SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO

  • Af-hayeenka Baarlamaanka oo waqti kama dambeys u qabtey Wasiiradda ka dhego adeygay u yeerista Baarlamaanka
  • Qoraal lagu burinayo xariga Gudoomiyaha Maxkadd sare oo loo Akhriyey Baarlamaanka

Waxaa isku soo dubaridey
Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalik Baydhabo.
Email: fatxumaalik@hotmail.com

Af-hayeenka Baarlamaanka oo waqti kama dambeys u qabtey Wasiiradda ka dhego adeygay u yeerista Baarlamaanka

Shir ay isugu yimaadeen xubnaha Golaha Baarlamaanka oo uu shir gudoominayo Gudoomiye Sh.Aadan Max’ed Nuur {Sh.Aadan Madobe} oo ay ku wehliyaan labadiisa ku xigeen, islamarkaana ay soo xaadireen 157 mudane oo lagu dhegeysanayey qaar ka mid ah Wasiiradda Xukuumadda Prof. Geedi ee dhinaa, Qoraal ku saabsan qaabka loo xirey Gudoomiyaha Maxkamadda sare iyo Garoore Sheegow oo go’aan ay ka qaateen Xubnaha Golaha Wasiiradda oo loo soo gudbiyey Gudoomiyaha, islamarkaana si loo waafajiyo sharciga si loogu Akh’riyo xubnaha Golaha Baarlamaanka, Waqti loo qabtey in miisaaniyadda dowlada ay ku soo gudbiso xukuumada Prof. Geedi ee waqtigeedu sii dhamaanayo, sidoo kale waqti loo qabtey Wasiiradda ka dhego adeygay u yeeritaanka Baarlamaanka iyo laba xubnood oo uga wakiil ah Baaralamaanadda Carabta oo warbixin laga dhegeysanayey ayaa ka dhacay hoolka shirarka Baarlamaanka ee Magaalada baydhabo.


Kalfadhiga baarlamaanak DFKMG ee baydhabo

Gudoomiye Sh. Aadan Madoobe oo ugu horey Mudanayaasha u soo jeediyey in waqti kama dambeys ah loo qabto Wasiirada dhiman ayaa wuxuu hadalkiisa ku bilaabay “Mudanayaal waxaan soo jeedinayaa in waqti loo qabto wasiiradda dhiman laga bilaabo 20/09/2007-03/10/2007, in wixii ka dambeeya xiligaas Wasiirkii ku imaan waaya uu Baarlamaanku go’aan rasmi ah ka gaaro, Xukuumaduna waa inay iyaduna mudodaas ay ku soo gudbisaa miisaaniyada Dowlada, waayo bil wax ka badan ayaa la leeyahay waan soo gudbinaynaa miisaaniyada Dowlada”.


hoos midig: Wasiirka Deegaanka iyo kan Batroolka , iyo xog-haynada Baarlamaanka, kor Gudoonka

Soo jeedinta gudoomiyaha ayaa qaar ka mid mudanayaasha ka caroodey, mudanayaasha ka soo horjeestay ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Avv.Caydiid I-lko Xanaf isagoo ka soio horjeeda soojeedinta gudoomiyaha ayaa wuxuu yiri “Dunidu Baarlamaano ayey leedahay oo qaarkood 900 oo Sano jira, hadii Baarlamaanku uu u yeero qaar ka mid ah Xukuumadda oo imaan waaya waa inay jiraan wax ka dambeeya, in u yeerista lagu cel celiyo, wax micno oo ay leedahay ma jiro, Baarlamaanka cidii uu u yeero oo imaan weysa waa in wax laga qabtaa, Cidii been Baarlamaanka hortiisa ka sheegta waa in iyaduna wax laga qabtaa, Xeer hoosaadka Baarlamaanka waa in lagu daraa, qofkii ka dhego adeyga u yeerista Baarlamaanka, in loo aqoonsado qof maxkamad ku gardaroodey”.


wasiirka Batroolka oo warbixin siinaya Baarlamaanka

Hase ahaatee soo jeedinta gudoomiyaha ayaa meel martey, arintaan soo jeedinta ah ayaa xubnaha odorosa siyaasada Soomaaliya waxay ku sheegayaan in ay tahay mid Xukuumadda loogu badinayo culayso fara badan oo ka haysta xag Sharci, midka siyaasadeed, mid dhaqaalo iyo mid difaacba, waayo dadka ku xeel dheer arimaha sharciga waxay ku sheegayaan in Xukuumadu waqtigeedu sii dhamaanayo, islamarkaana uu ku eg-yahay 12/10/2007, laakiin waxay keloo sheegayaan sharcinimada xukuumada ka sokow inta aan laysla gaarin in caqabado fara badan ay jiri doonaan oo qaabka looga gudbo aysan dhib yaraan doonin.


midiga Xayd, Bidix Xaraare

Qoraal lagu burinayo xariga Gudoomiyaha Maxkadd sare oo loo Akhriyey Baarlamaanka


Bidix Garsoore Sheegow, midig Gudoomiyaha Maxkamada Sare Yuusuf Cali Haaruun

Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh.Aadan Max’ed Nuur {Sh. Aadan Madoobe} oo maanlintii shalay shir gudoominayey kulan ay isugu yimaadeen mudanayaasha Baarlamaanka ayaa u soo jeediyey in waqti u qabto Baarlamaanka in Xukuumadda Prof. Geedi ay ku soo gudbiso Miizaaniyadda Dowlada iyo xubnaha Golaha Wasiiradda ee ka dhego adeygay u yeerista Baarlamaanka, qaar ka mid ah mudanayasha baarlamaanka oo qaarkood mudo badan ka maqan fadhiyada Baarlamaaka, iyagoo aan wax fasax ah lagu ogeyn iyo xubno kale oo uu ku sheegey gudoomiyuhu iyagoon aan fasax qaadan inay iska tagan magaaladda muqdisho iyo gobolada dalka qaar, wuxuuna carabka ku adkeeyey in waqti loo qabto kuwa maqan islamarkaana kuwa iska tagana la soo ogaado, hadii ay ka waan toobi waayaana loo gudbiyo Gudiga Anshaxa.

Gudoomiye Sh.Aadan Madoobe wuxuu keloo xubnaha Baarlamaanka u soo jeediyey in la dhegeysto Qoraal ka soo baxay Golaha Wasiiradda oo uu ku sixiixan yahay Ra’iisul wasaare Geedi, Qoraalkan ka soo baxay Golaha wasiiradda oo ujeedadiisu ahayd mid lagu burinayo Xariga Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Garsoore Maxamed Nuur Sheegow ayaa markii uu gudoomiyaha amarey in loo Akh-riyo xubnaha Baarlamanka waxaa ka dhashay buuq iyo sawaxan badan iyo markii la soo gebagebeeyeyba, heer ay xaaladu ku sigato inmeel xun ay gaarto, in badan oo ka mid ah mudnayaasha Baarlamaanka ayaa isugu tagay miiska xog-haynada iyo kan Gudoonka, iyagoo qaarkood intii aan la Akh-rin qoraalka ku doodey in la joojiyo, Gudoomiyaha oo ka qancinaya ujeedadda qoraalka Baarlamaanka ayaa wuxuu yiri “Qoraalku waa mid aniga la ii soo direy, islamarkaana go’aan iskama gaari karo keligay, hay’adaha dastuurigana waxaa ka dhex jira khilaaweyn, sidaas darteed marka la dhegeysto waxaa loo gudbinayaa, Gudiga ku shaqada leh ee waa in la dhegeystaa maadaama qoraalada dowlada ee la ii soo gudbiyo ay marka hore aniga si toos ah la iigu soo diro, kadibna aan adinka dib idiinkugu soo gudbiyo”.



Markii uu dhamaadey qoraalkii ayaa waxaa bilowey buuq iyo sawaxan badan mudanayaasha Baarlamaanka, qaarkood waxay doonayeen in aragtidooda ay ka dhiibtaan, halka kuwo kale oo ka soo hor jeeda Akh-rinta qoraalka ay iyaguna markooda furad ay ku buuqaan helay, Gudoomiyaha oo si adag ula hadlay xubnaha Baarlamaanka ayaa wuxuu yiri “Mudanayaasha sharafta lahoow hadii aadan ilaalin sharafta anaguna ilaalin meyno wax sharaf ah, qoraalkan waxaa loo gudbinyaa gudiga ku shaqada leh, isagaana ka soo baaraan degidoona, marka ay soo gebagebeeyaan ayaa laga doodi doonaa”.

Qoraalka muhiimadiisa guud hadii aynu soo koobno ayaa wuxuu ahaa sidan
In xariga Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Garsoore Maxmed Nuur Sheegoow uu yahay mid colaad, aar goosi iyo ku xad gudub Axdiga KMG ee uu xuquuqda iyo xoriyada u leeyahay qofka muwaadinka, waa in loo soo celiyaa sharaftoodii iyo maamuuskoodii.

Waxaana go’aaka Golaha Wasiiradda lagu xusay in Xilka laga qaado Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Avv. C/llaahi Daahir Barre iyo Ku xigeenkiisa Cali Maxamed Yuusuf {Cali Yare}, islamarkaana gudi heer Qaran oo ka kooban, Garyaqaano madax banana, Xubin nabad sugid ah iyo xubin Booliiska ah oo soo baara kiiskan mudo 60-maalmood, oo kadib ay u soo gudbiyaan Baarlamaanka.


Bidix Garsoore Sheegow, midig Gudoomiyaha Maxkamada Sare Yuusuf Cali Haaruun, iyagoo dhex jooga Xaruntii Maxkamada sare ee DFKMG Baydhabo

Go’aanka Golaha Wasiiradda ayaa waxaa lagu xusay tilmaamo badan oo ay ku burinayaan xariga Gudoomiyaha Maxkamadda sare iyo Garsoore Sheegoow, waxyaabaha sida gaarka ah loo xusi karo ayaa waxaa ka mid ah, in qodobada loo cuskaday xarigooda uu yahay midkii ay ku dhaqmeysay dawladii hore ee Kacaanka oo 1991-dii la baabi’iyey, taasoo ka hor imaanaysa Axdiga KMG, uuna isticmaaley Xeer ilaaliyaha guud awood u gaar ah, xeer ilaaliyuhuna uusan ikh’tiyaar u lahayn baarista Maaliyada, taasina waxaa u xil saran xafiiska Hanti dhowrka guud, Xariga Gudoomiyaha iyo garsooraha waxaa ka horeeya talo soo jeedin Gudiga Adeega garsoorka, lana soo marsiiyo Ray’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiiradda, kadibna loo gudbiyo Madaxweynaha, laakiin waxaa halkaas ka cad in maalin kadib markii la xirey la soo gaarsiiyey Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu yir qoraalka loo Akh’riyey Baarlamaanka.

Maxamed Macallin Cismaan{All-man}Somalitalik Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com

SomaliTalk.com | Oct 1, 2007

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com