SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

ISBAHAYSIGA DIB U XOREYNTA SOOMAALIYEED

WARSAXAAFADEED KUSAABSAN  MUNAASABADDA CIIDDA SOONFUR

"Waxaad ciideysaan idinkoo madaxbanaanidiinii idiin muuqato"

 (Lr.4)

Guddoomiyaha Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliyeed ahna guddoomiyaha G.fulinta mudane Sh.Shariif Sh.Axmed  waxa uu hambalyo u dirayaa ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan munaasabadda ciidda soonfur ee barakeysan awgeed, waxa uuna Allah weydiisanayaa in uu ka aqbalo soonka, salaadda iyo ducooyinkii ay la yimaadeen bisha soon ee barakeysan ee sannadkan.

Guddoomiyuhu waxa uu si gaar ah hambalyo iyo bogaadin ugu dirayaa xoogagga muqaawamada, madaxdooda, Odayaasha dhaqanka, ganacsatada, aqoonyahanka   iyo dhammaan qeybaha kala gedisan ee bulshada Soomaaliyeed ee diiday in ay u hogaansamaan damaca gumeysiga iyo dabadhilifyadiisa, muruq, maal iyo maskaxna u huray sidii ay dalka uga xoreyn lahaayeen ciidamada cadawga ee qabsaday una soo celin lahaayeen sharfkii iyo jiritaankii Soomaaliyeed ee dhulka lagu jiiday.

" Waa hubaal in uusan gumeysigu cimri dheereyn hase-yeeshee waxa uu reebaa ceeb iyo cawaaqib xumo aan ka harin dabadhilifyada" ayuu guddoomiyaha ku daray hadalkiisa, isagoo bogaadiyey muqaawamada & waxqabadkeeda. Sidoo kale Guddoomiyuhu munaasabadda ciidda soonfur awgeed waxa uu hambalyo u dirayaa dhammaan dalalka Islaamka iyo madaxdooda, waxaanu ugu baaqay in ay ku taageeraan shacabka Soomaaliyeed sidii uu xoriyadiisii iyo madaxbanaanidiisii u soo ceshan lahaa, ciidamada Ethiopia-na  dalka looga saari lahaa.

"Shacabka Soomaaliyeed waa xusuusnaan doonaa sida ay madaxda dalalka Islaamka iyo kuwa caalamkaba indhaha uga laabteen – intooda aan ka qeyb qaadan- waxyeelaynta joogtada ah ee ciidamada cadawga ah ee soo duulay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed xilli aysan xukuumada sharci ahi aysan dalka ka jirin" ayuu yiri guddoomiyuhu.

Waa wax laga xumaado iyadoo dhiigii shacbka soomaaliyeed uu cadwgu daadinayo, oon, gaajo iyo hoy la'aanna ay la il adarn yihiin intii ka badbaaday xabadda cadawga inay kuwa masuuliyad sheeganaya ay u baratamayaan sidii ay  gaari lahaayeen raalli ahaanshaha cadawga.

Guddoomiyaha Isbahaysiga waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay sida ay uga go'anatahay isbahaysigiisa xoreynta dalka, waxa uuna yiri waa inay Ethiopia ciidamadeeda ciidda Soomaaliyeed kala baxdaa, shacabka reer Ethiopia-na waxa uu ugu yeeray inay iska qabtaan madaxdooda faraha dhiiga kula jirta ee cadawga ku ah nabadda iyo degegnaanta gobalka haddii ay rabaan inay sii jirto qarannimadooda.

Ugu dambeystii guddoomiyaha waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay taakuleeyaan kuwooda tabarta daran, sidoo kale hay'adaha samafalka, ururada goboleed iyo kuwa dawliga ahba waxa uu ugu baaqay inay garagaaraan Soomaalida ku waxyeeloowday dhibaatada   gumeysiga. 

XAFIISKA WARFAAFINTA

ASMARA12/10/2007

SomaliTalk.com | Oct 12, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com