SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UGANDA

Shirkii Barwaaqo-sooranka oo la soo gaban-gabeeyay iyo £750m oo loo saxiixay Dowladda Uganda.

 

W/D: Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)

 

Kampala, Uganda

 

Email:- farahblue_545@hotmail.com

 

Mobile: +256 (0) 774228112

 

 

Kaddib todobaad mashquul ah, Magaaladda Kampala waxaa galabta lagu soo gaban-gabeeyay shir weynihii wadamada Commonwealth ee mudada sadexda maalmood ah ka socday, kaas oo ay ka soo qey galeen guud ahaan wadamada uu hore u soo gumeysta wadanka Ingiriiska  oo tira ahaan ka kooban 53-dal, laakin madasha shirka ay ka maqnaayeen labada dal ee Pakistan iyo Zimbabwe oo ka ganaaxan dhaq-dhaqaada CHOGM, kaddib markii lagu helay dimoqraadiyad la’aaan.

 

Xiritaankii shirka waxaa ka soo baxay war murtiyeed ka koobnaa qodobo qiimo u leh wadamada ku jira Ururka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen ka qeyb galka wada hadalada ku saabtasan is bedelka cimilada ee UN-ku marti galinayo bisha soo socota ee ka dhacaya Bali, yareynta qiiqa hawada lagu sii daayo, isku fur-furista Ganacsiga wadama ku jira CHOGM, horumarinta wadama saboolka ah ee ku jira Ururka iyo guud ahaanba horumarinta Nolosha Bini’aadamka ee Commonwealth Countries.

 

Madaxweynaha wadanka Uganda Yoweri K. Museveni oo galabta ka hadlayay xafladii xiritaanka ayaa yiri “Shirkan wuxuu ahaa mid aad qiimo u lahaa, wuxuu noogu dhammaaday guul, ujeedkiisiina waan gaarnay, waxaana hubaa in qodobadan ay yihiin kuwa muhiim noo ah, waxaan ku rajo weynahay in aan ku dhaqanno mabaadii’da wanaagsan ee horumarka lagu gaarayo”.

 

Intii shirku uu socday waxaa is bedel lagu sameeyay xogheyntii Ururka, waxaana xoghaye cusub loo doortay shalay Kamalesh Sharma oo u dhashay wadanka India, kaas oo heyn doona xafiiska Ururuka  4-ta sano ee soo socota, waxaana hore u ahaa xoghaye guud Don McKinnon oo u dhashay wadanka New Zealand.

 

Shirkan oo ay furtay Boqoradda INgiriiska Queen Elizabeth II  23-kii basha, waxaa ka so qeyn galay 17 Madaxweyne, 20 Ra’iisul Wasaare, Wasiirro iyo diplomaciyiin wadamadooda ma talaya, ayaa ku dhammaaday jawi heer sare ah oo farxad u ahaa guud ahaan Madaxda wadanka Uganda iyo guud ahaan shacabka Uganda, waxaana guusha Uganda qiray agaasimaha guud ee The British Council Richard Weyery oo sheegay qaabkii shirka loo marti galiyay oo loo agaasimay uu ahaa mid casri ah.

 

Dowladda Ingiriiska ayaa u saxiixday Madaxweyne Museveni jeeg ay ku qoran tahay £700m  oo 10-sano ee soo socota lagu hormarinayo wadanka Uganda, waxaana Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Ingiriiska haweneyda la yiraahdo Shriti Vadera ay faraha ka saartay Wasiirka Ganacsiga ee Uganda Dr. Erza Surumwa, waxaana sidoo kale Wasiiraddu saxiixday jeegaga   kale oo loogu magac daray Poverty Reduction Budged oo gaaraya £35m ee 2007/8 ee lagu yareynayo Faqriga Uganda iyo kan kale oo iska £15m oo wax looga qabanayo baahida Xaquuqada Aaadanaha, Biyaha iyo caafimaadka inta lagu jiiro labada sano ee 2007/8.

 

Wadanka Trinidad and Tobago oo marti galinay shirkan midka xiga ee sanadda 2009 ayaa soo ban dhigay riwaayad aad loo jecleysatay oo ka turjumeysa horumarka wadankoodu gaarsiisanyahay, waxaana film-ka oo lagu billaabay Dwight York oo ah weeraryahankii hore ee Kooxda Manchester United iyo Xulka Trinidad and Tobago oo goolal cajaa’ib leh dhalinaya, iyadoo Tobago loogu hambalyeeyay qabashadeeda shir weynaha soo socda.

  

Garoonka Diyaaradaha ee Entebbe oo 42-KM u jira Magaaladda Kampala oo aan galabta booqday ayaa waxaa hareeyay wufuuda ka baxeysa Magaaladda Kampala, kaddib dhamaadkii shirka, waxaana wufuuda sii sagootiyay Madaxda Uganda oo uu horkacayay madaxweyne Museveni, wuxuuna shirkan ahaa kii ugu horeeyay ee nuuciisa kale ah oo wadankan uu marti galiyo.

                                                                                                                                              

W/D: Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)

 Kampala, Uganda

 Email:- farahblue_545@hotmail.com 

 Mobile: +256 (0) 774228112

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 26, 2007

Soomaalida oo Loogu Baaqay in ay Qaadacaan Diyaarada Ethiopian Airlines, iibsana Qaadka Itoobiya
MPLS
Kulan Hadaladii ka Soo Baxay Loo Riyaaqay oo ka Dhacay Minneapolis, oo ay Soo Qaban qaabiyeen Ururka Midowga Qurba Joogga Soomaaliyeed.. Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com