SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PAKISTAN
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print



Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
AIDS-ka iyo ETHIOPIA
»AIDS-ka inta Qabta: 1.5 million
»AIDS inta u dhimatay: 120,000
»AIDS Inta uu agoomeeyey: 720,000
Xarunta Maraykanka u qaabilsan ka hortagga Cudurada ee loo yaqaan CDC, oo soo xiganeysey  hay'ada UNAIDS, ayaa sheegtay in dalka Ethiopia tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka in ay tahay 1.2 million oo qof, waxaana cudurkaas u dhintay qiyaastii 120,000, waxaana AIDS-ku agoomeeyey 720,000 oo carruur ah. Waxaana la qiyaasayaa tirada Itoobiyaanka ee Cudurka AIDS-ka qabta sannadka 2008 in ay gaari doonaan 1.8 million oo qof.
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji

zenaweShan ciidamada Itoobiya oo kufsaday gabar Soomaaliyeed Akhri...

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri


SIDEE LAGU HELAA SHAHAADADA TACDIILKA AMA ISBARBARDHIGA (THE EQUIVELENCE CERTIFICATE) EE WADANKAN PAKISTAN? 

Qore: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdi Boqor”
 

HORDHAC/GOGOL DHIG 

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah Allaah ha siiyo. 

Intaa kabacdi; Shahaadada Tacdiilka (The Equivelence Certificate) ayaa ah, shahaado ardeyda Soomaaliyeed si aad ah eey ugu wareereen, waliba qaar mustaqbalkooda waxbarasho Mugdi weyn galisey oo gilgishey dhab ahaan, illaa maantadan lajoogana ardey aad u farabadan ayaa ku wareersan Shahaadadaa Muhiimka ah. Nasiib wanaag! Waxaan isu xilsaarney in aan baaritaan xoogan ku sameeyno dhibka jira, si aan u ogaano waxa keeney, waxa gaarsiiyey meesha uu gaarey iyo Xalka arintan jiqda isku ah ee madaxa isla gashey, taasoo Alla mahadiis Nasiib wanaag aan soo helney! Ugu dambeyna waxaan usoo gudbineynaa Xalkaas loo wada ooman yahay ummadweynta Soomaaliyeed si looga faa’ideysto. Waxaana Allaah ka rajeyneynaa in Waalid farabadan iyo ardeydooduba warbixintan xaqiiqdii Utun ama Mariid ku taagneyd ka siibi doonto, Duco hal haleel ahna inoo duceeyndoonaan. Anigan qorey, intii iga caawisey iyo website-kan qiimaha badan ee ummada wanaagan usoo gudbinaya, ajar iyo xasanaad aan lasoo koobi karinna Allaah uu inaga wada siiyo.Aamin 

WAXA EEY TAHAY SHAHAADADA TACDIILKA AMA SHAHAADADA ISBARBARDHIGA (EQUIVELENCE CERTIFICATE} 

Hadii aan marka ugu horeeysa qeexno ama tacriifino (The Defenition) Shahaadada Tacdiilka ama Shahaadada Isbarbardhiga (The Equivelence certificate), waa shahaado cadeyneysa in shahaadada ardeygu kala yimid wadan kale eey la mid tahay tan laga qaato wadankan Pakistan ee ardeygu uu doonayo in uu waxkabarato. Shahaadadan ardeygu wuu u baahan yahay marba hadii uu Shahaadooyinkiisa dibada kala yimid, rabana in uu wadankan Pakistan waxbarashadiisa kasii wato. Shahaadada ardeygu uu wato waxeey noqon kartaa mid Dugsi sare, ama mid ah heerarka kala duwan ee waxbarashada jaamacadeed.  

Shahaadadan Isbarbardhiga ama Tacdiilka waxaa loo kala qaadaa labo qeybood. Waa mida Koobaade ardeyda wadata shahaadada Dugsiga sare, taasoo eey kala yimaadeen wadan aan Pakistan aheyn, waxaa loo sameeyey meel u gaar ah oo eey ka doontaan. Qeybta kale waa ardeyda wadata shahaadooyinka kala gadisan ee jaamacadeed iyana waxaa loo sameeyey meel kaloo aan aheyn isla xaruntii hore, inkastoo labada waaxoodba eey isla hoos tagayaan kana mid yihiin Hey’ada Tacliinta Sare ee wadankan Pakistan ee loo yaqaa (Higher Education Commission “HEC”). 

Ardeyda dooneysa in eey jaamacad ka bilaabaan wadankan Pakistan, waxaaa looga baahan yahay in eey soo qaataan waxbarashada asaasiga ah ee ka kooban 12-ka sano “12- years of formal basic education” taasoo kala ah: Dugsiga Hoose , midka Dhexe iyo Kan sareba. Maadaama ardeydaas eeysan wadankan ku qaadan 12-kaa sano ee waxbarasho, waa in eey heeystaan shahaadadan cadeyneysa (The Equivelence Certificate) in eey soo qaateen waxbarasho 12-sano ah, waliba 12-kaa sano la midtahay 12-ka sano ee waxbarashada asaasiga ah ee wadankan Pakistan laga qaato. Shahaadadaas waxeey ka saacideysaa ardeyda in eey si dhib la’aan ah loogu ogolaado waxbarashada jaamacadeed ee wadankan Pakistan, una noqdaan ardey u qalanta “Qualified” waxbarasho Jaamacadeed. 

DHIBKA MARKII HORE KATAAGNAA SHAHAADADA TACDIILKA AMA ISBARBARDHIAG 

Xaqiiqdii in Mudo aheydba dhib weyn ayaa ka taagnaa helidda Shahaadadan. Ardey aad u farabadanna waa eey ku rafaadeen, qaar ayaa iyagoo jaamacada dhamaad u mareyso kusigteen in Shahaadadaa darteen loogaba eryo gabi ahaanba waxbarashadii jaamacadeed. Illaa iyo hadana ardeybaa qarka u saaran in laga joojiyo waxbarashada jaamacadda. Ardey kaloo jaamacaddii dhameeyseyna waxaa laga xayirey oo loo diidey Shaahadadii jaamacadeed (The Degree) laguna yiri illaa aad keentaan shahaadada tacdiilka, cidiba idin siinmeyso Degree-giina.  

Waxaa is weydiin mudan; hadii waqtiyadii hore Shahaadadan iska sahlaneyd helideeda maxaa keeynay in laga joojiyo Soomaalida siinta shahaadadan? Waxaa loo aaneeynayaa dhowrkan arimood ee soo socda: 

1-Niman Si Khaldan u fikirey: Marka aan leeyahay niman si khaldan u fikirey, waa sax maxaa yeeley hadii akhristoow sida eey u fikireen sababtey in ardeyda Soomaaliyeed dukumiintiyo eey heli jireen, gabi ahaanba waayeen oo loodiidey, soow fikirkooda ma qaldana? ayaguna soow kuma sifoobayaan niman si khaldan u fikirey? Jawaabtu waa haa. Mudo markii xafiisyada  Pakistan u qaabilsan dukumiintiyada ardeyda Ajaanibta ah Soomaalida ku wareersanaayeen, ayaa waxaa eey madaxdii Pakistan-ta aheyd ee qaabilsaneyd howlahan weydiiyeen ardeydii Soomaaliyeed iyagoo dhahaya “waxaad inoo keentaan ardeydiina Soomaaliyeed bil gudaheed shahaadooyin eey ku kala saxiixan yihiin boqolaal waziir oo midkastaba saxiixiisa u gaaryahay, ee waziiradiinu ma maaliskasta ayaa la badalaa mise wax weyn ayaa si idinka ah? Hadii aan si kale u dhahno micnuhu waa “Ma Foojiriisteyaal baad tihiin?” Guuxa markii uu batey ayaa waxaa Xafiisyada Dowlada tagay Koox is wadata, waxeeyna u geeyeen shahaado gaar ah, waxeey u sheegeen mida eey wataan in eey tahay tan kaliya ee saxda ah, taasna eey noqoto mida eey tahay in eey aqbasho Dowlada Pakistan, waxa kalana eey yihiin wax qaldan oo aan sax aheyn gabi ahaantoodaba, lana soo wadafarsameeyey, sidaa daraadeedna eey qashinka ku daraan. Ogoow akhristoow! Talaabadaas khaldan ka hor ardeyda Soomaaliyeed waxeey geeysan jireen shahaadadii eey wataan, ha ahaadeen shaadooyinkii Dowladii ka horeysey buburka, ama shahaadooyinka Iskuulada waqtigan shaqeeya, iyo hey’adaha eey ku bahoobeen intaba sida: FPENS. Natiijadii waxeey noqotey in Shahaadadii eey la gulfinayeena cidi ka aqbalin, kuwii kalana guud ahaanba la joojiyo! Xaqiiqda ayaa waxeey tahay “Meelkastoo Soomaalida ka xiranta, Soomaali kale ayaa Sooxirtey” laga yaabe in eey is lahaayeen, ummada dhuunta qabta, “Mukhallasiin” ka noqda, kadibana  ka lacageysta!. Soow xaalkuba ma noqon “ Afkiibaa Juuqda gabay!” 

2-Burburka ku yimid Wadankeeni Hooyo, Cabdalla Shideeye iyo Xarumahiisa Dalka: Arinta labaad ee loo aaneynayo ayaa waxeey tahay burburka ku yimid wadankeenii Hooyo. Wadan burburkiisa wuxuu yahay isaga sheekeeyn meyno oo waa waxa nadhigey meesha Soomaali taal manta, ee xaqiiqdii dad badani kaba quusteen “Naxariista Allaah lagama quustee”. Burburkii wadanka waxaa la burburey waxkastoo Soomaali Shansaneeysey. Hadaanse dhinaca Ardeyda iyo waxbarashadooda si gaar ah uga hadlo, waxeey waayeen waxbarashadii lacag la’aanta aheyd dibadana Dowladoodu ugu diri jirtey, halkii waalid aan waxba heysan culeyskaa lagu fiirsan lahaa, -waqtigan dhibka badana iskaba daa warkiisa- iyo ufududeynta waxkastoo wadanka ardeygu waxkabaranayo uu uga baahdo, inkastoo aan maantaba leenahay Safaarado Agoon ah.  

Hadaan usoo laabto Maxallushaahidka ama ujeedada hadalka, akhristoow waxaa dhacda in laba shahaado oo wadanka laga soo wada qaatey iskuna waqti ah, ayaa midi waxaa uu magaca wadanka ugu qoran yahay sidatan: Jamhuuriyada Dimoqraadiga Soomaaliya “Somali Democratic Republic” halka tan kalana uu ugu qoran yahay Jamhuuriyada Soomaaliya “Somali Republic” labadii ardey oo halmar wadanka isla yimid, hal wadanna kawada Socda, iskuna waqti ah, ayaa magacii wadanku kala duwan yahay, sidee Dowlada loola tagayo u fasiran kartaa? Dabcan magaca wadan mararka qaar weey dhacdaa in la badalo, laakiin mar hadii la badalo wixii dukumiinti ah ee ka dambeeya waqtiga magaca wadanka la badaley, waxeey qaataan magaca cusub ee Wadanka loo bixiyey, laakiin hadii labadan Shahaado ee isku waqtiga la bixiyey, magacii wadankaas laba siyaabo ugu kala qoran yahay, bal adiga si uun u sharax! Waxeey Soomaalidu tiraahdaa “Nimaan yaabinaa waa yaabey yiraa (dhaha)” waxaase intaa kasii dhib badan labadaa magac ee halka wadanba aan wadannee, “Waa ka daroo dibi dhale!” shahaadooyinka haltaariiq lawada saxiixey ayaa waxaa kala saxiixey waziirayaal Waxbarasho ee aan lasoo koobi Karin cadadooda, oo midba magaciisa iyo saxiixiisuba u gaar yihiin!, waayaabe ma waxaan dhahnaa Ilbiriqsiyo ayaa Waziiradeena waxbarasho loo badalaa!?. Waxaa sidoo kale jirta in shahaadooyinka qaar dadka farsameeya eey ku soo gaaraan iyadoo magaca waziirku ku daabacan yahay oo mabadalikaraan, laakiin maadaama meelo farabadan oo isla Cabdalla Shideeye ah lagu sameeyo iyo xarumihiisa kala madaxa banaanba ee daafaha wadankoo idil ku kala yaala, waxaa saxiixa Shahaadadaas iyadoo magaca waziirku uu ku daabacan soo baxdey ninka markaa uun kuu sameynaya, hadaba waxaa kuusoo baxa magaca hal waziir waxbarasho, malaayiin Saxiix oo kala Duwana leh!, keebaa sax ah? keebaase khaldan? BaL adiguba isweydii! Sideed u sharaxeysaa Ileyn waxa Dukumiintiyada loogeynayo waa Dowlad nidaam iyo kala dambeyn leh oo sida eey xoriyada u qaadatey Augost14,1947 aan sideena oo kale dib u noqon oo aan is cunine.?  

Xikmadaheena Soomaaliyeed ee Hodonka ah ayaa waxaa ka mid ah mid dhaheysa “Gaalka dil Gartiisana sii” oo micnaheedu yahay: Hadii aad waxsheegeeyso xumaan iyo wanaagba ka sheeg, inta aad xumaanta uun sheegi laheyd. Xaqiiqdii Cabdalla Shideeye wuxuu ummada u hayaa howshii wazaaradihii Dowlada ummada u qaban jireen, marka laga hadlo wixii dukumiintiyo ku saabtsan. Xaqiiqduse waxeey tahay waxwalboo wanaag leh xumaana wey leeyihiin haba kala badnaadeene. 

Cabdalla Shideeye, isagaa ah meesha waxkasoo baxaan, marka waad dareemi kartaa kaalinta uu ku yeelan karo dhibka jira.Waxaa dhacda in Shahaadooyinka uu cabdalla Shideeye Sameeyo qaar waxyaabo xaqiiqdii iyagu eey ku filnaan lahaayeen, eeysan wax mas’uuliyad ah iska saarin- laga yaabe in qaarkood tabarba eey ka noqotey-. Wixii dhib guud ah ee jira ee wax weyn eeysan ka qaban Karin waa gaar, laakiin wixii eey ku filanyihiin waxaa wanaagsanaan laheyn in eey si dadnimo leh ugu guntadaan. Tusaale ahaan waxaa ardey degdeg kusoo baxaya loosoo sameynayaa oo hoosta laga soo galinayaa shahaado maadooyinka qaarna loosoo buuxbuuxiyey, qaar kalana meeshii oo banaan laga tagayba, ama magacii maadada meesha ku qoran yahay ayadoo buundooyinkiina banaanyihiin, halka kuwo kalana maadooyinkii iyo buundooyinkiiba qoran yihiin laakiin loo qorey in ardeygu maado kastaa ku dhacsan yahay oo kale, halka luqadaha qaarna eey buundooyin sareeya ugu qoran yihiin -waa isla shahaadadiiye akhristoow ogoow!-.

Bal fiiri sawirka Shahaadadan ee la socta warbixintan. Maxaa yeeley dadka kawada shaqeysta cabdalla Shideeye qasab maaha in eey isku si uwada yaqaanaan Carabiga, Soomaaliga iyo English-ka, ummad farabadan ayaa waqtigu geeyey cabdalla Shideeye, waligoodba yeysan xafiis shaqadiis arkine, ileyn “Dani waa Seetee!”


Shahaadadii Khaldaneyd ee Cabdalla Shideeye

Waxaa iigu Yaab badneyd markii Arday aan u xareynayey Shahaadadan Tacdiinka aan ku baraarugey in Sanadka uu  Dhashey ee ugu qoran Baasaboorkiisa iyo kan ugu qoran Shahaadada Dugsiga Sare eeyba u dhaxeeyo Sanad dhan! Sanadkee baad u qoreysaa ardeygaa? Hadiise aad sidaas ku gudbiso oo lagu qabsado wixiisoo dhan soow Cancel maaha? Waliba soow lagama yaabo in eey Saameyn Mustaqbalkiisa waxbarasho ee Wadankan Pakistan ku yeelato? “Allow Sahal Amuuraha, Anna waan ku Sugayaa!” 

MUKHALLISIINTA IYO MAXAA KALA HEYSTA ARDEYDA SOOMAALIYEED EE WADANKAN PAKISTAN 

Soomaalida ayaa waxeey ku maahmaahdaa “Nin Bukoow Boqoli kuu talisey!” taasoo micnaheedu yahay marka qofku Bukoodo/Xanuunsado/jirrado, cidkastaa talo kusoo tuurta, “Bal sidaasna maa lagu dayo/tijaabiyo!” ayaa qofkiiba ka naxaya dhahaa.

Dhibweyn ayaa ka taagnaa helida Shahaadadan Muhiimka ah. Dhibkaa jira darteed waxeey noqotey in xalkastaa leysku dayo. Qaar Cabdalla shideeye ayey Lasoo xiriireen -ileyn iyagaa waxkasta farsameyn jiraye- si uun jaamacada eey u tusiyaan, shahaadadii ka xanibneydna ugu qaataan, waana arrin aad u Risky badan, maxaa yeeley waa shahaado leh Tiro Tixane ah “Serial number”, wey sahlan tahay in lagugu qabto, hadhowna lagugu qaado xukun “Foojiriinte!” oo ah mid aan sahlaneyn. Pakistan-se waxaa kugu filan in halmar lagugu tuuro “Xamsiyadeeda sida sahlan lagu galo laakiin sanado eey qaadato in lagu soo xasuusto”.

Maxbuus Pakistani ah laguna magacaabo Shehbaz Javed oo laga daawadey TV-ga DAWN NEWS  ayaa wuxuu yiri “Waxaa leygu xukumey halsano oo kaliya waxaana hadda ii dhamaadey Tobankii sano, walina waan ku jiraa!!!” Soomaalida qaarkeedse waa Qar iska tuuryaal. Cabdalla shideeyuhu aduunka meelkastuu ka jiraaye, qaarbaan Soomaaliyaba waxba u dirsan oo gudahaba ka heley kuwo wax farsameeya, ayadoo dadka intiisa badan looga dhigey mid saxan, maadaama eeysan ka warheyn, loogana qaatey dukumiintigaa “Bugta ah” lacago u dhexeeya Rs: 9,000/ taasoo la eg ( $150), -illaa 12,000/ ($200/) dabcan qiime kasii badanna waa jiraa kaasooo dad looga qaatey-.Soomaalida ayaa waxeey tiraahdaa “Ilaahoow qof aan wax ogeyn ha cadaabin” Lacagtaa waxaa ardeyda ka daldasha niman Soomaali ah oo la qaraabta niman Suudaan iyo Pakistaani ah, oo waa kala qeybsadaan wixii ardeygaa Soomaaliyeed looga helo waraaqahaa aan waxba istaahilin. Mukhalasiinta qaarkooda “Goowso Dhacsadeyna” waxeey Pakistan-ta u tuuraan Shantoo Boqol oo rubi ($8.3/) wixii kalana iyagaa qaata.  

Qaabka ugu xun ee Mukhalasiinta qaar ee ugu indhaha adag sameeyaan ayaa waxaa ka mid ah, in eey u tagaan madaxda joogta meelaha laga bixiyo dukumiintiyada Muhiimka ah nuucii eey rabaan ha ahaadeene, kadibna ku yiraahdaan ninkii Pakistaniga ahaa “War maxaad lacag la’aan ugu bixineysaa Dukumiintiyadan, dadkan lacag waa weyn ayaanba nooga qaadi karaaye, hada kabacdi kiiba Soomaali ah ee kuu yimaada hebel u tag dheh, si aan u noqdo qofka kaliya ee wax kaasoo sameyn kara, ee heliba kara dukumiintigaa loo baahanyahay, waa ballan in aan lacag ka wada dharagnee” Pakistani markii horaba mushaarka ku yaraa, dukumiinti uusan lacag gaar ahna ku heli jirina bixinjirey, hadii Dollar waa weyn la baro, soow ummadoo dhan hal Mukhallas cunaha ha ku wada dhago maaha!? Akhristoow meesha Hunguri dadka qaar la galayse Arag! 

Xaalku intaa kuma ekee, waxaa jira warar Suuqeed ayaamahan Soomaalida wadankan Pakistan isla dhexwareegeysey, kaasoo sheegaya in Shahaadooyinka lagu soo sameeyo Cabdalla Shideeye kala roonyihiin! Tusaale ahaan in shahaadada “Nin gaar ah” uu sameeyo laga aqoon sanyahay wadankan Pakistan! Oo hadii aad ninkaas kasoo sameysato shahaadada dugsiga Sare, aad heleyso Shahaadada Tacdiilka ah ee lagu wareersan yahay, waliba si fudud lagugu siinayo. Waxaas wax kajiraa haba yaraatee ma jiraan. In warkaas dhahaya shahaadada nin hebel sameeyo ayaa saxan uusan habayaraadee waxba ka jirin waxaan u cuskanayaa oo dabcan wax loo cuskado ugu haboon xaqiiqatan, xiriirka aan la yeeshey Safiirka Soomaaliyeed ee wadankan Pakistan H.E Danjire Mudane Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan, wuxuuna ii xaqiijiyey in waxaasi eeysan waxba ka jirin, Aniganna waxaan u xareeyey dhowr ardey oo Shahaadooyin kala Duwan ee Cabdalla Shideeye wata, weyna usoo wada baxdey oo Alla mahadiis hadda wey wada heystaan. Kuwii warkaa faafiyey ula jeedada eey ka lahaayeen Nin walboow sidaad rabto u qaado! 

Waxaa jirta in Shahaadada ugu roon ee Pakistan qofba la soo aado eey tahay shahaadada FPENS, waliba waxeey nimankan Pakistan-ta ku dhagan yihiin Shahaadadii FPENS-ka ee wadata Saxiixii Ustaad Axmed Cabdullaahi Sheik Muxammad (Macallimkeygii Taariikhda islaamka ee Dugsigeygii Sare, ahna Madaxa Iskuulkeeygii Mu’assasatul Imam-A-shaafici.). Waxaanse hubaa in Safaarada Dadaal u geli doonto in eey ka dhaadhiciso xafiisyadan Pakistan-ta in gudoomiyayaasha is bedeli karaan, sidaasna sixiix kale ku imaankaro, inkastoo wixiiba FPENS wata raja weyn lee yihiin, gaar ahaan marka aad xareysaneyso engineering ama Medicine. Xaqiiqdii ma garanayo waxa ku dhacay hey’adihii kale sida: SAFE iyo SOFA. Laakiin Shahaadooyinkii kaloo idil ee Cabdalla Shideeye ama Dowladii Millatery-ga, wax eey is dhaamaan haba yaraatee ma jiraan ee “Guntiga Dhiisha ka dhigo”. 

MALLA HELAA SHAHAADADAN?, WADADEESE LOOMARAA? 

Waxaan dagaal xoogan kala kulmey rag isugu jirey Mukhallasiin Socod barad ah oo afka kala tagay oo Hungurigoodu uu Caqligiiba ka dheereeyey, iyo Mukhallasiintii ku Goowso dhacsatey ee meesha ka Hunguri baratey. Soomaalida ayaa tiraahda “Dawaco (Dacawo) meeshii eey macmacaan ku barato ayey Macluul ugu baqtidaa” waxaa leygula dagaaley in aan ahay nin aan shaqeysaneyn, ragu in uu shaqeystana aan u ogoleyn,“Riibi geedo ma daaqo, lagamana Daaqo” Rag ayaa yiri lacag xoogan ayaa la inoo ogolyahay ee Cabdi Boqorow wadadan hadii aad soo heshey Anagana inoo sheeg “Sir ahaan” Nimcatul Fashuuqanna inala guro oo ummada ha gaarsiin, hadii aad rabto adiga ayaan kuu wada keeneynaa lacagta aan dadka ka qaadno iyo dukumiintiyadaba ee adiga xaree lacagtana inoo qeybi ee fadlan ummada ha gaarsiin. Waxaan ku iri “Lacagtaa Ilaah meel ka kheyr badan ha iiga Sahlo” maxaa yeeley xaqiiqdu waxeey tahay, qofka laga qaadayo $200/ waa dhibane nafla Caarignimo wado, oo aan garaneyn meel kaluu aado, hadii xaqiiqda sida lagu soo helo uu ogaan lahaana ma bixiyeen lacagtaa, wax gaar ah uusan isaga qabsan karin oo nimankan qabanayaana ma jiro, soow lacagtaa Xaaraan maaha marka?

Mukhallasiinta qaar ayaa ku qaraabta in eey wadada caadiga ah ee lagu helo dukumiintiyada qaar soo raadiyaan oo dadaal galiyaan, markii eey soo helaana dadka uga dhiga wax aan la heli Karin in eey iyagu doonaan maahane. Calool xumada jirta ayaase waxeey tahay in ummadu eeysanba rabin in eey is luraan (Is dhibaanba) oo hadiiba la yiraahdo “Hebelbaa sameeya ama soosaara dukumiintigaas”, waxeey horey ka leeyihiin “Lacagta waa iga tan ee hoo”, ayadoo laga yaabo in guriga Muskiisaba uu ku yaalo xafiiska la geynayo, isagoo lacag la’aan ah, wadaduna fududahay. Marka lacagtii larabana waa lagaa qaadanayaa, gurigaada Muskiisana dukumiintiyada ayaa lageeynayaa!

Akhristoow markii aan safaro dhaadheer u galay wax ka ogaashaha Shahaadadan Tacdiilka ee murugada Ummada ku dishey, anigoo sidoo kale dhowr wiil oo wadanka ku cusub hal mar u wada xareeyey, 9-maalin gudo hoodna ugu soo wada baxdey dhib la’aan Shahaadadii Tacdiilka ee helitaankeedu Mustaxiil-ka ahaa, ayaan waxaan go’aan sadey in aan ummada gaarsiiyo in la heli karo iyo wadadii saxda aheyd ee aan u marey, qarashkana yareyd, aanna loo baahneyn in “luuqluuq la maro” ama wax “Laaluush” ah la bixiyo. 

Akhristoow waa la helaa Shahaadadan wadadii loo marayey oo si waafi ah u faahfaahsanna waa tane si fiican u dhuux. Marka horase; waxaa Allaah mahadiis ah in xal loo helay shahaadadan lagu wareersanaa ee ardeydu ka taagneyd “ Alloow Ur u bixi”. Inkastoo Nasiib darro! ardey ogba eeysan jirin qoraalkan ka hor marka laga reebo inta aan Af-ahaan “Orally” ugu sheegay. Xaqiiqdii waxaa mahadweyn iska leh “Allaah kabacdi” H.E Mudane: Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan,(The Ambassador), Mudane: Axmed  Cabdiraxmaan Sh. Nuur (First Secretary and D.H.M.) iyo dhamaan shaqaalaha Safaarada Soomaaliyeed ee Wadankan Pakistan oo dadaal xoog leh u galay sidii  dhibka Ardeyda heysta uga dulqaadi lahaayeen, xalna ugu heli lahaayeen mushkilada meesha ka oogan, iyagoo ugu dambeyntii ku guuleystey Allaah Mahadiis.  

Wadada loo maro helitaankeeda ayaa ah sidan soosocota:

Ugu horey waxaad u baahan tahay in aad Safaarada kasoo qaadato warqad sheegeysa in aad sooqaadatey waxbarasho 12-sano ah, shahaadada Dugsiga sare ee aad wadatana la midtahay ama u dhiganto shahaadada wadankan ee lagu magacaano “F.SC”, waxeey safaarada kaa qaadeysaa lacag aad u yar dhanna Rs: 300/ ama $5/, oo ah “Ka qeyb qaadashada Ijaarka/Kirada Safaarada”, waxaad warqadaas orginal-keeda iyo min hal Koobi oo ah Shahaadada dugsiga sare, passport-kaada (Valid Passport) iyo fiisaha waxbarasho (Study visa) ee aan dhicin, iyo sawir Passport size ah, ula tageysaa xarunta Hey’ada Tacliinta sare ee Pakistan qeybteeda u qaabilsan shahaadada Tacdiilka ee Dugsiyada Sare.

Waxaa xusid mudan in meesha laga xareynayo eey tahay Caasimada wadankan Pakistan ee Islamabad, waxaa sidoo kale jirta in xarumaheeda aad u farabadan yihiin, waliba meelo kala duwan ku kala yalaan, oo isla magaaladaa ah, maxaa yeeley qeybkastaa waxbey ku shuqul leedahay. Tusaale ahaan mid ayaa waxeey bixisaa wixii quseeya Shahaadooyinka jaamacadaha dibada laga soo qaatey oo kaliya, hadeey ahaan lahaayeen : Bachelor, Masters, M-phil ama Phd. Hadii aad dooneyso tan waa Xarunta Weyn ee Hey’ada Tacliinta Sare, adresskeeda, taleefanka iyo fax-ka lagala xiriiri karo waa sidan: Higher (Education Commission, Sector H-9,Islamabad. Ph: 0092-51-9040714, Fax: 0092-51-9040713, ama 0092-51-9258744).. Laakiin tan hadda ina quseysa ee aan ka hadleyno -madaama ardeyda wadankan soo gasha u badan yihiin ardeyda wadata Shahaadada Dugsiga sare-, ayaa xarunta lagala xiriirikaro iyana Addresskeeda, Taleefankeeda iyo fax-keeduba yahay sidan (Inter Board Committee of Chairman “IBCC”,  At Federal Board Building, Near Shifa Hospital, H-8/4, Islamabad.Tel:0092-51-9235020 ama 0092-51-9235017. Fax: 0092-51-9250454), waxaad ula tageysaa dukumiintiyadii aan kor kusoo xusey, waxaad ka qaadaneysaa labo form oo midna lagu buuxbuuxinayo warbixin ardeyga kusaabtsan  “Stdudent particulars”, halka kan kalana uu yahay midkii aad lacagta ku shubi laheyd.

Waxaa leyska qaadaa lacag dhan Rs1500/ una dhiganta ($25/,) waxaana markii hore lacagta lagu shubi jirey Bankiga  address-kan leh, Allied bank Limited, I & T Centre, Branch Sarya Chowk, G-8/4, Islamabad, Laakiin waa laga badalley hadda oo Account-koodii weey kasoo rarteen, Muhiimada eey leedahay in aan xusana waa in formka lacagta lagu bixiyo uu wali ku yaalo/ku qoranyahay magaca Bank-gan iyo address-kiisaba taasoo laga yaabo in  ardeygu uu ku habsaamo ama ku lug-go’o weyna dhacdey, iyadoo waqti iyo lacagba ka khasaarayaan ardeyga maadaama Islamabad meeshii aad aadaba Taksi uun la qaato. Hadase waxaa lagu shubaa lacagta Bangi isla xarunta ku dhexyaalla oo lagu magacaabo United Bank Limited (UBL), waxaa xusid mudan, in meesha eeysan laheyn meel wax lagu koobiyeysto sidaa daraadeed waa muhiim in aad Dukumiintiyadaada hore usoo koobiyeysato (min hal koobi),-hadii aan hada loo sameyn- maxaa yeeley meesha kuugu dhow waa meel aad Taxsi u qaadaneyso. Labada form ee aad buuxbuuxineeyso iyaga wax koobiyeyn ah lagaagama baahna, sidooda ayaad ku dhiibeysaa, waxaa sidoo kale jirta in “Orginal-ka Shahaadada Dugsiga sare iyo Original-ka warqadii aad safaarada kasoo qaadatey iyo koobiyaashaba halmar lagaa wada xareynayo, waxaana lagu ballaminayaa 9-maalmood ka bacdi.

Waa muhiim in ardeyga shahaadada iskuullo kale tusin lahaa si uu ugu bilaabo, uu ku xisaabtamo in Original-ka Shahaadada laga xareeynayo. Waxaa sidoo kale in lagu baraarugsanaado eey tahay in xafiisyada Dowladu la xiro 2:00Pm ama Sideed saac oo duhurnimo sida dadka qaar u yaqaanaan si aadan u luggo’in. 

GABAGABO IYO GUNAANAD  

Gabagabadii iyo gunaanadkii waxaan rajeynayaa in ummad farabadanna eey ka faa’ideysan doonaan, waxaa la yiraahdaa warku waa awood “Information is Power” oo hadii aad war hesho go’aan sax ah in aad gaarto ayuu kugu saacidayaa. Soomaalida ayaa tiraahda “War helaa Talo Hela”. waxaase Calool xumo iyo caloolyoow ah, hadii Waalid iyo ardey masaakiin ah dukumiintiyo aan waxba ka jirin iyo warar been ah lacag looga gurto, ama ardeygu uusanba dhaqaaqin isagoo dukumiintiyadii uu u baahanyahay, laakiin uu ku andacoonayo ma furna ama maba garanayo sidii aan ku heli lahaa ama wadadii aan u mari lahaa. Waxaan si gaar ah uga codsanayaa akhristaha sharafta badan ee warbixintan aqriyey in uu uga faa’ideeyo qofkasta oo eey quseyn karto si eey wax ugu tarto adigana Allaah kaaga Abaal mariyo. 

AFEER IYO FIIRO GAAR Ah 

Wixii aad u dhib badan ee aan laheleyn, qofkii kartidiisa kusoo saara, qarashka laga qaatey maahee, wax macquul ah dulsaarta Sida Islaamku ogolyahay, umaleyn maayo in eey dhibleedahay maadaama Waqti iyo Tamarba (Time ana Energy) uu galiyey. Laakiin meesha kuma jirto in wax aan lacag kaaga bixin Boqolaal Doollar Ummada looga dhaco, ama wax fudud oo wada sahlan loo maro qofka looga dhigo wax aan laheliba Karin Mukhalaskaa in uu howlgalo maahee, ayadoo laga faa’ideysanayo Habacsanaanta ama cuseybka ardeygaa miskiinka ah, sidaana waalid lacag looga feero daaro.Anigase waxii tabarteyda ah dadaaley. Rasuulka (SCW) ayaa xadiith ku yiri “Qulil Xaq Waloowkaana Murraa” oo micnihiisu yahay xaqa sheeg haba qaraarnaadee.wuxuuna sidoo kale yiri “Allaahu fiicownilcabdi maakaanalcabdu fii cowni Akhiihi” oo micnaheedu yahay Allaah wuu caawinayaa, inta uuba adoonku caawinayo walaalkiis. Yaan caawinta Allaah u baahneyn!? Jawaabtu waa Cidna. 

MAHADNAQ: 

Waxaan u mahadnaqayaa walaalkeeyga iga yar: Eng.Cali Maxamed Cismaan (Cali Nuur), boqoryare_1@hotmail.com ,Dumaashidey: Naciima Axmed Yuusuf (Ummu Sumaya) kuwaasoo qeyb libaaxleh ka qaatey dib u sixida warbixintan, iyo dhamaan intii igu dhiiragalisey in aan diyaariyo warbixintan muhiimka ah. 

FG: fadlan wixii Talo iyo Toosin ah iigu soo dir E-mailkeyga meesha ku xusan.

Qormadii Hore: CAQABADAHA KALADUWAN EE KU QABSADA ARDEYDA SOOMAALIYEED WADANKAN PAKISTAN  

Wabillahi Towfiiq 

Cabdi Boqor
Qoraa: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdi Boqor”
BBA (Horns), MBA (in Progress)
Karachi-Pakistan
Mobile: 0092-3002477489
abdulkadirphd@hotmail.com

Maxaa Keenay Guuldarada Ardeyda Soomaaliyeed ee Sweden

SomaliTalk.com | Nov 9, 2007

Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com