SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL

Shir Ujeedadiisu ahayd sidii Deeq Lagu gaarsiin lahaa dadka ka barakacay Laascaanood oo lagu qabtay Minneapolis

Shir muhiim ah ayaa waxa uu maanta (Nov 18) ka dhacay magaalada Minneapolis xarunta International Institute. Shirkaas ayaa u jeedadiisu ahaa sidii deeq kaalmo ah loo gaarsiin lahaa dadkii ka barakacay magaalada Laascaanood, gobolka Sool.

Shirkaas ayaa waxa soo abaabuley mas’uuliyiin u dhalatay deegaanka Puntland ka dib markii ay aad uga naxeen dhibaatada soo gaartey shacabka aan waxba galabsan ee laga bara kiciyey guryahoodii. Magaalada Laascaanood ayaa waxa ay ka mid tahay magaalooyinka aan laga qaxin intii uu wadanka Soomaaliya ku jirey burburka.
Shirkaas ayaa waxa ka hadley Madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Maxamed Abdi Xaashi iyo mas’uuliyiin kale oo isugu jirey macalimiin, shaqaale, siyaasiyiin, culimo,iyo hooyooyinka u dhashay Puntland oo halkaas gabay qurux badan ku soo bandhigey.

Shirkan oo ahaa mid bilow ah sidii wax loogu qaban lahaa dadka ka barakacay gobolka Sool ayaa isla goobtii waxa lagu uruuriyey lacag gaadheysa ilaa sodon kun oo dollar ($30.000). Iyadoo isla goobtaas lagu sheegay in la qaban doono shirarkale oo waaweyn dhawaan.

     

Abdimalik Askar
Somali Media
aabdimalik@hotmail.com

Puntland oo ka digtey burcadnimo ka taagan wadada Bosaaso & Garoowe

Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa digniin kulul ka soo saarey falal burcadnimo oo la sheegay in ay ka dhacaan wadada Laamiga ah ee isku xirta Magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe oo uu warbaahinta caalamiga ah uu aqriyey Agaasimaha Madaxtooyada Puntland Eng.Caydaruus Cismaan Yuusuf ayaa lagu qeexay in mudooyinkii ugu dambeeyey ay kordheen falal burcadnimo iyo qalqal galin amaanka ah oo ka dhacay wadada Laamiga ah, iyadoo warsaxaafadeed lagu xusey in dad meelo kale laga soo abaabulay ay ka wadaan wadadaasi falal amaanka Puntland wax loogu dhimayo taasi oo lagu tilmaamay in si weyn looga hortagay haatana looga hortagi doono ciidan ahaan iyo shacab ahaan.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu muujiyey sida ay looga baahan yahay in shacabka Puntland ay gacan siiyaan ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa roondada ee la saarey wadada Laamiga, waxaana meelaha lagu xusey inay ka dhaceen falalka amaanka lidiga ku ah ee warsaxaafadeedka lagu sheegay ayaa waxaa ka mid ah deegaanka u dhaxeeya Tuulada Laag iyo degmada Qardho, magaalada Qardho iyo caasimada Puntland ee Garoowe, waxaana digniin la siiyey dadka falalka burcadnimada ah ka wada wadadaasi sida lagu xusey warsaxaafadeedkan.
 

Khilaaf xoogan oo udhaxeeya Xubnaha udhashay laascaanood iyo Maamulka Daahir Riyaale Kaahin.
 

Warar Hoose oo aan helay ayaa sheegaya in uu waqtigan khilaaf xoogan soo kala dhexgalay Xubnaha Maamulka Somaliland ee jooga gobalka Sool ,gaar ahaan kuwa ka yimid Hargeysa iyo Kuwa udhashay gobalka Sool.

Khilaafkan oo maalmahaan qarsoonaa ayaa soo shaacbaxay ayaadoo wararku sheegayaan in uu salka ku hayo ,qaabka ay dooneyso Somaliland in ay umaamusho gobalkaasi ,hadii ay gacanta ku sii heyso,waxa ayna wararku sheegayaan in ay codsadeen Xubnahaasi in lugu wareejiyo Maamulka gobalkaasi.

Taliyaasha ciidanka Somaliland ee ka yimid gobalada Waqooyi Galbeed ayaa walaac ka muujiyey khilaafka waqtigan soo dhex aloosmey xubnahan ka wada tirsan Maamulka Daahir Riyaale Kaahin.

Wararku waxa ay sheegayaan in ay Masuuliyiinta udhashay Magaalada Laascaanood ay hada doonayaan in ay War cad ugudbiyaan Maamulka sare ,taasoo ay kaga dacwoonayaan sida loo Maamulay arimaha gudaha ee gobalka Sool.

Mid ka mid ah Xubnaha ku dhow dhow saraakiisha la shaqeysa Daahir Riyaale Kaahin ayaa sheegaya in xubnahaasi ,sidoo kale loo heysto goosashadii ciidamo ka mid ah Somaliland oo isku dhiibey Beelahoodii iyo Maamulka Puntland.

Khilaafkan haatan ka dhex taagan Xubnaha Laascaanood ka jooga Somaliland ayaa wuxuu sababi karaa in xubnaha udhashay Sool ee ka mid ahaa Somaliland ay isku dhiibaan beelaha ay ka soo jeedaan.
 

Shirwaynihii Boocame oo si rasmi ah u furtmay

 
Waxaa Nov 17 magaalada Boocame si rasmi ah uga furmay shir ballaaran oo ay halkaasi ku leeyihiin Issimada iyo waxgaradka beesha Dhulbahante , kaa soo ay uga arinsanayaan xaalada ka jirta gobolka Sool.

Garaad Jaamac Garaad Cali , Garaadka Guud ee Beesha Dhulbahante ayaa furitaankii shirka wuxuu sheegay in ay uu si wayn u rajaynayo in beesho ay gaarayso go'aan midaysan oo loo wada dhan yahay.
Garaadku , wuxuu sheegay in laga gudbayo khilaafaadka yaryar ee Beesha dhexdeeda ku kala jira , islamarkaasna danta guud la wada qaadan doono.

Shirkan Boocame , oo ah shir muhiimad gaar ah leh , marka la eego xaalada ay beeshu kugudajirto , ayaa waxaa la filayaa in uu si dhakhso ah uu u soo gabagaboobe , islamarkaasna go'aamo ka dhan ah S/land laga soo saaro.

Beesha Dhulbahante , ayaa waxaa la filayaa in ay isku raacdo in marka hore ay deegaankooda ay si buuxda ugu laabtaan , dabadeedna ay shir kan ka ballaaran oo turxaan-bixin ah ay beeshu yeelato.
 
bashiir cumar cali
bashiir137@hotmail.com
bashiir133@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 19, 2007

gaaniXildhibaan Gaani oo UNICEF ku eedeeyey ay Musuqmaasuqeyso $7 million oo doolar....
waxana uu yiri: "Hogaamiye kooxeedyada ka harey Soomaaliya waa Hay'adaha Qaramada midoobey" Waraysi

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com