SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Oct 2, 2007

  • Ciidamada Itoobiya oo xulanaya ciidamada kala qayb qaadanaya nabad sugida magaalada Muqdisho

  • Xasan Turki “Intaan la xaajoon laheyn C/llaahi Yuusuf iyo Cali Max’ed Geedi waxaa noo wanaagsan in aan Gabre luuqadda uu yaqaan ee dagaalka ah la wadaagno”

  • C/llaahi Yuusuf oo u diyaar garoobaya saddex sano guuradii ka soo wareegatay doorashadiisii

  • Weriye C/Xakiim Cumar Jimcaale oo xaaladdiisa caafimaad si weyn looga daryinayo

  • Iska hor imaadyo dhex maray maamulada Somaliland iyo Puntland..

  • Ayaan Xirsi oo ku soo noqotay Nederland


Ciidamada Itoobiya oo xulanaya ciidamada kala qayb qaadanaya nabad sugida magaalada Muqdisho

Kulan ay isugu yimaadeen Hay’adanaha nabad sugida, maamulka Gobalka Banaadir, saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu shalay ka dhacay xarunta gobalka Banaadir, waxaana kulankaasi looga arrisaday arrimo fara badan oo la xiriira sidii nabad loogu soo dabaali gobalka Banaadir. Dood dheer iyo falanqeyn kadib ayaa waxaa la isku raacay in ciidam isku dhafan oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan ay si wadajir ah uga qayb qaataan ammaanka gobalka Banaadir.

Ciidamada isku dhafka ah ayaa waxay ka hawlgali doonaan saldhigyada, wadooyinka gobalka Banaadir. Saraakiisha ciidamada Itoobiya ayaa waxay sheegeen in iyagu a y xulan doonaan ciidamada la shaqeyn doona, hase yeeshee qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada oo aan wareysanay ayaa waxay noo sheegeen in ay adkaan doonto in ay si wadajir ah u shaqeeyaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya. Maalmihii la soo dhaafay ayaa xaalada Magaalada Muqdisho waxaa ka jiray nabadgelyo xumo baahsan kadib markii ay ka dhaceen dagaalo xoogan iyo dilal joogto ah, iyadoo ay socdaan hawlgalada ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka sameynayaan. Dowladda Federaalka markii ay soo gaartay magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dhowr dagaal oo u dhexeeyay ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa Itoobiya iyo kooxaha ka soo horjeeda, waxayna dagaaladaasi sababeen khasaarooyin naf iyo maalmba leh, waxaana meelaha qaarkood ka muuqda diiftii iyo darxumadii dagaalada laga dhaxlay.

Hawlgalada ay sida wadajirka ah u sameynayaan ciidamada Dowladda iyo Itoobiya ayaa waxaa la sheegay in uu bilaaban doono saacadaha soo socda, waxa uuna ku soo beegmay xili ay ciidamada Dowladda gebi ahaanba ka soo baxay dhowr fariisimo oo ay ku lahaayeen isgoysyada Muqdisho, waxaana arrintaasi si weyn u soo dhaweeyey dadweynaha iyo waliba ganacsatada, waxaana shalay la arkayay iyadoo dib loo furayo meheradihii ganacsiga, waxaana sidoo kale dib u furmay isku socodkii gaadiidka iyo waliba dadka.

Xasan Turki “Intaan la xaajoon laheyn C/llaahi Yuusuf iyo Cali Max’ed Geedi waxaa noo wanaagsan in aan Gabre luuqadda uu yaqaan ee dagaalka ah la wadaagno”

Xasan C/llaahi Xirsi (Xasan Turki) oo u waramayay Taleefishinka Al-jaziira barnaamijkiia Liqaa’ul Yawm, ayaa waxa uu sheegay in uu sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada Itoobiya ee ku soo duulay gudaha dalka Soomaaliya iyo ciidamada Dowladda Federaalka.

“Ilaa iyo 700 oo ciidan ah ayaa noogu diyaar ah Koonfurta Soomaaliya, waxayna ciidamadaasi dhowr jeer ka dagaalameen Magaalada Muqdisho xiligii Maxaakiimta kadib markii ay naga codsadeen Mas’uuliyiinta Maxaakiimta” ayuu yiri Xasan Turki oo intaa raaciyey “Bashiir Raage waxa uu ahaa nin Islaamka ka soo horjeeda, haddii aanan ka hortagi laheyn aniga ayuu iigu imaan lahaa halka aan joogo”. Xasan Tukri waxa uu sheegay in ay qayb ka yihiin ururweynaha Al-Qaacida, isagoo sheegay in ururkaasi uu yahay mid Islaam ah oo u dagaalamaya sidii Islaamku uga bixi lahaa dulmiga iyo duliga.

“Waxay wacdeen xoogga mareykan, maxaa noo diidaya in aan wacano walaalaheena islaamka, waa iyaga ku tilmaamaya shisheeye, miyeysan ogeyn in muslimku dhamaantii yahay walaao” ayuu yiri Xasan Tukri oo mar la weydiiyey bal in ay la xajoonayaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaare Geedi, waxa uu ku jawaabay “Intaan la xaajooneyn laheyn C/llaahi iyo Geedi waxaa haboon in aan la xaajoono General Gabre, waayo Gabre luuqadda uu yaqaano waa dagaal”.

Ugu dambeyn Xasan Turki waxa uu sheegay in ciidamadiisu ay ka badbaadeen weerarkii ay Diyaaradaha Mareykanku ku soo qaadeen markii Maxaakiimta laga saarayey koonfurta Soomaaliya, isla markaana ay haatan diyaar u yihiin inay dagaal dalka looga xoreyn la galayaan wax uu yeeray caddowda Ummadda Soomaaliyeed.

C/llaahi Yuusuf oo u diyaar garoobaya saddex sano guuradii ka soo wareegatay doorashadiisii

Mudadii sano ahayd ee uu xilka hayey C/llaahi Yuusuf  ayaa waxaa la dhihi karaa ma aysan qaban Dowladdu wax la taaban karo, waxayna u qaybsaneed mar ay Dowladdu ku sugneyd Nayroobi, mar ay ku sugneed Jowhar iyo Baydhabo, balse kadib dagaal ay la gashay maxaakiimtii Islaamiga ayay Muqdisho ku qabsaday oo ay weli rabsho iyo dagaal lugta kula jirto.

Mudadaa saddexda sano ah ee C/llaahi xilka hayey waxa ay ku soo idlaatay jahwareer, hase yeeshee C/llaahi Yuusuf iyo Cali Max’ed Geedi, marka la weydiiyo waxqabadka Dowladda waxay sheegayaan in Dowladdu ay qabatay arrimo fara badan, balse shacabka ayaa qaba in Dowladdu ay xaalka uga sii dartay, iyadoo la og yahay in shacabka Soomaaliyeed ay haatan ku jiraan dhibaatooyinkii ugu ba’naa ee xagga noloshada, waxaana Magaalada Muqdisho ka barakacay kumanaan kun. 

Weriye C/Xakiim Cumar Jimcaale oo xaaladdiisa caafimaad si weyn looga daryinayo

Weriye C/xakiim Cumar Jimcaale oo ka hawgali doono Idaacadda Dowladda ee Magaalada Baydhabo ayaa dhaawac loo gaystay 11-kii Agoosto ee sanadkaan xiligaas oo la dilay agaasimayaashii  Idaacadaha Horn Afrik Cali Iimaan Sharmaake iyo Capital Mahad Axmed Cilmi ayaa haatan xaaladdiisa caafimaad laga dayrinayaa.

C/xakiim oo haatan ku jira Isbitaalka Keydsaney ayaa waxay dhakhaatiiru sheegeen in xaaladdiisa aad u liidato, isla markaana waxay sheegeen in aan dalka gudihiisa wax looga qaban Karin.

C/xakiim oo qaar ka mid ah xubnihiisa ay burbureen, isla markaana dhanka neerfaha wax ka gaareen, ayaa waxa uu ka codsanayaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed in ay kala tacaalaan dhibaatadaasi.

C/xakiim oo shalay u waramayey saxaafadda ayaa waxa uu mudo labo bilood ah ku jiraa isbitaalka Keydsanay, iyadoo lagu sameeyey saddex qaliin oo ay dhakhaatiirtu sheegeenin ay ka badin waayeen gurmad oo keliya.

Iska hor imaadyo dhex maray maamulada Somaliland iyo Puntland..

Ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa shalay isaga hor yimid duleedka Magaalada Laascaanood, waxayna labada ciidan is weydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, ilaa iyo haddana lama oga khasaaraha kala gaaray labada dhinac, hase yeeshee warar ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Somaliland ay soo galeen gudaha Magaalada Laascaanood inkastoo aysan jirin wax xaqiijinaya wararkaasi.

Dhawaanahan ayay labada maamul isku hor fadhiyaan deegaanada gobalada Sanaag iyo Laascaanood, waxaana soo gaarayey baaqyo ka imaanay caalamka gaar ahaan Qaramada Midoobey oo soo jeedisay in wada hadal lagu xaliyo khilaafka.

Binti Jaylaani iyo Aabbaheed oo la filayo in ay Mareykanka ka degto

Waxaa magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ka socda diyaargarow loogu jiro sidii loo soo dhaweyn lahaa Binti Jaylaani Max’ed iyo Aabbaheed.

Soomaali fara badan oo ku nool halkaasi ayaa waxa ay haatan si aad ah u sugayaan Binti iyo Aabbaheed oo lagu wado in ay 6-da October gaaraan dalka Mareykanka.

Binti ayaa haatan ku sugan Magaalada Nayroobi waxayna magaalada ka ambabixi doono 4-ta Bisha iyadoo 6-dana gaari doonta Magaalada Washigton, kadibna waxay u gudbi doontaa Magaalada Minneapolis.

Binti ayaa ah gabar Soomaaliyeed oo mudo la xasuusan buro ka soo baxday afka, taas oo wax looga qaban wayay dalka gudihiisa, hase yeeshee ay is xilqaameen in ay dalka dibaddiisa wax looga qabto dad soomaaliyeed oo ku nool dalka Mareykanka.

Binti markay ka baxeysay Magaalada Muqdisho waxaa horey u sii raacay Cayni Abuukar Gacal oo ka mid ah saraakiisha sare ee dalladda Haweenka ee COGWO, waxayna fududey-neysay sidii Binti iyo Aabbaheed u gaari lahaayeen dalka Mareykanka.

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool da lka Mareykanka ayaa iyagu gacan ka gaystay sidii ay Binti u soo gaari lahayd dalka Mareykanka, waxayna mahadcelin gaar ah u jeedinayaan Amiin Yuusuf Khasaaro oo ahaa Weriyihii ugu horeeyey ee Web-Site-ka Somalitalk ku soo bandhiga dhibaatada ay ku sugneyd gabadhaasi, sidoo kale waxaa loo mahadcelinayaa dalladda Haweenka ee COGWO, Ururka SWACRO, Shirkadda Xawaaladda Dahabshiil ee Minneapolis, Shirkadda Tabuuk Shipping, Isbitaalka Banaadir gaar ahaan Dr. C/risaaq Cali Xasan iyo waliba in badan oo diiday in magacyadooda la soo bandhigo, balse gacan weyn ka gaystay tabarucaadda gabadhaasi.

Binti waxa ay marka ay tagto Mareykanka geli doontaa qaliin mudo socon doona, waana gabadhii labaad ee sanadkaan caafimaad ahaan loo geeyo dalka Mareykanka, iyadoo bishii Feebaraayo ee sanadkaan dalka Marykanka  ay gaareen Muraayo Nuur Cali iyo Aabbaheed oo ah gabar 11-sano jir ah oo iyadoo lix sano la kufsaday.


Ayaan Xirsi oo ku soo noqotay Nederland

DENHAAG: Ayaan Xirsi Cali ayaa dib ugu soo laabaay waddanka Nederland maalintii isniinta kadib markii dowladda Mareykunku ay diidday iney damaanadqaaddo nabadgelyadeeda. Arrinkaan ayaa waxaa xaqiijiyay ilo lagu kalsoonaan karo oo xog siiyay wargeyska NRC Handelsblad. 

Sida uu ku warramay qofka sirta bixiyay,dowladda Nederland ayaa iska diidday kharashka ku baxaya ilaalinta nabadgelyada Ayaan ee Mareykanka gudihiisa. Sidoo kale Mareykanka ayaa iyaguna diiday iney mas’uuliyadda nabagelyadeeda qaadaan. 

Ayaan Xirsi ayaa horay sanadkii hore u aadday magaalada Washington, ka dib markii hadaladdeedii ku saabsanaa diinta Islaanka ay hanjabaadi ka soo gaartay. Ayaan, intii aysan shaqada ka helin machadka American Enterprise Institute (AEI) ee Mareykanka, waxay aheyd xubin ka tirsan baarlamaanka Nedrland, iyadoo ka tirsaneyd xisbiga  VVD. 

Sida laga soo xigtay wargeyska NRC, Ayaan, waxay dhaqdhaqaaqyadeedii ka sii wadan  doontaa waddanka Nederland maaddaama ay haysato ballanqaad nabadgelyadeeda ku saabsan. 

Markii ay Nedrland ka tagtay Ayaan, ayuu wasiirka caddaaladdu Ernst Hirsch Ballin u sheegay dowladda Mareykanka in ay sugaan nabadgelyada Ayaan Xirsi, ayadoo waliba billowgii dowladda Nedrland arrinkaas gacan ka geysaneysay.

Arrimo la xiriira dhanka nabadgelyada dartood, wasiirku ma sharraxin qaabka ay u ilaalinayaan, wuxuuse si cad u dheegay in ay sugayaan nabadgelyada Ayaan Xirsi ee Nedrland  gudeheeda.

Isha warka:  MSN + NRC Handelsblad. 

SomaliTalk.com | Oct 2, 2007

Labo Xildhibaan oo C/llaahi Yuusuf uga digtay in uu xil ka qaadis ku sameeyo Cali Geedi…
.Dagaalo aad u kharaar oo xalay ka dhacay Muqdisho...
.Markab Dagaal oo Faransiis ah oo loo soo dirayo Xeebaha..
.Ciidamadii Booliiska ee ku sugnaa Qabuuraha Barakaat oo..
.DFKMG waxba kama oga Barakaca Muqdisho ka socda...
.ONLF oo sheegtay in ay guulo ka gaartay dagaalo..
.Prof. Guure oo mar kale loo doortay Guddoomiyaha Ururka..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Sep 29

Binti Jaylaani oo Minneapolis, Minnesota USA Ku soo beegan October 6, 2007

Go’aamadii 191 Odey dhaqameedyada Beelaha Soomaaliyeed ay ku sixiixeen Xamar oo dhameystiran.
Taariikh-da ma duugoowdo ee akhri Go’aamadii ay gaareen

Su’aalihii Baarlamaanku weydiiyey wasiirka Wasaaradda dalxiiska iyo duurjoogta Cali Xareed
xareedWaxaa ka mid ahaa: “Waxaan maqalney in dowladii TNG-da ay dowlada Liibiya la gashay heshiis ay deyn uga qaadatay lacag dhan $7.5Milyan..”... Akhri Jawaabaha

 

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com