SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Dagaalo Ka Fool Ka Fool Ah Oo Habeenkii Xalay Ahaa Ka Dhacay Meelo Kamida Magaalada Muqdisho.

Dagaalo faraha lagaga gubtay ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay agagaarka saldhiga howl-wadaag dagaalkan oo u dhexeeyey kooxaha kacdoonka wada iyo weliba ciidamada dowlada KMg ah ee fariisinkoodu yahay saldhigaasi.

Dagaalkan oo laysu adeegsaday hubka nocyadiisa kala duwan ee basuukaha ,qoryaha daran doortiga u dhaca iyo weliba hubka cul-culus ayaa ee madaafiicda qoriga hoobiyaha ayaa siweyn looga wada dareemay guud ahaan magaalada caasimada ee muqdisho.

Dhimashada iyo dhaawaca oo aan si dhab ah loo xaqiijin ayaa la sheegay inay gaarayaan in ka badan 4-qofood inay ku dhaawacmeen halka la sheegay inay ku geeriyoodeen hal ruux

Dhinaca kale madaafiicda qoriga hoobiyaha ayaa la sheegay inay ku dhacayeen meelo ka durugsan deegaanka dagaalku ka socday islamrkaana la sheegay inay ku habsadeen meelo kamida sdldhigyada ciidamada ethiopia gaar ahaan kuwa degan garoonka weyn ee studyow muqdisho oo ay goob joogayaal ka ag dhowaa deegaankaasi saxaafada u xaqiijiyeen inay ku dheceen in ka badan ilaa 3-madfac oo hoobiye ah .

Dagaaladan kafool kafoolka ah ayaa kusoo beegmaya xili uu raysal wasaaraha DFKMG geedi xili laga joogo hal maalin kulan balaaran la yeeshay odayaasha dhaqanka beesha hawiye garabka maxamed xasan xaad islamrkaana uu sheegay prof,geedi in lagu heshiiyey lasoo afjaro dagaalada iyo qaraxyada isdaba jooga ah ee ka soconaya magaalada muqdisho taasoo u muuqata mid aysan waxba kasoo naasa cadaan .

Dilal Kala Duwan Oo Saaka Ka Dhacay Meelo Kamida ah Magaalada Muqdisho.

Sadex nin ayaa saaka lagu diley agagaarka Villa baydhabo ee xaafada buulo xuubey ee magaalada muqdisho ,dilalkan oo gaysteen dabley ku hubaysnayd bastoolado oo aan haybtooda la garanayn .

Dilkan sadexda nin ayaa la sheegay inay dableydan hubaysan ay tacshiirad la beegsadeen sadexda nin ee geeriyootay oo la sheegay inay wada socdeen islamrkaana ay sadexduba ku naf bexeen goobtaasi ,lamana oga sababta dhabta ah ee ka dambaysa dilkan sadexda marxuum.

Sida ay saxaafada u sheegeen Goobjoogayaal ku sugnaa agagaarka dilku ka dhacay ayaa sheegay, kooxo aan la aqoon oo ku hubeysan bastoolado ay rasaas la beegsadeen 3dani nin xilli ay marayeen meel ku dhow agagaarka Villa Baydhabo ee deegaanka buulo xuubey oo ka tirsan degmada wadajir..

Dilalka qorsheysan iyo weliba dagaalada kafool kafoolka ah ayaa loo aanaynayaa amaan xumada baahsan ee ka jirta caasimada muqdisho xili uu amaankeedu kasii darayo marbna marka kasii dambaysa islamrkaana ay sheegaynayso gacan ku haynta caasimada muqdisho dowlada KMG ah.

Baaq Taageero ah Oo ay Soo sareen Odayaasha Iyo Waxgaradka SSC Ee Ku Sugan Jubooyinka Iyo Muqdisho.

Waxagaradka kasoo jeeda gobolada sool sanaag iyo cayan ee ku dhaqan gobolada jubooyinka iyo magaalada casimada ah ee muqdisho ayaa taageeray baaqa ay maamulka waqooyi ee isku magacaabay som-land ay usoo jeediyeen islamrkaana kaga codsadeen inay si nabad ah uga baxaan deegaanada SSC tasoo ay sheegeen waxgaradkani inay garab taagan yihiin islamrkaana ugu baaqayaan inay dadka reer waqooyi ay ciidamdooda kala baxaan dhulka reer ssc

Baaqan ay soo saareen waxagaradkani ayaa xoojinayey baaqii hore ee ay odayaasha beesha degta gobolada SSC ay kasoo sareen magaalada laascaanood taasoo ay shaaca kaga qaadeen in kala baxaan deegaanada ciidamada maamulka waqooyi ee la magac baxay som-land

Ugaaska beelaha Waamo Ugaas baqoow iyo xuno kale oo ku sugan magaalada kismaanyo ee xarunta jubada hoose ayaa tibaaxay inay bar bar taagan yihiin baaqii kasoo baxay odayasha dhaqanka gobolada ay kasoo jeedaan SSC islamarkaana cadeeyey inaysan marnaba cidna ka aqbali doonin qabiil qabiil kusoo duulay taasina ay keeni doonto cawaaqib xumo ka dhalata dadka deegaanka wada dega iyadoo ay xuseen in nabada la wada dhowro hadii kale ay cidina dani ugu jirin colaad daba dheeraata .

Sidoo kale afhayeenka deegaanada beelaha waamo ere kasoo jeeda SSC prof,c/risaaq raamaale ayaa shaaca qaaday inaysan cidna ka hibaysan doonin deegaanka ay xaqa ulee yihiin islamrkaana ay u sheegayaan maamulka waqooyi ee iskii isu magaacaabay ee som-land inay ka joojiyaan fadqalalada ay ka wadaan deegaanada SSC taasoo uu ku baaqay afhayeenku inay meel ugasoo wada jeestaan midnimada umada soomaaliyeed iyo weliba kasaaritaanka gobolada SSC cadowga garadarada wada waa siduu hadalka u dhigaye .

Baaqan ayaa soo baxay ka gadaal markii ay isimada gobolada SSC ay saxaafada u sheegeen inay baaq usoo jeedinayaan maamulka reer waqooyi ay kaga doonayaan in si shuruud la,aan ah ciidamada looga saaro dhulka SSC taasoo xiisad iyo kacdoono lagu taageerayo baaqan ka abuurtay deegaanada koonfurta ee jubooyinka iyo magaalada caasimada ee muqdisho.

yaasiin faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com

SomaliTalk.com | Oct 10, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com