SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Ururka gargaar foundation oo markii ugu horeysay gargaar lacageed soo gaarsiiyey dadka ka barakacay guryahoodii ee magaalada Muqdisho  

 Ururka gargaarfoundation waa urur ka dhisan dalka dibadiisa gaar ahaan dalka ingiriiska wuxuuna ku dadaalayaa in uu ka qeyb qaato sidii loo yarayn lahaa dhibaatooyinka heysta guud ahaan shacabka somaliyeed gaar ahaana muwaadiniinta  guryahooda ka barakacay , 

Ahmed abdi macalin seyga “Waxaan walaal u istaagnay inaan waxuun u qabano dadkaas tabaaleysan ee daruufta ku qasabtay iney geed hoos fariistaan”. 

waxaana soo kala diray dadka kala ah 

1) Ahmed abdi macalin seyga( ururka gargaar foundation) 

2) Ahmed maxamed siyaad 

3) Xaliimo calasow ahmed

Gargaarkasto oo aan awoodno waa la garabtaaganay walaalaheena muslimiinta ah ee dhiban ayey ku yiraahdeen xubnaha uruurka oo balanqaaday in ay sii wadi doonaan gargaarka noocaan oo kale ah .

Iyada oo deeqdaan lacageed lagu soo hagaajiyey muuse maxamud jiisow si uu ugu qeybiyo danyarta ku dhibaataysan geedaha hoostooda ayuu xilkaa dhabarka u ritay ilaah mahadii wuuna ku guuleystay in uu gaarsiiyo dadkii loogu talagalay ee bartilmaameedka u ahaa

 Ururka gargaarfoundation  sida uu saxaafada u sheegay mar uu la hadlayey manta ,

Deeqdaan lacageed oo gaaraysa $800 ayaa laga qeybiyey deegaanada dayniile qaxooti geedo hoostood ku barakacay oo aad u jilicsan ayna ka mid ahaayeen dad isugu jira da.walbo rag iyo dumar guryahoodii isaga haajiray

Deeqdaan lacageed oo laga qeybiyey geedo quracyo ah hoostood oo ay isugu soo baxeen qaxooti raxan raxan ah oo  gaaraya 160 qoys iyada oo qeyskiiba la siinayey lacag deeq ah oo gaaraysa 100.000 shilin Somali ah

Axmed cabdi macalin seyga” Ururka gargaarfoundation wuxuu u dulqaadan waayey dhibatooyinka baaxada leh ee ku dhacay inta badan shacabka somaliyeed gaar ahaan kuwa kuwa ku dhaqan goobaha colaado ka aloosan tahay qaasatan inta manta geedaha hoostooda fadhida ee ka soo cararay dilka.qaraxyada ,dhaca iyo kufsiga maciida biday in ay wheel ka dhigtaan dhaxanta iyo geedaha hostooda si ay nabad gelyo ugu helaan naftooda,caruurtooda ,iyo hantidooda”

Hadaba Ururka gargaar foundation isaga oo ogsoon dhibka ku dhacay shacabka dulman ee somaliyeed isla markaana aan shaki kaga jirin in ay dolman yihiin dhamaantood ayaa Ururka gargaar foundation wuxuu aad uga xun yahay dhibka heysta umadda somaliyeed gaar ahaan kuwa aan heli Karin nolol maameedkooda ,

Ururka gargaar foundation wuxuu ku tala galay in uu caawiyo inta tabartiisa ah dadka barakacay si shacabka somaoliyeed dhibaatada heysata loo yareeyo wuxuuna ugu baaqayaa guud ahaan bulashada caalamka gaar ahaan shacabka somaliyeed   in ay garab istaagaan walaalahooda gudaha dalka ku barakacay  

Guud ahaan dadkii nasiibka u yeeshay in la garsiiyo ayaa ka mahad celiyey sida ay u soo xasuusteen walaalahooda reer ingiriis waxeyna ugu duceeyeen in halkii ay ka soo qaadeen bedel ka qeyrbadan ilaahey ugu bedelo

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Somaliya 
025215576666
002521653623

SomaliTalk.com | Oct 10, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com