SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOORAMA

Borama: Shirkada Telesom oo lacag guddoonsiisay Ururka Dhismaha Waddooyinka G/Adwal "ARNA"

Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo shalay ka dhacday Hotel Rays ee magaalada Borama ayay shirkada Isgaarsiinta Telesom qeybteeda Borama ku gudoonsiisay deeq lacageed Ururka Dhismaha Waddooyinka Gobalka Awdal ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loogu yeero "ARNA".

Xafladaan oo ay kasoo qeyb galeen Guddoomiyaha Gobalka Awdal, Ganacsato, Culumaa'udiin, Dhalinyaro, Haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Gobalka Awdal ku dhaqan ayaa loogu hadlay dhibaatada waddooyinka gobalka heysta.

Maamulaha Shirkada Telesom ee Gobalka Awdal Cabdiqaadir Aadan Nuur oo xafladaan ugu horeyn ka hadlay ayaa sheegay inay shirkadood mar walba xooga saarto horumarka gobalka, waxuuna yiri "Telesom dadka kama faa'iido oo wey iska faa'iideystaan".

Waxa uu tibaaxay inay waxyaabo badan oo horumarka gobalka ah ay shirkadooda kasoo qeyb qaatay, isla markaana mar walba u taagan yahay waxii bulshada faa'iido u ah oo loogu soo baahdo inay garab istaagto.

"Shirkadani kuma laha Dhegtaada iga iibi imaqal oo I dhagayso laakiin howsheedu waxa ay tahay wax I Gasho Ana Aan Ku Gashadee" ayuu yiri C/qaadir Aadan Nuur.

Waxa uu xusay inay 10.000 (Tobban kun oo doolar) shalay ugu deeqayaan Ururka Awdal Road Network "ARNA" si wax loogu qabto dhismaha wadada isku xirta Dilla iyo Borama oo ururka ugu horeyn ka shaqeyn doono kadibna loo soo jeesan doono waddooyin kale ee gobalka ku yaala.
Waxaa sidoo kale ka hadlay xafladaasi Guddoomiyaha Ururka ARNA Cabdiraxmaan Maxamuud Muuse oo shaaca ka qaaday inay si dardar ah u socoto howlaha ururkooda loo dhisay, isla markaana ay mar dhow bilaabi doonaan dhismaha wadada isku xirta Dilla iyo Borama oo aad usii xumaaneysa.

Waxa uu yiri "Laami ayaynu rabnaan inaan wadada guud ahaan ka dhigno, balse hada wada waxey u egtahay mid gabi ahaanba go'i rabta marka waxeynu sameyneynaa inaan dhismaheedii sii bilaabno si loo maro wadada".

C/raxmaan waxuu raaciyay in markii hore la rabay in Gobolku ay bilaabaan balse waxaa howshaa wadada kaalin ka wayn ka qaatay oo ka shaqeeya Ururka AACNA ee dalka Maraykanka oo iyagu ku howlan sidii ay dhaqaale ugu soo ururin lahaayeen Wadada waana ururka dibadaha loo qaabilsan Dibadaha isagoo sheegay in Maalin kaliya ay ku ururiyeen $50,000 oo loogu talo galay in wadooyin ka Borama lagaga qayb qaato waxuuna intaasi sii raaciyay inay dadaal xoog leh uu wado ururka AACNA xidhiidh wada shaqaynayneedna aanu leenahay.

Waxaa eedeeyay Saxaafada gudaha oo uu sheegay inay si kale u fasirto hadafka loo dhisay Ururkooda, waxuuna sheegay in ururkaan magaciisa uu lahaa Guddoomiyaha Gobalka Awdal Maxamuud Sheekh C/laahi Cige, isla markaana uusan waxba ka jirin hadalka Saxaafada qaarkood ay qortay oo ahaa in Xukuumada u itaal weysay dhismaha wadadaan.

"Xukuumada Somaliland qeyb weyn ayay ka qaadaneysaa dhismaha wadadaan isku xirta Dilla iyo Borama, waxbana kama jiraan hadalka Saxaafada qaarkood ay qoreen" ayuu yiri Cabdiraxmaan Muuse.

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Gobalka Awdal Maxamuud Sheekh Cabdilaahi Cige waxuuna sheegay inay aad u taageersan yihiin ka xukuumad ahaan qorshahaan lagu dhisayo waddooyinka gobalka Awdal gaar ahaan wadada isku xirta Dilla iyo Borama.

Waxuu sheegay inuu shalay Shahaado Sharaf guddoonsiinayo Guddoomiyaha Shirkada Telesom ee Gobalka Awdal C/qaadir Aadan Nuur kadib markii uu u arkay nin aad isaga iyo shirkadiisaba ugu shaqeeyaan horumarka gobalka Awdal.

Waxuu sheegay inuu arintaan hordhigay Wasiiro dhowr ah oo Xukuumada ka tirsan isla markaana la socodsiiyay Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin oo ka aqbalay.

"Madaxweynaha waxuu sheegay inay xukuumadiisa si xoogan ugu qeyb qaadan doonto dhismaha wadooyinkaan la dhisayo" ayuu yiri Guddoomiyaha Gobalka Awdal Maxamuud Sheekh Cabdilaahi Cige
Guddoomiyaha waxuu isna eedeeyay Saxaafada waxuuna ugu baaqay inay ka shaqeyso danaha shacabka, isla markaana iska deyso war xumo tashiilka.

Ugu dambeyn waxaa ka hadlay Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, Suldaan Xasan Xadi ( Suldaan Baade) iyo Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal waxayna cadeeyeen in howlaha wadada iyo waxqabadkeedu meel fiican marayaan iyagoo hogaamiye dhaqameedyadiina ay qaabilsan yihiin dhinaca wacyi galinta iyo ku baraarujinta dadwaynaha inay kaalintooda ka qaataan dhismaha wadooyinka G/Awdal.

Waxey sheegeen inay dhawaan xaflad isku soo bax ah ku qaban doonaan Fagaaraha Qeyriyada Magaalada Borama isla markaana dadweynaha ku baraarujin doonaan sidii iyagoo iskaashaday u dhisan lahaayeen wadadaani.

Abdifitahaam Ahmed
Email: abdifitahaam@gmail.com
Borama - Somaliland

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2007

C/Laahi Yuusuf oo Xukuumadiisa ku Guubaabiyey sidii ay uga hor tegi lahaayeen Xawaaladaha iyo WFP...

yuusufMadaxweynaha DFKMG oo khudbad Xasaasi ah  oo dhinacyo kala duwan taabaneysa ka jeediyey Baydhabo gaar ahaan waxay khubadaasi ku saabsan tahay Xawilaadaha, Dugsyada Quraanka, Dh/dhexe, Jaamacadaha iyo hay'adda Qaramada Midoobey WFP.. Khubada oo ah Akhris iyo cod....

colTaariikhda Musharraxa Ra'iisul Wasaare DFKMG: Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).. Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com