SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Kala Aragti duwanasho aan soo muuqan oo ka soo dhex baxaysa xubnaha  Golaha Baarlamaanka.

  • Wasiir ku xigeenka Dibu u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha DFKMG Md Xasan Cabdi Guure {Xasan Jabhad} “waxyaabo dhaliil ah way iska jiri karaan maadaama meesha ay dowladi ka jirto, waxa aan ku hadlaayo waa wax sharci ah”

  • Wasiirka Dibu-heshiisiinta iyo Jaaliyadaha Soomaaliya Md Maxamed Cabdi Xayir {Maareeye} “waa nasiib daro in ummadda Soomaaliyeed iyo madaxdoodu 17 sano


Kala Aragti duwanasho aan soo muuqan oo ka soo dhex baxaysa xubnaha  Golaha Baarlamaanka.

Shir ay maanta isugu yimaadeen xubnaha Golaha Baarlamaanka oo ay soo xaadireen in ka badan 164 mudane, islamarkaana su’aalo lagu weyiinayey Ra’iisul wasaare ku xigeenka DFKMG ahna Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare Saalim Caliyow Ibrow iyo Wasiirka Dibu-heshiisiinta iyo Xiriirka Jaaliyadaha Dibadda Md. Max’ed Cabdi Xayir {Maareeye} oo uu shir gudoominayey Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Prof. Maxed Cumar Dhalxa ayaa waxaa uu soo shaac bixiyey kala qaybsanaanta xubnaha Baarlamaanka iyo sida ay u kala taageersan yihiin mas’uuliyiinta sare ee dowlada.

 
Kulnakii maanta oo su’aalo kulull ay weydiinayey mudanayaasha Baarlamaanka  labada Mas’uul  ayaa mudanayaashii halkaasi ka hadlayey waxay gaarayeen 22 xildhibaan waxayna  qaarkood kala taageerayeen labada Wasiir, marka  si qoto dheer loo dhuuxdo hadaladooda, mudanayaasha qaarkood waxaa ka soo bur qanayey hadalo culus oo la is dhihi karo waxay u muuqdeen kuwo aan miisaanayn, waayo caro ay u qabaan waxay hadalo kulul ka dul ridayeen labada mas’uul, laakiin hadaladaan ka soo yeeraya mudanayaasha Baarlamaanka ayaa ah kuwo laga dhadhan sankaro, kuwo Ujeeddo badan ah, mana ahan markii ugu horeysay ee ay ka soo baxaan mudanayaasha Baarlamaanka hadalada noocaan oo kale.
 
Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Prof. Max’ed Cumar Dhalxa ayaa wuxuu yiri mudanayaal waxaan soo jeedinayaa inaan  isla qaadano laba arin oo kala ah “ Mudanayaal beryahaan waxaa soo batay dilallka dadka wax galka ah oo bulshada wax u qabanaya, iyadoo siyaabo kala duwan ay u dhacayaan, islamarkaana la joojiyo kuwa wada dilalka waxashnimada ah iyo in dowladu isu xilsaarto dadka danyarta ah ee hantidooda ku gudbatey dabkii dhowaan ka qarxay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho. 
 
Gunaanadkii shirka ayaa  Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dhalxa ayaa qoysaskii ay ka geriyoodeen Gen. Axmed Jilacow Cadow, xeer ilaaliyihii Gobolka Banaadir Aayatulaahi iyo dadkii rayidka ahaa si naxariisderida ahaa loogu dilay Magaalada Muqdisho ayaa isagoo ku hadlaya magaca Golaha Shacabka Soomaaliyeed u direy Tacsi tiiraanyo leh, waxaana ilaahay uga baryey inuu janadii fardowso ka waraabiyo qoysaskii ay ka tageena samir iyo iimaan aka siiyo.
 
Marka laysku soo duubo hawlihii uu mudooyinkana waday Baarlamaanka oo ahayd la xisaabtanka Xukuumada ayaa waxay u muuqdaan kuwo keenidoona dhibaato aan laga fiirsan, islamarkaana horseedaysa mugdiyo isasaaran, waayo waxaa isku dhegan Xukuumadii iyo Baarlamaanka oo in mudo ah u socdey xisaab, waxaana ka soo baxay dul duleelo aad u weyn oo aan si dhakhso ah loo dabooli Karin, sidoo kale waxaa isku dhegan Xukuumada iyo Garsoorkii dalka,  dadka arimaha sharciga ku xeel dheer waxay carabka ku adkeynayaan hadii ay is qabtaan Xukuumadda iyo Baarlamaanka, aysan jirin cid kala dhexgelaysa labadooda oo u kala gar qaada, waayo waxaa isku dhegan Garsoorkii dalka  dhexdiisa, Garsoorka iyo Mas’uuliyiinta sar sare ee Xukuumada, waxaa intaas oo dhan isku fuuqsadey Mas’uuliyiinta sar sare ee dowlada oo iyaguna beryahaan uu mugdi soo kala dhexgalay, taasoo wali aan la helin xal kama dambeys ah oo la shaaciyey.
 
Wasiir ku xigeenka Dibu u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha DFKMG Md Xasan Cabdi Guure {Xasan Jabhad} “waxyaabo dhaliil ah way iska jiri karaan maadaama meesha ay dowladi ka jirto, waxa aan ku hadlaayo waa wax sharci ah”
 
Wasiir ku xigeenka Dibu u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha DFKMG Md Xasan Cabdi Guure {Xasan Jabhad} ayaa shir jaraa’id ku qabtey Xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Baydhabo, ayaa ka Hadley warbixin uu shalay ka jeediyey Wasiirkiisa, mudane Jabhad ayaa sheegey inuusan xaadir ku ahayn Magaalada Baydhabo markii uu bixinayey Wasiirka Warbixinta, shirka jaraa’id kadib oo wariyayaasha weydiiyeen su’aalo dhowr ah ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegey  “shirka wixii ka soo baxay wax wanaagsan buu ahaa, aniga iyo wasiirka waa kala war qabnaa, wasiirka shalay uunbay talada si wax uun ka noqdeen mooyee, shalay wuxuu ka hadlay wasaaradda inaysan waxba ka ogeyn, waayo shirka wasaaradda wuu ka madax banaanaa gebi ahaanba, waxyaabo dhaliil ah way iska jiri karaan maadaama meesha ay dowladi ka jirto, waxaana meesha ku shiraayey dhamaan Beelaha Soomaaliyeed, go’aankaas Baarlamaanka ayaa gaarey, in Wasaaradda iyo Gudiga dibu-heshiisiinta ay ka madax banan yahay shirka, in shirka ay maamulaan wax ka tirsan Golayaasha dowlada wuxuu ahaa wax lagu heshiiyey”


Jabhad

 
Wasiirk u xigeenka mar aan weydiiyey in uu isagu garab marsan yahay warbixintii uu hore wasiirka Dibu-heshiisiinta uu bixiyey, mala dhihi karaa taasi dowlad nimadiina ayey meel uga dhacaysaa? ayaa Waxaa uu ku jawaabay “maya lama dhihi karo, waayo aniga iyo wasiirka wax khilaaf ah oo na dhex yaala ma jiro ee waxa meesha yaala waa ra’yi,  ra’yiguna hadana wixii dhab ah ee ka jira meesha ayaa ka soo baxaya, waayo dolwadu waa dowlad dibu heshiisiin Baarlamaanka ayaana go’aamiyey.
 
Sidoo kale mar la weydiiyey waxa kalifay in wasaaradda ay ka madax banaanaato shirka dibu heshiisiinta ayaa wuxuu ku jawaabay, waxaa kalifay Beesha Caalamka, maadaama dad ka soo horjeeda dowlada ay ka had hadlayeen banaanka iyo gudahaba, oo arintaas ay dhex dhexaadinayeen Beesha Caalamka dowlada iyo dadkaas ka soo hor jeedayba, waxaa keloo  jirtay soo jeedin ah in madaxweynaha  uu soo jeediyey in soomaalida shir dibu-heshiisiin loo qabto, kadib markii uu ka qaybgalay shirkii Adis Aba bba lagu qabanyey oo ay dowladuna ka madax banaann tahay, arintaasna Baarlamaanka dhex diisa ayuu ka sheegey madaxweynuhu waana la ogolaadey oo lagu raacay.
 
Mudane wasiir waxaad sheegtey in uusan khilaaf idiin dhexeynin adiga iyo wasiirkaada sow miyeysan haboonayn inaad wada tashi la sameyso inta aadan shirka jaraa’id qaban, waxa aad ku hadlaysidna ma sharci baa?
Waxaa uu ku jawaabay waxa aan ku hadlaayo waa wax sharci ah, waxaana idiin sheegay in shirkan uu ka madax banana yahay, wasiirkuna uu taasi og’yahay, waana ognahay shirka mid aan anagu maamulaynay inuusan ahayn.
Mar aan weydiiyey go’aanadii shirka ka soo baxay waxaa lagu soo sixiixay dalka sucuudi Arabia, waxaana soo sixiixay seddaxda mas’uul ee ugu sareysa dalka iyo xubnihii ka qabygalay shirka Ergada ee marka go’aankaasi sow sidaas ansax kuma ahan, oo miyaad leedahay go’aankaasi waxaa la keeni doonaa Baarlamaanka?
Waxaa uu ku jawaabay Md. Jabhad waa run in ay soo sexiixeen seddaxda mas’uul ee ugu sareysa dalka go’aankaasi, waxaana ogolaan-shihii ay isla ogolaadeen go’aanadii shirka Odayaasha iyo sixiixa seddaxda mas’uul Baarlamaanka ayaa la keeni doonaa.
 
Dhanka kale waxaa inoo suura gashay Akh’ristayaasha sharafta lehoow inaan helno  Qoraal uu ku sixiixan yahay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka DFKMG ahna Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare Md. Saalim Caliyow Ibrow  oo ay soo bandhigeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo uu ka mid yahay Xildhibaan Ibraahim Aadan Xasan {Kiish Bur}, islamarkaana ka tarjumayey sida ay u maamushey lacagihii deeqaha ahaa ee isugu jirey kuwa Yurubta, Markeykanka, kuwa Carabta iyo dhaqaalaha soo galay dowlada oo kor u dhaafaya 150-Milyan oo doolar iyo lacagihii la soo daabacay
 

Wasiirka Dibu-heshiisiinta iyo Jaaliyadaha Soomaaliya Md Maxamed Cabdi Xayir {Maareeye} “waa nasiib daro in ummadda Soomaaliyeed iyo madaxdoodu 17 sano xasuusan waayaan in xalka Soomaaliya xagga Ilaahay ku maqan yahay, Madaxda qaranka waa xiiqsan yihiin oo aad bay u shaqaynayaan natiijada ay gaarayaana ma badna”.

 
Wasiirka Wasaaradda Dibu-heshiisiita iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir {Maareeye} oo warbixin siiyey in ka badan 155 mudane oo soo xaadireen kulan ay isugu yimaadeen hoolka shirarka  Baarlamaanka FKMG ee xaruntoodu tahay Magaalada Baydhabo, oo uuna shir gudoominayey Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dhalxa ayaa warbintiisa ku sheegay,  in shirkii dibu-heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed uu ku dhamaadey, miisaan la’aan, musuq-maasuq iyo cadaalad daro uuna u baahan  yahay in Baarlamaanku uu u saaro, gudi soo baara, sidii loo maamuley shirka iyo hantidii loogu talagay Ergooyinka oo Qaylo fara badan ka soo yeereysay oo aan la ogeyn sidii loo aamusiyey, iyadoo  Gudiyada Barlamaanka waajibaadkoodu yahay kontoroolka, sixida, hubinta, toosinta iyo dardar gelinta hawlaha dowladda iyo xukuumadda.
Wasiirku wuxuu keloo shegay in weli aan la  arag cid ka socota Barlamaanka oo  tiraahda maxaad ku sugan tihiin, dib u heshiisiintii ummaduna xagay maraysaa, maxaa idiin qabsoomay, maxaa idiin qorshaysan, maxaa idiin hortaagan sidee looga gudbi karaa, taasoo habac gelisay habsami u socodkii hawlaha dalka ,  Iyadoo la ogyahay in Dawladda federaalka KMG ahi tahay Barlamaani oo awooda ugu saraysa ee cid kasta siisay sharciyada iyo xilka ay ku shaqaynayso ay tahay Barlamaanka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.
 
Waayo buu yiri nabadeynta iyo dib u heshiisiintii dalku meel xun bay maraysaa, mudane gudoomiye been baan sheegayaa hadii aan iraahdo nabad iyo dib u heshiisiin laysku halayn karo ayaa socota, waxaadna moodaa in fidnada, colaada, neceybka, iska nixid la’aanta, is mu’aamaradaynta, is dilka, gaajada, barakaca, in uu sii badanayo, dadku waa jah wareersan yihiin oo meel ay u socdaan ma yaqaaniin, qof waliba waa jecel yahay in dhibka laga baxo waana la sii geliyaa.
 
Wasiirku wuxuu yiri “waxaan qirayaa in ay igu adkaatay dhibaatooyinka iyo wada shaqayn la’aanta aan kor ku soo sheegay awgood, waxaad moodaa in halkii nabada iyo dib u heshiisiintu fidi lahayd oo aan fidnada iyo colaada fogayn lahayd in colaadii iyo is naceybku  uu fidayo oo xataa uu inaga TFG ahaan na soo dhexgeliyo oo nagu fidayo, waayo 9 bilood ka hor ayaa lay dhaariyey in aan nabad iyo dib u heshiisiin ka bilaabo hoolkan aan fadhino oo laygu ansixiyey kuna baahiyo dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka ilaa jaaliyadaha ku kala firirsan dacalada aduunka anigoo kaashanaya Madaxda Qaranka, Golaha Wasiirada, kan Barlamaanka iyo waxgaradka shacabka Soomaaliyeed”. Ayuu ku sheegay warbixintiisa wasiirka oo khudbadiisa sii wata ayaa intaa ku daray,

 
“in mudo 3 sano ay shaqaynaysay dowladu, ayna  haysataan taageerada shacabka  taageerada beesha caalamka, ayna daabacan karnay ama urursan karney dhaqaale fara badan, waxaynu helnay ciidan shisheeye  dalkii oo dhan inoo qabtay, waxaynu awoodi la’nahay in aan dhexdeena ka heshiino oo dalka  maamulno, uuna ruux waliba  cabanayo, wuuna ciishaysan yahay, quluubta dadka iyo tan xildhibaanadu way kala jeedaa, nin waliba nabad, heshiis, sharaf iyo nolol buu raadinayaa mana helayo, waxaa kuu cad in awood kale jirto,   Diintiina Islaamka ee aynu aaminsan nahay waxaa ku soo arooray in hadii qaryo ama magaalo roob ka di’i waayo in ay Rabi tuugmo u banaan baxaan, Qoraxda istaagaan oo Ilaah baryaan in uu dhibka ka qaado, runtii marka lays barbar dhigo roob la waayey waqti kooban iyo dhibta shacabka Soomaaliyeed laba qarni haystay ee juuca, maradka, Khowfka iyo masiibooyinka dabiiciga ah ee roob la’aanta iyo daadadku ka mid yihiin, qaryada roobka weydey waxay la mid noqonaysaa qof jano ku jira oo kale, hadaba mudane gudoomiye, waa nasiib daro in ummadda Soomaaliyeed iyo madaxdoodu 17 sano xasuusan waayaan in xalka Soomaaliya xagga Ilaahay ku maqan yahay, ayna haboon tahay in ummadda loogu baaqo in ay Ilaahay u noqdaan oo banaan baxyo rabi tuugmo, nabad iyo cafis ah qabtaan”.

 
Md. Maareeye wuxuu keloo warbixintiisa ku xusay  Soomaaliya 17 sano ayey hoos u sii socotaa, 13 shir oo ka horeeyey kii Embagathi, oo lagu soo dhisay  Dawladdo, maamulo, isbahaybsiyo iyo dedaalo fara badan oo badankooda gudoomiye adiga iyo xildhibaanada qaarkood aad ka mid ahaydeen ayaa fashilmay, waxaana dhihi karaa shacabka Soomaaliyeed ee aynu madaxda u nahay maanta wuxuu ku jiraa duruuftii ugu adkayd, waa lays dilayaa, waa lays dhacayaa, waa la qaxayaa, meel loo ciirsadona ma jirto,  Madaxda qaranka waa xiiqsan yihiin oo aad bay u shaqaynayaan natiijada ay gaarayaana ma badna, waa la cibro qaataa, waxaa ii cadaatay in xalkii, heshiiskii iyo nabadii Soomaaliya furaheedii weli naga maqan yahay oo aynaan helin dariiqii loo baahanaa.

 
Dhinaca kale Wasiirku mar uu ka hadlaayey qaab dhismeedka wasaaradda ayaa wuxuu sheegay  Wasaaradda dib u heshiisiinta iyo xiriirka Jaaliyadaha Soomaaliyeed, ay tahay Wasaarad cusub oo loo dhisay daruufta nabad gelyo iyo heshiis la’aanta dalka Soomaaliya ka jirtay 29 sano ee u dambeeyey, ilaa aasaaskeedii mudo hada laga joogo sadex sano waxaa iiga horeeyey laba Wasiir oo kale, Wasaaradu sida magaceeda ka muuqata waa wasaarad muhiim ah oo wax qabadkeeda ay ku xiran tahay guusha iyo guul darada dawladan aad madaxdeeda  ka tihiin gudoomiye,  Wasaaradu waxay ladahay sadex aag shaqo waaweyn oo kala ah qaybta heshiisiinta Sahacabka iyo Beelaha Soomaaliyeed, qaybta dhisida maamulo gobol iyo degmo oo ku yimid heshiis iyo is afgarad dhex maray shacabka iyo beelaha gobolkaas ama degmadaas ama tuuladaas wada dega iyo qaybta xiriirinta, heshiisiinta, mideynta iyo la socodka xaaladaha ay ku sugan yihiin Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku kala firiray dacalada aduun weynaha.
 
Mudanayaal  Aniga waxaa Wasaaradda lay magacaabay 08 Janaury 2007, mudo hada laga joogo 9 bilood, iyadoo Wasiirkii iga horeeyey iyo wasaaraduba in mudo ah shaqayn khilaaf iyo dagaalo dalka ka jirey awgood, shaqadii wasaaradana ay kala qaybsadeen wasaarado iyo gudiyo, tusaale ahaan qaybtii dhisida maamulada gobollada iyo degmooyinka oo heshiis ku yimid iyo hantidii beesha caalamku ugu deeqday waxaa loo magacaabay oo lagu wareejiyey Task force si gaar ah u maamula oo aanay wasaaradu wax shuqul ah ku lahayn, taasoo si weyn u dhaawacday micnihii shaqada wasaaradda. Markii aan la wareegey xilkii wasaaradda waan isku deyey in aan qaybtaas soo celiyo laakiin iima suura gelin, ka dibna waxaa bilaabay in aan hawl geliyo labadii qaybood ee soo hartay isla markaasna aan xiriir la sameeyo gudiga dib u heshiisiinta Qaranka oo aanu isku shaqo nahay.  Sida aad la socotaan 29 Janaury 2007, labaatan casho ka dib markii lay magacaabay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane C/laahi Yuusuf Axmed wuxuu kaga dhawaaqay shirkii AU-da ee lagu qabtay magaalada Adis ababa ee dalka Ethiopia in magaalo madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho lagu qabanayo shirweyne qaran oo ay ka soo qayb gelayaan ergooyin gaaraya ilaa 3000 oo laga soo xulayo qaybaha bulshada Soomaaliyeed sida Salaadiinta, siyaasiyiinta, culimo awdiinka, haweenka, dhalinyarada iwm.  Ka dibna Wasaaradda iyo Gudigii dib u heshiisiinta qaranku waxaanu u diyaar garownay hawshaas baaxadda leh sidii aanu u hirgelin lahayn, waxaanu bilownay maamul ahaan in aanu dhamays tirno qaab dhismeedka wasaaradda iyo dejinta qorshayaasha hoos ku qoran oo aanu sal uga dhignay waxqabadka wasaaradda.
Waxaanu dejinay qorshe balaaran oo qeexaya siyaasadda iyo nidaamka dib u heshiisiinta iyo nabadeynta dalka Soomaaliya ku soconayo wixii hada ka dambeeya, waxaan hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ah ee ka shaqeeya nabadeynta iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ku war gelinay in dalka Soomaaliya dawladi ka jirto, habkii ay hore ugu shaqaysan jireen ee mashruucaynta iyo qaadashada sawiro naxdin leh oo lagu tuugsi tagona aanu shaqanayn.
 
Hay’adahaas nabada ka shaqeeya oo warbixino isi soo tarayaa ay sheegayaan in qaarkood mararka qaar nabad gelyo la’aan abuuraan si aan hawshoodu u dhamaan, waxaanu ku amarnay in ay is diwaan geliyaan, hadii ay doonayaan in ay hawl nabad gelyo iyo dib u heshiisiin dalka ka fuliyaana in ay Wasaaradda u soo gudbiyaan profile-ka hay’adda, meesha ay ka hawl gasho, cadadka budgetkeeda, meesha ay hantidaas ka hesho iyo wixii la mid ah, kadibna wasaaradu u fasaxi doonto gudasha waajibaadkooda markii ay hubiso in dani ugu jirto ummadda
 
Soomaaliyeed, dabagalna iyo kormeerna ku samayso in hawshii u fushay sidii loo qorsheeyey.
 
Waxaanu dejinay work plan-kii wasaaradda oo sida caadiga ah leh qorshe dhow, mid dhexe iyo mid dheer, mid waliba wato qaab faahfaahsan oo ay ku cad yihiin sidii qorshahaasi u fuli lahaa, shaqaalaha iyo budget-ka loo baahan yahay iyo waqtiga aanu ku dhamaystiri karno.
 
Waxaanu dhisnay qaab dhismeedkii Wasaaradda dib u heshiisiinta iyo Xiriirka Jaaliyadaha, waxaanuna magacownay Agaasimayaashii waaxyaha Wasaaraddda oo ka kooban 6 Waaxood oo kala ah Waaxda Maamulka iyo shaqaalaha, waaxda dib u heshiisiinta iyo is cafinta, waaxda wacyi gelinta iyo abuurista is aamin iyo kalsooni la dhex dhigo bulshada, waaxda xiriirka Jaaliyadaha, waaxda xalinta khilaafaadka dhulka iyo hanti isu celinta iyo waaxda qorshaynta, cilmi barista iyo ka hortaga colaadaha.
 
Anagoo Tixraacayna Qudbadii iyo Go’aankii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ee ku saabsanaa in Beelaha Soomaaliyeed loo qabto shirweyne qaran,  waxaanu dejinay Qorshe gaar ah ( road map) oo uu ku cad yahay nidaamkii shirku ku soconayo, cidda ka soo qayb gelaysa, cidda maamulaysa, Qarashka loo qaaban yahay iyo doorka Wasaaradda, Gudiga dib u heshiisiinta Qaranka, Gudiga Jeerinka shirka iyo Gudiga dib u heshiisiinta Barlamaankuba ku yeelanayaan.
 
Waxaanu Xaruntii ku meel gaar ahayd ee Dawladda- Baydhabo-  iyo Magaalo madaxda dalka ee Muqdishuba oo aanu u guurnay bilowgii April ka furnay Xafiisyo ay Wasaaraddu ku shaqayso oo ay yaaliin qalab kooban oo lagu hawl geli karo.
 
Waxaanu Daraasad kooban ku samaynay dhibaatadda Soomaaliyeed, waxyaalaha sababa khilaafka iyo dagaaladda, iyo sidoo kale siyaabaha looga hortegi karo.
 
Waxaanu Degmooyinka dalka qaarkood ka samaynay Gudiyo u ololeeya nabada iyo dib u heshiisiinta oo lagu magacaabo “ Gudiga Dib u heshiisiinta iyo nabadeynta ee Degmadda “hebla..”  iyadoo ay noo qorshaysan tahay in aanu qorshahaas dalkoo dhan ka hirgelino, laakiin waxaanu weyney wax aan ku taakulayno hawlgalkooda.
 
Waxaanu xiriir joogto ah la samaynay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka debediisa, anagoo ku dedaalnay in aan ka dhaadhicino in ay midoobaan oo samaystaan ururo ay ku mideysan yihiin Jaaliyadda Wadan kastaa ka dibna Jaaliyadda Qaarad kastaa sida Europe ama North America,  waxaanu sidoo kale ku dhiiri gelinay in dadka wax bartay dalkooda ku soo noqdaan si ay u samata bixiyaan iyo in ay dadka baahan soo caawiyaan, taasoo waxoogaa horumar ah laga gaaray.
 
Waxaanu Beelaha iyo Jufooyinka Soomaaliyeed la yeelanay shirar, kulamo iyo wada hadalo aan la soo koobi karin oo aanu ku xalinayno khilaafaadyo jirey kuwaasoo qaarkood aan ku guulaysanay,  Markii aanu intaas oo diyaar garow ah u galnay gudasha waajibaadkayaga, moral iyo niyad buuxdana u hayno, ayaa Barlamaankan aan hortiisa ka hadlayaa dhowr jeer gacanta u taagay mooshino aan qaarkood si sharciga waafaqsan ku hor imaan Barlamaanka, oo Gudigii Jeerinka shirka Beelaha Soomaaliyeed lagu siinayo awoodo aan xad lahayn, iyadoo meesha laga saaray doorkii hay’adaha dastuuriga ah sida Wasaaradda, Gudigii dib u heshiisiinta qaranka iyo xataa awoodii kontoraal iyo daba gal ee uu lahaa Gudiga dib u heshiisiinta Barlamaanku, mudanayaal, iyadoo mugdi ku jiro waxa aanu qaban doono shaqadii Wasaaradana ay noo hartay xiriirka Diasporaha oo keliya ayaanu u guurnay Xamar, kadibna madaxda qaranka ayaanu wax badan weydiisanay in lays waafajiyo wada shaqaynta hay’adaha ka shaqeeya nabadeynta iyo dib u heshiisiinta laakiin lama yeelin.
 
Wixii intaas ka dambeeyey, waxaanu isku daynay Aniga iyo Wasiir ku xigeenkii iyo dhaqaalaha Wasaaradda oo dhamaa toban iyo weliba Gudigii Dib u heshiisiinta ee Dastuuriga ahaa in aanu qabano wixii noo suura gal ah, waxaanu qorshaynay in aanu safaro ugu baxno goboladda dalka oo heshiisyo grass root ah soo samayno, waxaase naga hor yimid dhibaatooyinka hoos ku qoran:-
 
Wasiirku mar uu xusayey Dhaqaalo la’aanta wuxuu yiri “Mudanayaal Dhibaatadda ugu weyn ee naga hor istaagtay gudashada waajibaadkayagii ka sokow jejebinta waajibaadkii Wasaaradda waa dhaqaalo la’aan, mana jiro hal kun oo shillin Soomaali ah oo mudadii aanu haynay xilka Wasaaradda naloo dhiibey si aan u fulino hawsha qaranka, dhamaan waxqabadka aan kor ku soo sheegay waxaanu ku fulinay deymo aanu ka qaadanay dad aanu si shaqsi ah xiriir ula leenahay iyo gunada aanu marar qaarkood Barlamaanka ka qaadano.
 
Mudane gudoomiye Dhibaatadda labaad waa dhinaca amniga iyo Isgaarsiinta oo way noo suura geli weyday inagoo aan haysan dhaqaale, gaadiid iyo ciidan u baxno gobolada dalka si aanu u joojino colaadaha socda bulshadana u dhex dhigno is aamin iyo nabad ku wada noolaansho.
 
Sida la wada ogyahay waxaa jira Wasaaradda dib u heshiisiinta, Gudiga dib u heshiisiinta Barlamaanka, Gudiga dib u heshiisiinta Qaranka,  iyo Gudiga dib u heshiisinta Beelaha Soomaaliyeed, sidoo kale Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Golaha Wasiiradda iyo kan Barlamaanka ayaa iyaguna qayb waqtigooda ka mid ah siiya dib u heshiisiinta,  Hadaba, dhibaatadda jirta oo aan dhihi karo waa tan ugu xun waxa weeye hay’adaha sida tooska ah ugu xil saaran dib u heshiisiintu ma laha waajibaadyo kala qeexan (clear role and responsibility), wax xiriir wada shaqayn iyo kala warqaadasho ahina kama dhexeeyaan,  kadib markii mid kasta madax banaani buuxda Barlamaankani siiyey, sidoo kale hay’adaha qayb waqtigooda ka mid ah siiyey dib u heshiisiintu kuma marti qaadaan Wasaaradda kulamadooda, wax warbixin ahna kama soo gaarsiiyaan Wasaaradda wixii natiijo ah ee ay la kulmeen, si aanu dabagal ugu samayno, madaxda sare ee qaranka oo aanu dhowr jeer arintaas u sheegnayna sidaas bay ku ogyihiin.
 
Mudane Gudoomiye Anigoo ah Wasiirkii aad u xil saarteen nabad iyo dib u heshiisiinta waxaan hayaa talo iyo codsi, taladu waxa weeye, Ilaah tiisii baa dhimane ummadda Soomaaliyeed ha toobad keento oo ilaah ha u noqoto.  Codsigu waxa weeye, in aan barlamaanka iyo Gudoonkiisa ka codsado in ay ummadda Soomaaliyeed ugu baaqaan in ay isugu soo baxaan Banaan baxyo rabi tuugmo, nabad raadin iyo is cafin ah, gaar ahaan Bishan Barakaysan ee Ramadaan 27-keedu oo ku began xilliga culimada Islaamku u badan tihiin in uu yahay habeen aqbalaadeed,  oo Barlamaankani maanku ku baaqo in 27 Ramadaan ay tahay maalintii nabadda iyo is cafin oo aan shaqo jirin isla markaana culimada, Salaadiinta, ardayda isguulada, madaxda qaranka iyo kuwa muqaawimada dagaalamayaa, hooyooyinka iyo dhamaan shacabka degmo kasta oo dalka ahi isugu tagaan barxadaha magaalooyinka iyagoo dhar cad cad ninkii heli kara gashan oo ilaa habeentaas rabi la tuugo laysna cafiyo.
 
Mudane Gudoomiye  Waxaan xoojinayaa codsigayga, waxaan adiga iyo xildhibaanada sharafta lehba ka codsanayaa in idiinkoo isticimaalaya awoodiina, idiinkoo u naxaya shacabkiina, idiinkoo Ilaahay u toobad keenaya kana cabsanaya in aad maanta ku baaqdaan banaanaxaas nabadaeed  iyo is cafineed, anigoo rajaynayaa in hadii aan sidaas yeelno, aan heli doono dariiiqii nabada iyo walaalnimadda  Ishaa-Allah  ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey Wasiirka Dibu-heshiisiinta iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed Khudbadiisa Md. Maxamed Cabdi Xayir {Maareeye}.
 
Maxamed Macallin Cismaan{All-man}.

SomaliTalk.com | Oct 9, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com