SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print


Gabay cusub oo lagu magacaabay (Dacwo).. DEGEYSO ama HALKAN
 Waxa tiriyey Amiin Shiikh Maxamed. amiin43@hotmail.com



Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
AIDS-ka iyo ETHIOPIA
»AIDS-ka inta Qabta: 1.5 million
»AIDS inta u dhimatay: 120,000
»AIDS Inta uu agoomeeyey: 720,000
Xarunta Maraykanka u qaabilsan ka hortagga Cudurada ee loo yaqaan CDC, oo soo xiganeysey  hay'ada UNAIDS, ayaa sheegtay in dalka Ethiopia tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka in ay tahay 1.2 million oo qof, waxaana cudurkaas u dhintay qiyaastii 120,000, waxaana AIDS-ku agoomeeyey 720,000 oo carruur ah. Waxaana la qiyaasayaa tirada Itoobiyaanka ee Cudurka AIDS-ka qabta sannadka 2008 in ay gaari doonaan 1.8 million oo qof.
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji

zenaweShan ciidamada Itoobiya oo kufsaday gabar Soomaaliyeed Akhri...

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri


Garoowe: Burcadda dadka baarata habeenkii oo sii xoogaysatay .

Dadwaynaha ku dhaqan Caasumada Puntland ee Garoowe , ayaa ad uga cabanaya burcad hubaysan oo habeenkii dadka dariiqa isutaaga kana qaata moobaylada iyo waxyaalaha kale ee ay wataan.

Burcadan , oo dadka ku qabta qoryo ka hor intii aysan dadka baaran , ayaa waxay ku khasbaan dadka in ay tuuraan waxyaalaha uu qofkaasi wato oo uu ugu horeeyo mobaylka , hadddii kale waxay ku cabsi-galiyaan qori oo dhafuurka bay ka saaraan.

Burcadan , oo u badnayd xiliga fiidka hore oo dadka xaafadaha magaalada isku taaga xiliyada ay   u hoyanayaan xaafadahooda , ayaa iminka waxay bilaabeen in xiliga dadka Salaada Subax tukanaya ee Masaajidada u socda in ay baartaan., dhowr qofna waxay usbuucaan la dhaceen tooreeyo. 

Sidoo kale , waxay burcadan ay kufsadeen haweenka xiliga habeenkii.
 
Ma jirto , wax Boolis ah oo shaqaynaya oo la dagaalamaya burcadan hubaysan ee sii xoogaysanaysa.

Arintan , ayaa dadwaynaha ku dhaqan ay walaac xoogan ku abuurtay , waxayna hadal-hayaan sida ay xaalada ammaan ee Caasumaddu ku dambayn doonto , haddii ay xaaladu saan ku sii socoto.  

Ma jirto , cid maamulka ka tirsan haddii ay ahaadaan Booliska , Degmada iyo gobolka oo arintan ka hadashay ama isku taagtay wax ka qabadkeeda ma jirto.
xildhibaan maxamed jaamac furux oo ka hadlay xaalka muqdisho iyo dadka ka barakacay.
 
Xildhibaan Maxamed Jaamac Furux ayaa sheegay inuu ka xun yahay iska horimaadyada maalmahan ka soo cusboonaaday magaalada Muqdisho ee sababay khasaarooyinka isugu jira dhimashada, dhaawaca iyo barakaca ku yimid dadka rayidka ah kuwasoo saameyn ku yeeshay dhinacyada nolosha, ganacsiga iyo horumarka bulshada.

"Dadka ku nool deegaanada rabshadaha waa iney iska celiyaan kooxaha bambooyinka iyo bastooladaha wax ku dila oo ay hadiiba ay heystaan qoryo aaney weli dowladdu ka qaadin ay la dagaalamaan oo ay iska dhiciyaan kuwa fidnada wada ee dhexdooda wax ka tuuraya taasoo keeneysa in iyaguna lagu soo tuuro oo ay waxyeelo u geysato dadka rayidka" ayuu yiri Xildhibaan Furux oo ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiyana dhinacooda ka codsaday in aysan wax yeelo u geysan dadka rayidka ah ee aan ku jirin dagaalada.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xiligan ay nasiib daro tahay in ay dhacaan dagaalo iyo barakac hor leh oo u eg kuwii sokeeye ee caalamku Soomaaliya ku kaliftay iney dhabarka u jeediyaan isagoo ka codsaday mas'uuliyiinta gobolka Banaadir in ay ka shaqeeyaan xasilinta iyo badbaadada dadkooda taasoo taariikhdu u geli doonta waxa ay u galaan shacabkooda.

 

bashiir cumar cali

 

SomaliTalk.com | Nov 11, 2007

Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com