SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
MINNEAPIS - BURUC

Beesha Cabdi Koombe (Jambeel) oo Bayaan ka soo saartay in aan magaalada Buruc wax macdan ah laga baari karin xilligan...

Bayaan:

Asalaama caleykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu.

Bootaan barre
Bootaan barre Samatar, Afhayeenka Beesha Jambeel (Cabdi koombe)

Anagoo ah Beesha Cabdi koombe (Jambeel) degana deegaanka Buruc waxaanu bayaan kasoo saarnay  taariikhdudu markay ahayd 24.11.2007 shir aanu kuyeelanay magaalada Boosaso in aan Buruc wax macdan ah laga baari karin xilligan oo aanaan ogolayn in buruc macdan laga baaro (waqtigan la joogo).

Beeshu waxay isku raacsasan tahay ganacsato, shaqaale, maamul (odayaasha beesha), qurbajoog iyo dadka caadigaaba bayaankaas kusaabsan inaan Buruc wax macdan ah laga baari karin waqtiga hada ah sababo jira awgood markaanu fiirinay xaalada maamulka iyo xaalada degaankaba.

Marka anigoo ah  Bootaan  Barre Samantar ahna afhayeenka  beesha Cabdi Koombe(Jambeel) waxaan cadaynayaa markale in aanu iskuraacnay go'aankaa ay beeshu wadagaartey, aanuna baaqa kasoo saarnay siwada jir ah. 

Waxaanuna udirnay guddi aanu u magcawnay arintaa (si loogu war geliyo) cida wax baaraysa iyo maamulkaba si aan xilligan la joogo loo tegin buruc waxna looga baarin.

Bayaanka waxaa soo saaray.

  • Afhayeenka: Bootaan Bare Samanter
  • Ciise Maxamuud Weyrax
  • Jaamac muumin
  • Muuse Hurun Ciise
  • Cumar Bayr ibraahim
  • Faarax Siciid Deer
  • Siciid Cismaan Weyrax(siciid biniaadan)
  • Dharaar Shabeele.
  • iyo dadbadan oo aan meesha lagu koobi karin

Bayaankan waxaa lagala xiriiri kaaraa 
Afhayeenka beesha cabdi koombe(Jambeel)
Bootaan Barre Samantar.
botanbare@hotmail.com

  • Lifaaq: Buruc waxay waxay 60 km dhanka bari ka xigtaa magaalada Boosaaso, isla markaasna 20 km dhanka galbeedka ka soo xigtaa magaalada Qandala.

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 25, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com