SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Madaxweyne Col. C/llaahi Yuusuf iyo Wafdi uu hogaaminayo oo soo gaarey Magaalada Baydhabo, iyadoo Xukuumada iyo Baarlamaanka FKMG ay u socoto dood kulul.

Madaxweynaha dowladda federaalka KMG Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf Axmed iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa Isniin (Oct 8, 2007) soo gaaray Magaalada Baydhabo oo xarun u ah Baarlamaanka FKMG.

Madaxweynaha oo saaka barqadii kasoo ambobaxay garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho Aadan-cadde International Airport  ayaa intii uusan soo gaarin Magaalada Baydhabo amaanka Wadooyinka soo gala Garoonka Magaalada si weyn loo adkeeyey, iyo jidcadeyaasha gudaha magaalada Baydhabo, iyadoon si weyn loo dareemin hawlgalkan amaanka lagu sugayey, balse si buuxda loo dareemay markii uu soo degay Madaxweynaha DFKMG.

Madaxweynaha DFKMG ayaa waxaa Garoonka ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh.Aadan Max'ed Nuur {Sh,. Aadan Madobe} iyo qaar ka mid ah xubnaha labada Gole.


Gudoomiyaha Baarlamaanka oo soo dhaweynaya Madaxweynaha DFKMG

Safarka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliya xubno ka tirsan labada gole oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Max'uud Gacmo dheere iyo qaar ka mid ah gacanyareyaashiisa, waxaana madaxweynaha la filayaa in maalmaha soo socda uu baarlamaanka  ugu warbixiyo waxyaabihii u qabsoomey intii uu xilka hayey mudadii sedaxda Sano ahayd.

Madaxweynaha DFKMG, Col. C/llaahi Yuusuf, ayaa waxaa horyaala arimo badan oo ay ka mid yihiin: wixii ka soo baxay shirkii dibu-heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed, khilaafka mudooyinkan la sheegayey isaga iyo Ra'iisul Wasaarihiisa u dhexeeya halka uu marayo iyo waxa keenay, Dhaqaalaha soogalay dowlada sida loo maamulay, nidaamka awood qaysiga ee Xukuuumada in la waafajiyey qaabka dhismeedkeeda, khilaafka u dhexeeya Xukuumada iyo Golaha Garsoorka DFKMG IWM.


Ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare oo ka jawaabaya su'aalihii

Dhinaca kale, kulankii Isniintii ee golaha baarlamaanka FKMG Soomaaliya uu ku yeeshay xaruntiisa Magaalada Baydhabo oo uu shirgudoominayey Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Prof Max’ed Cumar Dhalxa oo ay soo xaadireen 154 mudane, islamarkaana lagu dhegeysanayey jawaabaha Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Saalim Caliyow Ibrow iyo Wasiirka Dibu-heshiisiinta iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed Md. Maxamed Cabdi Xayir {Maareeye} ayaa gunaanadkii  shirka buuq iyo sawaxan ku soo gebogeboobay, kadib markii ay  qaar ka mid ah Xildhibaanada ay isku khilaafeen sida laga yeelayo xubno xildhibaano tiradoodu gaarayso 16 oo in mudo ah ka maqan fadhiyada Baarlamaanka, iyagoo wax fasax ah oo ay ku maqan yihiina la xusin, taasoo Prof. Dhalxa uu sheegay in xisaabta aysan ku ekaandoonin Xukuumada oo keli ah, balse Baarlamaanka dhexdiisa uu isagana laga doonayo inuu is-xisaabiyo, islamarkaana Tilaabo adag laga qaado inta fasax la’aanta ku maqan, hadalka Gudoomiye ku xigeenka waxaa ka soo horjeestey Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax iyo Xildhibaan Kulalihi.


 qaar ka mid ah Xildhibaanada oo ka soo baxaya shirka

Xildhibaan Qanyare ayaa ku doodey  lalama xisaabtami karo xubnaha maqan, waayo Baarlamaanka iska furan oo aan la xirin aduunyada lama arag, Baarlamaanka fadhigiisa waxaa uu furmay 26/02/2006 wuxuuna socdaa 08/10/2007 waa furan yahay, baarlamaanka aan fasax lahayn sidee lagula xisaabtami karaa, waxaa lala xisaabtami karaa marka laga jaro inta uu socdey shirka caadiga fasaxiisa midaas ayaa lagula xisaabtaami karaa, tan kale Wasiiradda Xukuumadda ka tirsan iyaguna sow lagama rabo inay soo xaadiraan fadhiyada ayuu weydiiyey Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Qanyare”. 

 Wasiirka Dibu-heshiisiinta Md. Max’ed Cabdi Xayir {Maareeye} oo ka jawaabay su’aalihii ay weydiiyeen qaar ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka ayaa wuxuu ka bixiyey jawaabo kulul, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa”  aniga waxaa la ii dhiibey xil Qaran, hadii aad leedihiin qofka xilkiisa runta ka sheega muxuu isu casiliwaayey, hadii taasi uu Baarlamaanku uu go’aamiyo aniga qofka ugu horeeya ayaan ahay”.

Kala Aragti duwanasho aan soo muuqan oo ka soo dhex baxaysa xubnaha  Golaha Baarlamaanka.

maxamed MacallinCisman{All-man} Somalitalk Baydhabo.

 

SomaliTalk.com | Oct 9, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com