuumadda iyo in oo leexdo dhanka khilaafka madaxda dowladda ka dhex taagan sidii loogu heli lahaa, iyadoo xildhibaanadu ay arrintaasi ku kala jabeen oo ay qaarkood soo jeediyeen haatan aysan jirin arrin Xukuumadda lagu qabsan karo oo ay mudadii ay kalsoonida lahayd wax uga dhiman yihiin, halka kuwo kalana ay ku doodayaan in ay sharci tahay in Xukuumadda hor timaado xukuumadda si codka kalsoonida loogu qaado.

Midowga Afrika oo la sheegay in ay Geedi ku hor dhigi doonaan labo arrimood

Ururka Midowga Afrika iyo Dowladda Itoobiya ayaa lagu waramayaa in ay Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cali Max’ed Geedi hor dhigi doonaan labo arrimood oo kala ah in uu xilka Ra’isul Wasaarenimo isaga dego iyo in uu Baarlamaanka hor tago isla markaana Xukuummadda uu madaxda u yahay codka kalsoonida u weydiiyo.

Arrinta oo aan si rasmi u soo shaac bixin, ayaan la ogeyn waxa uu ka yeeli doono Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cali Max’ed Geedi, oo isagu dhawaan mar la weydiiyey in uu istiqaalo gudbinayo si xal loogu helo khilaafka ka dhex jira isaga iyo Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf hadalkaasi ku  tilmaamay wax lagu qoslo oo aysan xitaa carruurtu ku hadaaqi, isago yiri “Waa fuleynimo xilkaaga ka degan oo jooji hawlaha aad dadweynaha u hayso” .

Cali Max’ed Geedi ayaa shalay u ambabaxay Magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo Midowga Afrika iyo Dowladda Itoobiya ku casuumeen, waxaana la sheegay in ay horey Ra’isul Wasaaraha DFKMG u sii raaceen wafdi Itoobiyaan ah oo maalmahan ku sugnaa Magaalada Baydhabo, waxaana sidoo kale lagu wadaa in maanta ay iyana Baydhabo u ambabaxaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomi-yaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe, sida uu Sheekh Aadan Madoobe qudhiisa shalay ka hor sheegay fadhigii Baarlamaanka,  waxa uuna Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe xusay in labo maalmood dib loo dhigay kal fadhiga Baarlamaanka, isagoo sabab u dhigay iyadoo arrinta uu Baarlamaanku ka doodayo tahay Xukuumadda Federaalka, sidaa darteed Cali Ma’xed Geedi uu u ambabaxay Magaalada Adis-Ababa, lana filayo in maanta iyo isaga iyo C/llaahi Yuusuf iyana Adis-Ababa u dhoofaan.

Abaabul dagaal oo ka soconaya deegaanada Puntland

Gobalada maamul gobaleedka Puntland intooda badan ayaa lagu soo waramayaa in uu ka soconayo abaabulo dagaal oo xoogan kuwaas oo la sheegay inay ku aadan yihiin weerar ay mar kale Puntland ku qaado ciidamada Somaliland ee iyagu gacanta ku dhigay Magaalada Laascaanood ee Gobalka Sool.

Dadka deegaanada Puntland ayaa sheegaya in ay dareemayaan ciidamo iyo tikniko is uruursaneysa oo ku jiheysan dhanka Magaalada Laascaanood, waxaana abaabulkaasi inta badan laga dareemayaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamul Gobaleedka Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in abaabulkaani dagaal ay ku hawlan yihiin Saraakiisha Ciidamada Puntland, iyagoo sheegay in ay dib gacanta ugu soo celinayaan magaalada Laascaano, waxayna maamulka Puntland sheegeen in dadka halkaasi ku dhaqan uu iyagu taageersan yahay, isla markaana Somaliland ay dooneyso in ay caburiso, waxaana abaabulkaan labada dhinac ka soconaya walaac xoog leh ka muujiyey dadka ku nool Gobalka Sool, gaar ahaan Magaalada Laascaanood, iyagoo tilmaamay in  dagaal mar kale dhaca uu burbur iyo khasaar lixaad leh keeni karo, waxaana ilaa iyo hadda jirin wax dhex dhexaadin ah oo laga dhex wado labada dhinac.

Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland Cadde Muuse Xirsi (Gen. Cadde) ayaa Somaliland ku eedeeyey in ay weerar ku soo qaaday fariisimaha ciidamada Puntland, isagoo sheegay in dagaalkii Magaalada Laascaanood ka dhacay ay ka qayb-qaateen dad ajnabi ah oo sida hadalka u dhigay gacan siinayey Somaliland, balse Somaliland ayaa dhankeeda arrintaasi beenisay.

Dad ku dhintay qaraxyo shalay galab lala beegaday ciidamada Itoobiya

Shan qof ayaa ku dhimatay halka todobo qofood ay ku dhaawacantay qarax dhowr ah oo shalay galab lala beegsaday ciidamada Itoobiya oo iyagu shalay hawlgalo ka sameynayey qaybo ka tirsan wadada Sodonka ee Magaalada Muqdisho.

Labo qarax lala beegsaday ciidamada Itoobiya qaybtooda ku sugneed deegaanka NBC ayaa sida uu noo sheegay qof goob jooge ahaa waxaa ku dhintay afar qofood, halka ay ku dhaawacmeen shan kale, waxa uuna qarax isna lala beegsaday ciidamada Itoobiya ka dhacay Carwo Idko, waxaana ku dhintay Haweenay la sheegay in ay haleeleen rasaas ay fureen ciidamada Itoobiya, iyadoo ay ku dhaawacmeen labo qofood oo kale.

Dadkii ku dhaawacmay NBC ayaa la sheegay in dadkii u gurmaday ee u qaaday dhanka Isbitaalada ay ciidamada Itoobiya halkaasi ka qabqabteen, iyadoo aan la garaneyn halka ay la aadeen, sidoo kale qarax lala beegsaday gaari uu watay guddoomiyihii saddexaad ee degmada Yaqshiid Xaaji Cabdi ayaa waxaa ku dhintay guddoomiyaha iyo labo nin oo iyana la saarnaa gaariga.

Gaari ku sii jeeday Kismaayo oo kooxo dabley ahi rasaas huwiyeen

Hal qof ayaa ku geeriyooday afar kalana way ku dhaawacantay Gaari Hoomey ah oo ku sii jeeday Kismaayo oo ay kooxo dabley ahi rasaas arxan daro ah ku fureen. Gaariga ayaa markii rasaasta lala beegsaday marayey deegaanka Xaramka oo ka tirsan Degmada Jilib, waxaana la sheegay in kooxdan burcadda ah ee wadada gashay ay gaariga rasaas huwiyeen iyagoo aan wax amar ah siinin, waxaana dadkii ku dhaawacmay iyo kuwii dhintay la geeyay magaalada Kismaayo, sidoo kalana waxaay Magaalada Kismaayo shalay subax lagu dilay nin ka tirsanaa ciidanka degmada Kismaayo, iyadoo ninkii dilkaasi gaystay isna gacanta lagu dhigay, waxayna maamulka magaaladaasi sheegeen in ninkaasi ay maxkamad soo taagi doonaan.

Golaha Wasiirada oo si weyn ugu kala qaybsan kulan ay berito yeelanayaan..

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka ayaa si weyn ugu kala tagsan kulan lagu wado in uu maanta golaha wasiirada ku yeeshaan Magaalada Baydhabo.

Kusimaha Ra’isul Wasaaraha ahna Wasiirka Dastuurka iyo Federaalka C/llaahi Sheekh Ismaaciil ayaa ku dooday in wax kulan oo la qaban karo aysan jirin iyadoo Ra’isul Wasaaruhu uu dalka ka maqan yahay ama uusan shir guddoomineyn kusimaha Ra’isul Wasaaraha oo uu sheegay in uu isagu yahay isla markaana uusan waxba ka ogeyn kulankaasi, waxa uuna sidoo kale C/llaahi Sheekh Ismaaciil tilmaamay in kulanka maanta ay wataan wasiiro uu ku tilmaamay in ay ku falaagoobeen Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cali Max’ed Geedi isal markaana sharcigii yiilay ku tumanaya.

Dhanka kale C/qaadir Nuur Caraale oo ah Wasiirka Beeraha ayaa isna sheegay in kulanka wasiirada uu qabsoomayo maanta, isla markaana ay isugu yimaanayaan inta badan Wasiirada oo uu sheegay in qaarkood wakiilo ka joogaan, isla markaana uusan u xayirmi doonin dhowr wasiir oo maqnaata, waxa uuna hoosta ka xariiqay in uusan jirin gooni u sheegan karta in uu isagu mas’uul ka yahay shir guddoominta golaha Wasiirada.

Wasiirada Xukuumadda ayaa waxaa si weyn u saameeyey khilaafka u dhexeeya madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed oo la kala safan labada garab.

Madaxweynaha Uganda oo safar ku tagaya dalka Mareykanka..

Madaxweynaha wadanka Uganda Musaveni ayaa la sheegayaa in uu 29-kabishan u kicitimi doono Magaalada New York ee cariga dalka Mareykanka kadib markii sida la sheegay uu caasumaad ka helay madaxweynaha wadanka Mareykanka Bush.

Wararka naga soo gaaraya dalka Uganda gaar ahaan Magaalada Kampala ayaa sheegaya in Musaveni  ay isla soo qaadi doonaan Madaxweynaha Mareykanka Bush arrimaha Soomaaliya iyo waliba dalka Suudaan.

Wararku waxa ay intaa ku sii darayaan in Musaveni lagala hadli doono sidii ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga waqtiga loogu kordhin lahaa, iyadoo la doonayo in la gaarsiiyo ilaa iyo 2009-ka, isla markaana waxaa sidoo kale Mareykanku bixin doonaa lacago loogu talagay ciidamada Uganda ee Soomaaliya ku sugan, iyadoo sidoo kale Musaveni lagu wargeliyey in uu kordhiyo ciidamada ka joooga Soomaaliya iyadoo  lagu soo dari doono 250 askari oo hor leh.

Arrimahan ayaa waxay ku soo beegmayaa xili dhawaan ciidamada Uganda ka biyo diideen in ku lug yeeshaan khilaafka dhex taagan dowlada iyo waliba iyadoo Isbahayisga xoreynta uu u soo jeediyey ciidamada Uganda in ay isaga baxaan dalka. 
 
Amiin Yuusuf Khasaaro.

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 18, 2007

dfkmg

Dood ka dhalatay Ajande sameyntii Baarlamaanka DF Usbuuc kadib  Baarlamaanka FKMG oo is-weydiinaya Ajandihii uu ka doodi lahaa, Xukuumada oo is khilaafasan, Baarlamaanka oo u kala qaybsamay laba iyo Ciidamada Ethoobiya oo la wareegay Amaanka Goobta shirka.

 


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com