Xildhibaan Max’ed Xasan Fiqi “in Xukuumada loo
dhameeyo iyo in Xukuumad cusub la soo dhiso, waxay imaanaysaa marka
taladeeda Baarlamaanka la soo hor dhigo, wayna imaandoontaa” waraysi dheer
oo dhinacyo kala duwan taabanaya oo aan la yelanay...
Xildhibaan Max’ed Xasan Fiqi oo ka mid ah Xog’haynada
Baarlamaanka DFKMG, islamarkaana ka soo jeeda Gobolka Sh/hoose oo aan wareysi
dhinacayo kala duwan taabanaya kula yeeshay Xafiiskiisa Maagalada Baydhabo
Isniin (Oct 9, 2007) ayaa ka hadlay sababaha uu u baaqadey kulankii
Baarlamaanka, Qoraalo ka hadlaya dhibaatooyinka Gobolka Sh/hoose oo ay u
gudbiyeen Madaxweynaha iyo Wasiirka Arimaha Gudaha.
Xildhibaan Fiqi waxaa uu yiri “ dhibaatooyinka Gobolka
Sh/hoose ka jira waxaa keenay, dad hore u haystey oo si khasab ah ku joogay,
islamarkaana xoog ku haystey Gobolka iyo maamul ku sheeg dowladu ay u magacawdey
oo si is-bahaysi ah dhibaato uga sameeyey, waxaana isku daynay in dowlada aan
anagu ka mid nahay ay wax ka qabato, Madaxweynaha iyo Wasiirka Arimaha Gudaha
ayaan u gudbinay cabashadeena, ilaa iyo hadana wax tilaabo ah oo la qaaday ma
jirto oo aan hayno, waxaan kaloo u gudbinay Xildhibaanada, Wasiirada iyo Wasiir
ku xigeenada Beelaha ay ka soo jeedaan in Ummada dhibaatada ay ka daayaan,
dhibaatadanina waxaan ka dhex sheegnay Baarlamaanka dhexdiisa, waxaana baaqyo
fara badan u dirnay Beesha Caalamka si wax looga qabto xadgudub-yadaan iska
socda, waana Arin laga argagaxo dadd raba in Guryahooda si nabad ah ay ugu
noolaadaan iyo kuwo u diidan, waxaana naga go’an hadii wax laga qaban waayo
arimahaan wixii ka yimaada in ay qaadi doonaan maamul ku sheega hada ka jira iyo
cidii magacowdey”.
Xildhibaan Max'ed Xasan Fiqi.
Mar uu ka hadlaayey tilaabada ay qaadayaan waxa ay tahay
ayaa wuxuu yiri ‘Tilaabada aan qaadayno way iska cadahay, anaga Gobolka ayaan ka
soo jeednaa, waana u dhalanay, hadii la diido in la xaliyo anagu waxaan garab ku
siinaynaa dadka deegaanka inay is diifaacaan, micnaha waa cid cid ka xoog badan
Soomaaliya ma jirto wiilall waa qabnaa hantina waa qabnaa, dhulkuna waa
dhulkeenii Nabada ayaan codsanay hadii la waayo, xitaa hadii ay dadkaasi ay
doonayaan in xoog ay ugu noqdaan garab baanu ku siinaynaa inay is difaacaan,
dadkii aan ka dhalanay ee deegaanka lahaa inay duurka ku noolaadaan iyo kuwo aan
deegaanka lahayn inay si nabad ah ugu noolaadaan deegaankeena wax dhici kara ma
ahan, waana wax shacabku ay rabaan tilaabada aan qaadayno.
Mar uu ka jawaabayey su’aal ahayd Xildhibaane hadalada aad
sheegayso waa kuwo miizaan leh ee mala dhihi karaa looma dhama hadaladaan kaasoo
yeeraya adiga iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka, ayaa waxaa uu ku jawaabay
‘udhamid iyo u dhamid la’aan meesha ma taalo Gobolka Sh/hoose wuxuu ka kooban
yahay 8-Degmo xildhibaanada degmooyinkaas kala duwan ayey ka soo jeedaan, hada
anagu waxaan si gaar ah uga hadlaynaa meesha dhibaatadu ka taagan tahay oo ah
Degmada Marka iyo nawaaxigeeda, taasina mas’uuliyadeeda anaga ayey na saran
tahay, Xildhibaanada Marka oo keli ah ma ahan, kuwa gobolka oo dhan waxay u soo
jeedaan in dadkooda si xor ah ay ku noolaadaan, dadka dhibaatada ku hayna ay
iska qabtaan, kumana kala qaysanin arintaas, balse hada dhibaatada waxay ku soo
hor martay Degmada Marka, waxaa ku soo xigtay Degmada Af-gooye iyo Walaweyn,
hadee Degmo kasta Xildhibaanada ka soo jeeda marka ay dadkooda dhibaato
dareemaan iyaguna markooda way hadli doonaan, hadii aan sheegnay dhibaatada ka
taagan Marka, dhamaan Xildhibaanada
ka soo jeeda Gobolka way nagu taageereen, waana ka simanaha dadka dhiiga dadka
hantida ka gatay ee ku barbaarey.
S-Xildhibaane hore Gobolka Sh/hoose waxaa ka jiray maamul
aan taageersanayn Dowlada ee xiligaasina ma aydaan hadli jirin hadaba maxay
tahay sababta keentay inaad hadashaan waqtigaan?.
J-Markaasi maamul xoog ku haysto ayaan u niqiinay oo wax
wadahadal ah inooma furnayn iyo wax aan kala hadalno, waxayna ahayd Nin xoog ku
haysta iyo dadkii oo cabursan, balse anagu dowlada ayaan ka tirsanahay, dad ay
magacawdey in dhibaato ay u gaystaan inagoo ka mid ah dowlada ayaa nagu
kalifaysa inaan hadalno, laakiin ninkii hore agtiisa wax cod la yiraahdo nooma
taalo,inuu haysto Gobolka uun baan cadeyn jirnay.
Sidoo kale mar uu ka hadlaayey qaabka dhibaatada ay uga
wadaan maamulka gobolka ayaa wuxuu yiri “ horta maamulka Gobolku waxa loo dhisay
waxay ahayd in dadku si nabadgelyo ay kuwada noolaadaan, dhibaatada jiraa waxat
tahay maamulkii hore ee aad I weydiisay Ragii ka tirsanaa qaarkood ayey dowladu
magacawdey, ayaa iyagoo iska ilaalinaya shacabkii eedihii ay hore uga galeen,
ayey iyagoo magic dowlad wata Isbaarooyin ku bilaabeen, Miithaal Shanal bood
Isbaaraa taalo, lacagta laga qaado Hubaa lagu gadaa, waxaana lagu hubeeyaa dadd
gaar ah, Af-gooye Isbaaraa taala lacag baana laga qaadaa waxaana lagu hubeeyaa
dad gaar ah waayo heshiis dhexmaray maamulka hada la magacaabey iyo kii hore,
sidaan hore u sheegay Gudoomiyaha Gobolka ninka sheeganaya, Koox yar oo isaga
Beeshiisa ah iyo dadkii hore waxay ku tashteen kolayba xaq ma tihiin oo sii
joogimaysaane dadkaan sii booba, taas ayaa keentay inay isku dayaan, dhibka
asalkiisa hore wuxuu ka bilowdey ninkii Taliye u ahaa Maamulkii Indho cade,
taliye ku xigeenkiisaa ayaa la dilay, anagu waan ka soo horjeednaa in la dilo,
waayo nin dowladda ka tirsan buu ahaa oo waa nin qaran, waxaana u sheegnay dadka
Gobolka cidii dishay in la baadi goobo ee lagu tiranayo Beesha aan anagu ka soo
jeedno, waxaana diyaar u ahayn inaan soo qabano, taasin waxay isu bedeshay in
Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliiska ninka sheeganaayo oo hore u ahaa taliye
ciidamadii Maxaakiimta uu weerarr toos ah ku qaado Beesh aan ka soo jeedo,
taasina dadkii way ka gedoodeen oo way ka soo hor jeesteen, waxaana dhacdey in
dadkaasi ay ka cararaan deegaanka oo ay duurka galaan ilaa iyo hadana la
leeyahay ma soo geli kartaan deegaanka, iyagun ay leeyihiin
Deegaanka inagaa iska leh oo waan gelaynaa.
S-Xildhibaane wax xiriir ah mala sameysay maamulka hada
gobolka ka jira, arimahaas uu isag wado darteed?.
J-haa xiriir baan la sameeyey Ninka Maamulka Gobolka
sheegta ee la yiraahdo C/qaadir dadkiisa gobolka ayey degan yihiin, waxaana
talada loogu dhiibay is maamul goboleed ahaan bal dadka in dhibaatada uu qaado
ayaa loogu dhiibay dadka xildhibaanada deegaanka raali bay kawada ahaayeen in
loo dhiibo talada, isaguna si toos baanu u wada hadalnay waxaana u sheegay
ninkii ninka dilay oo aan u sheegay inuu nala dhashay oo aan soo qabaneyno, in
la joojiyo xasuuqa iyo tilaabada uu qaaday, balse dheg jalaq uma siin oo wuu ka
dhego furaystay, waxaana nagsii careeysiiyey dadkii deegaanka u dhashay ayaa ku
tilmaamay Bur cad, shacabkeygii aan wakiilka ahaa oo qori wata oo doonaya in
dhibaatadii lagu sameeyey ay iska qabtaan, in uu yiraahdo waa Bur cad, kuwii
hore u joogayna uu yiraahdo waa dad wanaagsan aniga maamul uma aqoonsani,
maamulna waxaa dhisidoona dadka ka soo jeeda Deegaanka, hada Baydhabo waxaa ku
sugan Madaxweynihii, Gudoomiyihii Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaarihii oo maanta
soo degaya, intuba waxaan u gudbinay codsigeena waxaana ku rajo wyenahay in
codsigeena la tixgelin doona oo waxa deegaanka hada jooga oo dhan talada laga
wareejindoona oo maamul aan anaga hogaaminayno la dhisidoono ayaan ku rajo
weynahay.
S-Xildhibaane sababaha uu u baaqdey kulankii
Baarlamaanka?.
J-Kulanka waxaa uu u baaqdey waxaa kow ka ahaa kala war
qaadasho Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxaana la sugaayey Ra’iisul
Wasaaraha oo imaanaya Magaalada Baydhabo oo xildhibaano badan ay ku maqan yihiin
soo dhaweynta mas’uuliyiinta iyo la kulankooda.
S-Xildhibaane Gudigii awood qaysiga Baarlamaanka uu
dhawaan magacaabayey hawshiisa halkay maraysaa?.
J-Gudiga anigaa ka mid ah in badan hawlihiisuna way soo
gebageboobeen, waxaana rajeynayaa hadii uu ilaahay idmo kulanka ugu horeeya
Baarlamaanka in looga hadlidoono, habka Awood qaybisga ee nidaamka 4.5-ka ah.
S- Xildhibaane Gudigii uu Baarlamaanka u saarey arimaha
Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Malaga yaabaa in arintaas laga
soo hor mariyo mida aad sheegayso?.
J-Khilaafta Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxaan
filayaa gudiga hawlahaas loo xilsaaray inaan hawlahaas lagala shaqeyn ayey u
badan tahay,balse arin gaar ah oo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ka
dhexeyso ma filayo, wixii ka dhexeeya anagaa sharci dejintii ah, waxaana
go’aansanay in baarlamaanka la horkeeno oo sharciga aan raacno, Madaxweynuhu
intuu awood u leeyahay inaan siino, Ra’iisul Wasaaruhuna intuu xaq u leeyahay
ayaa loogu xaq soorayaa, balse anagu labadooda wax ay noogu kala duwan yihiin ma
jirto iyo wax aan u kala xaglinayno, Madaxweynaha inaa dooranay, Ra’iisul
Wasaaruhuna inagaa dooranay labadaba inagaa dooranay, wixii khalad ah ee jirana
inaan u dhexgalno si sharciyan ah ayaan ku kala saaridoonaa, hadiiba ay dhacdo
arintaas, laakiin ma qabo in arintu sida loo buun buuninayo ay u jirto.
S-Mudane Xildhibaane hawlaha mudooyinkaan uu waday
Baarlamaanka mala dhihi karaa jiritaanka Xukuumada ayaa lagu soo
gebagebeyndoonaa?.
J- Arintaas Baarlamaanka ayey u taalaa 275-ta xildhibaan
ee in Xukuumada loo dhameeyo iyo in Xukuumad cusub la soo dhiso, waxay
imaanaysaa marka taladeeda Baarlamaanka la soo hor dhigo, wayna imaandoontaa,
marka ay timaado ayaan jawaabteeda bixindoonaa.
Ugu dambeyn Xildhibaan Maxaad shacabka Soomaaliyeed u soo
jeedinaysaa ee Akh’risanaya Fikirkaada?.
J-waxaan u jeedinayaa ka xildhibaan ahaan Soomaaliya meel
kasta oo ay joogto, in nabada laga wada shaqeeyo, wixii dulmi watana ay iska
qabato, kuwa aan xildhibaanka u ahay ee Caalamka ku nool waxaan u sheegayaa inay
dadkooda soo taakuleeyaan dhinaca nabada ay kala hadlaan kuwa dhibaatada ka wada
Degmada marka dadkooda ee jooga dibadaha, gacana soo siiyaan dadkooda si ay
isaga qabtaan kuwa dhibaatada ku haya dadkooda, kuwa gudaha joogana ay wadahal
la galaan.
Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com.
SomaliTalk.com | Oct 9, 2007
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..
|