SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MPLS

Baaqa Jaalliyada Sool, Sanaag, iyo Cayn  ee Gobolka Minnesota, Mareykanka. 

Annagoo ah Jaalliyadda u dhalatay degaanka Sool, Sanaag, iyo Cayn  (SSC) ee ku nool Gobolka Minnesota ee carriga Mareykanka, waxaannu ka xunnahay weerarka badheedhka ah ee lagu soo qaaday degaankan bisha barakaysan ee Ramadaan. Colaaddani waxay salka ku haysaa kala goynta iyo wiiqidda midnimadda Ummadda Soomaaliyeed. Gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn waxay Ummadda Soomaaliyeed ugu jiraan safka hore ee sugidda iyo ilaalinta Midnimadda Ummada Soomaaliyeed ee muqadaska ah. Colaaddan aan macnaha cidna ugu fadhiyin ee Riyaale rabo inuu dad Muslimiinta  ah ee aan wax colaadihi kadhaxayn uu u isticmaalo dantiisa gaarka ah, ma aha colaad ku wajahan goboladan kor kuxusan oo keliya basle waa colaad loogu talo galay dhamaan Ummadda Soomaliyeed ee midnimadda iyo nabadda jecel. Waayo dadka gegan gobolan waxay caan kuyihiin ilaalinta Midnimadda iyo Sharaf soo celinta Ummadda Soomaaliyeed ee karaamadeedii dhulka ku dhacday.  

Annagoo aad uga xun dhibaatadda Soomaalida haysata oo dhan , Koonfur iyo Waqooyiba waxaan soo jeedinaynaa baaqan.  

  1. Waxaan taageeraynaa Go’aanka ay gaadheen Isimmada Sool, Sanaag, iyo Cayn Waxaanna ugu baaqaynaa Isimmada, aqoonyahannada, culumada Diinta, iyo bulshada  degaanka Sool, Sanaag, iyo Cayn inay ku baraarugsanaadaan doorka adag iyo kaalinta ay ugu jiraan difaaca midnimadda Ummadda Soomaaliyeed, ayna ku midoobaan sugidda midnimadaasi. 
  2. Waxaan ugu baaqaynaa in Riyaale si shuruud la’aan ah uu uga saaro ciidamadda uu dantiisa ku fushanayo ee ku sugan degaanka Sool.
  3. Waxaan u soo jeedinaynaa dhammaan waxgaradka Goballada Waqooyi inay ilaaliyaan xushmadda u dhaxaysa dadka wada degan goboladan oo ay gacan kageystaan arintan cakiran.
  4. Waxaan ku boorinaynaa bulshada degaannada Sool, Sanaag, iyo Cayn inay meel uga soo wada jeestaan calooshood u shaqaystayaasha u dhashay degaanka ee u adeegaya Riyaalaha ku caan baxay baabi’inta iyo marin habaabinta shacabka Waqooyi.
  1. Waxaan kaloo xusuusinaynaa Ummadda ku nool goballada Waqooyi in Riyaale uu fulinayo mashruuc isaga gaar u ah arimihiisa siyaasadeed si ayan Ummaddu u dooran hogaan hanan kara bulshadda oo u adeega danahooda waayo waa wax muuqda inuusan Riyaale xukumi karin Bulshadda Waqooyi haday nabad helaan.

Haddaaanu nahay Jaaliyadda Minnesota ee ka soo jeeda gobolada Sool, Sanaag,Iyo Cayn waxaan ugu baaqaynaa dadka jecel nabadda meel kasta oo ay joogaanba inay ka shaqeeyaan sugidda nabadgelyada iyo ilaalinta Midnimada Ummadda Soomaaliyeed ee muqaddaska ah.

      Ugu danbayn waxaanu rabnaa inaan Ummadda Soomaaliyeed u cadeyno inaanu kasoo horjeedno in qof danbe oo Soomaaliyeed dhiiggiisa micno la’aan loo daadiyo.   


      Gudiga Beeshs sool, Sanaag iyo Cayn 

         ee Minnesota

Kala xiriir:
faysal Guled faysalg@gmail.com

SomaliTalk.com | Oct 15, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com