SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print


1997 / 1998 - Jariidad kasoo baxda dalka Talyaaniga oo lagu magcaabo Famiglia Cristiana ayaa daabacday qoraalo xiriir ah oo si waadax ah u faahfaahinaya eedaymo la xiriira sunta lagu duugay Soomaaliya oo ay jariidadu magcawday labada shirkadood ee kala ah Achair Partners (Swiss), iyo  Progresso (Italian). Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay. Heshiiskaasi wuxuu dhacay December 1991, waxaana Cali Mahdi Maxamed "maamulkisii" u saxiixay "Wasiirkiisii Caafimaadka" Nuur Cilmi CUsmaan ( Nur Elmy Osman ). Waxaana qorshuhu ahaa in sannadkiiba Soomaaliya lagu duugo sun miisan keedu dhan yahay 500,000 tons.



Bayaankii ay Soo Saareen Guurtida Beelaha Deggan Degmada Boosaaso


Bayaanka oo dhamaystiran iyo odayaasha saxiixay halkan ka akhri...

Bayaan ay golaha odayaasha Boosaaso soo saareen 21/10/2007 oo ku socotey madaxweynaha DGPL iyo golaha xeer dejinta iyo xubno kale oo ka mid ah DGPL, ayaa ku bilowday CABASHO ka timid  Guurtida Beelaha Degan Degmada Boosaaso, qoraalka ayaa ku bilowday sidan:

Kaddib markii lagu kala diray golihii degaanka degmada Boosaaso dikreeto madaxweyne, laguna caddeeyey in muddo dhan afartan iyo shan (45) cisho gudahoos lagu soo dhisi doono gole cusub islamarkaasna aysan soo deli karin xildhibaanadii golihii hore ee lakala diray golaha cusub.

Waxa la soo magacaabay guddi heer qaran ah guddigaas oo dhisay xildhibaanadii golaha degaanka degmada Boosaaso kadibna dhaariyey halkaasna ay ku xalaaloobeen 27 xildhibaan oo degmada Boosaaso leeday iyada oo yeeshay xisaanaddii xildhibaannimo isla markaasna ay ahayd in ay iska dhex doortaan golahaasi duqii degmada iyo ku xigeenkiisii kadibna guda galaan hawshii loo doortay.

Waxaa dhacday in ay fuli weydo arrintaas iyada oo guddigii sheegeen in ay u joojiyeen doorashadii awaamiir kaga timid madaxda sare ee Dowlad goboleedka Puntland.

Sidaas daraadeed, waxaannu madaxda warqadani sida tooska ah iyo ogeysiisntu ugu socota halkan ugu soo gudbineyaa cabashooyinka la xiriira arrintaas CABASHOOYINKA HALKAN KA AKHRI...

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 9, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com