SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CASMARA

ISBAHAYSIGA DIB U XOREYNTA SOOMAALIYEED

WARSAXAAFADEED KUSAABSAN  DHACDOOYINKA SIYAASADEED EE KA SOO CUSBOONAADAY DALKA

(Lr.5)

I.         Abaabulka iyo tafa xaydashada magaalada baydhabo ka socota   waa qeyb ka mid ah qorshaha cadawga ee ku aadan   in dhamaan magaalooyinka Soomaaliyeed marba mid la bara kiciyo si damaca guracan ee ay Ethiopia ku doonayso inay dalka ku  sii nagaato ugu  meelmaro.

II.        Waa ayaan darro in hantidii shacabka, magacoodii iyo maamuuskii ay lahaayeen ay dabadhilifyada gumeysitaha u adeegsadaan dano shakhsiyadeed oo guracan, iyadoo maatidii ay soo barakiciyeen hoy iyo cunno la'aan la il daran tahay.

III.      Hadaba Isbahaysigu waxaa uu shacabka Soomaaliyeed iyo Bulshada caalamka ee nabadda jecel mar kale u caddeynayaa in colaada ka aloosan  Magaalada laascaanood iyo goobo kale oo dalka ka mid ah ay ka dambeeyaan ciidamada Ethiopia ee dalka  qabsaday,  ujeedaduna waa in looga jeediyo indhaha caalamka xasuuqa iyo dambiyada dagaal ee ay Ethiopia faraha kula jirto, laguna waxyeeleeyo wada jirka iyo waxwadqabsiga bulshda, dalkana  dib loogu celiyo dagaalladii  sokeeye ee hore u soo aafeeyey.

IV.      Isbahaysigu waxa uu bogaadinayaa waxqabadka  iyo guulaha ay ka soo hooyeen muqaawamada wiiqidda awoodda ciidamda dalka ku soo duulay, waxa kale oo uu baogaadinayaa midnimada ay muujiyeen bulshada Soomaaliyeed oo isu istaagtay in ay aayahooda ka tashadaan,  waxa uuna xasuusinayaa oraahdii ahayd gacmo wada jir bay wax ku gooyaan.

V.        Isbahaysigu wax lug ah kuma laha arrinta Laascaanood, waayo

waxa uu u taagan yahay dib u xoreynta dalka iyo badbaadinta shacabka naf  iyo  maalba, eedynta ka soo yeereysa dadka qaarkoodna waa mid aan loomeel dayin ayna ka muuqato masuuliyada ka carar.

VI.      Gabgabadii Isbahaysigu isagoo ku kalsoon in ay ummadda Soomaaliyeed waayo-aragnimo u leedahay khiyaamooyinka gumaysiga iyo dabadhilifyadiisa ee soo jireenka ah waxa uu waxgaradka Soomaaliyeed, dhaqanka iyo  bulshada qeybaheeda kala duwan ugu yeearayaa inay oraahdooda iyo adinkooda u mideeyaan sidii dalka loo xoreyn lahaa, loogana hortagi lahaa dhiig sokeeye oo micnala,aan u daata, waxa uuna ku boorinayaa inay ka gaashaantaan hagardaamada cadawga uu ku doonaya dadka iyo dalkaba inuu ku qeybiyo.

Xafiiska warfaafinta

Asmara , 16/10/2007

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 17, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com