SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print



Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
AIDS-ka iyo ETHIOPIA
»AIDS-ka inta Qabta: 1.5 million
»AIDS inta u dhimatay: 120,000
»AIDS Inta uu agoomeeyey: 720,000
Xarunta Maraykanka u qaabilsan ka hortagga Cudurada ee loo yaqaan CDC, oo soo xiganeysey  hay'ada UNAIDS, ayaa sheegtay in dalka Ethiopia tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka in ay tahay 1.2 million oo qof, waxaana cudurkaas u dhintay qiyaastii 120,000, waxaana AIDS-ku agoomeeyey 720,000 oo carruur ah. Waxaana la qiyaasayaa tirada Itoobiyaanka ee Cudurka AIDS-ka qabta sannadka 2008 in ay gaari doonaan 1.8 million oo qof.
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji

zenaweShan ciidamada Itoobiya oo kufsaday gabar Soomaaliyeed Akhri...

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri


Musharixii ugu horeeyey xilka Ra'iisul Wasaarenimada DFKMG oo noqdey Prof. Buubaa

Musharixii ugu horeeyey xilka Ra'iisul Wasaaranimada oo isa soo sharaxa oo noqdey Xildhibaan Prof.Ismaaciil Max'uud Hure Buubaa ayaa fagaaraha Hoteel Bakiin ee Magaalada Baydhabo ka sheegey  "in xilka Ra'iisul Wasaaraha Soomaliya aysan Beel keli ah yeelan karin, islamarkaana uu yahay xilkaan mid ay dadku wada leeyihiin, nidaamka 4.5-kuna la doonayo in Golaha Wasiirada xaga Awood qaysiga  si siman loo qaybsado oo kali ah, balse aysan ahayn mid beel keli ah ay leedahay" ayuu yiri Xildhibaan Ismaciil Max'uud Hure Buubaa oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku darey in isagu uu u ololeynayo sidii Gobolada Woqooyi ee Soomaaliya ee la baxay Somaliland uu dib ugu soo celinayo, waayo buu yiri waxa ku kalifey goosashada ayaa waxay ahayd in la tixgelin waayo rabitaankooda.


 
Prof. Buubaa wuxuu kaloo gaashaanka ku dhuftey in aysan jirin xubin laga keenayo dibada balse ay buun buuniyaan qaar ka mid warbaahinta.


 
Mar aan weydiiyey mucaaradka waxa u ka qabanayo hadii uu xilka ku guulaysto ayaa wuxuu yiri "qorshaheygu waa wadahadal iyo in ruux kasta oo muwaadin ah uu xor u yahay inuu dalka dib ugu soo noqdo, islamarkaana uu fikirkiisa dhiibankaro, wuxuu kaloo sheegey Buubaa in Beelaha Soomaaliyeed Xildhibaanadooda uu beel beel ula kulmidoono, maalmaha soo socda, isagoo ka codsanaya in xilka Ra'iisul Wasaarenimada loo doorto".


 
Dhinaca kale Xukuumada cusub ee la soo dhisayo ayaa la hadal hayaa in aysan ka badnaandoonin 23 Wasiir, halka warar kale ay sjheegayaan in 17 wasiir laga dhigidoono Golaha Wasiirada, Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf oo safar wadatashi ah dalka dibadiisa ugu maqan ayaa warar hoose oo aan ka helnay dhinaca Madaxtooyada waxay sheegayaan in Ra'iisul Wasaaraha cusub la magacaabi doono inta u dhexeysa 10-20ka Bishaan aynu ku jirno, inakstoo aan la ogeyn ruuxa uu magacaabayo Madaxweynaha DFKMG.


Hanbalyo aroos.
  1. Aadan Mohamed Caabi
  2. C/risaaq Ali muude.
  3. Najiib C/qaadir Shiil.
  4. Hodan Shiek Mohamed Hussein.
  5. Nasteexo Mohamed.
  6. Hani C/qaadir Shiil
  7. Hani Ali muude.
  8. Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentleman"
  9. Fahad Yasin Xaaji Daahir.
  10. Cumar Faaruuq.
  11. Jaamac Nuur.
  12. C/laahi Cusmaan.

Dhamaan dadkan waxa ay hanbalyo u dirayaan Mohamed C/raxmaan Shiekh Khaliif "Xanafi" iyo Safaa C/ramaan Nuur o uu arooskooda ka kala dhacay Magaalada Mogadisho ee dalka Somalia iyo magaalada Doha ee dalka Qadar. Waxayna leeyihiin wiil iyo caano gabar iyo caano

Hanbalyo.. Hanbalyo… Hanbalyo……….. Hanbalyo……….. Hanbalyo……… Hanbalyo

SomaliTalk.com | Nov 10, 2007

Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com