SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo

02 October 2007.

 
 
Dagaallo badan oo ciidammada cadowga lagu jabiyay.
 
Kulan uu yeeshay taliska Qaybta Hanqadh ee CWXO.
 
Shir odayaal reer Ogaadeenya ah uu gumaysigu ugu qabtay Jigjiga.
 
N/Hure Sheekh Ibrahim Cabdalla oo waraysi siiyey Radio Sweden.
 
======================   
 
 
Dagaallo badan oo ciidammada cadowga lagu jabiyay.
 
Wariyaha RX uga soo warrama xarunta dhexe ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo si wayn loogu jabiyay ciidammada saama la-luudka ah ee gumayisga Itoobiya. Dagaalladaas ayaa ka dhacay meelo kala duwan oo ka tirsan gobollada Nogob, Jarar iyo Qorraxey.
 
29/09/07 waxaa magaalada Dig lagu weeraray ciidammo gumaysiga leeyahay oo halkaas hawlgal u tagay, waxaana lagaga dilay 4 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay. 30/09/07 ayaa cutub ka tirsan CWXO wuxuu haddana weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga, waxayna u gaysteen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin. Isla 30/09/07 waxaa ciidammada gumaysiga lagu weeraray meel Dig duleedkeeda ah, iyadoo weerarkan denbe lagaga dilay 4 askari, 7 kalana lagaga dhaawacay.
 
28/09/07 dagaal ka dhacay Lo’-boobka, oo Awaare ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 1 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
Isla 28/09/07 dagaal isaguna ka dhacay Ananu, oo Awaare ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
Sidoo kale 28/09/07 waxaa Laku-qotomaley, oo Awaare ka tirsan, lagu weeraray ciidammo gumaysiga ka tirsan oo hawlgal halkaas u tagay, waxaana lagaga dilay 5 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
28 iyo 29/09/07 waxaa ciidammada gumaysiga lagu miray Malqaqa, oo Galaalshe ka tirsan, waxaana loo gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
 
27/09/07 Waxaa weerar gaadmo ah lala beegsaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo marayay Jugle iyo Daris, oo ka tirsan gobolka Qorraxey, waxaana lagaga dilay 3 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
24/09/07 dagaal ayaa CWXO iyo kuwa gumayisga Itoobiya ku dhex maray Sallax-khaliifo, oo degmada Xamaro ka tirsan. Khasaaraha dagaalkaas ciidammada gumaysiga ka soo gaadhay wax faahfaahin ah lagama hayo.
 
23/09/07 weerar lala beegsaday ciidammo gumayigu leeyaha oo hawlgal u joogay meesha lagu magacaabo Janno-tuban, oo ka tirsan degmada Xamaro, waxaa lagaga dilay 5 askari. Mar kale ayaa isla ciidammadan lala beegsaday weerar kale, waxaana lagaga dilay 2 askari, 1 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
20/09/07 dagaal adag oo CWXO iyo kuwa gumaysiga ku dhex maray Bidhiiqa, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 27 askari.
 
Dhinaca kale markii ay taariikhdu ahayd 29/09/07 waxay ciidammada gumaysigu gubeen Tuulada Kooraceliska-Dharkaynley, oo ka tirsan degmada Dhagaxbuur.
 
Kulan uu yeeshay taliska Qaybta Hanqadh ee CWXO.
 
Taliska Qaybta Hanqadh ee CWXO ayaa toddobaadkii hore isugu yimid kulan lagu qiimaynayay hawlgalladii la xidhiidhay ka hortagga ololihii xasuuqa ee ciidammada gumaysigu ka wadeen dalka Ogaadeenya. Kulankan waxaa Taliska Qaybta kala qayb gashay Xarunta Dhexe ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya.
 
Kulankan ayaa lagu qiimeeyay waxaqabadkii Qaybta ee shantii bilood ee la soo dhaafay iyo sida ay u gudatay waajibaadkeedii la xidhiidhay hawlaha difaaca dalka iyo dadka. Talisku wuxuu madaxdii kulanka isugu timid u soo bandhigay dagaalladii ay Qaybtu cadowga la gashay shantii bilood ee tagay, iyadoo Qaybtu ay 75 dagaal cadowga la gashay, isla markaana 4 baabuur oo Uuraal ahna ka gubtay.
 
Kulanku wuxuu hawlgalladii cadowga ku qiimeeyay mid uu ku fashilmay oo uuna ka gaadhin natiijadii uu ka sugayay, isla markaana muddadii hawlgalkani socday cadowga la gaadhsiiyay jab millatari iyo mid siyaasadeed labadaba.
 
Kulanka waxaa lagu dajiyay qorshe cusub oo Qaybtu ku hawlgali doonto xilliyada soo socda.
 
Shir odayaal reer Ogaadeenya ah uu gumaysigu ugu qabtay Jigjiga.
 
Xukkuumadda gumaysatada Itoobiya ayaa, markii ay ku fashalintay hawlgalladii gumaadka ahaa ee dalka Ogaadeenya ay ka waday, waxay hadda isku dayaysaa inay adeegsato qaabab cusub oo ay ku meelmarinayso danaheeda gumaysi.
 
Sida uu ku soo warramayo wariyaha noo jooga magaalada Jigjiga, waxaa magaaladaas maalmahan ku sugnaa odayaal laga soo ururiyay gobollada kala duwan ee Ogaadeenya.
Odayaashan waxaa laga soo ururiyay gobollada Afdheer, Shabeelle, Nogob, Qorraxey, Doollo iyo Jarar, waxaana shir loogu qabtay magaalada Jigjiga intii u dhaxaysay 29/09 – 01/10/07.
 
Shirkan, oo xukuumadda guamysigu ugu talagashay in ku kala qaybiso bulshada Ogaadeeya, waxaa goobjoog ka ahaa Abay Sahay, oo qabiil walba gaar ahaantiisa ula shiray, isla markaana kala xisaabtamay sida ay ciidammada gumaysiga gacan ugu siiyeen hawlgalladii ay ku jireen.
 
Ninkan ayaa odayaasha qolo walba goonideeda ugu hanjabay, kuna dhalliilay in beeshoodu ayna taageeradii loo baahnaa ciidammada u fidinin.
 
Shirkan odayaasha loo qabtay ayaa ujeeddadiisa ugu wayn waxay tahay sidii loo kordhin lahaa cadaadiska iyo caga-juglaynta uu gumayisgu ku hayo bulshada, isla markaana dhexdooda shaki looga abuuri lahaa. Waxaa kaloo ka mid ahaa ujeeddooyinka uu gumaysigu ka lahaa;

1-    In bulshada Ogaadeenya jifo-jifo loo kala qaybiyo

2-    In la sameeyo malleeshiyooyin Dabaqoodhi ah oo JWXO laga horgeeyo iyo

3-    In la sameeyo dad gumaysiga kala shaqeeya waxa ay ugu yeedheen nabadgelyada iyo wardoonka.

 
Kulankan waxaa odayaasha loo qabtay, ka dib markii toddobaadkii in dhaafay ay saraakiisha ciidammada gumaysigu kulan ku yeesheen magaalada Dhagaxbuur, kaasoo ay ku qiimaynayeen ololihii millatari ee dalka ay ka wadeen in ka badan seddex bilood. Warar aan ka helnay ilo xogogaal ah ayaa sheegaya in saraakiishani ay isla qiimeeyeen in ololahaas lagu fashilmay, waxayna fashilaada sabab uga dhigeen iyadoo shacabku uu si aan kala-hadh lahayn uga soo horjeestay ololahaas.
 
Kulankaas ayaana lagu go’aamiyay in odayaashan la soo shiriyo, isla markaana lagu qasbo inay fuliyaan hawlaha ay xukuumadda gumaysigu ka doonayso.
 
Dhinaca kale waxaa odayaashaas lagu amray inay dadwaynaha ka dalbaan in dib loogu noqdo tuulooyinkii laga qaxay, isla markaana dib loo dhiso tuulooyinkii ay ciidammadu gubeen. Arrintan ayay xukuumadda gumaysatadu uga jeeddaa inay ugu raad-gaddo denbiyadii ay dadwaynaha ka gashay, iyadoo ka cabsi qabta in denbiyadaas la arko haddii ay dhacdo in guddi caalami ah mar kale Ogaadeenya loo soo diro.
 

02 October 2007 

Axmed Gaal-Eri 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmahaa Talaadada & Sabtida  7:00PM – 7:30  waqtiga Afrikada Bari.

SomaliTalk.com | Oct 3, 2007

C/llaahi Yuusuf oo u diyaar garoobaya saddex sano guuradii ka soo wareegatay doorashadiisii
.Itoobiya oo xulanaysa ciidamada kala qayb qaadanaya..
.Xasan Turki “Intaan la xaajoon laheyn Yuusuf iyo Geedi..
.Weriye C/Xakiim C. Jimcaale oo xaaladdiisa caafimaad laga..
.Iska hor imaadyo dhex maray Somaliland iyo Puntland..
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Oct 2

baydhaboQoraal lagu burinayo xariga Gudoomiyaha Maxkada sare oo loo Akhriyey Baarlamaanka DF
iyo Af-hayeenka Baarlamaanka oo waqti kama dambeys u qabtey Wasiiradda ka dhego adeygay u yeerista Baarlamaanka..
Akhri Oct 1


Midowga Ganacsatada G/Banaadir oo Axadii Bilaabay inay Lacag deeq ah u qaybiyaan Dadka waxyeeladu ka soo gaartey dagaalada Muqdisho iyo barakaca.. Akhri Oct 1

Khilaafka C/laahi Yuusuf iyo Geedi oo ku salaysan arrimaha batroolka, lacago laga soo qaaday sucuudiga

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com