SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

MIDOWGA GANACSATADA G/ BANAADIR OO AXADII BILAABAY INAY U QAYBIYAAN LACAG DEEQ AH DADKA WAXYEELADA KA SOO GAARTAY DAGAALADA MUQDISHO IYO BARAKACA 

Xubno ka mid ah guddiga midowga ganacsatada gobolka Banaadir ayaa maalintii Axadii aheyd waxay magaalada Muqdisho ka bilaabeen hawlo samafal ah kuwaasoo loogu gar-gaarayo dadka ay waxyeelada ba’ani ka soo gaartay dagaalada Muqdisho ka socda iyo qaraxyada is daba joogga ah ee ka dhacaya magaalada Muqdisho iyadoo ay waxyeello ba’ani u geysteen dad fara badan oo haatan buux dhaafiyay isbitaallada magaalada Muqdisho.  

Xubnahan ka mid ah guddiga Midowga ganacsatada gobolka Banaadir ayaa waxay maanta ka bilaabeen hawlo samafal oo dadka buux dhaafiyay isbitaalada loogu gargaarayo, waxayna gaarsiiyeen isbitaalada Madiina, Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir iyo isbitaalka Banaadir ee ku meel gaarka ah, sidoo kale waxay gaarsiiyeen goobaha ay ku jiraan dadka ku soo barakacay dagaalada Muqdisho ka socda, waxayna dadkaasi maanta si weyn uga faa’iideysteen hawlahaasi samafalka iyadoo isbitaalka ugu horreeyay ee hawlahan samafal ay ka billowdeen oo ahaa isbitaalka Madiina la gaarsiiyay 88 bukan oo isbitaalka jiifa kuwaasoo ay guddiga si gacan maris ah u siiyee min 300,000 Shilin Soomaali ah, sidoo kale waxaa la gaarsiiyay isbitaalka Banaadir oo 150 jiifay, kuwaasoo gudigu uu gaarsiiyay min 200,000 Shilin Somali. 

Sidoo kale waxaa hawlahan samafal ka faa’iidaystay dad fara badan oo ku jira isbitaalada iyo goobaha ay ku soo barakaceen dadka aad u liita.  

Masuuliyiinta isbitaalladaas oo hadallo mahad naq ah jeediyay ayaa uga mahad celiyay guddiga midowga ganacsatada Gobolka Banaadir deeqdan wax ku oolka ah oo ay gaarsiiyeen, waxayna ka codsadeen in ganacsatada kale ay ku daydaan.  

Sidoo kale waa halkaasi ducooyin iyo mahadnaqyo ka soo jeediyay dadkii ka faa’iideystay hawlahaasi samafal ee ku jira isbitaalada, waxayna hawshan socon doontaa muddo labo toddobaad ah, iyadoo maantana lagu wado in sidoo kale ay ka billowdaan isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho iyo goobaha ay ku jiraan dadka soo barakacay.

Muuse Maxamuud Jiisow

musejisow@hotmail.com

Muqdisho Somaliya 

025215576666

002521653623

SomaliTalk.com | Oct 1, 2007

Labo Xildhibaan oo C/llaahi Yuusuf uga digtay in uu xil ka qaadis ku sameeyo Cali Geedi…
.Dagaalo aad u kharaar oo xalay ka dhacay Muqdisho...
.Markab Dagaal oo Faransiis ah oo loo soo dirayo Xeebaha..
.Ciidamadii Booliiska ee ku sugnaa Qabuuraha Barakaat oo..
.DFKMG waxba kama oga Barakaca Muqdisho ka socda...
.ONLF oo sheegtay in ay guulo ka gaartay dagaalo..
.Prof. Guure oo mar kale loo doortay Guddoomiyaha Ururka..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Sep 29

Binti Jaylaani oo Minneapolis, Minnesota USA Ku soo beegan October 6, 2007

Go’aamadii 191 Odey dhaqameedyada Beelaha Soomaaliyeed ay ku sixiixeen Xamar oo dhameystiran.
Taariikh-da ma duugoowdo ee akhri Go’aamadii ay gaareen

Su’aalihii Baarlamaanku weydiiyey wasiirka Wasaaradda dalxiiska iyo duurjoogta Cali Xareed
xareedWaxaa ka mid ahaa: “Waxaan maqalney in dowladii TNG-da ay dowlada Liibiya la gashay heshiis ay deyn uga qaadatay lacag dhan $7.5Milyan..”... Akhri Jawaabaha

 

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com