SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOMALIA

Dadka soo barakacay ee ku jira xeryaha xaqootiga ee deegaanka sheikh cali cabdulle iyo galgalato oo ay soo wajaheen dhibaatooyin aad u daran

Dadkaa oo aad u jilicasan  wejiyadooduna aad ka dheehan kartid ayaa waxaa ay ka warbixiyeen dhibaatooyinkaa noloshooda ku cusub waxeyna sheegeen in aysan weligoog tuugsan isla markaana aqoon durugsan u laheyn habka loo dawarsado.

Waxyna intaasi raaciyeen in ay dhibaatooyin kala duwan oo dhanka nolosha ah ay la soo deristay xili lagu guda jiro bisha barakaysan ee ramadaan qoysaskaan oo ah  kuwa dantu isu keentay kana soo barakacay gudaha iyo daafaha magaalada muqdisho ayaa waxaa ay ku nool yihiin buushash 3 mitir ah oo ay ku galaan 4 qof bushkiiba qaarkood mana laha bacaha roobka iyo qaraxda la iskaga celiyo sidoo kale ma heystaan biyo la cabo iyo macuunta wax lagu karsado waaba hadii la helo wax la karsadee , 

Dadkaan soo barakacay oo tiradooda lagu sheegay ilaa lixboqol oo qoys ayaa waxaa qaarkood ku soo dhaweeyey sh:cali cabdulle kaas oo siiyey meel ay ka dhistan buushashka. 

Qaxootigaan oo aan qaarkood kula kulmay deegaanada galgalato iyo gubadley ayaa waxaa iiga muuqatay tabar daro ,dhiig.la.aan hoy iyo hunguri la.aan ,waxaana ay ka koobnaayeen bulshada qeybaheeda kala duwan sida waayeel caruur ,haween qaarkood indha la. Agoon, dad dawarsada oo ay hada aan  awoodin iskana dhexjiifa buushashka dhexdooda iyada oo aananay jirin cid u maqan iyo cid halkaa ku og.

Sida ay ii sheegtay haweeney haysata 9 caruur agoon ah oo isuma qado ah seygeediina  mudo sadax bilood ah uu aasan yahay  oo lagu magacaabo fadumo owcali: Ma shaqeysano mana tuugsano oo manaqaan sida loo baryo dadka halkaana dadka joogo wax laga baryo ma heystaan ayey tiri iyada oo indhaheedu ay ilmo soo buuxisay.

Sidoo kale xaawo ayaa ii sheegtayu in odaygeeda oo da.ah uu tuugsan  jiray hadana uu awoodi waayey in uu aado magalaada isaga oo jilcal isla markaana rooma tiisimo waxa ay ku sheegat ku dhacday . 

Dadka somaliyeed dhibaatooyinka heysta waxaa ka mid ah biyo la.aan hoyla.aan .musqul la.aan, maadaama ay ku jiraan buushash qaxootigaan ayaa intaa ku daray in gudoomiyaha suuqa bakaaraha cali dheere uu mar mar u keeno booyad  biyo ah tasoo aan ku fileyn baahidooda biyood ee maalinlaha ah . 

Sidoo kale dadkaan mashaqada ku dhacday waxaa ka mid ah wax barasho la'aan soo wajahday caruurtooda iyo  xaga daawada iyada oo aysan jirin wax daryeel caafimaad ah oo loo fidiyey tan iyo markii  ay halkaasi degeen iyaga oo ku eedeeyey hay.adaha samafalka iyo dowlada in ay ku guul daraysteen wax u qabashada dadkaan gudaha ku barkacay . 

Dadkaan qaxootiga ah ayaa sheegay in ay u adkeysan waayeen rasaasta habowga ah  iyo hugunka  madafiicda la isku weydaarsanayey guryihii ay degenaayeen waxeyna sheegeen in ay qaar qoysaskooda ah kaga dhinteen goobihii ay deganaayeen  ka hor intii aysan ka soo barakicin.

Muuse Maxamuud Jiisow

musejisow@hotmail.com

Muqdisho Somaliya 

025215576666

002521653623

SomaliTalk.com | Oct 3, 2007


Eng. Jaamac Xasan Yare (jaamac labo suul) Oo Saaka Lagu Diley Magaalada Muqdisho - Oct 2, 2007

Mid kamida aqoon yahaniinta soomaaliyeed oo kasoo jeeda gobolka sool ayaa saaka lagu diley magaalada muqdisho kadib markii ay dabley ku hubaysan baastoolado ay rasaas madaxa kala beegsadeen xili uu ku sugnaa suuqa bakaaraha ee magaalada muqdisho . 

Marxuum Eng.jaamac xasan yare ayaa oo mudooyinkanba ku sugnaa magaalada muqdisho ayaan la ogayn sababta ka dambaysa dilka loo gaystay iyo cida disheyba . 

Alle how naxariistee marxumka ayaa ku howlanaa sida ay noo sheegeen dad ehaladiisa ahi oo saxaafada u waramay inuu daba taagnaa lacago la sheegay inay kaga xanibnaayeen dalka jarmalka oo uu in mudo ahba ku mashqulsanaa sidii uu u heli lahaa  lacagtaas . 

Marxum jaamac xasan yare ayaa sida uu saxaafada u sheegay prof, c/risaaq raamaale oo ku sugan magalada kismaanyo ka tegey hal xaas iyo afar caruura oo kala ahaa labo wiil iyo labo gabdhood  

Dilalka qorsheysan ee ka dhaca badanaaba magaalada muqdisho ayaan la ogayn sababta dhabta ah ee ka dambaysa waloow dadka qaarkiis ay ku macneeyaan amaan darida baahsan ee ka jirta caasimada muqdisho oo mudooyinkii ugu dambeeyey noqotay meel amaankeedu kasii darayo oo ay ka jiraan xarig jiidad siyaasadeed oo xoogan . 

Baaq Iyo Qaylo Dhaan kasoo Baxday Waxgaradka Ku Dhaqan Jubooyinka Iyo Muqdisho Oo Kasoo Jeeda SSC.

Waxgaradka kasoo jeeda gobolada sool ,sanaag iyo cayn ee ku dhaqan gobolada  jubooyinka iyo caasimada muqdisho ayaa soo saaray baaq wada jira oo ay kaga hadlayaan xiisada dagaal ee ka jirta gobolka sool gaar ahaan magaalada xarunta ah ee laascaanood .

Waxgaradkan  ayaa baaqooda ku cambaareeyey siyaasiyiin ku sheega kasoo jeeda gobolada SSC ee dadkoodii iyo dalkoodii dagaalka u horseeday islamrkaana qaxinaya maatidooda iyo marasta biri ma geydada ah waa siday hadalka u dhigeene islamrkaana ku dhaleeceeyey inay ka dayaan dadka iyo dalka dagaalada iyo colaada ay u horseedaayan iyagoo xusay inay taariikhda geli doonto ninkii manta dalkiisa iibsada .

Prof.c/risaaq raamaale oo kamida aqoon yahanka baaqan soo saaray ayaa ku nuux nuxsaday inay waxgaradka ,aqoonyahniinta iyo isimada gobolka ku sugan ka codsanayaan inay ka feejignaadaan shirqoolka siyaasadeed ee shaarka loosoo geliyey inay taageeraan ee ay ka dambeeyaan dhinacyada ku dagalamaya gobolka ee Somali-land iyo punt-land oo ay ka xoroobaan islamrkaana ay aayahooda ka tashadaan .

Raamaale ayaa isagoo hadalkiisii sii wata intaas ku daray marnaba ma dhicin in dalka nugaal godan iyo weliba deegaanada kale ee ay degto beeshu ay ku habsadaan daba dhilifyo ku shaqaynaya waxoogaa shilimaad ah inay soo weeraaraan dadkii iyo dalkii islamrkaana madaafiic kusoo hogaamiyaan maatadoodii waa siduu hadalka u dhigaye .

Waxgaradkan ayaa sidoo kale ka codsaday waxgaradka iyo isimada gobolka inay xaalada dejiyaan islamrkaana nabada taageeraan . 

Maaha markii ugu horaysay oo waxgaradka ka soo jeeda gobolada SSC ay baaq noocan oo kale ah kasoo saaraan xiisada colaadeed ee kasoo cusboonaatay gobolka sool magaaldiisa laascaanood ,iyadoo ay todsobaadkii horena sidan oo kale ugu baaqeen waxgaradka iyo weliba maamulada ku hardamaya gobolkaasi ay ka daayaan dadka shacabka ah dhibaatada iyo dagaalada ay u horseedayaan . 

Xubno Kamida Golaha Baarlamaanka Federaalka Oo U Ambabaxaya Magaalada Asmara

Golahga baarlamaanka federaalka oo dhowaanahanba ay ka dhex jireen qalalaase siyaasadeed ayaa laga cabsi qabaa in goosan xildhibaano ahi ay ku biiraan isbaahaysiga dib u xoraynta soomaaliyeed ee fadhigiisu yahay magaalada asmara ee wadanka eretariya

Wararka laga helayo magaalada xarunta gobolka baay ee baydhabo ayaa sheegaya in la filayo inay wafdi xildhibaano ah oo ku kacsan siyaasada dowlada KMG ahi laga yaabo inay u ambabaxaan magaalada asmara islamrkaana xoojiyaan aqoon yahanka iyo siyaasiyiinta kala duwan ee soomaaliyeed ee halkaasi ku sugan  

Wafdigan ayaa la sheegay inay horkaci doonto  Wasiirka Haweenka iyo Qoyska Xukumadda Federalka  Aamina Maxamed Mursal ,caasho axmed cabdalla iyo weliba xubno kale oo muhiim ka ah baarlamaanka fedraalka ah . 

Arintan ayaa timid kadib markii uu qilaaf siyaasadeed hareeyey raysal wasaaraha dowalada KMG ah qaar ka tirsan baarlamaanka federaalka ah oo ay sii xoojisay kadib markii khilaaf kale oo xoogani kasoo if baxay madaxweyne yusuf iyo weliba raysal wasaarihiisa geedi oo dhowaanahanba ka dhex taagnaa dowlada TFG-da islamrkaana timid inay xubnahan baarlamaanka federaalka ahi la sheegay inay xoojin doonaan isbaahaysiga la baxay dib u xoraynta soomaaliyeed . 

Arintan ayaa kusoo beegmaysa xili ay sii xoogaysanayso khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya labada masuul ee yusuf iyo geedi ay islamrkaana ay weheliso amaanka caasimada muqdisho oo ay u taag la yihiin inay faraha ku qabtaan dowlada KMG ahi oo iminka noqday mid aan laysku halayn Karin oo faraha kasii baxaya . 

Howl-galo Xoogan Oo  Ciidamada Ethiopia Iyo Kuwa Dowladu ay Ka Bilaabi Doonaan Muqdisho. 

  Baaritaano hubeed oo xoogan ayaa la sheegay inay maalmahan fooda inagu soo haya ka bilaaban doonaan magaalada caasimada muqdishoi kuwaasoo la sheegay inay in xasilin doono caasimada islamrkaana ay qayb qaadan doonaan ciidamada isku dhafka ah ee Ethiopia ,kuwa booliska iyo weliba ciidamada gaarka ah ee gobolka banaadir. 

Howlgalkan ayaa la sheegay in looga gol leeyahay xasilinta magaalada muqdisho oo noqotay meel amaankeedu faraha kasii baxayo islamrkaana ay ka jiraan xasilooni daro baahsan . 

Sida uu sheegay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Muxyadiin Cali howlgalkan ayaa lagu go’aansaday kulan saacacdo badan ay albaabadu u xirnaaayeen oo magaaladan Muqdisho ay ku yeesheen saraakiisha ciidamada Booliska DF, kuwa Itoobiya iyo maamulka gobolka Banaadir “Waxaa kulanka la soo hor dhigay maabka magaalada Muqdisho, iyadoo la kala calaamadeeyey meelaha xasilooni daradu ay ka jirto iyo meelaha kale , waxaana la go’aansaday in saacadaha socda laga bilaabo guud ahaan magaalada Howlgal aad u balaaran oo nabad lagu sugayo” ayuu yiri afhayeenka gobalka Banaadir . 

Sidoo kale afhayeenka ayaa intaa ku daray in howlgalkan uu ka duwanaan doono kuwii horey  u dhici jiray islamrkaana ay ku xasilin doonaan caasimada muqdisho waa sidu hadalka u dhigaye . 

Si kastaba ha ahatee ciidamada dowlada KMG ah oo ay weheliyaan kuwa Ethiopia ayaa tiro ka dhowr jeer si xoogan howlgalo baaxad weyn uga sameeyey magaalada muqdisho islamrkaana ku gul daraystay inay soo afjaraan qaraxyada iyo dagaalada ka fool kafoolka ah ka soconaya magalada muqdisho. 

Ma Dhabaa in Cadde Muuse Iyo Riyaale Looga Yeeray Magaalada Adiis-ababa ee Xarunta Ethiopia. 

Ilo wareedyo lagu kasloon yahay oo laga helayo xarumaha maamulada garoowe iyo hargaysa ayaa sheegaya in masuliyiinta labada maamul looga yeeray magaalada adiis ababa ee xarunta wadanka Ethiopia . 

Yeeritaanka labadan masul ee kala haysta maamulada som-land iyo punt-land ayaa yimid kadib markii ay dhowaanahanba ka jireen gobolka sool ee ay kala sheeganayaan labadaas maamul xiisado colaadeed oo keenay dagaal dad badani ku dhionteen islamrkaana ay qaar kale ku dhaawacmeen uu ka dhacay duleedka magaalada laascaanood ee degaanka abeesaaley . 

Sidoo kale labada maamul ee punt-land iyo somali-land ayaa xiriir siyaasaded iyo mid ganacsiba la leh xukumada ethiopia islamrkaana xafiisyada sirdoonka Ethiopia ay ku ugaarsadaan waxgaradka iyo culimo-udiinka soomaaliyeed ay ku leeyihiin magaalooyinka xarumaha u ah ee hargaysa iyo garoowe . 

Dhinaca kale Marxaladan colaadeed ee siyaasada salka ku haysa  ee soo wajahday gobolada SSC oo ay degto beel keliya ayaysan jirin cid ka hadashay ilaa iminka oo ka tirsan dowlada KMG ah islamrkaana u muuqata inay taageeraan inay dadka dega goboladaasi inay aayahooda ka tashadaan . 

Lama oga inay wax ka bedeli doonto xaalada colaadeed  yeetitaanka labadan masul ee cade muse iyo daahir riyaale  ay ku hardamayaan gobolada SSC ee ay yeertay xukumada  adiis ababa ee ethiopia . 

yaasiin maxamed cali (faytin)

C/llaahi Yuusuf oo u diyaar garoobaya saddex sano guuradii ka soo wareegatay doorashadiisii
.Itoobiya oo xulanaysa ciidamada kala qayb qaadanaya..
.Xasan Turki “Intaan la xaajoon laheyn Yuusuf iyo Geedi..
.Weriye C/Xakiim C. Jimcaale oo xaaladdiisa caafimaad laga..
.Iska hor imaadyo dhex maray Somaliland iyo Puntland..
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Oct 2

baydhaboQoraal lagu burinayo xariga Gudoomiyaha Maxkada sare oo loo Akhriyey Baarlamaanka DF
iyo Af-hayeenka Baarlamaanka oo waqti kama dambeys u qabtey Wasiiradda ka dhego adeygay u yeerista Baarlamaanka..
Akhri Oct 1


Midowga Ganacsatada G/Banaadir oo Axadii Bilaabay inay Lacag deeq ah u qaybiyaan Dadka waxyeeladu ka soo gaartey dagaalada Muqdisho iyo barakaca.. Akhri Oct 1

Khilaafka C/laahi Yuusuf iyo Geedi oo ku salaysan arrimaha batroolka, lacago laga soo qaaday sucuudiga

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com