SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO

Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf oo soo gaarey Magaalada Baydhabo

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha DFKMG Col/ C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa dib ugu soo laabtey Magaalada Baydhabo abaarihii 4-tii ilaa iyo 5-tii Galabnimo, iyadoo si weyn loga sugaayo magacaabista Ra段isul Wasaaraha cusub ee ee DFKMG Soomaaliya, dadka Magaalada Baydhabo ayaa waxay intooda badan isweydiinayaan "Ra段isul Wasaarihii Boorsada lagu wadey goormaa la magacaabidoonaa" ayey isleeyihiin, iyadoo taasi ay uga danleeyihiin in Ra段isul Wasaarauhu uusan ku imaaneynin rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, kan Madaxweynaha iyo Golaha Baarlamaanka, balse uu ku imaandoono rabitaanka dowlado gaar ah.

Magacaabista Ra段isul Wasaaraha cusub ayaa la hadal hayaa in maalinta Khamiista soo socota iyo maalinta Arbacada oo Taariikhdu ay ku began tahay 14/11/2007-da lagu dhawaaqidoono, sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow dhow Xarunta Madaxtooyada.

Inkastoo xubnaha Golaha Baarlamaanka qaarkood ay hore ula baxeen xubnaha Kutlada ee iskuduubnida iyo kuwo kale oo ka soo horjeeda, inkastoo aan la ogeyn in garab kale uu soo bixidoono iyo in kale.

Laakiin dadka arimaha siyaasada ku xeel dheer waxay carabka ku adkeynayaan, in garab kale oo cusub uu baaralamaanku kasoo dhex bixidoono, islamarkaana Ansixinta magacaabista Ra段isul Wasaaraha cusub ay adkaato, arintaan ayaa waxaa si weyn u adkeynaya in ay jiri karto, 62-ada xubnood ee isugu jira Wasiir iyo Wasiir ku xigeenada oo aan helin intii ay Xukuumadu jirtey wax fursad ah oo ay wax ku qabtaan intii uu Wasiirka Koobaad ahaa Md. Geedi, waxayna ku andacoonayaan maxaan qabtaa ama laygu eedayaa ma helin wax Miisaaniyad ah oo Wasaaradeyda hawlaheeda aan ku fuliyo iyo arimo kale, balse la Arkidoonee halka ay arintu ku biyo shuban doonto

Wasiirka Warfaafinta DFKMG "Dowladu lama dhihi karo eeda iyadaa iska leh, ee eeda waxaa iska leh dadka
Wararysiga Madoobe Nuunow halkan ka dhegeyso

Wareysi aanu la yeelaney Prof. Buubaa iyo Tirada xilka doonista Wasiirka Koobaad oo sii kordheysa.

Maxamed macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 14, 2007

Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com