SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Mid Kamid Ah Ku Xigeenadii Hore Ee Hay,da UNDP ee Puntland Oo Dhaawac ahaan U jiifa Isbitaalka Madiine Ee Muqdisho.

Mid kamid ah ku xigeenadii hay,ada UNDP ee gobolada puntland iyo walaakiis weriye yaasiin faytin ayaa dhaawacyo kasoo gaareen rasaas ay ku fureen ciidamada xukuumada ethiopia ee ku sugan magaalada muqdisho xili ay socod ku jireen agagaarka suuqa weyn ee bakaaraha .

faarax maxamed cali (teacher) oo mudo sii horaysay soo gaaray magaalada muqdisho islamrkaana in mudo ah u shaqaynayey hay,ada UNDP islamrkaana macalimo iyo maamul ku xigeeno kasoo noqday dugsiyada sare ee garoowe iyo weliba burco ayaa dhaawac kasoo gaaray kaadi haysta iyo mid kamida gacantiisa bidix oo xiligan u jiifa isbitaalka madiino ee magaalada muqdisho .

Dhaawaca aqoon yahankan oo mudo gaaraysa 15-cisho ah ugu jiray isbtaalka madiino ayaa sheegay inuu xaaladiisa caafmaad ay kasoo raysnayso islamrkaana u mahad celiyey dhaqaatiirta sida aadka ah dadaalka ugu samaysay taasoo uu xusay inay dadaal dheeraad ah u sameeyeen guud ahaan dhaqtarada iyo weliba kal kaaliyaasha caafimaad ee isbitaalkaasi .

Dhinaca kale weriye yaasiin faytin oo isna dhaawac fududi kasoo gaaray lugta ayaa ka war bixiyey xaaladooda caafimaad isaga walaalkiis faarax teacher isagoo sheegay inuu isagu aad fiican yahay balse uu iminka kasii daran yahay walaalkiis faarax maxamed cali islamrkaana uu sheegay in xabada soo gaartay faarax teacher ay kasoo gaadhay meel halis ah oo kaadi haysta islamrkaana aysan weli bogsan balse uu alle uga rajeeyey inuu caafimaad siiyo.

Sidoo kale weriye yaasiin faytin ayaa saxaafada uga war bixiyey xaalada guud ee isbitaalka madiino oo ah isbitaalada fara ku tiriska ah ee ku shaqeeya xaalada cakiran ee ka jirta magaalada caasimada ah ee muqdisho taasoo uu tilmaamay in sibitaalka ay ku jiraan in ka badan boqolaal qof oo ay haleeshay rasaasta ay ridayaan ciidamada xukuumada ethiopia iyo weliba kuwa dowlada KMG ah islamrkaana ay qaarkood la il daran yihiin xaalad caafimaad xumo mana jiraan ayuu yiri yaasiin faytin marka laga reebo waxooga daawo ah oo laga qaato isbitaalka mooyee wax kale oo daryeela oo ay ku haystaan .

yaasiin faytin ayaa xusay inay todobaadkan oo keliya ay isbitaalka ugu geeriyoodeen dhaawacyo halis ah oo kasoo gaaray rasaasta ay ridayaan ciidamada ethiopia in ka badan ilaa 5-qofood kuwaasoo u badnaa caruur ,haween ,iyo weliba dad da,ah..


yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 27, 2007

Soomaalida oo Loogu Baaqay in ay Qaadacaan Diyaarada Ethiopian Airlines, iibsana Qaadka Itoobiya
MPLS
Kulan Hadaladii ka Soo Baxay Loo Riyaaqay oo ka Dhacay Minneapolis, oo ay Soo Qaban qaabiyeen Ururka Midowga Qurba Joogga Soomaaliyeed.. Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com